Home Blog Page 277

Shil Gaari oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Jimco 28, Nov  2025 {HMC}Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo saakay aroortii hore ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilkan ayaa yimid kadib markii gaari nooca xamuulka qaada ah oo kasoo baxay dekada weyn ee Muqdisho uu ku dhacay Mooto Bajaaj mareysay wadada oo ay saaranayeen sadax ruux.

Sadaxda ruux ee saarna Bajaajta ayaa la xaqiijiyay in mid ka mid ah uu geeriyooday, iyadoo labada ruux ee kale uu soo gaaray dhaawac culus, kuwaas oo loo qaaday xarumaha caafimaadka magaalada Muqdisho.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in darwalkii waday gaariga Xamuulka ah uu isaga baxday goobta uu shilka ka dhacay, islamarkaana haatan ay baadi goob ugu jiraan ciidamada amaanka sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayeen.

Shilkaan saakay ka dhacay Isgoyska Jubba ayaa sababay in mudo kooban uu xirmo dhaqdhaqaaqii isku socodka wadadaas, waxaana xusid mudan shilalka noocan oo kale ah inta badan loo sababeeyo khibrad yarida darawalada qaar oo gaadiidka si xad dhaaf ah u kaxeeya, taasina ay keento inay lumiyaan xakamaynta gaariga marka ay wajahaan xaalado halis ah.

Diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu qarxiyay ceelka gaaska Khormor ee dalka Ciraaq,

0

Khamiis 27, Nov  2025 {HMC} Diyaarad aan duuliye lahayn ayaa lagu qarxiyay ceelka gaaska Khormor ee ku yaalla gobolka Kurdistaan ee dalka Ciraaq , iyadoo weerarka uu dhacay xilli marxalad xasaasi ah ay ku jirto Ciraaq oo ay socdaan dadaallada lagu soo magacaabayo Ra’iisul wasaaraha cusub , kaddib doorashadii dhawaan ka dhacday Ciraaq.

Laakin muxuu salka ku hayaa weerarka ka dhacay ceelka Khormor?

Weerarkan wuxuu dhaliyay in isla markiiba ay istaagaan dhammaan sahaydii gaaska u socday warshadaha korontada ee gobolka, taas oo saameyn ku yeelatay ku dhowaad sideetan boqolkiiba korontada Kurdistaan.

Weerarkani ma ahayn mid cusub, waayo marar hore ayaa isla goobtan lagu qaaday weerarro ay fuliyeen kooxaha Shiicada Ciraaq, kuwaas oo loo arkay inay si hoose uga amar qaataan Tehran.

Dhacdadu waxay ku soo beegantay xilli dawladda cusub ee Ciraaq laga wadahadlayo, taas oo ka dhigaysa in weerarka loo qaadanayo farriin siyaasadeed. Todobaadkan, Nouri al-Maliki oo ka mid ah magacyada la hadal hayo ee noqon kara ra’iisul wasaaraha Ciraaq ayaa booqday Kurdistaan, wuxuu la kulmay Masu‘ud Barzani.

Waxaa suuragal ah in kooxo doonaya inay carqaladeeyaan wadahadalkaas inay beegsadeen Khormor, si Barzani loogu cadaadiyo go’aanno ku saabsan qaabka lagu dhisayo dawladda cusub. Waxaa kaloo macquul ah in kulankii Maliki iyo Barzani aanu si fiican u dhamaan, weerarkana uu yahay mid ka dhashay khilaaf qarsoon oo labada dhinac u dhexeeya.

Dhanka kale, ceelka gaaska ee Khormor waxaa iminka maamula shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo guulo muuqda ka gaartay kordhinta tamarta gobolka, ilaa heer sahayda korontada ay ku dhowdahay inay noqoto mid si buuxa ugu filan baahida gobolka.

Arrintani waxay keentay in su’aalo la iska weydiiyo cidda ka soo horjeeda maalgashiga Khaliijka ee Kurdistaan inuu guuleysto, iyo in dadka qaarkood aysan dooneyn in Ciraaq yareyso ku-tiirsanaanta gaaska Iiraan.

Waxaa u muuqata in weerarku u yahay farriin laba-geesood ah; mid lagu cadaadinayo Barzani marka uu go’aamada dawladda cusub lagu dhisayo qaadanayo, iyo mid lagu tusayo Imaaraadka in saameyntooda dhaqaale ee Kurdistaan aysan cid walba u farxad gelin.

Marka la isku wada daro, tilmaamaha ugu waaweyn waxay muujinayaan in weerarka ay ka dambeeyeen kooxo gudaha Ciraaq ka dhisan oo leh xiriir dhow oo siyaasadeed iyo mid amni oo ay la leeyihiin Iiraan, kuwaas oo aan doonayn isbeddel ku yimaada dhaqaalaha Kurdistaan, hadday noqon lahayd awood siyaasadeed oo Barzani helayo ama madaxbannaani dhaqaale oo ka imaanaysa maalgashiga Khaliijka.

Xigasho Iman Jamac

Trump oo bartilmaameed soo noq noqda ka dhigtay Soomaalida deggan Gobolka Minnesota.

0

Khamiis 27, Nov  2025 {HMC} Trump ,wuxuu bartilmaameed soo noq noqda ka dhigtay Soomaalida deggan gobolka Minnesota, oo mar kale uu hadda ku sheegay inay lunsadeen malaayiin doollar si sharci darro ah , sidoo kalena ay wax u dhimayaan amniga Minnesota, mar kasta oo bulshada Soomaalida uu ka hadlayo waxaa kaloo uu ku soo daraa nidaamka dawladeed ee Soomaaliya oo uu ku sheego mid aan waxba ka jirin.

Hadalladan soo noq noqda kama marna arrimo siyaasadeed oo isugu jirta cadaadis iyo cabsi gelinta cod bixiyaasha Soomaalida , halka uu sidoo kale hadalladiisa ugu muujinayo xagjirka Mareykanka inuu yahay hoggaamiye dalkooda ka ilaalinaya soogalootiga sharci darrada ah, kuwa ku xad-gudbaya shuruucda iyo maaliyadda. Mana aha wax iska dhacaya ee waa culeys ay Soomaalidu leeyihiin.

Marka ay timaaddo waxa ay tahay in ay sameeyaan Soomaalida Mareykanka , waa inaysan Soomaalida Mareykanka ku koobnaan falcelin baraha bulshada, balse waxay u baahan yihiin inay yeeshaan hoggaan matala, oo si toos ah ugu jawaaba siyaasiyiinta hadallada ka dhankaga ah jeediya, kana qayb qaata doodaha warbaahinta Mareykanka.

Haddii aadan is matalin, cid kale ayaa kuu matalaysa, badankoodna waxay kuu sawiri doonaan si xun. Waa in bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka ay xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin Congress-ka, Senate-ka iyo siyaasiyiinta kale ee Mareykanka, si ay u noqdaan bulsho leh saaxiibo siyaasadeed oo difaaci kara marka ay la kulmayaan cadaadiska.

Waxaa la jooga marxalad uga baahan jaaliyadda Soomaalida feejignaan iyo isku xirnaan, tamarta badan ee ay ku bixin jireen isku soo baxyada maamul gobolleedyada iyo qabiilka waa inay markan mideeyaan oo ay diiradda saaran sidii ay u buuxin lahaayeen daldaloolada sharci ee lagu heli karo iyo isku diyaarin difaac sharci, sababtoo ah waxaa cad markan Trump inuu indhaha ku hayo Minnesota oo la arki karo tallaabooyin aysan horey u xisaabin Soomaalida kala qeybsan oo iyadoo aan la kala soo ceyn ay wajihi karaan cawaaqib aan la mahdin.

Marka laga hadlayo bahdilka iyo aflagaadada ka dhanka ah Soomaaliya , waa wax uga baahan dawladda Soomaaliya inay siyaasad ka yeelato, waa wax cad inaysan Soomaaliya ku dhiirran karin tallaabooyin ama xataa habab diblomaasiyadeed oo adag ,laakin hadana waxaa u furan safaaradda Soomaaliya ee Washington inay la shaqeyso ururrada Soomaalida si ay u diyaariyaan warbixin rasmi ah oo muujinaysa horumarka Soomaaliya, amniga Muqdisho, iyo dadaallada dawlad-dhiska.

Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya, oo Maanta Booqday Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya.

0

Khamiis 27, Nov  2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad.

Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada difaaca, la dagaallanka argagixisada, iyo mashaariicda lagu horumarinayo awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee dalka, taasoo gacan ka geysaneysa xasiloonida Soomaaliya, ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka.

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo balan qaad awood leh ka heshay Mareykanka.

0

Khamiis 27, Nov 2025 {HMC}  Puntland oo balan qaad awood leh ka heshay Mareykanka.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Wabiga shabelle oo ka guray Dagmada Afgooyo.

0

Khamiis 27, Nov 2025 {HMC} Wabiga shabelle oo ka guray Dagmada Afgooyo.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka cusub ciidamadii la wareegeeyTalada dalka Guinea-Bissau iyo madaxweynihii oo wali xiran ?

0

Khamiis 27, Nov 2025 {HMC} Maxaa ka cusub ciidamadii la wareegeeyTalada dalka Guinea-Bissau iyo madaxweynihii oo wali xiran ?

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa Weeyn somaaliya iyo Caalamka 27-11-2025

0

Khamiis 27, Nov 2025 {HMC} Wararka ugu waa Weeyn somaaliya iyo Caalamka 27-11-2025

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Somali FM Calls for Strong National Sovereignty at Tangier MEDays Panel.

0

Tangier, 27, Nov  2025 {HMC} – The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, participated on Thursday in a high-level panel discussion during the 17th Edition of the MEDays Forum in Tangier, Morocco.

The panel, titled “Emerging Africa, Winning Africa: Strengthening Sovereignty, Enhancing Governance & Securing Stability,” focused on Africa’s evolving political and economic landscape.

During the session, Minister Abdisalam underscored the importance of national sovereignty in supporting effective governance, economic resilience, and long-term stability.

The MEDays Forum, held from November 26 to 29, is recognized as one of the year’s major platforms for geopolitical and economic dialogue.

Organizers reported record participation in the 2025 edition, with more than 4,500 registered attendees and 450 high-level guests, including heads of state, ministers, and international experts.

More than 450 speakers contributed to a wide range of thematic sessions at the forum, which was held under the theme “Fractures & Polarization:

Reinventing the Global Equation.” The event aimed to provide a space for rethinking international dynamics at a time of rising geopolitical tension and global polarization.

Prime Minister Hamza Abdi Barre Proposes African-Led Maritime Alliance and “Global South” Investment Fund at MEDays Forum

Thursday  27, Nov 2025 {HMC}  The Prime Minister of the Federal Government of Somalia, H.E. Hamza Abdi Barre, delivered a compelling keynote address today at the opening of the 17th edition of the MEDays International Forum in Tangier, Morocco, outlining a bold vision for economic connectivity and technological sovereignty in the Global South.

Addressing an audience of world leaders, policymakers, and international delegates, Prime Minister Barre proposed the creation of an African-led Maritime Alliance connecting African nations with countries bordering the Atlantic Ocean. He emphasized that such an alliance would be pivotal in enhancing security and trade routes. Furthermore, the Prime Minister championed the establishment of a direct maritime trade corridor linking East Africa with Morocco, a strategic move designed to integrate the continent’s eastern and northern economies more effectively.

In addition to maritime strategy, Prime Minister Barre called for the establishment of a “Global South Investment Fund.” This financial mechanism would be dedicated to fostering development and infrastructure projects across developing nations, reducing reliance on traditional financing models that often come with restrictive conditions.

Touching on the future of technology, the Prime Minister advocated for the creation of an Artificial Intelligence (AI) Forum specifically tailored to the Global South. He stressed the importance of developing AI systems that respect and incorporate the diverse languages and cultural contexts of southern nations, ensuring that the technological revolution remains inclusive and equitable.

Prime Minister Barre, who is accompanied by the Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, is among the key heads of state and government attending this year’s forum.

During his stay in Morocco, Prime Minister Hamza is scheduled to hold various sideline meetings with global leaders and dignitaries to discuss strengthening bilateral relations and advancing Somalia’s strategic interests on the international stage.

Source sonna