Home Blog Page 278

DFS oo Sacuudi Carabiya uga mahacelisay taageerada la dagaallanka AS

Khamiis 27, Nov 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in Wasiir Fiqi uu ku bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada difaaca, la dagaallanka Al-Shabaab, iyo mashaariicda lagu horumarinayo awoodda Ciidamada Qalabka Sida.

Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad ayaa dhankiisa uga mahaceliyay Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi soo dhaweentiisa ee Xafiiska.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Soomaaliya ka fulisa mashaariic horumarineed oo ku saabsan dhanka arrimaha Bani’aadannimada, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo waxbarashada.

Guddiga Joogtada Ah Ee Golaha Shacabka Ayaa Maanta Yeshay Kulankodii Joogtada Ahaa.

Khamiis 27, Nov 2025 {HMC}  Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka Guddiga Joogtada, kaas oo ka qabsoomay xarunta guddoonka iyo guddiyada Baarlamaanka ee Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyay shuruucda horyaalla Baarlamaanka, iyo sidoo kale la xisaabtanka wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda,

Sidoo kale, Guddomiyaha ayaa guddiga la wadaagay faahfaahin ku saabsan shirkii Guddoomiyaasha Baarlamaannada Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika ee Kampala ka dhacay, halkaas oo Soomaaliya loogu doortay shir-guddoonka guddoomiyaasha baarlamaanada ururka.

Waxaa sidoo kale lagu go’aamiyay in Soomaaliya ay martigeliso shirka Guddoomiyaasha Baarlamaannada Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika bartamaha sanadka 2026.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku boorriyey guddiyada in ay sii dardar geliyaan ka shaqeynta shuruucda horyaalla, ayna golaha u soo gudbiyaan si waajibaadka sharci dejinta dalka loo hormariyo.

Farmaajo urges Somali leaders, business community to aid drought-stricken families

Thursday  27, Nov 2025 {HMC} – Former Somali President Mohamed Abdullahi Farmaajo has urged Somali business leaders and religious scholars to step up support for drought-affected communities amid a worsening humanitarian crisis.

In a press release issued on Wednesday, Farmaajo said thousands of vulnerable families have not received adequate assistance over the past two years, and their situation continues to deteriorate. He appealed to Somalis at home and abroad especially scholars, businesspeople, and the diaspora to mobilize resources as international aid has sharply declined and no longer meets the urgent needs on the ground.

Farmaajo also called on leaders of the Federal Government and Federal Member States to work together in responding to the crisis. He expressed hope that the international community would accelerate relief efforts to reach the most affected populations.
Somalia is facing a rapidly worsening drought, with large parts of the country severely parched following four consecutive failed rainy seasons. Millions are now at risk of hunger and displacement, according to UN humanitarian agencies.

On 10 November, the Federal Government formally declared a drought emergency and appealed for urgent international assistance as conditions continue to worsen across northern, central, and southern regions.

 

SOurce Hiiraan Online

NISA Dismantles Terror Network, Arrests 11 Operatives in Intelligence-Led Operation

Thursday  27, Nov 2025 {HMC} The National Intelligence and Security Agency (NISA) has successfully dismantled a dangerous network of Al-Shabaab operatives, arresting 11 individuals accused of plotting acts of terror and espionage against the state and the public.

In a statement released today, security officials confirmed that the operation targeted a clandestine cell that had been active within the capital, Mogadishu, as well as the surrounding regions of Lower Shabelle and Middle Shabelle. The apprehended individuals were reportedly in the advanced stages of planning terror attacks and gathering intelligence to facilitate violence.

The arrests were the result of a sophisticated, intelligence-led effort. NISA agents, having gathered critical data on the group’s movements and intentions, executed a coordinated sweep to neutralize the threat. Officials noted that the operatives were tracked down and arrested individually, with several suspects caught red-handed while actively engaging in criminal activities related to terrorism.

The Federal Government of Somalia has intensified its crackdown on anti-peace elements, leveraging improved intelligence capabilities to disrupt plots before they can be carried out.

NISA has confirmed that all 11 suspects are currently in custody and undergoing interrogation. They will be transferred to the competent judicial authorities to face full legal prosecution for their alleged crimes against the nation.

SOurce Sonna

DFS oo maanta dhaqan-gelisay nidaam ETA

Khamiis 27, Nov 2025 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u dhaqan-gelisay nidaamka cusub ee ETA oo lagula soconayo dhammaan socdaalka iyo dadka duulimaadyada caalamiga ah ku imaanaya gudaha Soomaaliya.

Nidaamka cusub ayaa shirkadaha diyaaradaha ku amraya in aysan soo qaadi Karin qof aan heysan oggolaanshiyaha Dowladda Federaalka iyo Nidaamka E-visa.

Baaritaanka ETA-da ayaa noqonaya mid toos ah oo laga hubinayo rakaabka ka hor inta aysan ka soo duulin garoomada caalamiga ah.

Sidoo kale, nidaamka ayaa qorshahiisa yahay in lagu ilaaliyo amniga guud ee dalka gaar ahaan si looga taxadaro nabad galyo darro.

Tallaabadan waxay imaaneysaa xilli Somaliland iyo Puntland ay horey u muujiyeen diidmo ay kaga soo horjeedaan nidaamka e-visa-ha federaalka, in ay si madaxbannaan u maamulanayaan Hawada.

{DAAWO MUQAALKA} Aqalka cad oo la galiyay xaalad deg deg ah ka dib togasho ka hor dhacday.

0

Khamiis 27, Nov 2025 {HMC} Aqalka cad oo la galiyay xaalad deg deg ah ka dib togasho ka hor dhacday.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Mareykanka iyo itoobiya oo door cusub ku yeelanaya Dagaalka AS.

0

Khamiis 27, Nov 2025 {HMC} Mareykanka iyo itoobiya oo door cusub ku yeelanaya Dagaalka AS.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Soomaaliya oo maanta Bilaaweysa nidaam EVIsa.

0

Khamiis 27, Nov 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya oo maanta Bilaaweysa nidaam EVIsa.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Dagaalamayaal As ay u diyaariyeen Muqdisho oo la qabtay.

0

Khamiis 27, Nov 2025 {HMC} Dagaalamayaal As ay u diyaariyeen Muqdisho oo la qabtay.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

NISA oo gacanta ku dhigtay 11 ruux Oo Lashegay In amni darro ah ka geysteen magaalada Muqdish.

Khamiis 27, Nov 2025 {HMC}  Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee (NISA) ayaa gacanta ku dhigtay shabakad ka kooban 11 ruux, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay falal amni darro ah ka geysteen magaalada Muqdisho, iyo deegaanno ka tirsan labada Shabeelle.

Warkaan oo ka soo baxay Hay’adda NISA, isla markaan lagu faafiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu yiri, “NISA ayaa gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka kooban ilaa 11 dhagar-qabe, kuwaas oo ku howlanaa falal argagixiso isla markaana ku dhuumaaleysanayay Muqdisho iyo deegaanno ka tirsan Gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.”

Sidoo kale warsaxaafadeedka ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu yiri, “Dhagar-qabeyaashan ayey Khawaarijtu u soo diyaariyeen inay fuliyaan shirqoollo argagixiso, basaasnimo, iyo inay isku dhex qarin karaan shacabka, Ciidanka Sirdoonka Qaranka oo hayay xogtooda oo dhammeystiran ayaa mid mid u soo qabtay xilli ay qaarkood gacanta kula jireen fal-dambiyeedyo argagixiso.”

NISA ayaa sheegtay in xubnahaan loo gudbin doonaa hay’adaha ku shaqada leh, si looga qaado tallaabada ku habboon. Sidoo kale Hay’adda ayaa muwaadiniinta ugu baaqday in la soo wadaagaan wixii khatar amni oo ay la kulmaan.

Magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku hareersan ayaa laga dareema amni ay kaalin wanaagsan ka qaateen ciidanka amniga gaar ahaan Hay’adda NISA, oo ciidamado ku labisan dareeska Hay’adda lagu arkayay badi waddooyinka caasimadda.

Mustaqbal