Home Blog Page 280

Xoga qorsoodi ah oo laga faafiyay kulankii Aqalka Cad Ay ku yeesheen Trump iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga.

0

Arbaco 26, Nov 2025 {HMC} Warbaahinta Axios ayaa soo bandhigtay macluumaad aan horey looga baahin kulankii 18 bishan November ay Aqalka Cad ku yeesheen Trump iyo dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga , Maxamed Bin Salmaan, iyadoo warbixintan lagu sheegay.

Inta uu socday wadahadallada gaarka ah, wuxuu Trump xoogga saaray sidii uu ugu qancin lahaa Maxamed Bin Salaam , inuu Sacuudiga ku biiro heshiiska Abraham Accords, si xiriir diblomaasiyadeed ay u yeeshaan Sacuudiga iyo Israa’iil.

Trump wuxuu filayay in la gaaro horumar muuqda, balse Maxamed Bin Salmaan ayaa si cad uga horyimid, isaga oo sheegay in dareenka shacabka Sucuudiga uu weli aad uga soo horjeedo Israa’iil kaddib dagaalka Qasa, isla markaana caadiyeynta xiriirka aanay suurtagal ahayn ilaa Israa’iil ay oggolaato waddo dhab ah oo wakhti cayiman leh oo loo maro dhismaha dawladda Falastiin,taas oo Netanyahu iyo maamulkiisa ay ka soo horjeedaan.

Saraakiil xog-ogaal ah ayaa sheegay in Trump uu kulanka ka baxay isagoo niyad-jabsan oo xanaaqsan,inkastoo kulanku uu weli ahaaday mid anshax iyo degganaan ku dhamaaday.

Madaxweynihii Guinea-Bissau oo la xiray.

0

Arbaco 26, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Guinea-Bissau Umaro Sissoco Embaló ayaa waxaa xiray kooxo hubeysan maalmo un kadib doorasho muran badan dhalisay oo mucaaradka loo diiday inay ka qeyb galaan.

Ilaa hadda ma cadda cidda masuulka ka ah xarigga.

Rasaas ayaa ka dhacaysay caasimadda iyadoo Embaló iyo ninka ka soo horjeeda ee Fernando Dias ay sheegeen inay guul gaareen.

Sidoo kale, rasaas ayaa Arbacadii ka dhacday meel ku dhow xarunta guddiga doorashada ee Guinea-Bissau, waxayna ahayd maalin ka hor markaas oo la filayay in lagu dhawaaqo natiijada.

Dalka galbeedka Afrika ku yaala ee taariikhda kacaanka leh ayaa Axaddii waxaa ka dhacday doorasho madaxtinimo iyo mid baarlamaan.

Tartankan ayaa waxaa isaga hor yimid madaxweynaha xilka haya Umaro Sissoco Embalo iyo ninka la tartamayay ee Fernando Dias, iyadoo labada dhinacba ay guul ka sheegteen wareegii koowaad horaantii todobaadkan.

Ilaa hadda ma cadda cidda ku lug lahayd toogashada, waxaana goob joog ka ahaa wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters iyo laba kale oo ka mid ah dadka deegaanka.

Afhayeenka Embalo oom la yiraahdo Antonio Yaya Seidy ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in dabley aan la aqoonsan ay weerareen guddiga doorashada si ay uga hortagaan ku dhawaaqista natiijada cod bixinta.

Waxa uu sheegay in dadkaasi ay xiriir la lahaayeen Dias, isagoo aan soo bandhigin cadeymo. Afhayeen u hadlay Dias oo wax laga weydiiyey ayaan ka jawaabin.

Soomaaliya iyo Interpol oo ka wada hadlay amniga

Arbaco 26, Nov 2025 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil {Fartaag}, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Booliska (Interpol), Axmed Naasir.

Kulanka oo qabsoomay intii uu socday Fadhiga 93-aad ee Golaha Guud ee Interpol, oo sanadkan ka dhacay magaalada Marrakech, Morocco.

Labada mas’uul ayaa wada hadlay qoddobo ay kamid yihiin la dagaallanka dambiyada abaabula, ka hortagga argagixisada, is-weydaarsiga xogaha amniga ee caalamiga ah, tababarrada iyo taageerada farsamo ee hay’adaha amniga Soomaaliyeed

Wasiirka Amniga ayaa uga mahadceliyay Interpol doorka ay ku leedahay xoojinta amniga caalamka, isaga oo muujiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay ka qaybqaadashada iskaashiga amni ee caalamiga ah.

Dhankiisa, Madaxweynaha Interpol Mudane Axmed Naasir ayaa ammaanay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee amniga, waxaana uu ballan qaaday in Interpol ay sii kordhin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Fadhiga 93-aad ee Golaha Guud ee Interpol ayaa ah mid ka mid ah madalaha looga arrinsado amniga caalamiga ah, xilli Soomaaliya ay dareemayso dib u soo kabasho amniga.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Maanta Gaaray degmada Beer-gadiid.

0

Arbaco 26, Nov 2025 {HMC} Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Maxamed Xuseen Maxamed (Maxamed Carab) iyo wafti balaaran uu Hogaaminaayey oo safar shaqa uga soo amba-baxay magaalada beledweyne ayaa soo gaaray degmada Beergadiid ee Gobolka Hiiraan.

Waftigan waxaa ka mid ahaa Xildhibaano iyo wasiiro Ay ka mid yihiin xildhibaan Guhaad cabdulle iyo xildhibaan cumar muse xalane, iyo weliba sidoo kale wasiiru dowladaha wasaarada cadaalada iyo arimaha Garsoorka mudane Mahad Maxamed Xasan beeyle.

Taliyah Qeeybta Poliiska Gobolka Hiiraan.korneyl isaaq cali cabdulle iyo wax garad kale.
Waftigaan waxaa si qurux badan oo maqaam-keedu sareeyo ugu soo dhaweeyey degmada Beergadiid gudomiye ku xigeenada degmada matabaan, oo kala ah arimaha bulshada iyo amniga.

Si lamida waxaa soo dhaweeyntaan tiir-dhexaad u ahaa maamulka degmada Beer-gadiid, iyo shacabka qeeybahiisaa kala duwan.

Gaba-gabadii Waftiga safarkaan oo miisaankiisu culus-yahay ayaa saacadaha soo socda gaari doona degmada matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Halkaas uu Gudoomiyuhu shaqa badan oo muhiim ah ka qaba doona.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan mudane:maxamed carab ayaa u mahad celiyey masuuliyiintii iyo bulshadii sida quruxda badan u soo dhaweeysay, waxaa uuna kula dardaarmay inaay ka shaqeeyaan nabada iyo Horumarka Gobolka.

-DHAMAD

{DAAWO MUQAALKA} Turkiga oo soo saaray Diyaarad Drone ah oo hawada kula Dagaalami karto Mareykankan

0

Arbaco 26, Nov 2025 {HMC} Turkiga oo soo saaray Diyaarad Drone ah oo hawada kula Dagaalami karto Mareykankan

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Dood ka dhalanatay xildhiban so jediyay in muqdisho laga raro xarunta barlamanka iyo xildhibano kale

0

Arbaco 26, Nov 2025 {HMC} Dood ka dhalanatay xildhiban so jediyay in muqdisho laga raro xarunta barlamanka iyo xildhibano kale

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Nabadoon Asad ” Lixdaas Nin iyaga ayaa Dilay Mudalib”

0

Arbaco 26, Nov 2025 {HMC} Nabadoon Asad ” Lixdaas Nin iyaga ayaa Dilay Mudalib”

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay sababta Filand ay Darbiga ay ugu dhiseeyso Xadka ay la wadaagto Ruusha.?

0

Arbaco 26, Nov 2025 {HMC}  Maxay tahay sababta Filand ay Darbiga ay ugu dhiseeyso Xadka ay la wadaagto Ruusha.?

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Xasan Farambi ” Kaarka Niir5a Arinteeda waa Mid argagax leh”

0

Arbaco 26, Nov 2025 {HMC}  Xildhibaan Xasan Farambi ” Kaarka Niir5a Arinteeda waa Mid argagax leh”

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Xoogga dalka oo ku wajahan Jilib, oo ah xarunta ugu weyn ee AS

0

Arbaco 26, Nov 2025 {HMC}  Ciidamada Xoogga dalka oo ku wajahan Jilib, oo ah xarunta ugu weyn ee AS

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA