Home Blog Page 288

Maxkamadda Puntland oo dil ku xukuntay haweeney dishay Saabiriin oo ahayd gabar 14 jir ah

Isniin 24, Nov 2025 {HMC} Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Mudug ee Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Hodan Maxamuud Diiriye, oo lagu helay inay dishay marxuumad Saabiriin Saylaan, oo ahayd gabar 14 jir ah oo gurigeeda kula noolayd.

Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kaddib dhageysi saacado badan qaatay oo si toos ah looga daawanayay baraha bulshada. Sidoo kale, maxkamaddu waxay hal sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan $500 ku xukuntay sayga Hodan, oo 65 jir ah, kaasi oo lagu helay inuu qeyb ku lahaa dambiga.

Inkasta oo Hodan Maxamuud ay maxkamadda ka sheegtay inay aysan dilin Saabiriin, haddana waxay qiratay inay jirdil joogto ah u geysan jirtay. Maxkamaddu waxay sheegtay in caddaymaha la soo bandhigay ay muujinayaan in ay iyadu ka dambeysay falka dilka ah.

Maxkamaddu waxay labada eedeysane u ogolaatay muddada racfaanka oo ah hal bil. Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa sheegay inuusan ku qanacsanayn xukunka maxkamadda isagoo sheegay inuu racfaan ka qaatay xukunka lagu riday Hodan.

Marxuumad Saabiriin, oo aan weli la aasin, ayaa lagu wadaa in galabta loo wareejiyo ehelkeeda si ay u aasaan.

Dilka Saabiriin ayaa sidoo kale sababay mudaharaadyo ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo sababay dhimashada hal qof iyo burbur hantiyadeed oo baaxad leh.

Around The Web

{DAAWO MUQAALKA} Ciidanka Boliska oo Gacanta kuso dhigay Eedeysanayaal jirdil u geeystay gabar yar oo u shaqeeyneysay

0

Isniin 24, Nov 2025 {HMC}  Ciidanka Boliska oo Gacanta kuso dhigay Eedeysanayaal jirdil u geeystay gabar yar oo u shaqeeyneysay

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Xukun adag oo lagu Riday Haweeneeydii Dilka u Geeysatay Marxuumad Saabiriin.

0

Isniin 24, Nov 2025 {HMC} Xukun adag oo lagu Riday Haweeneeydii Dilka u Geeysatay Marxuumad Saabiriin.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 24-11-2025.

0

Isniin 24, Nov 2025 {HMC} Wararka Ugu waa Weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 24-11-2025.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Soomalida ku nool Minneapolis oo Dhigay Banaanbax ka Dhan ah MW Trump

0

Isniin 24, Nov 2025 {HMC} Soomalida ku nool Minneapolis oo Dhigay Banaanbax ka Dhan ah MW Trump

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamadda Gobolka Mudug oo Gordhow u fariisatay kiiska dilka ahaa ee loo Geeysatay Saabirin Saylaan

0

Isniin 24, Nov 2025 {HMC} Maxkamadda Gobolka Mudug oo Gordhow u fariisatay kiiska dilka ahaa ee loo Geeysatay Saabirin Saylaan

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay bakistaan

Isniin 24, Nov 2025 {HMC}Weerar ka dhacay Magaalada Peshawar ee Waqooyi-galbeed ee Pakistan waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 qof halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, kaddib markii koox hubeysan ay weerartay saldhig ciidamada Paramilitary ay ku leeyihiin Magaaladaas.

 

Ciidanka la weeraray ayaa la sheegay in uu xerada u galay qof isku soo xiray walxaha qarxa, sida uu wariyay Wargayska lagu magacaabo Federal Constabulary (FC) ayaa shaaciyay in khatartu ay badan lahayd haddii aan laga hortagi lahayd ismiidaamiyaha.

 

Wargayska ayaa intaas ku daray in ciidamada ammaanka ee xerada joogay ay dareemeen dhaqdhaqaaqa qofka is qarxiyay oo ay ku xakameeyeen ilinka laga soo galo xerada, askarta dhimatayna ay yihiin kuwii kahortagay halistiisa.

 

Maamulka Peshawar ee Pakistan ayaa sheegay in xaaladdu ay degen tahay maadaama daqiiqadii ugu horreeyay ee qaraxa kacsanayd, waxaana goobta uu qaraxaas ka dhacay tagay saraakiil ciidan oo isugu jira baarayaal iyo taliska Paramilitary.

 

Warar kale ayaa sheegaya in qaraxa kaddib la maqlayay rasaas toos ah oo la sheegay in ay dhexmartay ciidamada ammaanka ee xarunta ku sugnaa iyo kooxda weerarkaas fulisay inkasta oo aan xaqiiqo dhammaystiran laga soo gudbin arrintaan.

 

La soco wixii kasoo kordha

Puntland oo gacanta kusoo dhigtay dad ka tirsan Daacish

Isniin 24, Nov 2025 {HMC}Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in ay xirtay Dad isugu jira Rag iyo Dumar oo katirsan Daacish, Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Bari, Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa Warbaahinta la wadaagay in howlgallkaan uu ahaa mid qorsheysan.

 

Waxa uu sheegay in markii dagaalka tooska ah ay la galeen Daacish guullo muhiim ah ka gaareen in ay haatan billaabeen howlgallo kale ay ka sameynayaan deegaannada ay ku sugan yihiin xubnaha katirsan Kooxdaas sida uu hadalka u dhigay.

 

Taliye Cabdulqaadir Dirir ayaa sheegay in howlgalladooda ay isugu jiraan kuwa toos ah, duqaymo cirka ah, kahortagga gurmad u gudbo Daacish iyo qab-qabashada Dadka la shaqeeya ee ka baxsanaya deegaannada howlgalladu xooggooda ka socdaan.

 

Booliiska Puntland ayaa digniin u diray Dadka doonaya in ay la shaqeeyaan Daacish, waxaana hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedkaas la faray in ay gacan adag kusoo qabtaan isla markaana maxkamad lasoo taago cid weliba oo garabsiisa Daacish sida hadalka loo dhigay.

MW Xasan sheekh oo shir muhiim ah ka furayo muqdisho.

Isniin 24, Nov 2025 {HMC}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furaya shirweynaha 3aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ay ka qaybgalayaan culimo dalka iyo dibadda isaga kala timid.

 

Shirka waxaa sanadkaan looga hadlayaa dhibaatooyinka jira iyo sida looga gudbi karo tusaale ahaan Abaaraha, Colaadaha & midnimo la’aanta, waxaana la dhagaysan doonnaa khudbadaha Madaxweynaha iyo Culimada muddada 4ta cisho uu socon doonno.

 

Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo agaasintay Shirkaan, waxaana gunaanadka lagu wadaa in laga soosaaro warmurtiyeed muujinaya qodobada kasoo baxa Shirkaan.

La soco wixii kasoo kordha

Banaanbax ka dhan ah Madaxweyne Trump oo lagu qabtay Minnesota

Isniin 24, Nov 2025 {HMC} Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ayaa Magaalada Minneapolis ku dhigay dibadbax ka dhan ah go’aanka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku sheegay in uu ku musaafurinayo Soomaali si sharci darro ah ku joogta Gobolkaas

Diadbaxayaasha ayaa dhaliilay go’aankaan waxaana ay dalbadeen in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu dib uga laabto maadaama arrintaan ay dhibaato ku tahay dad badna oo ku nool Minnesota.

Waxa ay wateen boorar ay ku xardhan yihiin ereyo ka dhan ah go’aanka culus ee Madaxweynaha Maraykanka, waxay dalbadeen in Hay’adaha kala ee dastuuriga ah ay soo farageliyaan arrintaan kahor inta aysan dhaqangelin.

Sidoo kale dad ajaanib ah balse diidan in la tarxiilo Soomaalida ayaa ka qaybgalay, waxa ay dareenkooda ku cabireen sida ay u diidan yihiin dhaqangalka go’aankaan oo dhibaato ku ah dad hadda ku nool Maraykanka.

Donald Trump ayaa dhowaan si cad u sheegay in uu meesha ka saaray go’aankii kumeel-gaarka ahaa ee kahor istaagayay tarxiilka Soomaalida sharci darrada ku joogta Gobolka Minnesota isaga oo aflagaado iyo ereyo culus isugu daray, waxaana uu sheegay in xatooyadu badatay.