Home Blog Page 289

Xildhibaan Aweys Mohamed oo loo magacaabay Ergeyga Madaxweynaha ee Ka-Hortagga & La-Dagaallanka Fikradda Xagjirka ah.

0

Axad 23, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Xildhibaan Aweys Mohamed Omar oo noqday:

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Ka-Hortagga & La-Dagaallanka Fikradda Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata (P/CVE).

Madaxweynaha ayaa Ergeyga cusub kula dardaarmay inuu si hufan, daacadnimo iyo mas’uuliyad qaran leh ugu adeego dalka, isagoo ka shaqeyn doona:

• Xoojinta amniga iyo adkeynta dowladnimada
• Ka-hortagga xagjirka iyo dagaalka ka dhanka ah fikradaha rabshadaha wata
• Horumarinta iskaashiga bulshada & hay’adaha amniga
• Dhisidda iyo hirgelinta siyaasadaha qaranka ee P/CVE

Xildhibaan Aweys Mohamed Omar wuxuu leeyahay qibrad iyo waaya-aragnimo ballaaran oo uu ka soo shaqeeyay hay’adaha amniga, siyaasadda dadweynaha, iyo dadaallada ka-hortagga xagjirka, taas oo u suurtagelinaysa inuu guto waajibaadka uu Madaxweynaha u igmaday.

Israa’iil oo duqeymo culus ka fulisay Koofurta Magaalada Beirut ee caasimadda Lubnaan.

0

Axad 23, Nov 2025 {HMC} Israa’iil ayaa gelinkii dambe ee maanta duqeymo culus ka fulisay dhismayaal dhaadheer oo ku yaalla xaafadda Dahieh ee koonfurta magaalada Beirut ee caasimadda wadanka Lubnaan.

Israaiil ayaa waxa ay sheegatay in weerarkan lagu dilay taliyihii howl gelinta ururka Xisbullah , Haytham Cali Tabatabai oo la sheegay inuu si qarsoodi ah jagadan uga shaqeynayay, si looga fogaado in la beegsado.

Weerarkan ayaa sidoo kale ka dhigan jebin rasmi ah ee xabbad-joojintii bishii November 2024 ay galeen Israa’iil iyo ururka Xisbullah.

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo dib-u-habeynta garsoorka dalka.

0

Axad 23, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray Shirweynaha 1-aad ee Bahda Cadaaladda Soomaaliya oo lagu soo bandhigay qorsheyaasha qaran ee ku saleysan istiraatijiyada dib-u-habeynta garsoorka dalka, daadejinta adeegga caddaaladda, guulaha la gaaray, caqabadaha ka jira iyo ahmiyadda ay leedahay ilaalinta sareynta sharciga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in garsoor hufan oo madax-bannaan uu ka mid yahay tiirarka ugu muhiimsan ee dowlad-dhiska, amniga, horumarka iyo xoojinta kalsoonida shacabku ay ku qabaan dowladnimada, isagoo xusay in Dowladda Federaalka oo ka duuleyso arrintaas ay qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo federaaleynta nidaamka garsoorka, dhismaha hay’adaha muhiimka u ah cadaaladda, taas oo muujineyso xoojinta hay’adaha garsoorka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

“Garsoorkeenna inuu hormarsan yahay waxaan tusaale muuqda u ah in muwaadiin Soomaaliyeed oo fal dambiyeed lagu eedeeyey oo dalka ka baxsaday ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysto in dalka dibaddiisa ka soo qabato, iyada oo kaashanayso booliska Caalamiga ah ee Interpol, kiis dacwadeedkiisana uu ka furan yahay dowlad goboleedkii uu fal dambiyeedka uu ka dhacay”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dhammeystirka dib-u-eegista Dastuurka uu yahay hawl qaran oo fure u ah xasiloonida siyaasadeed, qeexidda awoodaha hay’adaha, hirgelinta nidaam federal iyo dib u habeynta sharciyada baahida weyn loo qabo si ay ula jaanqaadan nidaamyada casriga ah ee dowlad dhiska, maalgashiga, waxa uuna faray xukuumadda in ay dardargeliso howlaha hortebinta u leh tayeynta adeegga Garsoorka dalka.

“Dastuurku isaga ayaa saldhig u ah dhammaan xeerarka dalkeenna, oo ilaalinaya afka, dhaqanka, diinta iyo xuquuq kasta oo muwaadinku leeyahay, sidaas awgeed waa inaan fulinna ballantii aan qaadnay oo uu ka baxaa kumeel-gaarnimada dastruurka lana dhameystira, waxaan bogaadinayaa Baarlamaanka 11-aad oo ah kan ugu shaqada badan jamhuuriyadda 3-aad muddo xileedkan.”

“Guulaha aan gaarnay waxaa ka mid ah xaqiijinta amniga caasimadda si ay ula tartanto caalamka, maalgelinta mashaariicda waaweyn oo ay ugu horreyan dhismayaasha, taas oo shaqo abuur u ah dhallinyaro Soomaaliyeed, dhismaha garoomo ciyaaro iyo diyaaradeed, kor dhinta tiraae Ciidameenna oo labo jibaar ka badan markii aan xilka la wareegayey, tayeynta waxbaarashada dalka oo aan lix kun oo macallimiin la shaqaaleysiyey, qorshuhuna uu yahay ilaa 10kun in la gaarsiiyo, waxbrashada sare oo aan Jamacadda umaadda ballaarinay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo adkeeyey doorka garsoorka ee dimuqraadiyadda ayaa sheegay in dalka oo u diyaar garoobaya doorashada qof iyo cod ay lagama maarmaan tahay in la xaqiijiyo hay’ado sharci iyo garsoor oo awood u leh ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, xaqiijinta hufnaanta geeddi-socodka doorashada iyo hubinta in cod kasta lagu dhiibto si xor ah oo ammaan ah.

DHAMMAAD

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Danjiraha Midowga Yurub

Axad 23, Nov 2025 {HMC}  Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ay hoggaamineysay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Ms. Francesca Di Mauro.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Golaha Shacabka iyo Midowga Yurub, gaar ahaan taageerada ku aaddan diyaarinta iyo horumarinta shuruucda muhiimka u ah dalka, dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah, iyo dhismaha hay’adaha dimoqraadiyadda.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya la garab taagan yihiin, isaga oo tilmaamay in Golaha Shacabka uu muddadan xoogga saarayo dhammeystirka dastuurka si loo xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed dib loogu celiyo awooddooda, una helaan fursad ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla gartay in la xoojiyo wadashaqeynta, loona guda galo dardargelinta howlaha sharci dejinta ee mudnaanta leh, si loo xaqiijiyo dowladnimada iyo nidaamka dimoqraadiyadeed ee Soomaaliya.

 

Puntland arrests senior immigration official accused of aiding youth smuggling networks

Sunday 23, Nov 2025 {HMC} Puntland security forces have arrested a senior official from the Immigration and Nationality Authority in Garowe on Sunday on allegations of facilitating youth smuggling networks.

The official, reportedly the deputy head of the Garowe Immigration Office, is accused of illegally issuing Somali passports to large numbers of young people who were later stopped at Puntland airports while attempting to leave the country.

Authorities say he will be charged in court for his alleged role in smuggling activities and for violating an administrative order that temporarily restricts passport issuance to youth.
His arrest comes as Puntland security agencies detain dozens of young men and women apprehended at Garowe Airport. Most had traveled from Mogadishu and were attempting to transit through Ethiopia for onward migration.

Puntland authorities have reiterated that anyone linked to smuggling networks will face prosecution under the region’s anti-smuggling regulations.

Puntland remains a key departure point for young Somalis seeking to migrate, with clandestine networks helping facilitate travel funds and secure documents, including passports.

Earlier this month, 165 Somali migrants stuck in Libya were repatriated with support from the IOM and the EU. Their flight first landed at Hargeisa’s Egal International Airport, where 13 passengers disembarked, before continuing to Mogadishu to offload the remaining 152. This brings the total number of Somali migrants returned from Libya this year to more than 550, according to the IOM.

Source Hiinraan online

Speaker of the Parliament meets EU Ambassador to Somalia

Sunday 23, Nov 2025 {HMC}The Speaker of the House of the People of the Federal Republic of Somalia, H.E. Sheikh Adan Mohamed Nur (Madoobe), today held a meeting in his office with the European Union Ambassador to Somalia, Francesca Di Mauro.

Ambassador Di Mauro briefed the Speaker on ongoing EU activities in Somalia and commended the Parliament for its efforts in enacting foundational legislation essential to the country’s state-building process.

The discussions focused on strengthening and accelerating cooperation between the House of the People and the EU Delegation in Somalia, particularly in areas related to legislative development, constitutional review and completion, and enhancing EU support to Somalia’s governance reforms.

Speaker Madoobe expressed his gratitude for the EU’s consistent support to Somalia, noting that Parliament remains committed to completing the constitutional process and restoring the Somali people’s full right to elect their national leadership.

Source Sonna

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamadda Ciidamada oo Baarlamaanka ka Codsatay in Xasaanada laga Xayuubiyo Xildhibaano.

0

Axad  23 ,Nov 2025 {HMC} Maxkamadda Ciidamada oo Baarlamaanka ka Codsatay in Xasaanada laga Xayuubiyo Xildhibaano.

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne xasan Shiikh oo u jawaabay Farmaajo.

0

Axad  23 ,Nov 2025 {HMC} Madaxweyne xasan Shiikh oo u jawaabay Farmaajo.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Tallaabo ay qaadeen Kooxda AS oo saameyn ku yeelatayMagaalada Jowhar.

0

Axad  23 ,Nov 2025 {HMC}  Tallaabo ay qaadeen Kooxda AS oo saameyn ku yeelatayMagaalada Jowhar.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay Sababta Dhalinyarada Soomaaliyeed Dhexdooda iskugu dilaan Mareeykanka.?

0

Axad  23 ,Nov 2025 {HMC}  Maxay tahay Sababta Dhalinyarada Soomaaliyeed Dhexdooda iskugu dilaan Mareeykanka.?

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA