Home Blog Page 2889

{DAAWO MUUQAALKA} NISA oo shaacisay in dalka iyo dibaddiisa ay ka xirtay Website-yadii ugu faca-weynaa ee AS

0

Khamiis-01-Feb- 2024-{HMC} NISA oo shaacisay in dalka iyo dibaddiisa ay ka xirtay Website-yadii ugu faca-weynaa ee AS

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Culimo diidday in salaada janaasada lagu Tukado Maydka Qof Magaalada Muqdisho ku Dhintay

0

Khamiis-01-Feb- 2024-{HMC} Culimo diidday in salaada janaasada lagu Tukado Maydka Qof Magaalada Muqdisho ku Dhintay

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Maxeey tahay Sababta Loogu Dukan Waayay Mayd la geeyay Masjid ku yaalla Muqdisho?

Khamiis-01-Feb- 2024-{HMC} – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa sababta keentay mayd laga celiyay isaga oo aan lagu tukan masjid ku yaalla deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedkaMuqdisho, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan.

Sheekh Nuur Cali Jaamac oo kamid ah culimada masjidkaas oo lagu magacaabo Waalidayn ayaa ka hadlay sababta loogu dukan waayay marxuumka ee dib looga celiyay masaajidka.

Ugu horreyn Sheekha ayaa sheegay in masjidka Waalidayn uu yahay masjid weyn, isla markaana ay aaminsan yihiin in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad wada islaam ah, sidaas daraadeedna aysan iyagu dadka weydiin in qofka la keenay uu yahay islaam ama gaal, sida uu sheegay Sheekhu.

“Masjidka Waalidayn waa masjid wayn oo ku yaalla Tabeelaha iyo Ex-Koontarool Afgooye inta u dhexeysa Janaaso aa la keenay annaga waxaan idin sheegeynaa dadka Soomaaliyeed dad Muslimiin ah ayaan ka aaminsanahay qofka maydka ah oo la keeno masjidka ma dhahno ma muslimaa ma gaalaa dhammaan asalkooda waa dadka Soomaaliyeed waa dad Muslimiin ah, qof isaga ka baxay Islaamka isaga ayay u taallaaa” ayuu yiri Sheekh Nuur Cali Jaamac.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Saas daraadeed waxaa dhacda in Masjid Waalidayn maalintii 10 Janaaso in lagula tukado, maalin aan Janaaso lagula tukan ma jirto”.

Sheekh Nuur Cali Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay arrinta shalay ka dhacday masaajidka ee keentay in dib looga celiyo mayd loo keenay in lagu tukado Janaaso.

Sheekha ayaa sheegay in qaar kamid ah dadkii wax ka waday marxuumka ay sheegeen in uusan dukan jirin salaadda, kadibna culimada ay kasii xaqiijiyeen wiil uu dhalay marxuumka, sidaasna loogu dukan waayay maydka la geeyay masjidka Waalidayn.

“Dadkii maydka la socday qaar kamid ah ayaa soo hormaray markaas ayay culimada u sheegeen mayd ayaan wadnaa waana taariku salaad, hadii aad ku tukaneynsaa idinka ayay idin taallaa waa dadkii la socday ee ogow” ayuu khudbadiisa ku yiri Sheekh Nuur Cali Jaamac.

Waxaa kale oo uu yiri “Markii la caddeeyay ayay Culimadu yiraahdeen qof isaga oo nool oo caafimaad qaba salaadda diiday marka uu dhinto kuma qabsi doono, kuna tukan meyno ee naga qaada, waana sidaas qofkii isaga yiraahdo anigu taariku salaad ayaan wadaa ma ku tukaneyno” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Sheekh Nuur Cali Jaamac.

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Farxaan”Madaxweyne Xasan Sheikh waxaan ku amaanaa Difaaca arinta Badda Soomaaliya”

0

Khamiis-01-Feb- 2024-{HMC} Wasiir Farxaan”Madaxweyne Xasan Sheikh waxaan ku amaanaa Difaaca arinta Badda Soomaaliya”

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin oo dalbatay in la sameeyo koox caalami ah oo booqata Gaza

Khamiis-01-Feb- 2024-{HMC} Wasaaradda waxay ku baaqday in baaris caalami ah lagu sameeyo wax ay ku tilmaantay “xasuuq” ay geysteen ciidamada Israel ee Gaza jooga.

Wasaaradda waxay ku baaqday in loo baahan yahay koox caalami ah oo booqata Gaza si loo ogaada xadka “dambiyada xasuuqa” ee laga galay dadka reer Gaza, lana baaro xaaladda dadka la la’yahay iyo kuwa la xiray ee reer Gaza.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin waxay ku talisay in la soo helo “qabuuro wadareed ay ku jiraan dad ka badan 30 qof kuwaas oo iyaga oo indhaha iyo gacmaha ka xiran la dilay,” waxayna sheegtay in ay tahay cadeymaha in la dilay iyadoo aysan jirin cid la socotay oo lala xisaabtamo.

Wasaaradda waxay ku tilmaantay tallaabooyinka Israel in ay si cad ugu xadgudbayaan xeerarka iyo shuruucda caalamiga.

Tower 22: Saldhigga milatari ee ay doonayeen in Mareykanka iyo Urdun ay qariyaan ee la weeraray

Khamiis-01-Feb- 2024-{HMC} Kaddib markii saddex askari oo Maraykan ah lagu dilay weerar ay diyaarad aan duuliye lahayn ku qaadday saldhigga ciidammada Maraykanka ee Urdun, ayuu madaxweyne Biden ku sheegay bayaan uu soo saaray Talaadadii in uu go’aansaday sida uu uga falcelinayo weerarkaas.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay Aqalka Cad, madaxweyne Biden ma uusan faah faahin hadalladan, balse wuxuu yiri ‘ma filayo inaan dagaal ballaaran ku qaadno bariga dhexe’.

Waxaa xusid mudan in koox hubaysan oo Iran taageerto ay sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana sidoo kale weerarka lagu dhaawacay tobanaan askari.

Waa markii ugu horeysay oo askar Mareykan ah lagu dilo bariga dhexe tan iyo markii Israel ay duulaan ku qaaday Qaza.

Hase yeeshee arrinta xiisaha leh ayaa waxa ay tahay in Saldhigga Milatari ee ay Kooxda Maleeshiyada ah weerartay uu ahaa mid qarsoon oo ay wada degganaayeen Maraykanka iyo Urdun, weerarkaas kadib, waxa uu hadda noqday mid indhaha Caalamka ay hayaan.

Halkee ayay ku taallaa xarunta militariga Mareykanka ee Tower 22?

Weerarka ayaa lagu qaaday saldhig ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin waqooyiga bari ee dalka Urdun oo loo yaqaan Tower 22. Wuxuu ku yaal meel u dhow xudduudda Suuriya.

Sarkaal ka tirsan waaxda gaashaandhigga ayaa u sheegay warbaahinta CBS News in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee cadawgu ay ku socotay “xawaare aad u hooseeya”, isla markaana ay ku soo dhawaatay saldhigga, xilli ay ku soo wajahan tahay dayaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.

Sida uu sarkaalku sheegay, waxaa la damiyay si toos ah habka difaaca hawada ee saldhigga, iyadoo la eegayo soo laabashada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, si aysan u soo ridin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.

Taasi waxay keentay in askarta ku sugan Tower 22 aysan wax digniin ah helin oo ay hurdeen qolalka ay ku jireen markii ay diyaaraddu soo weerartay.

Ku dhawaad 350 askari oo Mareykan ah ayaa ku sugan saldhigga, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), doorkoodu waa in ay taageero siiyaan ciidamada isbaheysiga ee dagaalka kula jira kooxda Daacish.

Saldhigan ayaa ku yaala meel u dhaw xadka Urdun iyo Suuriya, waxaana xuduuda Ciraaq u jirta 10 kiilomitir oo kaliya.

Deegaankan oo loo yaqaan Rukban ayaa ah deegaan ku teedsan xudduudda Suuriya halkaas oo laga dhisay xeryo qaxooti oo aad u ballaaran xilligii dowladda Islaamiga ah ee la magac baxday Khilaafada Islaamka sanadkii 2014-kii.

In ka badan 100,000 oo qof ayaa ku noolaa halkan waxaana laga mamnuucay inay soo galaan Urdun sababtoo ah waxay ka baqayeen in kooxaha xagjirka ah ay soo galaan dalka. Cabsidan ayaa la xaqiijiyay markii todoba ka mid ah ilaalada Urdun lagu dilay weerar baabuur oo dhacay sanadkii 2016-kii.

Weriyaha gaarka ah ee BBC Carabi Faris Keilani ayaa ka mid ahaa saxafiyiintii booqday saldhigan milatari sanadkii 2016. Hase yeeshee, looma ogolaanin in ay wax ka duubaan xarunta.

Waxa uu tilmaamay in Saldhigga Millatari ee Maraykanka uu ahaa mid daahsoon oo loo qariyo, isla markaana Urdun iyo Maraykanka midkoodna aanu shaacin joogitaanka Saldhigga Millatari ee uu ku leeyahay Dhulka Urdun.

Balse weerarka ka dib, Pentagon-ka ayaa ku qasbanaaday inuu shaaciyo goobta saldhigan markii ugu horeysay tan iyo markii la aasaasay 2016-kii.

Sida laga soo xigtay Fars, waxa uu saldhigan ku tagay diyaarad helicopter ah oo ka soo qaaday xero ciidan oo ku taal Urdun, waxaana hawada laga ogaaday sida uu saldhigan ugu dhow yahay Suuriya.

“Xuduudda oo dhan, waxaan ku arkay kumannaan teendhooyin oo ay qoxooti Suuriyaan ah dhigteen bartamaha saxaraha,” ayuu yiri.

“Saldhigga waxaa ku wareegsanaa darbiyo dhaadheer oo lagu xiray silig, waxaana lagu rakibay kamarado milateri, waxaana dhinac walba ilaalinayay ciidamada Urdun. Waxaan ogaaday inay jiraan dad badan oo ku labisan dhar caadi ah, baabuur yar yar, mootooyin iyo taawarrada isgaarsiinta.”

Kooxda Daacish ayaa saldhigaasi la beegsatay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay sanadkii 2016-kii, halkaasi oo ay ku dileen lix askari oo ka tirsan ciidamada Urdun ee ilaalada ka ahaa saldhiga. Markaas ciidanka Urdun waxay sheegeen in ay iyaga saldhig u tahay.

XIGASHO BBC SOMALI

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn { 01/ 02 / 2024}

Khamiis-01-Feb- 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo:Abdirahman Muse Osman

Farsamadii : Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Mareykanka oo wacad ku maray inuu ka jawaabi doono weerar looga dilay saddex askari.

Khamiis – 01-Feb – 2024-{HMC} – Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadi shalay ku eedeysay malleeshiyo ku sugan Ciraq oo ay taageerto Iran, in ay ka danbeeyaan weerar loo adeegsaday diyaaradaha dhulka laga hago oo lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah, oo ku sugnaa saldhig Mareykanka uu ku leeyahay xadka Urdun iyo Suuriya.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kirby, ayaa sheegay in Mareykanku rumeysanyahay, in weerarkaasi ay qorsheysay, fududeysay isla markaana gacan ku laheyd qalabka lagu fuliyay Kooxda Iska-caabinta Islaamiga ee ku sugan Ciraq.

Kooxahan oo ku mideysan hal dallad ayaa waxaa ku jira garabka Kataib Xizbullah, sida ay sheegtay Dowladda Mareykanka. Afhayeenka Guddiga Amniga Qaranka, ayaa sheegay in Madaxweyne Joe Biden uu rumeysanyahay in weerarkaasi looga jawaabo qaab ku habboon.

Wuxuu sheegay, in madaxweyne Biden uu ka fiirsanayo ikhtiyaarrada uu heysto si uu jawaab uga baxsho weerarka lagu dilay askarta Mareykanka ee ku sugnaa dalka Urdun.

Dhanka kale, Iran ayaa ku hanjabtay in ay jawaab adag ka bixi doonto weerar kasta oo uu uga yimaada Mareykanka, kaddib marki ay Washington ku eedeysay Tehran weerarki Axaxddii.

Ilaa 40 ka mid ah askarta Mareykanka ayaa sidoo kale weerarkaasi lagu dhaawacay. Kuwa la dilay iyo dhaawaca ah ayaa ku sugnaa saldhig qarsoodi ah oo uu Mareykanka ka sameystay jihada waqooyibari ee Urdun meel aad ugu dhaw xadka Suuriya.

Dadaallo caalami ah oo lagu raadinayo xabbad-joojin ka hirgasgo Gaza oo ka sii socda Paris

Khamiis – 01-February- 2024-{HMC} – Waxaa shalay iyo xalay sii xoogeystay dadaallada caalamiga ah ee loogu jiro sidi loo heli lahaa xabad-joojin kale oo ka hirgasha Marinka Gaza, xilli ay wali ciidamada Isra’il sii wadaan duqeymaha iyo dagaalka culus ee ay ka waddaan Gaza.

Ilo wareedyo ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay, in Xamaas ay dib u eegis ku sameyneyso qorshe loo soo bandhigay oo Gaza looga hirgelinayo xabbad-joojin lix todobaad ah. Soo jeedintaasi ayaa ka soo baxday wadahadallo maalmahan ka socday magaalada Paris oo xal loogu raadinayo qaboojinta dagaalka Isra’il iyo Xamaas.

Dhanka kale, waxaa kasii dareysa xaaladda bani’aadannimo eek a jirta Marinka Gaza, gaar ahaan dadka rayidka ah oo ay hey’adaha gargaarka maxalliga iyo kuwa caalamiga ah ay ka digeen in ay dadku qarka u saaranyihiin in ay macluul u baab’aan.

Agaasimaha xaaladahaha dag dagga ee Laanta Caafimaadka Adduunka Michael Ryan, ayaa sheegay in muddada ay wadahadallada ka socdaan magaalada Paris, ay dadka Gaza gaajo u dhimanayaan sababo la xiriira go’doonka ay Isra’il gelisay gargaarka bani’aadannimo ee gali jiray Gaza.

Wadahadaladda ka socda Paris ayaa waxaa hor-boodaya Qatar, Masar, Mareykanka iyo Faransiiska. Xabad-joojintan ayay Isra’il ku dalbatay in lagu sii daayo dhammaan laheystayaasha soo haray ee gacanta ugu jira Xamaas.

Halka Xamaas ay dhankeeda dalbaneyso, in loo soo daayo maxaabiis Falastiiniyiin ah, sidoo kalana xabad-joojinta laga dhigo mid toos ah, Isra’ilna ay kala baxdo ciidankeeda guud ahaan Marinka Gaza.

Russia iyo Ukraine oo maxaabiis dagaal is dhaafsaday

Khamiis – 01-February- 2024-{HMC} –Ukraine iyo Ruushka ayaa labaduba shaaciyay in Arbacadi shalay ay is weydaarsadeen ilaa 400 oo maxaabiis dagaal ah, midkiiba laba boqol, xilli uu wali sii socdo dagaalka u dhaxeeya labada dhinac.

Maxaabiista shalay la is weydaartay ayaa ku soo aadday, maalmo yar kadib marki diyaarad millatari oo ah nuuca xamuulka qaadda uu Ruushka sheegay in ay gantaal ku dhufteen ciidamada Ukraine. Moscow waxay sheegtay in dayaaraddaasi sidday maxaabiis dagaal oo reer Ukraine ah.

Wasaaradd Difaaca Ruushka ayaa sheegtay, in labada waddan uu midkiiba sii daayay 195 maxbuus dagaal. Dhanka Ukraine, madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in 207 maxbuus dagaal oo u dhashay Ukraine la xoreeyay.

Hey’adda xuquuqda aadanah Ukraine ayaa sheegtay, in 50 jeer oo hore ay Ruushka iyo Ukraine is weydaarsadeen maxaabiis dagaal, tiradaasina ay hadda gaartay 3,035 oo askari tan iyo inti uu bullowday dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.