Home Blog Page 2890

{DAAWO MUQAALKA} Xassan Shiikh oo Imaaraadka kaga qeyb galay shir looga hadlay amniga Soomaali

0

Abu Dhabi, Jannaayo 31, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Isu-tagga Imaaraatka Carabta kaga qeyb galay Shirka ku saabsanaa Amniga Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen dalalka sida dhow u taageera amniga dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Qatar, Mareykanka, UK iyo Turkiga.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii dowladda Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo isku xirka kaalmada dhinaca amniga ee caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida gobolka iyo in laga fogaado wiiqidda guulihii adkaa ee laga soo hoyey dagaalka ka dhanka argagixisada, taas oo imaanaysaa haddii aan la ixtiraamin madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaadkii sannadkii tagay waxay ku qabatay Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York Shirka Amniga Soomaaliya, kaddib markii cunaqabateynta hubka laga qaaday dalka, kaas oo loga hadlay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa in ay isku filnaasho amni u gaarto iyadoo loo marayo dhismaha iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka Sida.


DHAMMAAD

DEG DEG: NISA oo Sheegatay in ay Xirtay Tiro warbaahino ah oo ay AS Leeyihiin

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} – Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay inay dibadda ka soo xirtay 14 Website oo kooxda Al-Shabaab ay ku faafi jirtay wararkooda, kuwaas oo sanad ka hor laga xiray dalka.

NISA waxay sheegtay inay dabagashay oo soo heshay xogta iyo magacyada milkiilayaasha ku diiwaan gashan Websiteyadaas, iyadoo ugu dambeyntii la xiray, taas oo ka dhigan in xiligaan aysan jirin mareeg baahisa macluumaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

“Howlgalkaan oo isugu jiray uruurinta mareegaha, baaritaankooda, helidda magacyada milkiilayaasha ku diiwaangashan iyo ugu dambeyntii xiritaankooda ayaa socday bilihii lasoo dhaafay, waxaana lagu guuleystay in hawada laga saaro barahaan oo la diiwaan geliyey sanado kala duwan,” ayaa lagu yiri warka NISA.

Waxaa qoraalka hey’adda lagu sheegay in adduunka oo dhan laga mamnuucay Website-yaan 14-ka ah ee lagu baahi jiray wararka iyo afkaaraha guracan ee kooxda Al-Shabaab.

“Websiteyadaan waxaa booqashadooda laga mamnuucay adduunka oo dhan, waxaana markii ugu horeysay oo la qaaday tallaabo noocaan oo kale ah, waxayna barahaan soo jireen muddo dheer, sida ku cad magacyadooda iyo taariikhaha la aas-aasay,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Sidoo kale NISA waxay shaacisay in la helay xogaha dadkii sameeyey Websiteyada la xiray, kuwaas oo macluumaadkooda lala wadaagay hey’adaha amniga ee wadamada ay ku noolyihiin.

“Intii ay socotay howsha lagu ciribtirayo Website-yada Khawaarijta waxaa la helay liiska dadkii diiwaan-geliyey, kuwaas oo isticmaalay kaararka wax lagu iibsado, waxaana lala wadaagay hey’adaha amniga ee dalalka ay ku nool yihiin,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay NISA.

Ugu dambeyntii qoraalka hey’adda NISA waxaa lagu yiri, “Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu guuleysatay inay booqashada mareegahaan ka joojiso gudaha dalka, waxaana sharciga lala tiigsan doonaa cid kasta oo lagu helo inay argagixisada u diiwaan-gelisay Website.”

Hoos ka eeg liiska Website-yada la xiray

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidanka itoobiya oo caawa dhaq-dhaqaaq ka wada Magaalada Halgan iyo xaalada oo cakiran.

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Ciidanka itoobiya oo caawa dhaq-dhaqaaq ka wada Magaalada Halgan iyo xaalada oo cakiran.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed oo soo dhaweeyey shirka uu Ku Baaqay Saciid Deni

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa soo saaray qoraal uu ku soo dhaweeyey shirka uu gogoshiisa dhigay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo dhawaan dib loo doortay, shirkaas waxaa muuqata in siyaasiyiinta mucaaradka ah ay aad u daneynayaan.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in shirkaan uu ku soo aaday waqtigii loogu baahida badnaa, isagoo soo tiriyey caqabadaha Soomaaliya heysta ee mudan in looga tashado shirka Garowe gogoshiisa la dhigay.

“Waxaan soo dhawaynayaa gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni xilligaan uu dalku waajahaayo xaalado culus oo ay ugu muhiimsanyihiin; amniga, arrimaha dastuurka, qaab dhismeedka doowladnimada, midnimada iyo madax bannaanida oo u baahan wada tashi iyo wada shaqeyn,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Shariifka ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku yiri, “Waxaan rajaynaynaa in gogoshaas qabsoomi doonto, madaxda ka soo qayb gashana ka soo saari doonto go’aanno dhaxal gal ah oo dan u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa xalay sheegay in dowladda federaalka ay aqbashay ka soo qeybgalka shirkaas, isla markaana ay madaxweyne Xasan Sheekh ka sugayaan go’aanka goorta la qabanayo shirka.

Saacadihii lasoo dhaafay siyaasiyiin badan ayaa soo saaray muujiyeen sida ay shirkaas u daneynayaan, waxayna badankood soo jeediyeen qodobada mudan in shirkaas lagu gorfeeyo.

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka mid ah siyaasiyiinta taageeray in Garowe la isugu tago, si looga tashado aayaha Soomaaliya, isagoo ka warbixiyey arimo ay uga wada hadleen kulankii ugu dambeeyey isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

“Kulankii u danbeeyey ee aan Dooxa kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa aannu kaga wada hadalnay muhiimadda ay leedahay inuu hoggaamiyo wadatashi heer qaran ah oo lagu wajahayo xaaladaha taagan ee la xiriira wax ka beddelka dastuurka, qaab dhismeelka maamul ee dalka iyo khataraha ku gedaaman madaxbannaanida iyo midnimada dalka, taas oo ah jidka keliya ee furan in la qaado,” ayuu yiri Farmaajo.

Qoraalka Farmaajo ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan soo dhoweynayaa shirka Garoowe ee looga tashanayo arimaha hortebinta u leh dalka, aniga oo madaxdii hore ee dalka iyo kuwa xilka haya ugu baaqaya in ay ka qayb galaan shirkaas oo ah mid muhiimad weyn u leh dalka oo xilligan maraya marxalad xaasaasi ah.”

Farmaajo oo farriin u diray labada gole ee DF ayaa yiri, “Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda waxaan u soo jeedinayaa in inta uu shirkaasi socdo ay ka fogaadaan tallaabooyinka aan la isku waafaqsanayn ee la xiriira laalidda dastuurka iyo wax ka beddelka hannaanka maamul ee dalka.”

Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey “Ma jirto xilli uu dalkeennu uga baahi badan yahay in aynu u midowno ka hortagga xasillooni darro gudaha ka timaadda iyo sidii aynu dadkeenna iyo dalkeenna uga difaaci lahayn khatarta dibadeed ee aynu wajahayno, meelna la iska dhigo tallaabooyinka kala qaybsanaanta siyaasadeed u horseedaya dalka.”

Heshiis Laga gaaray Khilaafkii ka taagnaa Doorashooyinka Soomaaliland

0

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} – Labada Gole ee Wakiilada & Guurtida Somaliland ayaa maanta heshiis ka gaaray khilaafkii ka dhax taagnaa, kaasi oo ku saabsanaa xeerarkii doorashooyinka, waxa ayna labada dhinac isla meel dhigeen
qodobo dhwor ah.

Qodobadaasi ayaa ka mid ah:

1- In Muuse biixi uu dib ugu soo celiyo Xeerka Doorashooyinka Golaha Wakiilada.
2- Golaha Wakiilladu waa in uu 3 maalmood gudahood ugu soo gudbiyo xeerka Golaha Guurtida.

3- In Golaha Guurtidu Muddo 10 maalmood ah dib ugu soo celiyaan xeerka Golaha Wakiilada.

4- In doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto oo aanay ka dhicin.

Muuse Biixi ayaa 22-dii bishan Golaha Guurtida dib ugu celiyay xeerarka doorashooyinka oo ay hore goleyaasha wakiillada iyo guurtidu u meelmariyeen, ka dib sidoo sheegay Codsi kaga yimid Golaha Guurtidu.

Balse tallaabadan ayaaa hurisay Khilaaf u kala dhaxeeyay labada Gole, xilli mucaaridka ay ku tilmaameen isku da

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn { 31/ 01/2024}

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Abdirahmaan Musae Osman

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Cumar Cabdirashiid oo ku baaqay in loo diyaargaroobo dagaal ka dhan ah Itoobiya.

0

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa Wareysi uu siiyay Warbaahinta gaarka loo leeyahay “Hanoolaato” ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed inay u diyaargaroobaan dagaal lagu difaacayo dalka.

Mr Cumar Cabdirashiid Sharmaake ayaa sheegay in aan la dhayalsan karin damaca Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Ra’iisul Wasaarihii hore oo sifeeyay shaqsiyadda Abiy Axmed ayaa ku tilmaamay nin ay wax walba ka suurtoobaan, isaga oo yiri:

“Abiy Axmed waxa uu ka shaqeynayaa kala qeybinta Soomaaliya, waxaan qabaa in aan la dhayalsan karin waayo wax badan ayuu ku dhiiran karaa sida in uu dagaal bilaabo.”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale soo jeediyay in aan la aqbalin codsigii Abiy Axmed ee ahaa in madaxda IGAD ay ku kulmaan shir looga hadlayo rabitaankiisa ah in uu helo qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Koofur Afrika

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Allaha u naxariistee Muwaadinkan Soomaaliyeed ee maanta lagu dilay Magaalada Cape-town ee wadanka Koonfur Afrika ayaa ahaa nin dhalinyaro ah waxaana lagu magacaabi jirey Maxamed Maxamuud Diiriye (Caafi).

Kooxo hubeysan oo burcad koonfur afrikaan ah ayaa toogtay xili uu watay gaari nuuca Dukaamada ay ku soo adeegtaan ah sida dad goob joogayaal ahi sheegeen.

Booliska Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta lagu dilay marxuumka halkaasoo ay baaritaano ka sameeyeen inkastoo aysan jirin cid loo soo xiray dilkaas oo qeyb ka ah dilal boqolaal soomaali ah sanadihii la soo dhaafay loogu geystay dalkaas.

Maxamed Caafi ayaa asal ahaan ka soo jeeda Magaalada Muqdisha gaar ahaan Degmada Kaaraan oo reerkiisu degan yihiin waxana uu dalkaas u tagay si uu ugu shaqeysto madaama wadankiisa ay colaado iyo shaqo la aan ragaadisay.

Allaha u naxariistee Maxamed Caafi ayaa qorsheynayay  in uu dhawaan Soomaaliya ku soo laabto sida ay sheegeen eheladiisa.

{DAAWO SAWIRADA} Soomaaliya oo yeelatay xaruntii ugu horreysay ee lagu hubiyo bedqabka diyaaradaha

0

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada XFS Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa xarigga ka jartay xarunta dayactirka diyaaradaha oo markii ugu horeysay 34-Sano ka dib maanta dib loo howl geliyay.
.
Blue Hanger waa xaruntii ugu horreysay ee lagu hubiyo bedqabka diyaaradaha lagu dayactiro ee burburkii ka dib laga hirgeliyo dalka, waxaana hirgeliyay shirkad ay aasaaseen ganacsato Soomaaliyeed laguna magacaabo AerosomMana jirto xarun lagu dayactiro diyaaraddii ay cillad qabsato, taas oo sababtay in ay u safraan Kenya iyo Uganda, si loo hubiyo bedqabkooda.

Arrintan ayaa ka dhigan in ku dhawaad 130 duullimaad oo uu martigeliyo Garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho, ay heli doonaan adeegyo lagu hubinayo badqabkooda dalka gudihiisa.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

0

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA