Home Blog Page 2891

Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Degmada Halgan iyo Ciidamada Itoobiyo Oo qorsheeynayo…..

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC}  Ciidamada Itoobiya Ayaa Caawa Dhaq dhaqaaq Ciidan ka bilaabay Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan, taasi oo Cabsi weyn ku Abuurtay dadka Deegaanka.

Ciidamadan ayaa ka baxay Xarumo ay ka daganaayeen Gudaha Degmada waxaana Caawa ay iskugu tageeyn Xerada Ciidamada Ay ku leeyahiin Duleedka Degmadaasi.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Caawa ay soo Wajahday Cabsi weyn, Wararka qaar ayaa Sheegay in Ciidamada ay qorsheeynayaan In ay ka baxaan guud ahaan Degmada Halgan.

Ciidamo dowlada iyo Kuwa Deegaanka ayaa Caawa lagu arkayaa Xaafadaha Degmadaas, Maamulka Degmada halgan ayaa Caawa ku sugan Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hay’adda SoDMA oo gargaar ku wareejisay Maamulka Gobolka Gedo

0

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Hay’adda SoDMA oo gargaar ku wareejisay Maamulka Gobolka Gedo

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

 

WHO oo ka digtay in dhaqaalaha laga goosto ururka UNRWA

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} GAZA — Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka digaya in dhaqaalaha laga goosto UNRWA, oo ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka iyo shaqada ee qaxootiga Falastiin ee Bariga dhow.

WHO ayaa sheegtay in tallaabo noocaas ah ay uga sii dari doonto xaaladda cakiran ee ay ku sugan yihiin in ka badan 2 milyan oo rayid ah oo ku nool Gaza, kuwaas oo intooda badan ay wajahayaan gaajo, caafimaad darro iyo khatarta dhimashada ee xauunada faafa.

Maxay u danaynayaan siyaasiyiinta uu Farmaajo ku jiro shirka uu Deni ku baaqay?

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku baaqay in shir weyne qaran oo ay isugu yimaadaan madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, kaasoo diiradda lagu saari doono xaaladaha horu-tebinta leh ee dalka ka jira.

Intaas ka dib qaar ka mid ah siyaasiyiinta oo ay ka mid yihiin kuwa mucaaradka ah ayaa soo saaray faallooyin ay kaga hadlayaan shirka uu Deni ku baaqay iyaga oo soo dhaweynaya.

Waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo isagu ay ka wada hadleen hogaaminta madaxweynaha ee shir qaran.

” Kulankii u danbeeyey ee aan Dooxa kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa aannu kaga wada hadalnay muhiimadda ay leedahay inuu hoggaamiyo wadatashi heer qaran ah oo lagu wajahayo xaaladaha taagan ee la xiriira wax ka beddelka dastuurka, qaab dhismeelka maamul ee dalka iyo khataraha ku gedaaman madaxbannaanida iyo midnimada dalka, taas oo ah jidka keliya ee furan in la qaado., “Ayuu Xasan ku sheegay qoraal uu boggiisa Facebook soo dhigay.

” Waxaan soo dhoweynayaa shirka Garoowe ee looga tashanayo arimaha hortebinta u leh dalka, aniga oo madaxdii hore ee dalka iyo kuwa xilka haya ugu baaqaya in ay ka qayb galaan shirkaas oo ah mid muhiimad weyn u leh dalka oo xilligan maraya marxalad xaasaasi ah.” Ayuu sii raaciyey.

Muxuu yahay Shirkani?

Ka hor inta aynaan eegin sababta ay shirkan u daneynayaan siyaasiyiinta mucaaridku, aan eegno muhiimaddisa iyo goorta uu dhacayo.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo waxa uu yahay shirkani ayaa sheegay in uu rajaynayo shirku in uu dhacayo inta u dhaxaysa Maarso illaa Maajo.

Sababta shirkan hadda kusoo beegtay ayuu wasiirku ku sheegay waxyaabo dhowr ah oo ay ka mid yihiin; “ maadaama ay muddo socotay kala war qab la’aan, dawladda federaalkuna ay gaar wax u wadatay, madashii la isugu imaan jirayna ay Puntland muddo ka maqnayd,” ayuu wasiir Maxamuud caydiid oo kusii diray in ay sidoo kale soo kordheen aragtiyo kale oo “dhinaca fedraalka ka timid, oo ah in qaab dhismeedka la balado, in dastuurka wax laga badalo in la ansixiyo” iyo sidoo kale Madaxweyne Xasan oo uu sheegay in uu soo jeediyey ka guurka xilka raysal wasaaraha iyo in lagu badalo Madaxweyne ku xigeen.

Shirkan oo sida uu wasiirku sheegay uu Deni soo jeediyey in uu gadhwadeen ka noqdo madaxweyne Xasan ayaan weli la ogeyn cidda kasoo qayb gali doonta hase yeeshee wuxuu wasiirku sheegay in uu yahay madal qaran oo u furan dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliya, madaxda dawladda, kuwa dibad joogga ah ee aan xilalka hayn, maamul goboleedyada “iyo sidoo kale aqoonyahanka, yacni Soomaali oo dhan in ay ka qayb gasho ayaa la rajaynayaa” ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee shirkani ma aha mid toddobaadyada sooo socda la filayo isla mar ahaantaana looga hadli karo arrimaha hadda taagan oo laga yaabo in ay waji kale yeesheen xilliga shirkani dhacayo.

Maxay siyaasiyiintu u danaynayaan shirkna?

Sida aan ognahay waxaa soo dhaweeyay shirkan uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland, siyaasiyiin aan xilal hadda hayn oo qaarkood ay soo qabteen xilalka ugu sareeya ee dalka.

Waxaan wax ka waydiinay Maxamed Mukhtaar Ibraahin oo ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya isla markaan soo ahaa wasiirkii hore ee batroolka iyo macdanta ee dawladda fedaraalka Soomaaliya, waxaanu yiri: “Runtii sidaan wada xasuusanno, 2021-kii dhamaadkii 2020-kii, bilowgii 2020-kii, mucaaradka oo dhan waxay dhihi jireen waa in madasha la ballaariyo, ma aha in ay dawladdu iskusoo koobto, ma aha baarlamaanka oo kaliya in uu iskusoo kobo, marka mucaaradka mar walba waa la garan karaa in iyaga ay rabaan in ay madallada siyaasadeed ay ka qayb galaan oo talo ay ku yeeshaan, balse su’aasha imaanaysa waxay tahay, maaullada hadda jira iyo madaxweynaha fedaraalku illaa xadkee ayey ogolaanayaan in gogosha la ballaariyo,” taas oo an jawaabteeda weli la ogaan Karin.

Dhanka kale Muktaar waxaan wax ka waydiinay in ay ogolaanayaan madaxda fedaraalku ka qayb galka shirkan maadamaa kii ay iyagu ku baaqen ay Puntland diiday, wuxuu yiri: “Runtii goob walba oo Soomaaliya ka mid ah looga hadlayo arrimaha Soomaaliya waxaan aaminsanahay in ay mudan tahay in la tago” hase yeeshee wuxuu kusii daray “Puntland mar walba waxay ka cabanaysay iyada iyo dawladda federaalka kaliya in ay wada hadlaan ayey rabtay oo taa macnaheedu tahay in aysan doonayn in ay madasha dhexdeeda ama dawlad goboleedyada kale in ay dawladda fedaraalka ah ku wada hadlaan” taas oo ka dhigan in loo badinayo in aysan diidin dawladda federaalka ahi ka qayb galka shirkan..

Waxaan weli caddeyn waxa iska badalay Puntland ee ay hadda u danaynayso in ay madal guud oo Soomaaliya oo dhan u dhaxaysa ay kula hadasho dawladda fedaraalkaweliba ay iyadu ku baaqdo kulankaas.

Waxaa xusid mudan in qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ay ku sugnaayeen goobta uu shirkan kaga baaqay Siciid cabdullaahi Deni, taas oo ahayd munaasabaddii caleema saarkiisa.

{DAAWO MUUQAALKA} Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo ka digtay dambiile ay ogeyn Maxkamada in xabsi aan lagu hayn karin

0

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo ka digtay dambiile ay ogeyn Maxkamada in xabsi aan lagu hayn karin

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Halkee ayuu marayaa Dhax dhaxaadinta Dagaalka Beelaha labada gobol ee Hiiraan iyo Sh. Dhexe ?

0

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Halkee ayuu marayaa Dhax dhaxaadinta Dagaalka Beelaha labada gobol ee Hiiraan iyo Sh. Dhexe ?

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Cumar Cabdirashiid “Shacabka Soomaaliyeed diyaar ha u noqdaan Dagaalka itoobiya.

0

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Cumar Cabdirashiid “Shacabka Soomaaliyeed diyaar ha u noqdaan Dagaalka itoobiya.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

 

Mareykanka oo sanadkii hore iibiyay hubkii ugu badnaa

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Hubka uu Mareykanka iibiyay sanadkii tagay ayaa aad u kordhay kaas oo gaaray ilaa $238 bilyan. Dagaalka Ruushka ee Ukraine ayaana lagu sheegay in ay tahay tan ugu weyn ee keentay in uu kordho.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in hubka la iibiyay uu ka badan yahay 56% kii la iibiyay sanadkii 2022-kii.

Dalka dariska la ah Ukraine ee Poland oo hadda balaarinaya awoodooda militari ayaa ka mid ah dalalka hubka badan ka iibsaday Mareykanka.

Ra’iisul wasaaraha Poland, Donald Tusk, ayaa ballanqaaday in uu sii wadayo barnaamijka dowladii hore ee ahaa casriyeenta kaas oo ujeedkiisu yahay in dalka uu noqdo kan ugu awoodda badan Yurub.

Jarmalka waxay ku iibsadeen $8.5 bilyan diyaaradaha nuuca qumaatiga u kaca ee Chinook, Bulgaria gawaarida gaashaaman ayey ku iibsatay $1.5, halka Norway ay hub ku iibsatay 1 bilyan oo doolar.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay beegsadeen Markab dagaal uu Mareykanku leeyahay

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC}  Afhayeen u hadlay kooxda Ansaarullah ee Yemen ayaa sheegay in ay Badda Cas ku weerareen Markab USS Greeley.

Qoraal ay soo saareen maanta oo Arbaco ah ayey ku xaqiijiyeen in dhammaan maraakiibta dagaalka Mareykanka iyo kuwa Britain ee ku sugan Badda Cas iyo Badda Carbeed ay beegsanayaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in weli ay sii wadayaan weerarka maraakiibta Israel iyo kuwa ku socdo dakadahooda ilaa inta dagaalka Gaza la joojinayo lagana qaadayo xayiraadda.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in Markab ay leeyihiin uu shalay soo riday gantaal laga soo tuuray Yemen. Taliska dhexe ayaa ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Xuutiyiinta. Waxay sheegeen in cidna aysan wax ku noqon, waxyeelana uusan geysan gantaalka.

Saraakiil AS ka tirsan oo lagu dilay weerarka cirka ah

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC}  Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, NISA, ayaa baahisay magacyada lix sarkaal oo ay sheegtay in ay ka tirsanaayeen ururka Al-Shabaab oo Axaddii lagu dilay weerar xagga cirka ah oo ka dhacay galbeedka Gobolka Hiiraan.

Ragga ay magacyadooda ay baahisay NISA ayaa waxa ka mid ah kuwa ka shaqayn jiray ururinta canshuuraha Al-Shabaab ee gobollada dhexe ee Soomaaliya. Waxaana ka mid ah Cismaan Cali Cabdi Caanooy oo ahaa madaxii canshuuraha degmada Jalalaqsi, Buulle Kabey oo ahaa madaxii gaadiidka ee Shabeellaha Dhexe, Maxamed Abuukar oo isna ahaa madaxii canshuuraha deegaanka Ceel-Cali iyo saddex xubnood oo kale

Weerarka ayaa dhacay xilli habeen ahaa markaas oo labo gaari oo ay wateen Al-shabaab lagu dhuftay labo gantaal oo laga soo riday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn sida ay u sheegeen BBC-da dadka deegaanka.

Al-shabaab weli kama hadal weerarka oo ka mid ahaa weeraro isxigxigay oo dhawaan lagu qaaday Al-shabaab oo ka kala dhacay Galhareeri, Buq-aqable iyo meelo kale