Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} WAR DEG DEG AH Meydka Wiil 8 jir ah oo laga helay duleedka Gaalkacyo
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA
Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} WAR DEG DEG AH Meydka Wiil 8 jir ah oo laga helay duleedka Gaalkacyo
Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Maxay Kawada hadleen MD xasan sheikh iyo farmaajo ?
Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo; Mohamed ibraahin Ahmed
Farsamadii : Mohamed Baryare Haamud
Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Siciid Deni, ayaa u mahadceliyay marti sharaftii kasoo qeybagashay munaasabadii Caleemasaarkiiisa
Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Siddee ayaa loo musuq maasuqay Barnaamijka damal caafimaad ee Degmada Jalalaqsi
Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Maxay Kawada hadleen MD xasan sheikh iyo farmaajo ?
Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kamid ah wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan magaalada Roma ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Talyaaniga.
Kulanka Jaamac iyo wasiirka difaaca Talyaaniga Guido Crosetto ayaa waxaa looga hadlay wadashaqeynta labada wasaaradood ee arrimaha difaaca iyo inay ka yeeshaan iskaashi.
Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa dowladda Talyaaniga u gudbiyay dalal la xiriira difaaca dalka, maadaama ay dowladdiisu dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab
War kooban oo laga soo saaray kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in xilligan ay Soomaaliya u baahan tahay taageero dhanka difaaca ah oo ka hesho caalamka.
“Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa mahad-celin kaddib dhiggiisa la wadaagaay muhiimada ay Soomaaliya u leedahay taageerada Difaaca ee Saaaxibada Caalamka ee xiligan oo ay dolwadda iyo shacabka Soomaaliyeed ku jiraan dagaal xooggan oo ay isaga xoreynayaan Ururo Argagixiso ah oo dhibaato ku haya Soomaaliya iyo dalalka dariskaba” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Jaamac ayaa kamid ah wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay shirka Afrika iyo Tayaaniga ee ka dhacay magaalada caasimada ah ee Roma.
Xasan oo shalay khudbad ka jeediyey Madasha Talyaaniga iyo Afrika ayaa nuux-nuuxsaday mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u xusay fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.
“Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeenna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.
Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka HirShabelle Cabdi Daahir Guure Karoore oo u warramay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday xadka kala qaybiya gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.
Karoore ayaa marka hore shaaca ka qaaday in dagaalkaas oo u dhexeeyo beelaha Abgaal iyo Xawaadle ay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay kooxda inay isku direyso labada beelood, isla markaana ay hurineyso dagaalkooda, si ay uga dhex faa’iideysato.
Ujeedkooda waxa uu tilmaamay inuu yahay inay isaga yareeyaan culayska hadda saaraan, maadaama looga adkaaday deegaanada maamulka HirShabelle.
“Nimankii Shabaabka ee laga adkaaday ayaa sameynaya inay beelaha isku diraan, si culeyska la soo saaray ay isaga yareeyaan, waxayna ku mashquulsan yihiin in dadkii ay ka dhex adeegtaan, ayna isu jiheeyaan, si dagaalka ayaga ku wajahan uu gaabis u galo.” ayuu yiri Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka HirShabelle.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka hortegi doonaan qorshaha Al-Shabaab, isla-markaana ay fahamsan yihiin danaha ka ay leedahay hurinta colaaddaasi.
“Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle, labaduba faham fiican ayay ka qabaan, Insha’Allah waana ka hortagaynaa, dhammaanteenana waan ka wada shaqeynaynaa” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Karoore.
Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay in haatan ay wadaan dadaallo dheeraad ah oo lagu heshiisiinayo beelaha ku dagaalamayo deegaanka Iji oo dhaca xadka labada gobol, si xal waara loogu helo dagaal beeleedyada kusoo noq-noqday deegaanadaasi.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana sidoo kale lagu guuleystay in xabad joojin deg-deg ah la kala dhex dhigo maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamaya halkaasi.
Arbaco-31-jan- 2024-{HMC} Madaxwayne farmaajo oo bartiisa facebook ku daabacay qoraalkan ayaa yiri.;
Kulankii u danbeeyey ee aan Dooxa kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa aannu kaga wada hadalnay muhiimadda ay leedahay inuu hoggaamiyo wadatashi heer qaran ah oo lagu wajahayo xaaladaha taagan ee la xiriira wax ka beddelka dastuurka, qaab dhismeelka maamul ee dalka iyo khataraha ku gedaaman madaxbannaanida iyo midnimada dalka, taas oo ah jidka keliya ee furan in la qaado.
Waxaan soo dhoweynayaa shirka Garoowe ee looga tashanayo arimaha hortebinta u leh dalka, aniga oo madaxdii hore ee dalka iyo kuwa xilka haya ugu baaqaya in ay ka qayb galaan shirkaas oo ah mid muhiimad weyn u leh dalka oo xilligan maraya marxalad xaasaasi ah.
Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda waxaan u soo jeedinayaa in inta uu shirkaasi socdo ay ka fogaadaan tallaabooyinka aan la isku waafaqsanayn ee la xiriira laalidda dastuurka iyo wax ka beddelka hannaanka maamul ee dalka.
Ma jirto xilli uu dalkeennu uga baahi badan yahay in aynu u midowno ka hortagga xasillooni darro gudaha ka timaadda iyo sidii aynu dadkeenna iyo dalkeenna uga difaaci lahayn khatarta dibadeed ee aynu wajahayno, meelna la iska dhigo tallaabooyinka kala qaybsanaanta siyaasadeed u horseedaya dalka.
Hadalkaan ayaa kusoo aadaya iyada oo madawaynaha puntland saciid dani uu shegay in uu gogol wada hadal uu dhigay magaalada garawe
Talaado -30-jan- 2024-{HMC} Madaxweynaha Jamhuiriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kulamo kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi mudane Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni oo ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.
