Home Blog Page 2895

Corruption Scandal Rocks Damal Health Project Selection in Jalalaqsi.

0

Tuesday -30-jan- 2024-{HMC} A concerning situation has been identified regarding the examination process for health workers within the Damal Health Project, carried out in Jalalaqsi district of the Hiran region.

The examination, facilitated by the Wardi Agency, saw participation from over 190 individuals. However, subsequent to the evaluation, the announcement of successful candidates revealed a disparity. Among the 42 individuals declared successful, 24 were found to have familial ties to Governor Noor. Such a pattern raises questions about the integrity of the selection process.

Upon investigation, discrepancies emerged within the published list of successful candidates. Instances were discovered where individuals included in the list had not participated in the examination for the Damal Health Project in Jalalaqsi. Furthermore, some candidates were found to be absent from the district during the examination period, while others were suspected of having access to exam questions beforehand.

Of significant concern is the observation that a majority, approximately 60%, of the announced candidates belong to the tribe of Nur Dhere, the governor of Jalalaqsi. It has been reported from credible sources within the area that many of the selected individuals lack expertise in the field of health, further raising doubts about the fairness of the selection process.

The residents of Jalalaqsi have expressed deep dissatisfaction with the treatment of employees involved in the Damal health program within the district, placing blame on the district governor.

Even the deputy governor of the district has publicly denounced the conduct of the examination, attributing the issue to corruption and indicating that Nur Dheere will be held accountable for the consequences of such actions.

 

Meydka Wiil 8 jir ah oo (Lug & gacan ka maqan) oo laga helay duleedka magaalada Gaalkacyo

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Meydka wiil 8 sano jir ayaa bahal ku cunay meel la yiraahdo caska oo cabaar u jirta Jaamacadda Bariga Afrika oo ku taalla magaalada Gaalkacyo.

Wiilka ayaa markiisii hore wuxu ka soo lumay inta u dhaxaysa saldhiga Miir ilaa Buulo bacley, maydkiisa ayaa waxa la tusay eheladiisa, waxaana baarey Booliska Gaalkacyo.

Meydka ayaa wuxuu meesha yaallay ku dhowaad Asbuuc sida ay sheegeen dhaqaatiirta.

Bahalka weerarka u gaystay ilmahan oo aan la ogeyn waxaa uu ahaa ayaa markii hore ka dilay madaxam wuxuuna cunay lug iyo gacan

Ma jiraan wax lagala baxay xubnaha jirkiisa sida beerka ama Kalyaha sidaaas waxa xaqiijiyey Laamaha amaanka degmada Gaalkacyo.

Joe Biden oo sheegay sida uu uga jawaabayo askartii laga laayey Mareykanka

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu go’aansaday sida uu Maraykanku uga falcelinayo weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku dileen saddex askari oo Maraykan ah oo ku sugnaa dalka Urdun.

Isagoo ka hadlayay mar uu ka soo baxayay Aqalka Cad oo uu ka qeyb galayay lacag uruurintii Florida, Mr Biden wuxuu yiri, “Uma maleynayo inaan u baahanahay dagaal ku baaha Bariga Dhexe.”

Koox maleeshiyo ah oo ay taageerto Iiraan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee lagu laayey askartaan.

Sidoo kale weerarkaas waxaa ku dhaawacmay askar kale oo Mareykan ah, wuxuuna ka dhacay meel u dhow xuduudda Suuriya.

Madaxweyne Biden si raami ah uma faahfaahin waxa ay noqon karto tallaabada Mareykanka, balse Aqalka Cad ayaa Isniintii ballan qaaday “jawaab dhaxal gal ah”.

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay magacyada saddexdii askari ee looga dilay duqeyntii ka dhacday Jordan.

Saddexdaas sarkaal ayaa kala ah:

1. Sgt William Jerome Rivers, oo 46 sano jir ah.

2. Specialist Kennedy Ladon Sanders, oo 24 sano jir ah iyo

3. Specialist Breonna Alexsondria Moffett, oo 23 sano jir ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn { 30/ 01/2024}

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo : Abdimajiid Abdirahmaan Aadan

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Dowladda Soomaaliya oo loo dalbay in ka badan 1.6 bilyan doollar

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha samafalka ayaa sheegay in loo baahan yahay 1.6 bilyan oo doollar si loo caawiyo 5.2 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool sannadka 2024-ka.

“Codsigan soo baxay Talaadada maanta ah waxa uu ku dhawaad 40 boqolkiiba ka hooseeyaa dhaqaalihii loo baahdey sanadkii 2023,” ayay tiri Qaramada Midoobay.

 

Sanadkan 2024, tirada dadka u baahan doona gargaarka ayaa, sidda ku cad warbixinta, waxay hoos u dhacday 6.9 milyan, boqolkiiba 16 marka lala barbardhigo 8.25 milyan sanadka 2023.

 

Sikastaba ha ahaatee, waxyaabaha kale muhiimka ah ee warbixinta ku jiray waxaa qeyb ka ah in aysan jirin degmo illaa haatan loo aqoonsadey in ay wajahayso xaalad macluul ah ama ay kusoo fool leedahay musiibo.

Dowladda Jabuuti oo ku tilmaamay Fahad Yaasiin “nin dhimirka ka xanuunsan.

0

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Ilyaas Dawaleh Wasiirka Maaliyadda dalka Jabuuti, ayaa si adag uga jawaabay eedo culculus uu dhawaan taliyihii hore ee Hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin u jeediyey Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxa uu intaasi ku daray: “Madaxweyne Geelle waxa uu Fahad iyo kooxdiisa u keenay xanuuno nafsi ah, taasina waxay keentay in fursad kasta oo ay helaan ku aflagaadeyaan Madaxweyne Geelle.”

 

Wuxuu hadalkiisa raaaciyay: “Hadii Ri Gedo ku geeriyooto waxaa dilay madaxweyne Geelle, hadii ay islaan da’ ah Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in cayda Fahad aysan waxba ka baddeli doonin taariikhda Ismaaciil Cumar Geellesida uu hadalka u dhigay.

Ninka magacyada badan ee caanka ku ah Fahad Yaasin ayaa qormo oo dhawaan baahiyay ku tilmaamay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in uu mar walba doonayo in ay Soomaaliya ku jirto qalalaase joogto ah.

Wuxuu sidoo kale ku sheegay qoraalkiisa in Madaxweyne Geelle oo kula taliyay Abiy Axmed in uu damco badda Soomaaliya si uu isaga leexiyo.

Madaxweyne Biixi oo shuruud horleh ku xiray fulinta heshiis-beenaadkii uu la saxiixdey itoobiya.

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Dildilaac ayaa lagu waramay inuu soo wajahay fulinta heshiis-beenaadkii ay 1-dii Janaayo, 2024 ay magaaalada Addis Ababa ku gaareen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Heshiis-beenaadka uu Biixi la galay Abiy waxa uu xeerinayaa in Itoobiya ay muddo 50-sano ah kireysatay dhul ay ka hirgelineyso deked iyo saldhig ciidan badeed ayna Somaliland ugu badalayso aqoonsi iyo saami ay ku yeelato shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines.

 

“Cadaadiska soo fuulay Biixi waxa uu uga yimid ganacsatada Somaliland kuwaas oo sheegay in dekada Berbera ay xirmeyso haddii qorshaha is-fahamka lagu sii socdo taasna aysan u wanagasaneyn degaankooda,” ayuu qof xogogaal ah u sheegay Warbaahinta.

Sidda uu caddeynayo illo wareedkan, tani ayaa ku riixdey Biixi inuu kula laabto Abiy shuruud ah in marka hore ay Itoobiya aqoonsato maamulkiisa kahor inta aanan si dhab ah loo guda gelin fulinta heshiiska ayna taas u sahleyso soo afjarida cadaadiska soo fuulay.

“Hase ahaatee, Abiy oo fahamsan culeyska ay leedahay in dowladiisa qaadato go’aan noocaas ah ayaa ka wareegaya inuu ku dhaco go’aankaas oo haddii uu qaato soo afjari karta xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa,” ayay raacieeyn dadkii warbaahinta la hadlay.

Diidmadda caalamka iyo Jabuuti Somaliland ayaa 1991-dii waxa ay ku dhawaaqdey in ay ka go’dey Soomaaliya inteeda kale. Hase ahaatee, wali aduunka waxa uu u aqoonsan yahay maamul goboleed si toos ah u hoostaga xukuumadda federaalka ee fadhigeedu
yahay magaalada Muqdisho.

Heshiis-beenaadka ay kala saxiixdeen Abiy iyo Biixi ayaa la kulmay cambaareyn caalami ah. Tani waxa ay dharbaaxo ku noqotay Addis Ababa. Tani waxa ay muujisay in aduunka uusan waqti-xaadirkan diyaar u ahayn qalalaase iyo xasilooni darro ka dilaacda gobolka Geeska Afrika.

“Iyadda oo midnimadaas uu caalamka u muujiyay ilaalinta madax-banaanida Soomaaliya, haddana waxaa intaas dheer diidmadda Jabuuti ee ku wajahan in aan la dhaqan-gelin heshiiskan maadaama ay waayi doonto ganacsiga

kala dhaxeeya Itoobiya haddii si toos ah loo fuliyo,” ayay raaciyeen illo wareedyadda.
Kala shakiga Abiy iyo saraakiishiisa Jabuuti ayaa haatan ah dalka kaliya ee ay Itoobiya kasoo degsato badeecadaha.

 

Xukuumadda madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle waxa ay halkaas ka faa’iidaa dhaqaale aad u badan kaas oo u weecan kara dhanka Somaliland haddii uu dhaqan-galo is-afgaradka.

Dhanka kale, illo dhanka sirdoonka ah ayaa waxa ay caddeynayaan in Abiy uu ku fashilmay inuu taliyeyaashiisa ciidamadda ku qanciyo in ay awood milatari ku dhaqan-geliyaan heshiiskan maadaama ay soo shaac-baxdey inuu ka been-sheegya ogolaanshiyaha Soomaaliya.

“Abiy waxauu marka hore ku wargeliyey taliyeyaasha ciidamadda Itoobiya in Soomaaliya ay raali ka tahay isfahamkaas. Balse markii dowladda federaalka ay si adag uga hor-timid ayay dib uga dageen taas oo abuurtey kala shaki xooggan,” ayay tibaaxeen illaha.

FAAH FAAHIN Burcad badeedda Soomaalida oo xoog looga furtay 17 badmaaxayiin ah

0

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Ciidamada Badda Hindiya ayaa soo badbaadiyay 19 badmaaxiyiin ah oo u dhashay dalka Pakistan, kadib markii markab ay wateen oo kalluumeysi ay kooxaha burcad badeedda Soomaalidu ka afduubteen xeebaha Soomaaliya.

Hawlgalkan ayaa ahaa kii labaad oo muddo 36 saacadood gudahood ah uu ku guulaysto markabka dagaalka ee Hindiya INS Sumitra.

Maalin ka hor, markabkan ayaa soo badbaadiyay 17-shaqaale oo Iraniyiin ah oo la socday doon ay sidoo kale afduubteen burcad badeedda, sida ay sheegeen ciidamada badda Hindiya.

Ciidamada badda ee Hindiya ayaa dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay ka jawaabayay baaqyo dhowr ah oo ka soo yeerayay maraakiibta iyo badmaaxiinta.

Weeraradii u dambeeyay ee lagu qaaday maraakiibta ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa dhaliyay walaac laga qabo in burcadbadeeddu ay mar kale dhaqdhaqaaq ka sameeyaan gobolka.

Markabka INS Sumitra ayaa loo daabulay hawlgalo lagu sugayo amniga badda xeebaha bari ee Soomaaliya iyo gacanka cadmeed.

Sawirro la soo geliyay barta Twitterka ayaa muujinaya ciidamo hubeysan oo ka tirsan kuwa badda Hindiya oo ilaalinaya rag gacmaha ka xiran oo loo maleynayo inay katirsan yihiin kooxaha burcad badeedda.

Sabtidii, ciidamada difaaca ee Seychelles ayaa soo badbaadiyay lix kalluumaysato ah oo u dhashay Sri Lanka ka dib markii la afduubtay markab ay wateen.

Warbixin ay soo saartay Bloomberg ayaa lagu sheegay in kororka burcad badeeda Soomaalida ay la xiriirto khalkhal galinta amniga badda, iyadoo ay sabab u tahay weerarada isdaba joogga ah oo ay Xuutiyiintu ku qaadeen maraakiib marayay badda cas iyagoo taageero ka helaya Iran.

Deni oo shaaciyey qorshaha DF ee ka qeyb-galka gogoshii ay dhigtay Puntland

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa faahfaahiyey gogosha wadahadal ee arrimaha Soomaaliya ee Puntland ay dhigtay, taas oo Deni uu ku dhawaaqay maalintii caleemo-saarkiisa.

Puntland ayaa shaacisay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu aqbalay gogoshaas, waxaana kulamadii madaxdu ku yeesheen Garoowe todobaadkan looga hadlay Ajandaha Shirka heer Federaal ee ay gogoshiisa dhigtay Puntland oo ka dhici doona Garoowe.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shir guddoomiyey kulan aan uga arrinsanay gogosha ay dhigtay Puntland, kaas oo ay ka soo qeyb galeen madaxdii hore iyo hoggaanka Puntland, kulankaas waxaa looga hadlay gogosha ay dhigtay Puntland, si looga arrinsado xaaladda Soomaaliya,” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu soo dhaweeyey gogoshaas, isla markaana uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in gogoshaas la qabto.

Sidoo kale Deni ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS u xilsaaray diyaarinta ajendaha gogoshaas looga hadlayo.

“Kulankii kaas xigay waxaa lagu falanqeeyey ajendeyaasha ay tahay in gogoshaas lagu soo bandhigo, si loogu gudbiyo madaxweynaha oo qaban doona waqtiga ku haboon ee gogoshaas la isugu imaan karo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa madaxda dowlad goboleedyada iyo madaxweynaha DF uga mahad celiyey sida ay u aqbaleen gogosha looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee Puntland ay dhigtay.

“Markii madaxweynuhu waqtiga noo iclaamiyey ayey gogoshaasi ka dhici doontaa Garowe, si aan uga arrinsano marxaladaha adag ee ku soo wajahan qaranimada Soomaaliya, waxaana rajeynayaa inay soo baxaan qodobo muhiim u ah masiirka dalka,” ayuu yiri Deni.

Dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo AS oo ka dhacay duleedka baydhabo

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka waqooyi ee magaalada Baydhaba.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay xero ay daganaayeen ciidamada ammaanka, kadib markii ay soo weerareen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal lagu hoobtay uu ka dhacay halkaas, kaas oo ay labada dhinac ka sheegteen guullo waa weyn.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in weerar ay soo qaadeen Shabaab laga hortagay, kadibna xubna badan looga laayay aagga Baydhaba,.

“Tiro khawaarijta katirsaneed ayaa xaley lagu laayey Duleedka Waqooyi ee Magaalada Baydhabo Kadib markii ay isku dayeen inay soo weeraraan xaro Ciidanka Daraawishta Koofurgalbeed ay daganaayeen. Ciidanka oo kawarheley dhaqarta khawaarijta ayaa fashiliyey weerarka khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda dhexe.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa guul ka sheegatay dagaalkan, waxayna sheegtay inay cagta mariyeen saldhigga ay weerareen, ayna ku dileen ugu yaran 5 askari.

Sidoo kale waxa ay kooxda intaasi kusii dartay in hub iyo saanad milatari ay ka qaadatay xerada lagu dagaalamay oo ay daganaayeen ciidamada Koonfur Galbeed.

Marar badan ayaa labada dhinac sidaan oo kale waxa ay ugu dagaalameen aagga magaalada Baydhaba, maadaama ay go’doon ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.