Home Blog Page 2896

Shabakad dadka ku cabsi galin jirtay Baraha Bulshada oo Gacanta Lagu dhigay.

0

Talaado-30-jan- 2024-{HMC}  Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa maanta shaacisay iney gacanta kusoo dhigtay koox ay sheegtay in dadka shacabka ah ku cabsi galin jirtay baraha Bulshada ee Internetka.

War qoraal ah oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in xayiraad la saaray Group-yo lambaro gaaraya 2,500, islamarkaana laga mamnuucay gabi ahaan iney isticmaalaan adeega ku hadalka OTT ee WhtasApp iyo wixii la mid ah.

 

NISA ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in Group-yadaan ay ahayeen kuwa baad looga qaadan jiray ganacsatada Soonaaliyeed oo ay lahayeen kooxda Al-shabaab.

 

“Xafiiska amniga Internet-ka ee hay’adda NISA ayaa soo afjaray ku dhawaad 20 koox oo isticmaalayey Group-yo ay lahaayeen Khawaarijta kuwaasi oo ay u isticmaali jireen cabsi galinta shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.

 

Hay’adda NISA ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digtay iney xubin ka noqdaan Group-yo, Channels ama Pages ay leeyihiin kooxda Al-shabaab.

Somaliland official slams Rep. Ilhan Omar for ‘ethno-racist rhetoric’

0

Tuesday -30-jan- 2024-{HMC}  Rep. Ilhan Omar has been accused of using “ethno-racist rhetoric” by an official of the Republic of Somaliland.

 

The rebuke followed Ms. Omar’s speech in Minneapolis in which she pledged her support for her native Somalia, though she later insisted her comments were misinterpreted.

 

Some translations of a video of the speech, which Ms. Omar delivered in Somali, said she was telling Somali Americans that her “No. 1 job” is to look out for Somalia and that one day, the country will go after other territories to “unify all Somali-speaking people.”

 

Rhoda Elmi, Somaliland’s deputy foreign minister, said she was “profoundly surprised, even shocked” by the rhetoric from Ms. Omar, a Minnesota Democrat who is part of Congress’ far-left “Squad.”

“The language she employed was regrettably unbecoming of both the office she holds and the constituents she represents,” the minister wrote on X. “Her expressions were lacking in common decency and revealed a significant lack of understanding of basic facts.”

Ms. Elmi represents the Republic of Somaliland, which declared its independence from Somalia in 1991 as that country collapsed into warlord-run anarchy.

Somaliland encompasses the northern part of Somalia and is the de facto government in that part of the country though no U.N. member recognizes it as a fully sovereign state. It thus has a status not unlike Taiwan, which is the only country in the world that does fully recognize it.

The government of neighboring Ethiopia recently said it would help Somaliland gain international recognition and would in return get that landlocked country some form of access to the Red Sea. The government of Somalia sees such moves as an attempt to dismember its country.

Source The Washington Times

{DAAWO MUUQAALKA} Guddoomiyaha SODMA oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo Qorshaha ka jawaabista baahiyaha bini’adamnimo.

0

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Guddoomiyaha SODMA oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo Qorshaha ka jawaabista baahiyaha bini’adamnimo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 30/ 01/ 2024}

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Shugri baryare iyo Mustaf ali adoow

Farsamadii : Abdi maajid abdirxmaaan aadan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

Dhowr qof oo meydadkooda laga helay saxaro ku yaala Mareykanka

Talaado-30-jan- 2024-{HMC}  Booliska ayaa xabsiga u taxaabay shan qof kadib markii dhowr meydad ah laga helay saxaraha fog ee Mojave oo ku yaala koonfurta gobolka California.

Meydadka dad gaaraya ilaa lix qof ayaa la helay, kuwaas oo la toogtay.

Baaritaanada Isniinti laga helay xafiiska magaalada San Bernardino ayaa muujinaya, inay u muuqato inuu muran ka dhashay wax lala xirriirinayo xashiiska loo yaqaano Marijuana.

Afar kamid ah dadka la dilay ayaa wejiyadooda la aqoonsaday, sida uu booliska sheegay.

Meydadka dadkaas oo dhamaantood ahaa rag, ayaa la helay 23-kii bishii January, waxaana laga helay meel u dhow waddada El Mirage, oo ku taala maamulka San Bernardino.

Dhamaan dadkaas ayaa u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray toogasho, sida ay sheegeen booliska.

Somaliland oo u jawaabtay Ilhaan Cumar oo ka hadashay heshiiskii is-afgarad ee badda

Talaado-30-jan- 2024-{HMC}  Xukumadda jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa u jawaabtay hadal ay dhawaan jeedisay xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha wakiilada Mareykanka, lagana soo doorto gobolka Minnesota.

Ilhaan ayaa ka hadashay arrinta la xirriirta khilaafka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo sheegtay in “Mareykanku uusan taageersaneyn in Itoobiya ay qaadato dhul ka mid ah Soomaaliya”.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cali Xassan Maxamed, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee hore loo oran jiray Twitter ku sheegay, in aysan ahayn markii ugu horreysay oo ay Ilhaan colaad iyo nacayb ka dhex abuurto Soomaalida.

Waxaa uu ku eedeeyay inay ku lug lahayd dagaalkii ka dhacay Laascaanood isla markaana ay nacayb iyo kala qeybsanaan ka dhex abuurtay Soomaalida, waa sida uu hadalka u dhigayee wasiirka.

Waxaa uu qoraalkiisa intaa raaciyay in la joogo waqtigii Ilhaan lagula xisaabtami lahaa khaladaadka ay gashay.

Ilhaan Cumar oo hadal ka jeedisay xaflad ka dhacday magaalada Minneapolis oo loogu dabaal-degayay dib u doorashada madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tiri:

“Intii aan aniga Congress-ka joogo biyaha Soomaaliya iyo baddeeda dad kale ma qaadanayaan. Waddanka Mareykankana kuma taageeraayo in dad kale ay annaga na dhacaan.”

Nin xubinta taranka iska jaray isagoo hurda oo wax kale ku riyoonaya

Talaado-30-jan- 2024-{HMC}  Nin beeraley ah oo ku sugan waddanka Ghana ayaa isbitaalka ku jira isagoo xaaladdiisu ay aad u liidato kaddib markii uu si shil ah xubinta taranka isaga gooyay isagoo hurdaya.

Kofi Atta, oo isagoo sariirta isbitaalka jiifa, ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen. Waxa uu sugayaa in ay dhakhaatiirta ku sameeyaan qalliin.

Kofi ayaa sheegay in hadda la siiyay biyo badan, cirbado xanuun baabi’iye ahna lagu duray.

Balse waxa uu sheegay in uusan haysan lacag uu ku bixiyo xitaa gaarigii isbitaalka lagu geeyay.

‘Anigoo riyoonaya ayaan xubinta taranka iska jaray’

Ninkan ayaa sheegay in uu seexday xilli duhurnimo ah, markaas oo uu ku fadhiyay kursi. Wax yar markii uu hurday ayuu ku riyooday isagoo jarjaraya hilib hortiisa yaalla, si uu u karsado.

Balse isagoo aan weli hurdada ka kicin, riyadiina ku dhex jira ayuu si run ah jeebka uga soo baxsaday mindi waxa uuna si kama’ ah isaga gooyay xubinta taranka.

Atta ayaa sheegay in markii uu shilkan dhacay uu ka kacay hurdada balse uu aad u jah wareeray, ilaa ay labo qof oo deriskiisa ah ka caawiyeen.

“Ma garanayn sida ay wax u dhaceen. Dhiig badan ayaa iga baxay,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in uu arrinta rumaysan waayay, dhankiisana uu u haystay inuu wali riyo ku jiro.

“Xaaladda dhabta ah waxaan ku baraarugay markii ay dadki i caawinayay i tuseen caddaynta ku saabsan in aan si run ah isaga gooyay xubinteyda taranka.”

Atta waxa uu intaas ku daray inuusan ogayn sida ay ku dhacday inuu mindida lasoo baxo.

Ninkan 47 jirka ah, oo kasoo jeeda magaalada Assim Akomfode ee gobolka Bartamaha Ghana ayaa aad u qayliyay marka uu xaqiiqda ogaaday.

Atta waxa uu ka mid yahay dadka iyagoo hurda sameeya waxyaabo aysan ka warqabin. Dadka cudurkaas qaba qaarkood way socdaan iyagoo hurda halka qaarna ay waxyaabo kale sameeyaan, sida in ay isku kaadiyaan, ama riyo xun arkaan oo ay qayliyaan.

Xaalad aad u badan waa in dadka qaar ay sheekeeyaan iyagoo hurda.

Mararka qaar haddii qof xaaladdaas ku jira aad la joogto waxay kula noqonaysaa in uu hurdada ka kacay, balse wali kama kicin. Arrinta kale ee cajiibka ah waa in dadkan aysan xasuusan wixii ay sameeyeen marka ay hurdada ka kacaan kaddib

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Arrimaha gudaha XFS Axmed Macalin Fiqi oo hambalyo u diray xulka Kubadda cagta ee Galmudug.

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Wasiirka Arrimaha gudaha XFS Axmed Macalin Fiqi oo hambalyo u diray xulka Kubadda cagta ee Galmudug.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Siyaasiyiin kala Duwan oo u Hambalyeey Xulka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Siyaasiyiin kala Duwan oo u Hambalyeey Xulka Dowlad Goboleedka Galmudug.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Rooble oo iska diiwaan galiyay kaarka aqoonsiga Qaranka

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Rooble oo iska diiwaan galiyay kaarka aqoonsiga Qaranka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA