Home Blog Page 2898

Mahad Salaad oo ka qeyb galaya Shir Arrimo muhiim ah looga hadlayo

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Taliyaha Hayadda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qayb galaya shirka Hay’adaha Sirdoonka ee qaar kamid ah waddamada Afrika, kaas oo ka socda magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa iskaashiga dhinaca ammaanka iyo isdhaafsiga macluumaadka muhiimka u ah xasiloonida, si loo helo bariga Afrika oo nabad ah kana caagan wax kasta oo wax u dhima kara xasiloonida.

Madaxda ka qaybgalaysa shirkaan ayaa ka kala socda wadamada Kenya, Tanzania, Uganda, Somalia, Ethiopia, Burundi, Rwanda, Eritrea, Mozambique, Comoros, the Democratic Republic of Congo, Djibouti, Malawi, South Sudan, iyo Seychelles.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) ayaa xiriir iskaashi oo heer sare ah wuxuu kala dhaxeeyaa Hay’adaha dalalka Gobalka, iyagoo qaarkood kuwada guulaystay howllo ay iska kaashadeen.

Abaal-marinta caalami ah oo la siiyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Axadii lagu guddoonsiiyay magaalada Rome billad sharafeedka hay’adda cunnada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee loo yaqaanno Agricola.

Abiy Axmed ayaa lagu abaal-mariyey aragtida dawladdiisa, hoggaaminta, sida ay uga go’an tahay haqab-beelka cuntada iyo nafaqeynta iyo sidoo kale raadinta xalal cusub oo isku filnaansho, gaar ahaan in isku filnaansho laga gaaro qamadiga, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa Axaddii.

Hadal kooban oo uu ka jeediyay xafladda Roma ka dib markii abaalmarinta la guddoonsiiyay ayuu Abiy Axmed wuxuu ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay billada ay siisay hay’adda Cuntada iyo Beeraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahad-celiyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda FAO waxaana uu sheegay inay mar walba garab taagan yihiin xaqiijinta hiigsiga dalka itoobiya, gaar ahaan horumarinta Beeraha.

Wuxuu ka hadlay diiradda dowladdiisa ee ku aaddan dalagyada qiimaha sare leh iyo warshadaha ee ah “natiijooyinka rajada leh ee ku aadan isku filnaanta cunto ee Itoobiya”.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in shantii sano ee la soo dhaafay dhul-beereedka Itoobiya la balaariyay in ka badan 50%, taasina ay keentay in wax soo saarka uu kordho, gaar ahaan qamadiga iyo bariiska, Itoobiyana ay hadda tahay dalka ugu badan ee dhoofiya Qamadiga ee dalalka Afrika.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in markii uu xafiiska la wareegay sanadkii 2018-kii ay Itoobiya soo dhoofsan jirtay Qamadiga si ay u buuxiso baahideeda gudaha, haatanna ay isku filnaatay oo ay dhoofin jirtay tan iyo 2023-kii.

Waa maxay abaal-marintan?

Abaal-marinta Agricola waa billad-sharafeed lagu maamuso shakhsiyaadka sida “wanaagsan” diiradda u saara si bulshadiisa ay u gaarto isku filnaansho dhanka cuntada ah.

Sidoo kale abaalmrinta ayaa la siiyay hogaamiyaasha dalalka adduunka ee doonaya sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka cunto waarta, iyo iskaashiga caalamiga ah.

Agricola, waa abaal marintii ugu saraysay ee uu bixiyo agaasimaha guud ee haa’yadda cunada aduunka FAO, tan hadda la siiyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa noqonaysa tii ugu horraysay ee uu bixiyo agaasimaha hadda xilka haya tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 2019.

Agaasimaha Guud wuxuu tilmaamay in sannadihii la soo dhaafay Billadda Agricola la guddoonsiiyay shakhsiyaad caan ah, kuwaas oo lagu qiimeyay doorkooda aan caadiga ahayn ee ku aaddan dadaallada muuqda ee lagu guuleystay ee horumarinta amniga cuntada adduunka iyo yaraynta faqriga

Billada ayaa noqnaysa tii 27 -aad oo ha’yadda ay bixiso, waxaana horey loo siiyay hogaamiyaasha qaar ka mid ah dalalka caalamka oo ay ka mid yihiin Shiinaha, Hindiya, Sacuudiga iyo kuwo kale.

Abaalmarintan ayaa ku soo beegantay iyadoo dalka ku yaal Geeska Afrika uu wajahayo mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa muddo tobanaan sano ah, iyadoo ku dhawaad 4 milyan oo Itoobiyaan ah ay u baahan yihiin gargaar cunto oo degdeg ah

Guddiga Maareynta Khatarta Masiibooyinka ee Itoobiya ayaa sheegay horraantii bishan in xaaladdu ay aad uga sii dartay iyadoo ay ugu wacan tahay heerka nafaqa-darrada iyo biyo la’aanta daran oo ay weheliso cudurro dillaacay.

In ka badan 860 qof ayaa ku dhintay gobolka waqooyi ee Tigrayga tan iyo Sebtembar 2023 gaajo darteed, sida laga soo xigtay xafiiska isgaarsiinta Tigray.

Getachew Reda, madaxa ku meel gaarka ah ee maamulka gobolka Tigray, ayaa bishii December sheegay in xaaladdu ay tahay “masiibo” oo u dhiganta macluushii dilaaga ahayd ee ka dhacday Itoobiya sannadkii 1984-kii oo malaayiin qof ay ku dhinteen.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn { 30/ 01 / 2024}

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo; Mustaf Ali Addow

Farsamadii : Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Villa Somalia oo xaqiijisay in Xasan Sheekh iyo Abiy aanay ku kulmi doonin Rome

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Villa Somalia oo xaqiijisay in Xasan Sheekh iyo Abiy aanay ku kulmi doonin Rome

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka Rome geeyey qadiyadda Somalia ee xiisadda badda

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka Rome geeyey qadiyadda Somalia ee xiisadda badda

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Xasan sheikh oo shirka Rome geeyey faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida soomaaliya

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Madasha Talyaaniga iyo Afrika ayaa xusay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.

“Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeenna,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in la xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin, ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.

Soomaaliya waxay ku faani kartaa khayraadka Alle ku mannaystay ee dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga, Tamarta, iyo booska istaraatiijiga ah, kuwaas oo ay wehelinyaan in ay yihiin dad fir fircoon, dhallinyaro u badan, kuna tilmaaman hammi iyo hal-abuur.”

“Ku biirista Bulshada Bariga Afrika waxa ay si weyn u dhiirri-gelisay aragtidayada ganacsi” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qoor Qoor oo dalab culus oo la xiriira ciyaaraha maamul goboleedyada codsaday

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa ka hadlay guusha xulkiisa Galmudug uu kasoo hooyay tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socday magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa codsaday in sanadka dambe ee 2025 uu maamulkiisa marti-geliyo tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka.

“Hambalyo Habmalyo dhallinyaro. Waxaan idin daawaday dhammaan daqiiqadihii ciyaarta, waxaad u ciyaarteen si cajiib ah, waxaad muujiseen akhlaaq wanaag iyo xirfad sarreysa,” ayuu Qoor-Qoor ku yiri qoraal kooban oo uu madaxweynaha soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu qoraalka ku yiri “Koobkiina waad keenteen. Waa inoo dabbaal degga idinka Ilaahey.”

Xulka Galmudug ayaa shalay galab guul ka gaaray dhiggiisa HirShabelle ciyaar la’isla gaaray gool kullaad, taas oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50 kun oo taageerayaal kala sitay calamada labada xul ee wada ciyaarayey finalka tartanka.

Si kastaba, guusha Galmudug ayaa noqoneysa markii ugu horreysay ee ay qaado koobka ciyaaraha maamullada dalka, oo sanadkaan ay ka maqnaayeen Puntland iyo SSC-Khaatumo, halka Koonfur Galbeed ay caro uga baxday tartanka.

Burcad badeedda Soomaalida oo xoog looga furtay 17 badmaaxayiin ah

isniin-29-jan- 2024-{HMC} Kalluumeysato la socotay labo markab oo ay burcad badeed ku afduubatay xeebaha Soomaaliya ayaa lagu soo furtay howlgalo kala duwan oo ay sameeyeen ciidamada badda.

Ciidamada ilaalada xeebaha Seychelles ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 3 burcad badeed ah ayna sii daayeen 6-shaqaale ah oo la socday dooni kaluumaysi oo laga leeyahay dalka SriLanka oo lagu qabtay badda Carbeed.

Sidoo kale, Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Hindiya ayaa soo badbaadiyay 17-qof oo lagu afduubtay markab kaluumaysi.

Waxaa la dareensanyahay in ay sare u kaceen dhaq-dhaqaaqa burcad badeedda fadhigoodu yahay xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo khatar ku ah isku socodka dunida.

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa cirka isku shareertay cabsida laga qabo inay dib u soo laba kacleeyaan kooxihii burcad badeeda ahaa ee afduubka ka geysan jiray xeebaha Soomaaliya.

Sidoo kale kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen oo dowladda Iiraan ay taageerto ayaa afduub ku bilowday maraakiibta isticmaasha badda Cas.

Xeebaha Soomaaliya waxaa ka howlgala ciidamo ka socda Midowga Yurub, sidoo kale ciidamada badda Soomaaliya ayaa hadda waxaa ku socota diyaarin xoog leh, waxaana dhawaan la rijeynayaa in lasoo afjaro qulqulatooyinka dhanka badda.

Arrimahaan waxay imaanayaan xilli Itoobiya ay soo hunguriyeysay badda Soomaaliya, waxaana dhawaan lagu wadaa in dowladda Soomaaliya ay soo bandhigto cudud ciidan oo ku filan difaaca badda, kuwaas oo hadda diyaarintoodu socoto.

Israel oo duqeysay goobo ay leedahay Q/Midoobay & gaadiid ambalaas ah

isniin-29-jan- 2024-{HMC} Ugu yaraan 10 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay kadib markii Israa’iil ay ku garaacday madaafiic iskuul ay Qaramada Midoobay leedahay oo ku yaalla xaafadda Al-Rimal ee magaalada Gaza Isniintii maanta sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Falastiin ee WAFA.

Gawaarida ciidamada Israel ayaa isku gadaamay iskuulka, iyadoo askartu ay ku guda jireen duqeymo xoogan iyo rasaas, sida ay sheegtay WAFA.

UNRWA iyo ciidamada difaaca Israel kama hadlin duqeymaha dugsiga ee magaalada Gaza.

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa sidoo kale duqeeyay ugu yaraan shan dhismo oo la deggan yahay oo ku yaalla xaafadda Al-Rimal, WAFA ayaa intaas ku dartay, taasoo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen tobanaan rayid ah.

Goobjooge iyo wariye Khader Zaanoun, oo ku sugan Al-Rimal, ayaa CNN u sheegay in ciidamada Israel ay xaafadda ka soo weerareen “jihooyin badan,” oo ay hadda ku hareeraysan yihiin, waxaana ku jira goobahaas Isbitaalka Al-Shifa.

Afar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ayaa la dilay ka dib markii laba ambalaas ay madaafiic ku garaaceen diyaaradaha Israa’iil ee ku sugan magaalada Gaza, xilli ay u socdeen si ay u daabulaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay Isniintii, ayuu yiri Zaanoun.

“Ambalaasta waxay la kulmaan dhibaatooyin waaweyn xagga dhaqdhaqaaqa iyo hawlgalka sababtoo ah madaafiicda iyo go’doominta ciidamada Israel,” ayuu yiri Zaanoun.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn { 29/ 01/2024}

isniin-29-jan- 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo : Abdi Ahmed Hussein

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO