Home Blog Page 2899

WAR DEG DEG AH Dowladda Iiraan oo u Hanjabtay Israa’iil iyo cabsi laga qabo Dagaal cusub oo ka dhax qarxa.

0

Isniin-29-jan- 2024-{HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa si cad ugu digay Israa’iil – waa inay joojisaa weerarrada Qasa haddii kalena ay qaadi doonaan tallaabo.

 

Saacado gudahood kaddib, Iiraan ayaa beddeshay mowqifkeedii, iyadoo sheegtay inaysan soo faragelin doonin dagaalka Israaiil iyo Xamaas ilaa uu saameyn ku yeesho danaha Iiraan iyo muwaadiniinteeda.

 

Si kastaba, dagaalkan labada dhinac ah, ayay Iiraan markii ugu horreysayba sheegtay taageeradeeda ay u heyso kooxdan militari ee Xamaas iyo Falastiiniyiinta. Waxay sidoo kale uga digtay Israa’iil inay wajihi doonto cawaaqib-xumo.

 

Ku xigeenka taliyaha ciidamada Iiraan, ayaa ugu hanjabay Israa’iil in weerar gantaallo ah lagu qaadi doono magaalada Xayfa ee Israa’iil.

 

Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in weerarrada Israa’iil ee Qasa ay sii socon doonaan, qofna uusan awoodin inuu joojiyo Muslimiinta, sida lagu sheegay war lagu daabacay Telefishinka Iran Press.

 

Su’aasha ayaa haatan ah in Iiraan, oo mar walba hanjabaado iyo digniinno usoo jeedisa Israa’iil, ay dhab ahaantii awood u leedahay inay la dagaasho Israa’iil.

 

Iiraan iyo Israa’iil ayaa muddo dheer ay xiisad ka dhaxeysay. Labada dal ayaa ka fogaaday dagaal toos ah, inkastoo labadoodaba ay qaadeen weerarro aargoosi ah.

 

Iiraan ayaa sii wadda taageerada kooxaha hubeysan ee bartilmaameedsanaya Israa’iil – waxay taageertaa Xamaas-ta Qasa iyo Xisbullaahi-da Lubnaan.

 

Si taa la mid ah, kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa ku dhawaaqday in haddii Mareykanku si toos ah usoo farageliyo dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas, ay ka barbar dagaallami doonaan Xamaas.

 

Xuutiyiinta waxaa sidoo kale taageerta Iiraan.

Mar uu la hadlayay baarlamaanka dalkaas, raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa diginin u diray Xamaas iyo Xisbullaah. Labadan koox ayaa loo arkaa inay wakiillo u yihiin Iiraan.

 

Ashwini Mohapatra ayaa yiri, “Mareykanka iyo Israa’iil ma doonayaan in saameynta Iiraan ay kusii ballaarato gobolka galbeedka Aasiya. Taasina waa sababta ay gaar ugu riixayaan Iiraan.”

 

Khubarrada ayaa aaminsan in kooxaha hubeysan sida Xisbullah ay khatar weyn ku yihiin Israa’iil si ka badan Iiraan.

 

Xigasho BBC

{DAAWO SAWIRADA} Maxay tahay abaalmarinta caalamiga ah ee la siiyey Abiy Axmed?

Isniin-29-jan- 2024-{HMC} Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa Axadii lagu guddoonsiiyay magaalada Rome billad sharafeedka hay’adda cunnada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee loo yaqaanno Agricola.

Mr Abiy Axmed ayaa lagu abaalmariyey aragtida dawladdiisa, hoggaaminta, sida ay uga go’an tahay haqab-beelka cuntada iyo nafaqeynta iyo sidoo kale raadinta xalal cusub oo isku filnaansho, gaar ahaan in isku filnaansho laga gaaro qamadiga, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa Axaddii.

Hadal kooban oo uu ka jeediyay xafladda Roma ka dib markii abaalmarinta la guddoonsiiyay ayuu Abiy Axmed wuxuu ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay billada ay siisay hay’adda Cuntada iyo Beeraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahad-celiyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda FAO waxaana uu sheegay inay mar walba garab taagan yihiin xaqiijinta hiigsiga dalka itoobiya, gaar ahaan horumarinta Beeraha.

Wuxuu ka hadlay diiradda dowladdiisa ee ku aaddan dalagyada qiimaha sare leh iyo warshadaha ee ah “natiijooyinka rajada leh ee ku aadan isku filnaanta cunto ee Itoobiya”.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in shantii sano ee la soo dhaafay dhul-beereedka Itoobiya la balaariyay in ka badan 50%, taasina ay keentay in wax soo saarka uu kordho, gaar ahaan qamadiga iyo bariiska, Itoobiyana ay hadda tahay dalka ugu badan ee dhoofiya Qamadiga ee dalalka Afrika.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in markii uu xafiiska la wareegay sanadkii 2018-kii ay Itoobiya soo dhoofsan jirtay Qamadiga si ay u buuxiso baahideeda gudaha, haatanna ay isku filnaatay oo ay dhoofin jirtay tan iyo 2023-kii.

                  Waa maxay abaal-marintan

Abaalmarinta Agricola waa billad-sharafeed lagu maamuso shakhsiyaadka sida “wanaagsan” diiradda u saara si bulshadiisa ay u gaarto isku filnaansho dhanka cuntada ah.
Sidoo kale abaalmrinta ayaa la siiyay hogaamiyaasha dalalka adduunka ee doonaya sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka cunto waarta, iyo iskaashiga caalamiga ah.

Agricola, waa abaal marintii ugu saraysay ee uu bixiyo agaasimaha guud ee haa’yadda cunada aduunka FAO, tan hadda la siiyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa noqonaysa tii ugu horraysay ee uu bixiyo agaasimaha hadda xilka haya tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 2019.

Agaasimaha Guud wuxuu tilmaamay in sannadihii la soo dhaafay Billadda Agricola la guddoonsiiyay shakhsiyaad caan ah, kuwaas oo lagu qiimeyay doorkooda aan caadiga ahayn ee ku aaddan dadaallada muuqda ee lagu guuleystay ee horumarinta amniga cuntada adduunka iyo yaraynta faqriga sida FAO sheegtay.

Billada ayaa noqnaysa tii 27 -aad oo ha’yadda ay bixiso, waxaana horey loo siiyay hogaamiyaasha qaar ka mid ah dalalka caalamka oo ay ka mid yihiin Shiinaha, Hindiya, Sacuudiga iyo kuwo kale.

Abaalmarintan ayaa ku soo beegantay iyadoo dalka ku yaal Geeska Afrika uu wajahayo mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa muddo tobanaan sano ah, iyadoo ku dhawaad 4 milyan oo Itoobiyaan ah ay u baahan yihiin gargaar cunto oo degdeg ah.

Guddiga Maareynta Khatarta Masiibooyinka ee Itoobiya ayaa sheegay horraantii bishan in xaaladdu ay aad uga sii dartay iyadoo ay ugu wacan tahay heerka nafaqa-darrada iyo biyo la’aanta daran oo ay weheliso cudurro dillaacay.

In ka badan 860 qof ayaa ku dhintay gobolka waqooyi ee Tigrayga tan iyo Sebtembar 2023 gaajo darteed, sida laga soo xigtay xafiiska isgaarsiinta Tigray.

Getachew Reda, madaxa ku meel gaarka ah ee maamulka gobolka Tigray, ayaa bishii December sheegay in xaaladdu ay tahay “masiibo” oo u dhiganta macluushii dilaaga ahayd ee ka dhacday Itoobiya sannadkii 1984-kii oo malaayiin qof ay ku dhinteen.

Xigasho BBC

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in Xasan Sheekh iyo Abiy aanay ku kulmi doonin Rome

0

Isniin-29-jan- 2024-{HMC}  Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyey in aanay qorshaysnayn kulamo dhexdhexaadin ah oo dhexmari doona madaxda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya illaa dawladda Itoobiya ay ka laabanayso go’aankii ay isafgaradka kula saxiixatay Somaliland.

Agaasimaha Xiriirka madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Dige ayaa u sheegay VOA in kulamo dhexdhexaadin ah aysan ka dhici doonin Talyaaniga iyo meel kaleba.

“Mowqifkan waxa uu waafaqsan yahay mowqifkeenii ahaa in aanay wax dhexdhexaadin ah dhici doonin illaa Itoobiya ay ka laabanayso MoU-da sharcidarrada ah, ayna ka xaqiijinayso gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa ku sheegay qoraal uu VOA usoo diray Cabdulqaadir Cali Dige.

“MoU-du keliya xadgudub kuma aha xuquuqda dhuleed ee Soomaaliya, waxay sidoo kale boqongoynaysaa mabaadii’da xeerarka caalamiga ah iyo xasilloonida gobolka. Dawladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an u hoggaansanaanta mabaadii’dan, waxayna diyaar u tahay inay la macaamisho dhammaan saaxiibada caalamka oo ay ku jiraan AU (Midowga Afrika), UN (Qaramada Midoobay), iyo (urur goboleedka) IGAD, xiriir ku salayn kala faa’iidaysi salka ku haya xeerarka caalamiga ah oo horseedi kara horumar dhaqaale iyo barwaaqada oo la wadaago,” ayuu intaas ku daray.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay labaduba haatan ku sugan yihiin magaalada Rome oo ay kaga qaybgalayaan shirka madaxda Afrika iyo kuwa Talyaaniga.

Dawladda Itoobiya iyaduna dhinaceeda ma sheegin kulan u qorshaysan labada dhinac.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in Abiy Axmed ay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha FAO siisay abaalmarin la xiriirta mowqifkiisa ku aaddan cuntada, nafaqada iyo hal-abuurka la xiriira isku filnaanshaha dhinaca qamadiga.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkaasi looga hadli doono kobcinta iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ee dhinacyada helitaanka cuntada, dhaqanka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Shirkaas ayaa madaxweynaha Soomaaliya uu ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo arrimaha muhaajiriinta, isku socodka dadka iyo amniga, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

Waxa uu madaxweynuhu hoosta ka xarriiqi doonaa muhiimadda xasilloonida gobolka, iyo mabda’a in waddan kasta ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee waddamada kale, ayay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

Itoobiya iyo Somaliland waxay labaduba difaaceen MoU-da ay kala saxiixdeen billowgii bishan, waxayna ku tilmaameen is-afgarad “taariikhi” ah.

Somaliland ayaa dhinaceeda ugu baaqday beesha caalamka inay ixtiraamaan is-afgaradka.

La-taliyaha Amniga ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Redwan Hussien ayaa isna toddobaadkii hore ku qoray bartiisa X inay sii labalaabayaan dadaalka ay gelinayaan faham wanaagsan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay inay ka dhagaysan doonaan saaxiibada suurtogalnimada sidii hoos loogu dhigi lagaa hadallada kulkulul.

“Waxaan sii wadi doonaa dadaalka sidii loo gaaro lahaa gunaanad iyadoo ay jirto is qaddarin saaxiibtinnimo leh oo laga wada faa’iidaysto,” ayuu qoray.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Isniin-29-jan- 2024-{HMC} Wararkii ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Iran oo iska fogeysay weerarkii lagu laayey askar badan oo Mareykan ah

Isniin-29-jan- 2024-{HMC}  Iran ayaa iska fogeysay weerarka lagu dilay saddex ka mid ah ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa saldhiga Mareykanka ee Urdun Axadii, halka tiro 30 ka badana la dhaawacay waxayna bayaan ay soo saartay ku sheegtay in eedeymaha ka dhanka ah jamhuuriyadda Islaamiga ah ay tahay “mid aan sal iyo raad lahayn”

 

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Nasser Kanaani ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in kooxaha iska caabinta gobolka aysan ka amar qaadan Iran

 

“Waxaan aaminsanahay in gobolku uusan u baahnayn xiisad dheeraad ah ama dagaal cusub,” ayuu yiri

 

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu la xisaabtami doono kuwii ka dambeeyay dhimashada askartiisa, wuxuuna ku eedeeyay weerarada ka dhanka ah kooxaha mintidka ah ee ay taageerto Iran

 

“Waxaan rumeysannahay in dagaalka Gaza uusan ahayn xalka, xabbad joojin degdeg ahna waxay saldhig u noqon kartaa soo celinta nabadda gobolka,” ayuu yiri Kanaani

 

Weerarkii Axaddii ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen saldhiga Tower 22 ee u dhow xuduudka Suuriya, ayaa noqonaysa kii ugu horreeyay oo ciidamo Mareykan ah lagu laayo tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza. Ugu yaraan 34 ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka.

 

Ciyartoyda Galmudug oo ku guuleysatay koobka ciyaaraha maamul Goboledyada dalka

Isniin-29-jan- 2024-{HMC}  Xulka maamulka Galmudug ayaa ku guuleystay koobka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ka socday magaalada Muqdisho

 

Galmudug ayaa dhiggeeda HirShabeelle kaga adkaatay kulanka Final-ka ah. Labada xul ayaa aad isku soo adkeeyay maanta, taasi oo keentay in la aado Penalty, oo markii dambe lagu kala baxay, ayna guushu ku raacday Galmudug

 

Waxaa sidaas maanta kusoo afmeermay ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho gaar ahaan Stadium Muqdisho

 

Ciyaartan ayaa aheyd mid xiiso badan, ayada oo boqolaal kun oo qof ay u daawasho tageen garoonka, halka ay kumanaan kalena kala socdeen tabinta tooska ah

 

Ammaanka Garoonka iyo guud ahaan hareerihiisa ayaa maanta ahaa mir si weyn loo adkeeyay, ayada oo Booliskii ugu badnaa ay sugayeen amniga ciyaartaan Final-ka aheyd ee Stadium Muqdisho

 

Si kastaba, Kulankaan kama dambeysta ahaa ee ciyaaraha maamul goboleedyada ayaa sidoo kale sawaxankiisu si weyn u qabsaday baraha bulshada, ayada oo taageerayaasha labada dhinac ay si weyn isugu hardiyeen, waxaana ugu dambeyntii guusha ay sidaas ku raacday xulka Galmudug

 

{DAAWO SAWIRADA} Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Hirshabelle oo Gaaray Dagmada Jalalaqsi.

Isniin-29-jan- 2024-{HMC}  Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Hirshabelle  Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) aayna wehliyaan Wasiirka Maaliyadda Hirshabelle Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe, Taliyaha Booliska Hirshabelle Xasan Dhicisoow Xasan iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin maamulka degmada Jalalaqsi iyo qeybaha bulshada ayaa wafdigaasi kusoo dhaweeyay degmada Jalalaqsi.

Wafdigan ayaa socdaalkooda waxa uu salka ku haayaa sidii Heshiis loo kala dhaxdhigi lahaa beelo walaalaha oo dagaal uu ku dhaxmaray deegaanno dhaca xuduudka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Waxaa xusid mudan in muddo 5-maalin ah howlo nabadeyn ah degmada Jalalaqsi u joogo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin waxaana lagu wadaa in howsha nabadeynta ah ee uu bilaabay wada jir loo dhameystiro.

 

Markab dagaal oo soo badbaadiyay kalluumeysato u afduubnaa burcad badeedda Soomaalida

0

Isniin-29-jan- 2024-{HMC} INS Sumitra, oo ah markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya, ayaa soo badbaadiyay kalluumaysato ay afduub u haysteen burcad badeedda Soomaalida.

Sida ay saraakiishu sheegeen, 17 shaqaale oo la socday doon kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Iran, ayaa lagasoo badbaadiyay afduubka burcad-badeedda.

Burcadbadeeda ayaa si xoog ah u fuulay doonta kalluumeysi oo uu ka babanayay calanka dalka Iran, waxayna afduub ahaan u hayteen shaqaalihii la socday.

Saraakiisha ciidamada badda Hindiya ayaa sheegay in burcad badeedda lagu qasbay inay siidaayaan shaqaalihii doonta.

Saraakiisha ciidamada badda Hindiya ayaa sheegay in maraakiibtooda la geeyay gobolka badweynta Hindiya, si ay u muujiyaan sida ay uga go’an tahay badqabka dhammaan badmaaxiinta.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada badda Hindiya ay soo furtaan doonyo kalluumeysi oo ay bartilmaameedsadeen kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

5-tii Janaayo, Markabka INS Chennai ayaa ku guulaystay inuu soo badbaadiyo shaqaalihii la socday markab marayay xeebaha Soomaaliya waxayna soo badbaadiyeen dhammaan 15 qof oo Hindi ah oo la socday markabkaasi.

FAAH FAAHIN Nin xaaskiisa middi ku dilay magaalada Hargaysa

Isniin-29-jan- 2024-{HMC}  Ciidamada Booliiska Soomaaliland ayaa gacanta kusoo dhigay nin middi ku dilay xaaskiisii xalay 10:00 habeeno xaafada Shacabka ee magaalada Hargaysa.

Barta Facebook ee Ciidanka Booliiska Somaliland Qoraal lagu baahiyay  ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay ku guulaysteen in ay gacanta kusoo dhigaan eedaysanaha dilka gaystay.

 

“Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Jamaal Daaha Cabdiraxmaan ina Sarco Axmed oo 54 jir ah oo ku eedaysan inuu xalay abbaaro 10:30kii habeenimo ku dilay xaafadda Shacabka ee magaalada Hargaysa Marxuumad Sumaya Siciid Naasir oo ahayd xaaskiisii waxaanu uu ku dilay middi ( Soodh)”.

 

Booliisku waxa ay sheegeen in dedaal dheer iyo hawlgallo ay sameeyeen ay soo qabteen eedaysanaha, isla markaana uu ku jiro gacanta ciidanka “Eedaysanaha iyo marxuumaduba waxay kasoo jeedaan dalka Yemen , waxaana kiiskaasi baadhidiisa gacanta ku haya Hoggaanka Baadhista Dambiyada (C.I.D)” ayay warbixinta booliisku ku dartay.

 

wax faah faahin ah kama bixin Ciidamada Booliiska Soomaaliland sababta keentay in eedaysanuhu uu dilka gaysto.

Ethiopian ambassador to Somalia apologizes for comments on Somaliland’s status

0


Monday January 29, 2024

Mogadishu (HMC) -Ethiopian Ambassador to Somalia, Muqtar Mohamed Waare, has issued an apology for remarks that sparked controversy and led to speculations about his potential dismissal.

Earlier this week, Ethiopian media reported that Ambassador Waare labelled Somalia a creation of colonialists and identified Somaliland as an independent entity capable of signing international agreements.

Waare clarified that his remarks were “misguided” and unintended to harm Ethiopia-Somalia relations.

“I deeply regret my comments and apologize to the Somali government and its people. My intention was not to strain our relationship. Ethiopia and Somalia have a strong connection, and I am committed to enhancing our ties,” Waare stated.

Ethiopia recently signed a Memorandum of Understanding with Somaliland, allowing Ethiopian access to the Gulf of Aden and potentially recognizing Somaliland’s independence.

Somalia’s Parliament and President Hassan Sheikh declared the agreement “null and void,” declaring that the maritime deal violated Somalia’s sovereignty and territorial integrity.