Axad-jan-28- 2024-{HMC} 5 qof oo isku qoys ah oo hal goob lagu dilay ayaa lagu aasay Deegaanka Saaxo.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Axad-jan-28- 2024-{HMC} 5 qof oo isku qoys ah oo hal goob lagu dilay ayaa lagu aasay Deegaanka Saaxo.
Axad-jan-28- 2024-{HMC} Faah faahino laga helayo Xubno ka tirsan A,S oo lagu dilay duqayn
Axad-jan-28- 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo; Yaasiin Ali Ahmed
Farsamadii : Mohamed Baryare Haamud
Axad-jan-28- 2024-{HMC} Mar walba istiraatiijiyadda Madaxweynaha Jabuuti waxay ku salaysantahay balaayo waa la iska moosaa, wuxuuna awood walba galiyaa sidii Soomaaliya ay qalalaase joogta ah ula noolaan karto oo dib loogu dhigi karo dhismaha dowlad ka caga dhigata Soomaaliya.
Markii uu Abiy Axmed bilaabay inuu ka hadlo sidee Itoobiya ku gaari kartaa badda, waxaa u caddaatay Ismaaciil Cumar Geelle inuu daad culus kusoo wajahanyahay, wuxuuna dajistay qorshe sirdoon iyo mid diblomaasi oo uu isaga leexin karo mawjaddan kusoo jeeda Jabuuti, wuxuuna qaaday tallaabooyin wax tar u leh dalkiisa.
Koow: Wuxuu Itoobiya kala hadlay inuu ku qanciyo Soomaaliya ayaan idin la qalqaalinayaa inaad wada gashaan heshiis wax kala badalasho ku dhisan oo ah in Itoobiya ay hesho bad, waxna loogu baddalo Soomaaliya. Qorshahaas, wuxuu kala hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh, oo tallaabadaas aanan diidmo ka muujinin, haddana ka cabsaday inuu horay ugu sii socda. Dabeecadda Abiy oo boobsiiska jecel iyo dhaqanka Xasan oo daahista u sifaysan baa dib u dhigay hirgalinta heshiis dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya.
Geelle, isagoo dareensan waqtiga sida seefta oo kale u socda, wuxuu dajistay shax kale oo aad u xeel dheer isagoo ka dalbaday Madaxweynaha Soomaaliya inuu ka aqbalo in Jabuuti lagu qabto shir wada hadal Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo cinwaankeedu yahay xoojinta wada xaajoodyadii horay usoo socday. Codsigaas wuu aqblay Xasan Sheekh, isagoon ogayn dhagarta ku hoos qarsoon.
Dhanka kale, Ismaaciil Cumar wuxuu kula heshiiyey Itoobiyaanka inuu Xasan ku qancinayo inuu u fasaxo in Somaliland iyo Itoobiya ay galaan heshiis ay ku helayso bad iyo dekado, qofka u saxiixayana uu noqdo Muuse Biixi, ayaga oo haysta ogolaashaha Villa Soomaaliya. Sida caadada ah, mar walba Ismaaciil iyo Muuse waa isla socdaan, cidda siran waa Muqdisho.
Wajigii muuqday ee shirka kolkuu dhamaaday, wuxuu Ismaaciil hordhigay Xasan Sheekh ajandihii qarsoonaa ee shirka loo qabtay. Wada hadal kooban kaddib, waxaa khadka telefanka lasoo galiyey Abiy Axmed oo ay Geelle isa sii ogaayeen, halkii baana loogu sheegay Abiy in Madaxweyne Xasan uu ogolaaday in Muuse Biixi uu la gali karo heshiiska badda, laakiin shuruudo dhawr ah buu wataa Xasan oo ah, inaanan Muuse la siinin maamuus dal madax bannaan iyo in heshiiskan uu horudhac kaliya noqdo, heshiiska oo buuxana lala sugo Dowladda Federaalka. Sidoo kale, inaanan lagu dhawaaqin heshiis tafaasiil xanbaarsan oo hadallo guudmar ah un lagu soo koobo.
Markii uu Madaxweyne Xasan usoo duulay Muqdisho, Muuse wuxuu toos u aaday Addis Ababa si wadaxaajoodka guud u galo. Nasiib darro, heshiiskii Ismaaciil dhexdhexaadka ka ahaa sidii loogu ballamay looma fulin.
Madaxweyne Xasan Sheekh ballanfurkaas waa ka carooday, waxaana saldhig u ahaa laba qodob ; maamuuskii garoonka Addis Ababa lagu siiyay Muuse Biixi iyo in heshiiska ay si toos ah u kala saxiixdeen Abiy iyo Muuse, taasoo aan waxba u reebin Xasan Sheekh.
Qodobka kale, waa in lagu soo daray erayo qeexaya in Somaliland la aqoonsanayo oo sidii dal madax bannaan loola dhaqmayo.
Sidaad wada xusuusataan Madaxweyne Xasan dhawr maalmood ayuu aamusnaa oo dhakafaar ku jiray oo marna Geelle wacay, marna dajisanayey qaabkii uu uga falcelin lahaa gadoodka shacabka ee cirka isku shareertay. Ilaa iyo hadda waxaa muuqata in Madaxweynuhu lug u laaban tahay, waxayna ka muuqata sida wali loo qaadin talaabo u qalanta waxa dhacay.
Geelle, saddex qolaba halmar buu gool kawada dhaliyey. Itoobiya mashruucii bad raadinta wuu ka dhiciseeyey. Muuse Biixi, ceeb iyo fadeexad buu dhex fariisiyay, Soomaaliyana buuq iyo qalalaase muddo soconaya buu ku abuuray. Tan ugu muhiimsan waa in uu iska dadbay damacii Itoobiya oo uu Jabuuti ka leexiyey mawjaddii bad raadinta ahayd.
Waa kuma Ismaaciil Cumar Geelle?
Madaxweynaha Jabuuti, haddii Soomalida qaarkeed u taqaanno (Hiil walaal), waxaan anigu u aqaanaa (Ciil walaal), waana sababahan dartood;
Koow: Dagaalka 1977dii Mudane Geelle, wuxuu hub iyo saanadba ku caawin jiray nidaamkii Mingistu, taasna wuuba ku faanaa.
Labo: Jabhadihii xarumaha ka dhigtay Itoobiya ee la dagaallamayey dowladii Janaraal Maxamed Siyaad Barre wuxuu usoo iibin jiray hubka iyo agabka ciidan.
Sadex: Shirkii Carta, waa sheeko dheer oo waqtigeeda la faahfaahin karo, wuxuuse ahaa qorshe uu Geelle ku fashilinayey istiraatiijiyad u diyaarsaday Alle ha u naxariistee Mudane Maxamed Ibraahim Cigaal oo doonayey inuu Boorama ku qabto shir lagu heshiisiinayo walaalaha koonfureed, waxaana Cigaal ugu dhex qarsooneyd in shirkaas ay ka dhalato dowlad midaysa Soomaali oo idil, uuna Madaxweyne ka yahay isaga qudhiisa.
Geelle oo taas ka hortagaya, ayaa doc faruuray qorshihii Hargeysa oo madaxdii koonfureed ka codsaday in shirka loo soo wareejiyo Jabuuti. Madaxweynihii hore ee Jabuuti Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon oo hawlgab ahaa tallaabadan wuu ka carooday, wuxuuna taageersanaa in Soomaalida la isku daayo, oo shirka Ina Cigaal martigaliyey ay Jabuuti garab istaagto.
Afar: Duullaanka maamulkii Tigreega kusoo qaadeen Soomaaliya 2006dii taakulo siyaasadeed iyo mid diblomaasi ayuu Geelle la garab taagnaa Itoobiya. Xitaa madaxdii Soomaaliyeed ee Jabuuti miciinka biday wuxuu ku amray iney dalkiisa degdeg uga baxaan.
Shan: Markii ay Kenya ku cadaadisay dowladii hore, inay dib u soo celiso kiiska Badda ee nagala dhaxeeyay, oo lagu gacansayray codsigaas, waxay abuurtay jabhado hubeysan oo carqaladeeya amniga dhulka xuduudda ah, gaar ahaan xadka Balad Xaawo, Jabuuti waxay IGAD ka codsatay in iyada loo wakiisho xaqiiqo raadinta arrimahan. Soomaaiya way aqbashay iyadoo aaminsan in ugu yaraan ay si cadaalad ku jirto kiiskan uga gun gaari karto. Balse Geelle wuxuu la saftay Kenya, wuxuuna qariyay xaqiiqdii la wada ogaa.
Xusuustaas oo idil waxaan usoo faagay, inaan hal su’aal weydiiyo Madaxweynaha Jabuuti. Intaas oo danbi iyo gabood fal ah haddii ay taariikhda kuugu qorantahay, malaga yaabaa inaad halmar Soomaali si bareer ah ula jirsato oo aad ugu hiilliso, waliba waxaa dalka Madaxweyne ka ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si gaar ah kuu shinsada, kaana mudan inaad u hiiliso.
W/Q: Fahad Yaasiin
Axad-jan-28- 2024-{HMC} Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay kadib bixitaankii ciidamada Itoobiya oo Khamiistii lasoo dhaafay baneeyay xero ay ku lahaayeen magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.
Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa booqday xerada Madhamaato oo ah meesha ay ka guureen ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka ATMIS.
Sidoo kale wuxuu warbixin ka dhageystay Ciidamada Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubbaland oo la wareegay xeradaasi oo laga ilaaliyo amniga guud ee Kismaayo.
Sayid Aadan ayaa kula dardaarmay inay laba jibaaraan howlaha amniga lagu xaqiijinayo ee ay ka wadaan halkaasi, si looga hortego falalk amaan darrida ah.
Intaas kadib Maxamuud Sayid Aadan ayaa kormeer ku tegay dugsiga Tababarka Ciidamada Jubbaland, isagoo halkaas kula hadlay Ciidamo cusub oo kamid ah Darawiishta Jubaland oo uu tababar u socday mudooyinkii lasoo dhaafay.
Waxa u sheegay in ciidamadan cusub ee kamid noqonaya darawiishta Jubbaland ee tababarku u socdo inay qeyb ka yihiin dadaalka xooga leh ee loogu jiro sidii amaanka dalkeenna aan ula wareegi lahayn isla markana shaqadaas baaxada leh ay tahay inay kasoo dhalaalan.
Sababta ay u baxeen ciidamadaas ayaa waxaa lagu sheegay inay qayb ka tahay qorshaha dhimista ee ciidamada howlgalka ATMIS ee jooga gudaha dalka Soomaaliya.
Horay ciidamo ATMIS oo ka socda dhowr dal ayaa u banneeyay saldhigyo dhowr ah oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo ay la wareegeen Xoogga dalka.
Bixitaan ciidanka Itoobiya ee magaalada Kismaayo ayaa haatan kusoo aadayo, xilli ay taagan tahay xiisad u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhalatay heshiiska badda.
New York, 26 January 2024 – United Nations Secretary-General António Guterres announced today the appointment of Raisedon Zenenga of Zimbabwe as his new Deputy Special Representative in the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM).
Mr. Zenenga succeeds Anita Kiki Gbeho of Ghana, to whom the Secretary-General is grateful for her dedicated service in Somalia.
Currently serving as Deputy Special Representative of the Secretary-General in Libya, where he also served as Assistant Secretary-General and Mission Coordinator of the United Nations Support Mission in Libya (UNSMIL) since 2020, Mr. Zenenga brings extensive experience in supporting political processes and mediation, managing complex peace operations, and working with Government and other key stakeholders in conflict and post-conflict settings. He has over 30 years of experience in the United Nations, including with United Nations missions in Liberia, Libya, Iraq-Kuwait, Sierra Leone, Somalia and South Sudan, as well as at the United Nations Headquarters.
He previously held the positions of Deputy Special Representative of the Secretary-General in Somalia and Deputy Special Representative of the Secretary-General with the United Nations Mission in South Sudan. He also served in other senior roles at the United Nations Headquarters supporting peacekeeping operations in Africa. Mr. Zenenga began his professional career in his country’s Diplomatic Service.
Mr. Zenenga graduated from the University of Zimbabwe, where he studied public administration and political science.
Sabti-jan-27- 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo : Yaasiin Ali Ahmed
Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud
Sabti-jan-27- 2024-{HMC} Dowladda Ethiopia ayaa qoraal xasaasi ah oo ay uga been abuureyso xad-gudubka ay kula kacday madax-banaanida Soomaaliya u dirtay safiirkeeda u fadhiya Qaramada Midoobay.
Qoraalkan oo ay ku sheegtay in ay dowladda federalka Soomaaliya ku ogeysiisay heshiiskii Addis Ababa, ayaa looga dan leeyahay baajinta dood uu Golaha Ammaanka ka yeesho is-afgaradkii ay 1-dii bishaan Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen.
Itoobiya waxay ku andacoonaysaa in dekadda ay doonayso ay tahay mid ganacsi qaybna ka ah xiriirkii iskaashi ee kala dhexayn jiray Somaliland ee dhanka badda, ganacsiga, maalgashiga, beeraha, caafimaadka, ammaanka, waxbarashada, tamarta, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
“Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa gacanta ku hayo arrinka, waxayn u magacaabeen Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo in uu dhex-dhexaadiye ka noqdo,” ayaa lagu yiri qoraalka Itoobiya oo lagu sheegay inay taasna (dhexdhexaadinta) diyaar u tahay, sidaas daraaddeedna aysan meel uga banaanayn Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Ujeedka qoraalka waa in ay Itoobiya marin habaabiso, jahwareerna ku riddo Golaha Ammaanka, iyada oo ku doodaysa in heshiisku uusan xad-gudub ku ahayn gobonnimada iyo madax-banaannida Soomaaliya, xiisadna ka dhex abuuraynin labada dawladood dhexdooda, xasillooni-darrina ka dhalinaynin gobolka.
Qodobada ugu weyn ee qoraalka Itoobiya ku jira ayaa kala ah;
1- Qoraalka waxaa lagu sheegay in dekeddu tahay mid ganacsi, maadaama ganacsiga uu yahay arrin dunidu wada ogoshahay.
2- Wuxuu ka aamusay ictiraafka Somaliland, wuxuuna ka gaabsaday ka hadalka saldhigga milateriga.
3- Wuxuu sheegay in ay ogeysiiyeen dawladda Soomaaliya, si loogu suureeyo in Is-afgaradka uu la mid yahay kuwii ay horay ula geli jireen Somaliland.
5- Wuxuu taageerayaa go’aanka Golaha Ammnaaka ee Midowga Afrika ee iyaga danta u ahaa iyo dhex-dhexaadinta Obasanjo oo lagu yaqaan u qareemidda ictiraaf raadinta Somaliland.
Arrintan ayaa imaneysa xilli Golaha Dhexe ee Xisbiga Itoobiya xukuma uu shalay meel-mariyey in is-fagaradka loo beddelo heshiis buuxa oo dhaqangal ah, waxaana muuqata in Itoobiya wadda kasta ay u marayso in ay xaqiijiso hadafkeeda helitaanka bad.
Sabti-jan-27- 2024-{HMC} Shan ruux oo hal qoys ka soo jeeda ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu dilay weerar dabley hubaysan ka fulisay nawaaxiga degmada Saaxo ee galbeedka gobolka Mudug.
Dadka la dilay ayaa waxaa ku jira haween iyo carruur sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland oo warbaahinta u xaqiijiyay dhacdadaasi ayaa tacsi u diray guud ahaan qoyskii iyo eheladii ay ka baxeen dadkii ku dhintay weerarka.
Warar qaar ayaa sheegaya in weerarkan uu salka ku hayo aanooyinka qabiilka.
Kooxda weerarka geysatay oo aan weli lagu guulaysan in gacanta lagu soo dhigo ayaa sida la sheegayo ka yimid dhinaca degaannada Galmudug.
Dilalka iyo weerarada aanooyinka qabiil ayaa had iyo jeer ku soo laalaabta degaano ka tirsan gobolka Mudug kuwaasoo ay geystaan dabley ka soo jeeda degaanada Galmudug iyo Puntland.
Sabti-27-jan- 2024-{HMC} Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa goordhaw howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Buq aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Howlgalka ayaa la sheegay inuu si gaar ah uga dhacay goob garaash ah oo ay kooxdu kasoo abaabuli jirtay weerarada qaraxyada ah oo ay ka geystaan gudaha dalka.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu guuleystay, islamarkaana dhulka lala simay gaadiid iyo xubna badan oo ka mid ah Kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa garaashka la beegsaday.
Warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya laguma faahfaahin inta uu dhan yahay khasaaraha nafeed ee ka dhashay howlgalka maanta ka dhacay deegaanka Buq aqable ee gobolka Hiiraan, hayeeshee waxaa la filaya in saacadaha soo socda ay faahfaahiso dowladda.
Howlgalkaan ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo Xalay howlgal noocaan oo kale ah oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo saaxiibada Caalamka laga fuliyay goob garaasha ah iyo guri ay daganayeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku taala degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.