Home Blog Page 2905

{DAAWO MUUQAALKA} Baarlamaanka Maamulka Puntland oo Saciid Deni u kordhiyey muddada magacaabista Golaha Wasiirada

0

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Baarlamaanka Maamulka Puntland oo Saciid Deni u kordhiyey muddada magacaabista Golaha Wasiirada

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Garyaqaanka guud ee dalka “Waa in si deg deg ah loo helo golahii Adeegga Garsoorka dalka”

0

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Garyaqaanka guud ee dalka “Waa in si deg deg ah loo helo golahii Adeegga Garsoorka dalka”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Sufurow oo Jalalaqsi ka daah furay imtixaan aay u fariisteen ku dhawaad 200 oo qof.

0

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Gudoomiye Sufurow oo Jalalaqsi ka daah furay imtixaan aay u fariisteen ku dhawaad 200 oo qof.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Faah faahin Laga Ogaaday Kulankii Madaxweyne Xasan Shiikh iyo M/Dani

0

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Faah faahin Laga Ogaaday Kulankii Madaxweyne Xasan Shiikh iyo M/Dani

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Nin iska dhigay Dumar si uu imtixaanka ugu galo gabar uu jeclaa oo la qabtay.

0

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Nin iska dhigay Dumar si uu imtixaanka ugu galo gabar uu jeclaa oo la qabtay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Raisedon Zenenga oo loo magacaabay ku-xigeenka Ergayga QM ee Soomaaliya

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacabay Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Zimbabwe in uu noqdo Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya .

Ergaygan cusub uu magacaabay António Guterres ayaa bedelaya Anita Kiki Gbeho oo u dhalatay dalka Ghana, taa oo dhawwaan dhameesatay muddo xileedkeedii, waxaana la filayaa in ergaygan cusub uu soo gaaro Soomaaliya si uu shaqadiisa cusub u bilaabo.

Raisedon Zenenga ayaa soo noqday ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Liibiya, halkaasi oo uu sidoo kale ka ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud iyo Isuduwaha Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Liibiya (UNSMIL) tan iyo 2020.

Diblumaasigan u dhashay dalka Zimbabwe ayaa ah khabiir dalal badan uga soo shaqeeyay Qaramada Midoobay muddo ka badan 30-sanno, waxa uuna shaqooyin kasoo qabtay dalal ay ku jiraan Liberia, Liibiya, Ciraaq,Kuweyt, Sierra Leone iyo Koonfurta Suudaan.

Aqalka Sare oo qaaday tallaabadii ugu horraysay ee wax looga badalaayo Dastuurka KMG ah

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa katashiga arrimaha dib u eegista Dastuurka, ayaa ugu horrayn warbixin looga dhagaystay xoghayaha guddiga Dastuurka Baarlamaanka JFS, Sanatar Siciid Cabdi Xuseen, isagoo ka hadlay habraaca ay mudanayaasha Labada Aqal ansixiyeen, muhiimaddiisa iyo in ay u diyaarsan yihiin ka guddi ahaan afarta cutub ee ee ugu horraysa dastuurka.

Intaas kadib xubnaha Guddiga joogtada Aqalka Sare ayaa dood iyo falanqayn ay ka yeesheen habraaca dib u eegista Dastuurka, waxay soo jeediyeen in tobanka bisha Febaraayo la guda galo doodda afarta cutub ee ugu horraysa Dastuurka KMG ah, taas oo ay ugu danbayn isla qaateen.

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyay wax ka bedelka Dastuurka dalka, waxa ayna xildhibaanada wax ka bedel ku sameyn doonaan qaar kamid ah qodobada Dastuurka KMG ku jira.

wada-hadal foolka fool ah oo ay muddo kadib yeesheen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullahi Deni.

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Faahfaahino dheeraad ah iyo macluumaad ayaa waxaa laga helayaa wada-hadal foolka fool ah oo ay muddo kadib yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni.

Kulankan oo dhacay intii ay socotay xafladda caleema saarka ee Deni ayaa waxaa diiradda lagu saaray mad-madowga u dhexeeya labada dhinac.

Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khilaaf oo kamid ahaa mas’uuliyiinta tegay Garoowe ayaa xog ka bixiyay kulankaasi, wuxuuna sheegay inuu gaar u ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Deni.

Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in labada nin ay si hoose uga wada-hadleen khilaafka dhexdooda ah, uuna jiro isku soo dhawaasho, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in lagu ballamay kulamo kale oo ay yeelanayaan labada dhinac, si loo soo afjaro khilaafka dhexdooda ah.

“Madaxweynihii qarankaa joogay, madaxweynihii Puntland ayaa joogay iyo dadkii oo dhan waa wada-hadleen, gaar ayayna isku arkeen, waana sii ballansan yihiin” ayuu yiri Jaamac.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in khilaafka dowladda dhexe Puntland aanu ahayn sida loo dhigayo, balse la buun buuniyay, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu kusii daray in kaliya uu jiro kala aragti duwanaasho, taasina meesha laga saarayo, si loo soo celiyo wada shaqeyntii Muqdisho iyo Garoowe.

“Khilaaf weyn oo runtii u baahan in la buun-buuniyo meeshaas kama jiro markaa runta ku sheego, laakiin aragti kasta oo kala duwanaata waxay leedahay dad lisa oo si khaldan u lisa” ayuu sii raaciyay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay taagan tahay dood ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka oo uu tallaabo u qaaday baarlamaanka, xilli ay diidan tahay Puntland.

maleeshiyaad hubeysan oo Dad isku qoys ah mar kale lagu laayay MUDUG

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar lagu laayay dad shacab ah oo mar kale ka dhacay gobolka Mudug.

Weerarkan oo ay gaysteen maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay ka dhacay agagaarka degmada Saaxo ee gobolkaasi, waxaana lagu beegsaday dad isku qoys ahaa.

Ugu yaraan 5 qof ayaa lagu dilay weerarkan, halka lagu dhaawacay 6 kale, sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali.

Dadka la laayay ayaa isugu jiray rag iyo dumar, kuwaas oo la socday gaari, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyuhu.

“Waxa xanuunka leh labada arrimood weeye mar waa hal qoys dadka halkaas lagu laayay 11 qof oo isku guri ah ayay ahaayeen 5 waa dhimatay nin iyo xaaskiis, walaashiis, wiil uu abti u yahay iyo wiil kale oo uu adeer u yahay” ayuu yiri Faysal Sheekh Cali.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Lixda kale waa dhaawac waa caa’ilada hoose gaari ayay saarnaayeen, waana arrin naxdin leh”.

Faysal Sheekh Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in arrintan ay soo noq noqotay, isla markaana dhacdooyin kuwan lamid ah ay horay uga dhaceen gobolka.

“Shayga labaad ee isagana tiiraanyada leh ayaa waxa ay tahay arrinkan wuuu soo noq noqday mar ma’ahan, labo ma ahan, saddexna ma’ahan” ayuu kusii daray Faysal.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in haatan ay wadaan baaritaano ku aadan falkaasi, ayna cadaaladda horkeeni doonaan maleeshiyaadkii ka dambeeyay falkaasi argagaxa leh.

Maalmo kahor ayay ahayd markii dhacdo tan oo kale ay ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, taas oo lagu dilayAabe iyo Wiilkiisa, sidoo kalena lagu dhaawacay hooyadii qoyska, kadib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen maleeshiyaad hubeysan.

{DAAWO MUUQAALKA} Kulan Gaar Oo Madaxtooyada Puntland ku dhax maray Madaxweyne Dani iyo Lafta-gareen

0

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Kulan Gaar Oo Madaxtooyada Puntland ku dhax maray Madaxweyne Dani iyo Lafta-gareen

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA