Home Blog Page 2904

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Maxamed Barre’Nasri Warsame wuxuu hormuud u yahay dhallinyarada hadafkooda ka dhabeeyey’

0

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Wasiir Maxamed Barre’Nasri Warsame wuxuu hormuud u yahay dhallinyarada hadafkooda ka dhabeeyey’

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa Weyn Soomaaliya Iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

0

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Wararka ugu waa Weyn Soomaaliya Iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Guddoomiye Yabooh “Nasri waan kugu garab taaganahay Tijaabada aad sameysay”.

0

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Guddoomiye Yabooh “Nasri waan kugu garab taaganahay Tijaabada aad sameysay”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

War cusub oo kasoo kordhay dhacdadii argagaxa lahayd ee hooyo iyo caruurteeda lagu gubay shalay

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdadii argagaxa lahayd ee shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, taas oo lagu gubay hooyo iyo carruurteeda.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii nin kamid ahaa dadka deegaanka uu guri ku yaalla degmadaas uu ku gubay xaaskiisa iyo caruurtiisa, kadibna uu baxsaday.

Ninka oo lagu magacaabo Sayd-Cali Macallin Daa’uud ayaa la sheegay inuu maseeray, kadibna uu sidaas dab ku qabadsiiyay guriga oo ay ku sugnaayeen xaaskiisa & Carruurtiisa.

War cusub ayaa hadda kasoo kordhay falkan argagaxa leh, waxaana soo fara-geliyay booliska Soomaaliyeed oo sheegay inay dabagal ku hayaan eedeysanaha oo baxsad ah.
“Abaare 10-kii iyo 25 daqiiqo ayaa waxaa degmada Dharkenleey gaar ahaan waaxda labaad lagu gubay dhibbane hooyo Luul Sheekh Cabdi oo ahayd marwo hooyo ah, xaas ah isla markaana xaamilo ahayd, sida aan xogta ku heleynana waxaa ku eedeysan oo falkaas geystay seygeedii oo lagu magacaabo Sayid Macallin Daa’uud oo ah ninkii qabay marwadaa.”

Sidoo kale waxaa falkan ka hadlay gabadha la gubay walaalkeed oo lagu magacaabo Camaadi Sheekh Cabdiziiz, kaas oo sheegay in walaashiis oo iyana la yiraahdo Luul Sheekh Cabdicasiis iyo wiil yar oo ay u dhashay ninka gubay ay hadda ku jiraan qeybta xaaladaha culus ee isbitaalka Digfeer.

Camaadi oo la hadlay BBC ayaa shaaca ka qaaday in xaaladda walaashiis ay liidato, ayna ku jirto Koomo, welina ay la tacaalayaan dhaqaatiirka isbitaalka

“Walaashay Luul xaladdeedu waa mid culus. Hadda waxaa ay ku jirtaa koomo qeybta xaaladaha culus ee (ICU) isbitaalka Digfeer, dhaqaatiirta ayaana la tacaalaya” ayuu yiri

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in ninka walaashiis dabka qabad siiyay ay is guursadeen muddo hadda laga joogo 6 bil, isaga oo sheegay inuusan jirin wax khilaaf ah oo ehelku ogaa oo ka dhaxeeyay.

“Inta aan ognahay waxaa ay ahaayeen lammaane isku faraxsan haddii uu jiri lahaa dhib aan ognahay waan xallin lahayn, ma garan karo waxa u qarsoon haddii uu jiro oo uu ka dhaxeeyay” ayuu hadalkiisa sii raaciayay.

Arrintan ayaa la yaab ku noqotay reer Muqdisho, maadaama ay tahay dhacdo ugub ah oo si weyn looga argagaxay, sidoo kalena si aad ah looga hadal hayo baraha bulshada.

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya oo dhanka istiraatiijiyadda iyo diblomaasiyadda kaga adkaatay Ethiopia

0

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Soomaaliya oo dhanka istiraatiijiyadda iyo diblomaasiyadda kaga adkaatay Ethiopia

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Safiirka Itoobiya oo raali-galin ka bixiyay Hadal ‘gef ahaa uu maalmo ka hor kula kacay’ Soomaaliya

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Mukhtaar Maxamed Waare ayaa raalli-galin buuxda ka bixiyay hadal gef ku ahaa madax-bannaanida Soomaaliya oo dhowaan uu jeediyay kadib wareysi uu siiyay warbaahinta dalkiisa.

Danjire Mukhtaar Maxamed Waare oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in si khaldan loo dhigay wareysigiisa ayada oo ujeedka uu yahay marin habaabin, balse wuxuu sheegay inuu raalli-galinayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Raali iga ahaada walaalahayga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wareysigii aan dhawaan siiyay warbaahinta gudaha (dalkeyga) – oo ahaa (sida loo dhigay) mid aan ku qanacsaneyn. Waxaan si kal iyo laab ah u raali-gelinayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmamay in ujeedkiisu uusan ahayn inuu dhaawaco xiriirka ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo hada ay u dhexeyso xiisad xooggan oo ka dhalatay heshiiska badda.

“Ereyadayda waa la marin habaabiyay, waligeyna uma aan jeedin inaan waxyeello xiriirkayaga (Soomaaliya iyo Itoobiya). Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer, waxaana iga go’an in aan safiir ahaan uga shaqeeyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladaha walaalaha ah si loo xoojiyo iskaashiga.” ayuu markale yiri Mukhtaar.

Raali-galinta safiirka Itoobiya ayaa imaaneysa kadib markii dowladda federaalka ay cadaadis ku saartay inuu raali-gelin ka bixiyo gefkii uu kula kacay Soomaaliya,

owladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay wareysiga uu bixiya safiirka Itoobiya, oo uu ku taageeray heshiiskii Addis Ababa, oo xad-gudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya, uuna sidoo kale sawir xun ka bixiyay caasimadda uu shaqada diblumaasiyadeed u joogay ee Muqdisho.

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Amb. Mukhtaar Maxamed Waare ayaa horay u taageeray xad-gudubka ay xukuumadda Abiy Axmed kula kacday Soomaaliya.

“Heshiiska aan la galnay Somaliland waa mid taariikhi ah oo xaqiijinaya dammaanadda dhaqaale iyo amni ee Itoobiya,” ayuu horay u yiri Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu wareysigiisa uu ku sheegay in Muqdisho ay tahay meeshii ugu liidatay amni ahaan ee uu kasoo shaqeeyay, islamarkaana aad ku dareemayn nafis amni, sida uu hadalka u dhigay.

“Anigu meesha aan ku dhashay, meesha aan ku koray iyo meelaha aan ka soo shaqeeyayba Soomaaliya waa goobta ugu dhibaatada badan. Ma ahan meel sidii aad doonto aad u dhaq-dhaqaaqi karto oo ma socon kartid ilaalo la’aan oo waxaad ku soconaysaa gaari aanay xabbdu karin. Daqiiqad walba waxa aad halis u tahay in lagu qarxiyo. Waa meel xaaladdeeda amnigu ay aad u liidato halka aan ku shaqeeyo,” ayuu yiri Danjire Mukhtaar Maxamed Waare.

Marka laga imaado sida uu Safiirka Itoobiya u dhigay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho, waxaa xaqiiqo ah in amniga caasimada uu si weyn usoo reysanayo bilihii dambe, ayna shacabka dareemayaan xasilooni amni, oo ay ka reysteen arbushaadii iyo falalkii amni darro ee argagixisada.

{DAAWO MUQAALKA} Odoyaasha Waqooyiga Galgaduud “Maamulka Galmudug uma sino deegaanada Galmudug”.

0

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Odoyaasha Waqooyiga Galgaduud “Maamulka Galmudug uma sino deegaanada Galmudug”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Garsoore Cumar Cartan oo dhexdhaxaadin doona kulanka derbiga ah ee Guinea iyo Equatorial Guinea

0

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Garsoore Cumar Cartan oo dhexdhaxaadin doona kulanka derbiga ah ee Guinea iyo Equatorial Guinea

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Hiiraanweyn 28 01 2024

0

Axad jan-28 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Shugri baryare iyo abdi yare

Farsamadii : Yaasin ali ahmed

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

 

{DAAWO MUUQAALKA} Ilhan Omar oo War kasoo saartay arinta badda Fariina u dirtay Ethiopia,

0

Axad-jan-28- 2024-{HMC} Ilhan Omar oo War kasoo saartay arinta badda Fariina u dirtay Ethiopia,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA