Home Blog Page 2908

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn 27 01 2024

Sabti jan-27 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Maxamed ibrahim axmed iyo Mustaf ali adoow

Farsamadii : Yaasin ali ahmed

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

 

{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Degmada Baladweyne oo Kormeeray Saldhiga Booliska Magaalada

0

Sabti jan-27- 2024-{HMC} Gudoomiyaha Degmada Baladweyne Mudane, Cumar Cismaan Calasoow ayaa Manta Booqday Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, waxaana Halkaasi kusoo dhaaweeyay Saraakiisha Madaxda Ciidamada Booliska Maamulka Hirshabeelle.

Soo dhaweyn kadib, Gudoomiyaha ayaa Kormeeray, Xafiisyada ay ku shaqeeyaan Ciidamada Booliska kuwaas oo dadweynaha loogu adeego iyo qeeybta Xabsiyada ay ku xiran yahiin Maxaabiista Ciidamada Booliska ay soo qabtaan.

Taliyaha Saldhiga Booliska Baladweyne Dhame Cabdullaahi Mahamuud Siyaad iyo Taliye xigeenka Ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay ku faraxsan yahiin Kormeerka Manta Gudoomiyaha degmada uu ku sameeyay Saldhiga Booliska Baladweyne. Si uu arko shaqooyinka ay Ciidamada ay haayan.

Gudoomiyaha Degmada Baladweyne Cumar Cismaan Calasoow ayaa ayaa khudbad u jeediyay Boqolaal Ciidamo Boolis ah oo Saldhiga ku sugnaa. Waxaa uu kula dardaarmay in ay sii laba jibaaran Sugitaanka Amaanka Magaalada Baladweyne.

Ugu Dambeeyn Gudoomiyaha ayaa faray Ciidamada Booliska in amniga iyo xasiloonida magaalada laga shaqeeyo si looga hortago falalka liddiga ku ah amaanka ay ugu horeeyaan kooxaha Al.shabaab oo marweliba dhibaatada ku ah bulshadeena .

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Culus oo ka qarxay Deegaanka iji ee Gobolka Hiiraan.

0

Sabti jan-27- 2024-{HMC} Dagaal xoogan ayaa mar kale ka qarxay Deegaan u dhow Iji oo hoostaga Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, dagaalkan ayaa udhaxeeyo Labo Maleeshiyo Beelled oo beeraleey ah kuwaas oo Xiisadoodu malmahan ay taagneed.

Dagaalka oo ah Mid aad u Culus ayaa waxaa Warinayaa in uu jiro Khasaaro soo kala gaaray Labada Maleeshiyo Beellod ee dagaalamay , sida ay dadka ay warbaahinta Hiiraanweyn u xaqiijiyeen.

Labada Maleeshiyo Beellod ayaa isku haysto Dhul-beered ku yaalla Xadka Hiiraan iyo Shabeellaha dhaxe, kuwaas oo Maleeshiyo kamid ah ay sheekeyn in ay abuurayaan halka kuwa kalena ay diidan yahiin.

Masuuliyiin ka kala tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhaxe ayaa ku baxay Xiisadan oo todobaadyadi ugu dambeeyay halkaasi ka taagneed, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi axmed Maalin iyo Madax Kale ayaa ku sugan Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhaxe Axmed Meeyre Makaraan ayaa isna ku sugan Degmada Ceelbaraf . ujeedka labada Masuul ayaa ah in la xaliyo Dagaalka udhaxeeyo Labada Beellod.

Manta ayaa la qorsheeynayay in leeysku keeno dhamaan Odoyaasha dhaqanka Labada Beel, si loo wada hadal-siiyo lakiin taasi ma aysan dhicin oo dagaal xoogan ayaa ka socda Deegaanada Colaado ka jirtay Mudooyinkii dambo.

Xiisadan dagaal ayaa deegaanada ka jirtay tan iyo todobaadkii u dambeeyay waxaana dhacay Dagaalo udhaxeeyo labada Maleeshiyo Beelled, kuwaas oo sababay Khasaaro dhimasho iyo dhawac leh.

{DAAWO MUUQAALKA} WAR DEG DEG AH Nin xaaskiisa oo uur laheyd iyo wiil yar uu dhalay ku gubay Muqdisho

0

Sabdi jan-27- 2024-{HMC} WAR DEG DEG AH Nin xaaskiisa oo uur laheyd iyo wiil yar uu dhalay ku gubay Muqdisho

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Itoobiya oo ku eedeysay Masar inay ciidamo militari ah usoo dirayso Soomaaliya

0

Sabdi jan-27- 2024-{HMC} Itoobiya oo ku eedeysay Masar inay ciidamo militari ah usoo dirayso Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Jaaliyada Soomaliyeed ee Gobolka Minnesota oo ka soo hor jeedo damaca Itoobiya ee Biyaha Soomaaliya.

0

Sabdi jan-27- 2024-{HMC} Jaaliyada Soomaliyeed ee Gobolka Minnesota oo ka soo hor jeedo damaca Itoobiya ee Biyaha Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo amaro duldhigtay Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Ceeldheer

0

Sabdi jan-27- 2024-{HMC} Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo amaro duldhigtay Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Ceeldheer

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Itoobiya oo billowday dib uga gurashada damaceedii biyaha soomaaliya.

0

Sabdi jan-27- 2024-{HMC} Itoobiya oo billowday dib uga gurashada damaceedii biyaha soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Dhacdo xanuun badan;’ Nin qoyskiisa oo ka kooban xaaskiisa iyo caruurtiisa ku gubay guri ku yaalla Muqdisho

Sabti-jan-27- 2024-{HMC} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo xanuun badan, isla markaana argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii nin kamid ahaa dadka deegaanka uu guri ku yaalla degmadaas uu ku gubay xaaskiisa iyo caruurtiisa, kadibna uu baxsaday.

Wararka ayaa sheegaya in ninka uu maseeray, kadibna uu sidaas dab ku qabadsiiyay guriga oo ay ku sugnaayeen xaaskiisa iyo carruurtiisa.

“Caag shidaan ku jiro ayuu watay guriga ayuu bilbilay, kadib jante ayuu soo qaatay, wuuna gubay” ayuu dhacay qof kamid ah dadka deegaanka oo ka warbixinayay falkaasi.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray “Wuu ku xiray qolka markii uu dabka ku qabtay , kadibna wuu ka cararay”.

Haweeneyda oo lagu magacaabo Luul Cabdicasiis ayaa la sheegay inay lahayd uur lix bilood ah, waxaana deg-deg ah, ayada oo dhaawac ah loola cararay isbitaalka.

Waxaa sidoo kale dhaawac uu soo saaray wiil yar oo isna lagu magacaabo Sayd Cali Macallin Daa’uud.

Dhanka kale waxaa haatan baaritaano dheeraad ah wada ciidamada ammaanka dowladda oo baadi goobaya eedeysanaha oo la sheegay inuu goobta uga baxsaday gaari.

Arrintan la yaab ku noqotay reer Muqdisho, maadaama ay tahay dhacdo ugub ah oo si weyn looga argagaxay, sidoo kalena si aad ah looga hadal hayo baraha bulshada.

War Cusub Maraykanka oo Turkiga ka iibinaya 40 Diyaarad oo ah F-16

Sabti-jan-27- 2024-{HMC} Maraykanka ayaa Turkiga u ogolaaday in uu ka iibiyo diyaaradaha qaaska u ah gaar ahaan nooca loo yaqaan F-16 oo lagu qiimeeyay lacag dhan $23 Bilyan oo Doollar sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan waaxda difaaca Dalkaas.

Tallaabadaas waxa ay ka dhalatay kaddib markii Turkiga uu Dalka Sweden u ogolaaday in uu xubin ka noqdo Isbahaysiga NATO, waxaana jiray ballanqaad Washington ay u samaysay Ankara oo ku xirnaa in ay aqbasho in Stockholm xubin ka noqoto ururkaas.

Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale waxa ay billowday in diyaaradaheeda Casriga ah ay ka iibiyo Dalal sida Giriigga maadaama dalkaas uu horay Washington uga dalbaday in ay ka iibiso 40 Diyaarad oo ah nooca casriga ah.

Maraykanka ayaa doonaya in uu dhaqaale badan ka sameeyo diyaaradahiisa casriga ah oo uu ka ibiinayo Dalalka uu u arko in ay saaxiibo isku fiican yihiin waana tan keentay in Washington ay diiradda ay saarto saaxiibadeed bariga Dhexe.

Turkiga waa Dalka haya hubka Isbahaysiga NATO waxaana uu in muddo ah diidanaa in Sweden ay ku biirto isbahaysigaas kaddib markii Ankara ay sheegtay in dhiggeeda Stockholm martigelisay Dad halis ku ah amniga Dalkaas.