Home Blog Page 2909

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn { 26/ 01/2024}

Jimca jan-26- 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo : Abdirahmaan Macalin Muuse

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

Jimca jan-26- 2024-{HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Culimada Puntland oo si weyn udhaliilay Caleemasaarkii Madaxweyne Dani.

Jimca jan-26- 2024-{HMC} Culimada Puntland oo si weyn udhaliilay Caleemasaarkii Madaxweyne Dani.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Waxgaradka Beelaha Jareer weyne ee daga Gobolada Hiiraan iyo Shabelaha dhexe ayaa ka hadlay Colaada,

Jimca jan-26- 2024-{HMC} Waxgaradka Beelaha Jareer weyne ee daga Gobolada Hiiraan iyo Shabelaha dhexe ayaa ka hadlay Colaada,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Sheekh Shaakir”wali diyaar ayaan u nahay dagaalka AS lagu soo afjarayo jiritaankooda”

Jimca jan-26- 2024-{HMC} Sheekh Shaakir”wali diyaar ayaan u nahay dagaalka AS lagu soo afjarayo jiritaankooda’

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Abiy oo si lama filaan ah uga hadlay xiisadda kala dhaxeysa Somalia ee arrimaha badda

Jimca jan-26- 2024-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa sheegay in dalkiisa aanu dagaal marnaba la gali doonin Soomaaliya, iyagoo doonaya galangal ay u helaan bad iyo deked.

Abiy ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa aan looga shakin karin inay aaminsan tahay midnimada Soomaaliya iyo in kale, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu yiri, “Sida Ethiopia ay uga go’antahay midnimada iyo nabadda Soomaaliya waxaanu ku muujinay dhiigga, iyo dhididka wiilasha iyo gabdhaheenna qalabka sida.”

Waxa uu sheegay Abiy Axmed in tobanaankii sanadood ee u dambeeyay ay Ethiopia baadi doonka nabadda Soomaaliya ku weysay kumanaan ciidan ah – oo aanu jirin- dal kale oo naf hurnimadaa u sameeyay.

Hadalkan ayuu ra’isul Wasaare Abiy ka sheegay kullan muddo afar maalmood ah uga socday Addis Ababa xubna Golaha Dhexe xisbiga talada haya ee Ethiopia.

Qaraar ka soo baxay guddigan maanta oo lagu baahiyay warbaahinta Ethiopia, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Guddiga xisbiga Prosperity Party ee (PP) uu isku raacay in heshiiskii is afgarad ee dowladda Ethiopia ay bilowgii bishan la gashay Somaliland ee muranka badan dhaliyay loo bedello mid shaqeyn kara oo ku saleysan mabaa’diida wax is dhaafsi ee dalalka deriska ah.

Qoraalka ka soo baxay golahan ma uusan kala cadeyn in Ethiopia ay arrintan kala xaajooneyso dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo in kale, laakiin waxaa lagu sheegay in heshiiskaasi uu marag u ahaa booska ay Ethiopia ka taagantahay kobcinta dhaqaalaha gobolka iyo cilaqaadka is-dhex-galka iyo dhaqanka.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ayaan dhinaca kale soo hadal qaadin heshiiskii is-afgarad ee ka careysiiyay dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay Ethiopia 1-dii bishan la saxiixatay Somaliland, kaasoo Ethiopia siinaya 20km mitir oo xeebta badda cas ah, taa bedelkeedana ay Somaliland heleyso aqnoonsi, sida ay sheegtay.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Ethiopia ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi Demeke Mekonnen, oo xilkaasi hayay muddo 11 sanadood ah, oo is-xig-xigay, ayaa ka degay xilkaasi, waxaana bedelaya Temesgen Tiruneh, madaxa sir dooonka Ethiopia.

Warkan oo ay qoreen warbaahinta Ethiopia ayaa waxaa kaloo xaqiijisay wakaaladda wararka ee Reuters oo sheegtay inay ka soo xigatay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Ethiopia.

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Muqdisho oo shirweyne kaga qeyb galay magaalada Baqdaad

Jimco jan-26- 2024-{HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qaybgalay shirka Magaalooyinka iyo Caasimadaha Carabta oo ka dhacay Magaalada Bagdaad ee dalka Ciraaq.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay waxqabadkii uu gaaray ururka Magaalooyinka Carabta sanadkii la soo dhaafay, Qorshayaasha loo baahanyahay si horumar ballaaran loo gaarsiiyo Caasimaddaha Carabta iyo sidii loo ansixin lahaa ajendayaasha shirka soo socda, oo ay dhamaan isku raaceen madaxda shirka ka qeybgaleysa.

Gaba-gabadii Shirka Duqa Maagalada Bagdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq Mudane Camaar Muuse Kaadim ayaa Hadiyad qaali ah guddoonsiiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdsho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).


—DHAMAAD—

{DAAWO SAWIRADA} Waa kuma Bilyaneerkii ka taajiray geerida dad ay Soomaali ku jirto ee Hada La ogaaday.

Jimco jan-26- 2024-{HMC} Nin lagu magacaabo Gaston Glock oo u dhashay Dalka Austrian ayaa soo saaray mid ka mid ah bistooladaha ugu caansan adduunka ayaa ku dhintay da’da 94 jir.

Gaston Glock, ayaa ah ‘injineer’ ayaa shirkadda Glock 1963-dii ka aasaasay Deutsch-Wagram, oo u dhow Vienna.

Shirkadda Glock ayaa ku dhawaaqday dhimashadiisa iyadoo sheegtay in aasaasahoodii dhintay.

Waxa uu sidoo kale sameeyay bistoolada loo yaqaan Glock oo caan ka ah dalal badan oo Soomaaliya ay ka mid tahay taas oo galaafatay nolosha malaayiin qof.
Mr Glock waxa uu ifka kaga tagay xaas, gabadh iyo laba wiil.

In kasta oo uu caan ku ahaa sameynta hubka, Glock waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa bilyaneer waqtigiisa intiisa badan ku qaatay dhul haro ah oo ku yaal Austria.

Marar dhif ah ayuu ka soo muuqday warbaahinta, kaliya wuxuu cinwaanno sameeyay markii buug ganacsigiisa ku saabsan la daabacay 2012, ka dib markii ay kala tageen xaaskiisii ugu horreysay 2011 iyo markii saaxiib ganacsi uu isku dayay inuu dilo dhammaadkii 1990-meeyadii.

Glock, oo dhashay 1929-kii, waxa uu kuliyad ku taalla Vienna ku bartay injineernimada farsamada. Ka dib waxa uu magaalo ka baxsan caasimadda Austria ka aasaasay ganacsi.

Horraantii 1980-meeyadii, ganacsiga saadka milatari ahaa ayuu ballaariyey oo uu ku soo daray bistooladan wuxuuna ka jawaabay codsi ka yimid ciidanka Austria oo raadinayay inay cusbooneysiiyaan bastooladooda.

Glock waxa uu nashqadeeyay oo uu shati u sameeyay bastoolad fudud oo 9-millimitir ah, taas oo qaadi karta 18 xabadood oo si fudud dib loogu cabeyn karo rasaasta.

Forbes ayaa sanadka 2021-kii ku qiyaastay hantida gaarka ah ee Glock $1.1 bilyan.
Bistooladan Glock waxaa adeegsada booliiska iyo ciidamada militariga waddamo badan, iyo sidoo kale dad gaar ah.

Misaan aahaan aad ayay u fududahay qiime ahaan way jaban tahay, dhanka kalsoonidana maalaayin ayay hanatay bistooladan.

Laakiin qaar badan oo u dooda xakameynta hubka ayaa ku dhaliilay Mr Glock inuu ku caan baxay qoryo xooggan oo ay sheegeen in ay fududahay in la qariyo oo qaadi kara rasaas ka badan qoryaha kale.

Toogasho wadareedkii ugu horeeyay ee la aaminsan yahay inay ku lug lahayd bastoolada Glock waxa ay ahayd 1991 markii George Jo Hennard uu toogtay 24 qof 27 kalana uu dhaawacay.

Halyeeygii hore ee ciidamada Marines-ka Mareykanka oo ku hubeysan waxa ay booliisku ku tilmaameen .45 caliber Glock ayaa 12 qof ku dilay baar ku yaal Thousand Oaks, California, Noofambar 2018.

Dylann Roof oo ka tirsan xisbiga dadka caddaanimada ku weyn tahay ayaa bistoolada Glock u adeegsaday si uu u dilo sagaal qof oo African-Maraykan ah intii lagu guda jiray kalfadhi barasho Kitaabka masiixiyiinta oo ka dhacayay kaniisad ku taal Charleston, South Carolina, bishii Juun, 2015.

Bistooladan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay filimaan ay soo saartay Hollywood. Waxaa filimaantaasi ka mid ah Action Terminator 3: Rise of the Machines iyo The Matrix Reloaded.

Bistooladan ayaa waxaa sidoo kale lagu xusuustaa inuu watay madaxweynihii Ciraaq Saadaam Xuseen markii ay 2003-dii ciidamada Mareykanka ka soo qabanayeen isagoo god ku hoos jira.

Glock marar dhif ayuu ka jawaabi jiray dhaleeceynta uga timaadda ololayaasha xakameynta hubka. Waxa kale oo uu diiday in uu ku biiro shirkado kale oo hubka sameeya kuwaas oo heshiis iskood ah kula jiray dawladda Maraykanka sannadkii 2000 la saxeexday xakamaynta hubka.

Bastooladda Glock waxay ka mid tahay hubka lagu iibiyo suuqyada hubka ee Soomaaliya, inkastoo aan la xaqiijin karin halka ay dalka ka soo gashay.

Xigasho BBC

Mareykanka oo hakiyay dhaqaalihii UNRWA iyadoo 12 qof shaqada laga eryay 7dii Oktoobar

Jimca jan-26- 2024-{HMC} 12 ka mid ah shaqaalaha UNRWA – hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin – ayaa laga joojiyay heshiisyadii ay ku shaqeynayeen ka dib markii maamulka Israel ay ku eedeeyeen inay ku lug lahaayeen weerarradii 7-dii Oktoobar.

Mareykanka ayaa sheegay in ay si ku meel gaar ah u hakiyeen dhaqaalihii ay siin jireen UNRWA iyada oo dib u eegis ku sameyneysa eedeymaha.

Guddoomiyaha guud ee UNRWA Philippe Lazzarini ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Maamulka Israa’iil waxa ay UNRWA siiyeen xogta ku saabsan ku lug lahaanshaha lagu eedeeyay dhowr shaqaale UNRWA ka tirsan weeraradii argagaxa lahaa ee lagu qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar.

“Si aan u ilaaliyo awoodda hay’addu u leedahay bixinta gargaarka bini’aadantinimo, waxa aan qaatay go’aan ah in aan si deg-deg ah u joojiyo qandaraasyada shaqaalahan oo aan bilaabo baaritaan si aan xaqiiqada u ogaanosi degdeg ah.

Shaqaale kasta oo ka tirsan UNRWA oo ku lug lahaa falal argagixisanimo waa lala xisaabtami doonaa, oo ay ku jirto dacwad ciqaabeed.

Tababaraha kooxda Liverpool oo shaqada ka tagaya Kadib Markii…

Jimco jan-26- 2024-{HMC} Juergen Klopp Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool, ayaa ku dhawaaqay inuu shaqada ka fariisan doono dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Lix iyo konton jirkan – oo ay kooxdiisu ku jirto hoggaanka Premier League – waxa uu sheegay in tamarta ka sii dhammaanayso.

Mr Klopp waxa uu qabtay xilka Liverpool 2015//waxana uu la qaaday kooxda lix koob oo ay ku jiraan horyaalka Premier League//iyo Champions League.