Home Blog Page 2910

Maxkamadda sare ICJ oo soo saartay go’aano ay tahay inay Israel fuliso

Jimca jan-26- 2024-{HMC} Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa hadda amar ku bixisay in Israa’iil ay qaado tallaabooyin degdeg ah oo isku xigxiga oo waxloo qabanayo xaalada Gaza , laakiin maxkamada ma dalban xabbad joojin.

Tallaabooyinkan ayaa Israa’iil loogu sheegay in ay samayso wax kasta oo ay awoodo si ay u joojiso xasuuqa halkaas ka socda, isla markaana ay si degdeg ah u suurtogeliso in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dhulka Gaza iyo in laga hortago oo la ciqaabo kuwa hurinaya xasuuqa iyo colaadda.

Dhageysiga dacwadda ka socota maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee magaalada Hague ayaa qeyb ka ah dacwad ay soo gudbisay Koonfur Afrika oo ay ku eedeysay Israa’iil in ay xasuuq u geysatay Falastiiniyiinta.

Israa’iil ayaa si adag u diiday eedeynta, waxaana loo malaynayaa inay iska dhega tirtay awaamiirta garsoorayaasha, kuwaas oo aan haysan hab ay ku fuliyaan go’aankooda.

Garsooraha maxkamadda, Joan Donoghue, ayaa ku baaqday in si shuruud la’aan ah loo sii daayo la haystayaashii ay Xamaas qafaasheen bishii Oktoobar.

Militariga Mali oo soo afjaraya heshiis nabadeed oo ay la galeen fallaagada Tuareg

Jimca jan-26- 2024-{HMC} Hogaamiyaasha millatariga Mali ayaa soo afjaray heshiis nabadeed 2015kii oo ay la galeen fallaagada Tuareg ee waqooyiga dalka, tallaabadaas oo sii khalkhal gelin karta xasilloonida qaranka ku yaalla saxaraha Sahel.

War qoraal ah oo laga akhriyay telefiishanka dawladda, ayuu af hayeenka ciidamada milateriga Col Abdoulaye Maïga ku sheegay in ay heshiiska u soo afjareen “isbeddel ku yimi [mawqifka] kooxaha saxiixayaasha qaarkood” iyo “filalka cadaawadda ah” ee dhexdhexaadiyaha heshiiska, ee Algeria.

Heshiiska nabadeed ayaa loo arkayay mid fure u ah ilaalinta xasiloonida dalka, maadaama Tuaregs ay tan iyo sanadkii 2012-ka fulinayeen falal rabshado ah oo ka dhan ah dowladda dhexe.

Ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxay dowladda Algeria.

Jawaahir Baarqab oo ka hadashay waxa ku kalifay taageeradii badneed ee xulka Banaadir

Jimco jan-26- 2024-{HMC} Waxaa si weyn Baraha Bulshada hadal hayn ugu abuuray hadalo ay jeedisay Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir, Jawaahir Maxamuud Jaamac ‘Baarqab’, kuwaas oo ay taageero ugu muujisay ciyaartooyada matalaysay gobolka Banaadir ee ciyaaraha maamul goboleedyada dalka oo hadda heer gabagaba ah gaaray.

Muuqaalo taageero ah oo ku baahay baraha bulshada ayaa muujinaya Jaawahir oo ku qaylineysa erayo ay kamid yihiin ‘viva Banaadir’, iyaga oo hadal hayn dhaliyay.

Dadka qaar oo ka falciyay muuqaladaas ayaa ku tilmaamay in ay yihiin kuwa kala qaybin ah. “Guddoomiye Jawaahir Baarqab oo ciyaarihii socday u kala saartay gobol-gobol xiisad qabiileedna ka abuurtay”, ayuu batriisa Facebook ku qoray mid kamid ah dadkii fikirkooda dhiibtay.

Laakiin Jawaahir Baarqab oo BBC-da la hadashay ayaa sheegyay inay iyadu isu aragto “qofkii dhadhanka u yeelay ciyaaraha”, ayna uga dan lahayd inay muujiso in ciyaaruhu yihiin kuwo is dhexgal bulsho ah oo u baahan taageero iyo kaftan.

“Ciyaarahu hadda ma bilaaban ee waligeed waa la soo ciyaarayey Soomaaliya marka anigana waxaan ahaa qof ciyaartoy ah, cid gaarana uguma dan lahayn” ayey BBC u sheegtay Jawaahir.

Jawaahir ayaa ku dooday in gobol walba dadkiisu ay xaq u leeyihiin in ay taageero muujiyeen, iyaga oo soo xiranaya calamada iyo astmaaha kooxdooda iyo goboloodaba, iyada ay intaas oo kaliya samaysay.

Balse dadka qaar ee dareenkooda cabiray iyaga oo isticmaalaya baraha bulshada ayaa ku tilmaamay taageerada Jawaahir “Mid ka badbadis ah”. Waxay BBC da u sheegtay in u jeedkeedu uusan ahayn in ay dad ka xanaajiso, balse ay rabtay in hadalhaynta iyo xifaaltanka taageerada ciyaaraha uu noqdo waxa ay arki karaan qurba joogta iyo Soomaalida oo dhan – taas oo ay sheegtay in ay muujinayso in amniga Muqdisho uu soo hagaagayo.

Intii uu socday tartanka ciyaaraha ee dawlad goboleedyada dalka ayaa waxaa isaga haray kooxdii ka socotay Koonfur-galbeed Soomaaliya, kadib markii weerar lagu qaaday.

Ciyaartoyda kooxda qaar ayaa dhaawacyo ka soo gaareen dhagaxaan lagu tuuray. Xilligaas ayaa dadka qaar dhaliil u soo jeediyeen Jawaahir. Balse iyadu mar kale ayay iska diiday in ay dhiirrigalisay gacan ka hadal.

“Koonfur Galbeed qofkii jidka u galay iyo kii shalay wax qarxinaayay waxba isma dhaamaan. Anigu qabiil ma sheegib, qoysna gaar ahna ma sheegin”, ayay BBC u sheegtay Jawaahir. “Nabad iyo horumarka ayaan ka soo shaqaynayay”.

Muuqaal kale ayaa ku baahay baraha bulshada – Jawaahir Barqab oo lacago ugu deeqaysa kooxda gobolka Banaadir. Waxaan waydiinay halka ay ka keentay lacagtaas?

Waxay sheegtay in lacagtaas ay iyadu bixisay, aysanna ka imaan meel kale.

“Waxaan sidaa u samaynayey in dadka taageerada u ah maamualada kale inay kooxahooda dib ugu noqdaan oo ay dhaqaale ugu yaboobaan, wayna dhacday,” ayay tiri Jawaahir.

Iyadoo sii hadlaysay ayey Jawaahir xustay inay ka xuntahay in si qaab daran loo siyaasadaynayo ciyaaraha oo ah shayga midayn kara dadka Soomaaliyeed, waxayna ugu yeertay in ciyaaruhu yihiin kuwa ka hortaga qabyaalada iyo kala qoqobka dadka Soomaalida ah.

          Waa tuma Jawaahir Maxamuud Jaamac ‘Baarqab’?

Jawaahir Maxamuud Jaamac ‘Baarqab’ waxay dhamaadkii lixdamaadkii ku dhalatay degamada Hodan ee magaalada Muqdisho, heerkeeda waxbarasho ayaa gaarsiisan dugsiga sare oo ay kaga baxday magaalada Muqdisho.

Waxay ka mid ahayd dadkii burburkii dalka ka dib deganaashaha ka helay dalka UK, waxay BBC-da u sheegtay inay dalka dib ugu soo noqotay si ay qayb uga noqoto haweenka u taagan nabada iyo hourmarka dalka.

Waxay ka mid ahayd haweenkii ka qayb qatay bilic-soo-celinta Muqisho. Jawaahir ayaa hadda waa gudoomiayaha Haweenka gobolka Banaadir.

Intii ay dhalinyarada ahayd waxay aad u jeclayd ciyaaraha iyadoo noqotay ciyaaryahanad kubada koleyga ah.

Ciyaaraha Maamul goboleedyada ayaa hadda socda iyada oo maamul goboleedyada Hirshabeele iyo Galmudug ay gaareen kulanka kama danbaysta ah ee tartanka.

Ciyaaraha dawlad goboleedyada ee sanadkii hore ayaa waxaa qaaday koobka xulka gobolka Banaadir oo ka adkaaday xulka Galmudug kadib ciyaar adag oo dhexmartay.

Xigasho BBC

Israel oo ka carootay go’aanada maxkamada ICJ

Jimca jan-26- 2024-{HMC} Mark Regev, oo ah la taliyaha sare ee ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Koonfur Afrika “ay ku guuldareysteen inay ka soo baxaan ujeeddooyinkoodii” ee ahaa inay ku qasbaan xabbad-joojin colaadda Israa’iil iyo Gaza.

“Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in maxkamaddu ay diiday dalabka yaabka leh ee Koonfur Afrika, ee ah in Israa’iil aan la siin xaqa ay isku difaacdo,” ayuu Regev u sheegay BBC.

Regev waxa uu sheegay in Israa’iil aysan tilmaamin in aysan raaci doonin awaamiirta Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda balse waxa uu sheegay in ay tahay “wax laga xumaado” iyo “wax laga xishoodo” in heshiiska looga hortagayo xasuuqa ay Xamaas u maroorsato Koonfur Afrika.

Waxa uu intaa ku daray in jawaabta Israel ay ka bixisay weeraradii 7-dii October ay ahayd “isku-duwidda sharciga caalamiga ah” wuxuuna su’aal galiyay tirada dhimashada Gaza ee ku dhawaad ​​26,000 oo qof – isaga oo sheegay in ay ka timid wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho iyo in garsoorayaasha ICJ laftoodu ay sheegeen in aysan jirin waddo si loo xaqiijiyo lambarkaas.

“Waxaan hubnaa ka Israa’iil ahaan in tiro badan [dadka lagu dilay Gaza] ay yihiin dagaalyahanno, sidaas darteedna bartilmaameedyo sharci ah oo loogu talagalay howlgalka milatari ee Israel”.

Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed oo la filayo inay fool ka fool isku arkaan

Jimca jan-26- 2024-{HMC} Dawladda Talyaaniga ayey wararku sheegayaan inay marti galin doonto shir madaxeed ay isugu keenayso madaxda dalalka Afrika.

In ka badan kala bar dalalka qaaradda ayaa la filayaa inay ka qayb galaan shir madaxeedkaas oo maalmaha soo socda lagu wado inuu ka billowdo magaalada Roma, waxaana la filayaa inay ka qayb galaan oo ilaa hadda casumaadda aqbalay 15 madaxweyne iyo 8 ra’iisul wasaare. Waxaa kaloo jira wakiillo ayagana ka socda dalal kale oo Afrikaan ah, iyo wufuud guud ahaan tiradooda lagu sheegay 57 wafdi.

Ilaa hadda waxaa la ogyahay in madaxda ka qayb galaysa shir madaxeedkaas ay ka mid yihiin madaxweynaha Soomaaliya, madaxweynaha Eritrea iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Wararku waxay sheegayaan sheegayaan in ujeddada shirku tahay in dawladda talyaaniga ay dalalkaas Afrikaanka ah kala hadasho qorshaha la yiraahdo Piano Mattei – Qorshaha Mattei – oo dadka u dhuundaloola arrintaas ay ku macneeyeen inuu la mid yahay qorshihii Marshal Plan ee dagaalkii labaad ee dunida ka dib dhaqaale ahaan lagu caawiyey Yurub sidii ay burburka dagaalka uga soo kabsan lahayd.

Qorshaha Piano Mattei ayaa leh qodobbo ay ka mid yihiin horumarinta iskaashiga, dhiirri galinta dibad wax u dhoofinta iyo maal gashiga, waxbarashada, tababarrada mihnadeed, cilmi baarisyada, caafimaadka, beeraha iyo cunnada, iyo qaar kale oo ay ka mid yihiin biyaha iyo tamarta, dhowrista deegaanka, la qabsiga cimilada, casriyeynta iyo xoojinta kaabayaasha iyo qaar kale.

Walow ajedaha ay qodobadaas ku jiraan, misna ilo ku dhow diblomaasiyiinta qabanqaabada shirka wada waxay noo sheegeen in mushkiladda ka aloosan geeska Afrika aysan meesha ka marnayn. Ma cadda sida la doonayo in loo wajaho, hase yeeshee Talyaanigu “wuxuu ka gaabsanayaa sida ay diblomaasiyiintaas sheegeen inuu culays ku saaro in dalalka geeska ee muranku u dhaxeeyo ay wada fariistaan oo ay wada hadlaan” sida ilahaas laga soo xigtay.

Waxay intaa ku dareen in ay suurtogal tahay in talyaanigu “u kala dab qaado dhinacyadaas muddada shir madaxeedku socdo ama ay dhici karto in kulamo aan rasmi ahayn ay yeeshaan, bacdamaa shir madaxeed laga wada qayb galayo, casho sharafna la isugu imaan doono habeenka Axadda, taasoo uu marti qaadkeeda fidiyey madaxweynaha Talyaaniga ”.

Dalalka gobolka oo Soomaaliyana ku jirto weli kama aysan hadlin, laakinse mas’uul ka tirsan xukuumadda Soomaaliya wuxuu BBC u xaqiijiyey in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu shirka ka qayb galayo.

Shir madaxeedkan ayaa ku soo aadaya ayadoo dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ay debciyeen siiqada adkayd ee luqadda ay is dhaafsanayeen wixii ka dambeeyey 1dii Janaayo, markii heshiiska is faham ee xiisadda dhaliyey ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya.

Waxaa kaloo shir madaxeedka ka qayb galaya urur goboleedyo uu ka mid yahay midowga Afrika oo hore ugu baaqay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay wada fariistaan oo ay ka wada hadlaan arrimaha u dhaxeeya.

Sida ay sheegayso Shukri Said oo ah saxafiyad deggan Roma, madaxda hay’ado calami ah oo ay ka mid yihiin midoga Yurub, IMF, bankiga adduunka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay shirkaas ka qayb galaan.

Dhaqaalaha qorshahan ayaa lagu wada inuu ka yimaado lacago ay bixinayaan dalalka hodanka ah iyo ururrada caalamiga ah ee midowga Yurub uu ka mid yahay, ayadoo sidoo kalena la filayo in Talyaanigu uu ku yabooho 4 – 6 Bilyan oo dollar oo ka mid ah dhaqaalaha qorshayaasha ka soo baxaya shirka lagu fulinayo.

Maxeey tahay Sababta ay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ay dib u dhigeen Ciyaarta Finalka ee Hirshabeelle iyo Galmudug?

Jimco jan-26- 2024-{HMC} Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa mudo laba maalmood ah dib u dhigay Ciyaarta kama dambeysta ah ee Finalka tartanka kubadda Cagta dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Ciyaarta Finalka ayaa qorshuhu ahaa in berito Sabti ah ay wada Ciyaaraan xulalka Galmudug iyo Hirshabeele, waxaana xiriirku uu shaaciyay in kulankaasi uu dhici doono maalinta Isniinta ah oo ay taariiqdu ku beegan tahay 29-ka bishaan Janaayo.

Qoraalka kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya laguma sheegin sababta ka dambeysa in dib loo dhigo Ciyaarta Finalka ee berito dhici laheyd.

Warar hoose oo soo baxay ayaa sheegaya in sababo la xariira adkeynta amniga dib loogu dhigay kulanka, maadama lafilayo in kulanka ay kasoo qeyb galaan masuuliyiin sar sare.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka so Ambabaxay Magaalada Garowe

0

Jimco jan-26- 2024-{HMC}: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Galabta garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusii sagootiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Garoowe kaga qeybgalay Caleemasaarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

 

ATMIS military staff officers recognized for their contribution to peace and security in Somalia

0

Friday-26-January 2024–{HMC} Forty-five military staff officers serving with the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) have been recognized for their distinguished contribution to peace and security in Somalia.

The officers who have completed their 18 months tour of duty were on Thursday honored with AU medals and certificates of appreciation at a ceremony presided by African Union Special Representative for Somalia, Ambassador Mohamed El-Amine Souef.

The Force Commander for ATMIS, Lt. Gen. Sam Okiding, Deputy Force Commander in charge of Logistics and Plans Maj. Gen. Peter Kimani Muteti and other senior military officers attended the event held at the ATMIS Force Headquarters in Mogadishu.

“Your contributions during your service with ATMIS have been instrumental in advancing our mission objectives. You have played a vital role in the successful completion of the drawdown of 5000 ATMIS troops under phase One and Two,” said Amb. Souef in his remarks to the officers.

He thanked the outgoing officers for demonstrating professionalism, competence, and unwavering dedication in their various roles.

“You also provided crucial mentorship and support to the Somali Security Forces and contributed to the success of their operations against Al-Shabaab. We are extremely grateful for your contribution to peace and security in Somalia,” he added.

Lt. Gen Okiding urged the outgoing officers to continue supporting the mission even after returning to their home countries and use the experience gained in Somalia to foster global peace and security.

“Now that you are going home, I urge you to be good ambassadors of the mission. The bonds you have built here should not fade away, let us stay connected,” he told the staff officers who worked under his command at the ATMIS Force Headquarters.

The senior military officers are from Benin, Djibouti, Ethiopia, Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda, Zambia, and Zimbabwe.

“These officers are highly admired by the high level of competence and professionalism, they executed their duties with great dedication towards the mission’s success,” said Maj. Gen. Kindu Gezu, the ATMIS military Chief of Staff.

ATMIS Military staff officers provide expert advice to the ATMIS Force Commander in their various administrative fields of specialization including intelligence, logistics, planning, operations, and coordination towards the implementing the mission’s mandate.

Ethiopian troops withdraw from Kismayo amid growing Ethio-Somalia tension

0


Friday January 26, 2024

Ethiopian troops stationed in Ma Dhama camp in Northern Kismayo have reportedly withdrawn. The troops leaving the area were part of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) peacekeeping mission.

Halqabsi, a Somali news source, reported, “The handover of the Ma Dhama camp to Somali security forces was managed by Gen. Yusuf Hussein Osman Dhumal of Jubaland and Gen. Ali Mohamed Mohamud Bagmadow of the Somali National Army, facilitated by ATMIS’s Gen. Lucas Kutto.”

In addition to the peacekeeping mission, Thousands of Ethiopian troops are in Somalia as part of a bilateral arrangement between the governments of Ethiopia and Somalia. However, it is unclear if Ethiopia is withdrawing them in light of the recent developments.

The relationship between the two countries deteriorated after Ethiopia signed a Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland to gain sea access in exchange for a stake in Ethiopian Airlines – among other arrangements.

The withdrawal of Ethiopian troops from Kismayo comes amid growing tension between the two countries. However, it is part of “the ongoing ATMIS strategy to gradually transfer security responsibilities to Somali forces, aiming for a complete handover by year’s end,” as reported by Halqabsi.

The Ethiopian Defense Force has not released a statement regarding the withdrawal at this writing.

Ethiopia’s deputy PM Demeke to be replaced by spy chief Temesgen

0


Friday January 26, 2024

Ethiopia’s deputy prime minister Demeke Mekonnen, who has occupied the post for over 11 years under three successive prime ministers, will be replaced by spy chief Temesgen Tiruneh, a senior government official told Reuters on Friday.

Temesgen was elected to succeed Demeke as a vice president of the ruling Prosperity Party, state-run media reported. A vice president of the party typically serves as deputy prime minister.

Demeke has been a face of continuity during a turbulent period in Ethiopian politics. He was appointed to the post after the death of longtime prime minister Meles Zenawi in 2012 and survived a reorganisation of the ruling party that occurred after Abiy Ahmed took power in 2018.

Temesgen is the head of the national intelligence service and has coordinated the government’s response to a conflict that broke out last year in the Amhara region with local militias.

Abiy appointed Demeke as foreign minister days after civil war broke out in November 2020 in the northern Tigray region, a conflict that lasted two years and cost tens of thousands of lives.

While the government and rebel forces in Tigray signed a peace deal in November 2022, Ethiopia has remained dogged by insecurity.

Besides the unrest in Amhara, a decades-long conflict in the Oromiya region, the country’s largest, has intensified in recent years, killing hundreds and displacing tens of thousands.

Reporting by Dawit Endeshaw; Writing by Aaron Ross; Editing by Andrew Cawthorne