Home Blog Page 291

Soomaaliya oo sheegtay in ay diyaar u tahay la wadaagista Somaliland dakhliga kasoo baxa Nidaamka e-Visa

Axad 23, Nov 2025 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay wadaagista dakhliga ka soo xarooda nidaamka dal-ku-galka elektarooniga ah (e-Visa) ee ay hirgelisay bishii Sebtembar 2025.

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya, Cali Cumar “Cali Balcad” oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in dowladda ay ka jawaabtay cabashooyinka Somaliland ee la xiriira nidaamka cusub, iyada oo oggolaatay in laga wada hadlo qaybinta dakhliga

Cali Balcad ayaa sheegay in wasaaradda Maaliyaddu ay diyaar u tahay inay ka qayb qaadato habraaca wadaagista dakhliga, isla markaana ay u furnaan doonto dood kasta oo ku saabsan qaabka saxda ah ee loo maareynayo lacagaha kasoo xarooda.

“Dowladdu diyaar ayey u tahay in laga wada hadlo dakhliga e-Visa, waxaana sidoo kale diyaar ah Wasaaradda Maaliyaddu in la wadaago,” ayuu yiri Cali Balcad.

Nidaamka e-Visa, oo uu qofkii dalbada bixiyo $64, ayaa dowladda Federaalka u aragta mid lagu mideynayo habka dal-ku-galka, iyadoo lacagahaas Dowladdu in ay ku dhacaan khasnadda qaranka.

Somaliland horay ayay uga hor timid hirgelinta nidaamkan, taas oo sababtay in dadka u socdaalaya inay laba jeer lacag bixiyaan – mid Muqdisho ugu dhacda dal-ku-galka elektarooniga ah, iyo mid kale oo laga qaado marka ay ka degayaan garoomada Somaliland.

DFS oo sheegTay in dakhliga gudaha Dalka uu kordhay 80%

Axad 23, Nov 2025 {HMC}  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in dakhliga gudaha uu kordhay 80% saddexdii sanno lasoo dhaafay kaddib markii Dowladdu ay xoogga saartay arrintaan.

Biixi Iimaan ayaa sheegay in tani ay meesha ka saarayso isku halaynta dakhliga dibadda ee lagu kabo Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana fursad dhaqdhaqaaq dhaqaale ay u tahay Dalka iyo Dadkaba sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa intaas ku daray in Wasaaraddu diyaarisay xeerar cusub oo sii dhaqaajinaya fursadaha lagu gaari karo in sare loogu sii qaado dakhliga gudaha.

“Xoogga waxa aan saarnay in kor loo qaado daqliga gudaha, intii la’isku halleen lahaa daqliga dibadda, waxaan diyaarinnay xeerar cusub, taas oo keentay in daqliga gudaha 80% uu kordhay saddexdii sano ee la soo dhaafay.” Ayuu yiri Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Maaliyadda XFS

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay ka fogaaneyso qaadashada lacagaha daynta sidaas awgeed ay xoogga saartay dakhliga gudaha si loo kordhiyo dhaqaalaha kasoo galaya oo lagu xoojinayo kabka Dowladda.

{DAAWO MUQAALKA} Amar Culus oo la Duldhigay Shirkadaha Macdanta ka Qodo Gobolka Sanaag.

0

Axad  23 ,Nov 2025 {HMC} Amar Culus oo la Duldhigay Shirkadaha Macdanta ka Qodo Gobolka Sanaag.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu yahay heshiiska Cusub oo ay kala saxiixdeen Masar iyo Soomaaliya.?

0

Axad  23 ,Nov 2025 {HMC} Muxuu yahay heshiiska Cusub oo ay kala saxiixdeen Masar iyo Soomaaliya.?

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa loo xeray Madaxweynihii hore ee Brazil.?

0

Axad 23 ,Nov 2025 {HMC}Maxaa loo xeray Madaxweynihii hore ee Brazil.?

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan oo si heer sare ah u qaabilay Garsoore Cumar Cartan.

0

Axad  23 ,Nov 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan oo si heer sare ah u qaabilay Garsoore Cumar Cartan.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

Madaxweynaha Soomaaliya Oo la kulmay Garsooraha ugu fiican Kubadda Cagta Afrika ee 2025

0

Axad 23, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xusaya sumcadda iyo maamuuska uu dadka Soomaaliyeed u soo hoyey ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan oo ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha ugu fiican Afrika ee sannadka 2025 oo ay guddoonsiiyeen Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF.

Madaxweymaha ayaa mar kale ugu hambalyeeyey Garsoore Cumar Cartan guusha taariikhiga ah ee uu xaqiijiyey, waxa uuna tilmaamay in abaal-marintan ay muujineyso kartida iyo daddaalka uu geliyey kor u qaadidda xirfaddiisa, isaga oo u rajeeyey meel halkaa ka sareysa oo heer caalamiya inuu gaarsiiyo magaca Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Garsoore Cumar Cartan ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga mahadceliyey soo dhoweynta iyo qaabilaadda wanaagsan, waxa uuna xusay in maamuuskan uu ku dhiirrigelinaayo in sii wado dafaalkiisa ku aaddan matalaadda Caalamka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamiga ah.

Weerar Lagu dilay 22 Falastiiniyiin ah oo ka dhacay Qasa.

0

Axad 23, Nov 2025 {HMC}  Ugu yaraanj 22 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarro cirka oo is daba joog ah oo ay Israa’iil ku qaadday waqooyiga iyo bartamaha Qasa, sida ay sheegeen saraakiisha difaaca rayidka iyo caafimaadka ee Xamaas.

Waxay sheegeen in ilaa shan goobood la duqeeyay, waxaana ka mid ah guryo la deggan yahay. Taliye sare oo Xamaas ah ayaa ka mid ah dadka dhintay, sida laga soo xigtay ilo gudaha ah.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay Xamaas ku beegsadeen Qasa taasoo looga jawaabayay dhacdo goor hore shalay dhacday.

Wararkii ugu dambeeyey Mareeykanka oo duqeeyn ka fuliyay Puntland/

0

Axad 23, Nov 2025 {HMC}  Ciidamada La-dagaallanka Argagaxisada ee Puntland, oo kaashanaya saaxiibadooda  caalamiga ah, ayaa sheegay inay ku dileen ugu yaraan shan xubnood oo ka tirsanaa kooxda ISIS, kuwaas oo ku

dhuumaalaystay deegaanka Barakalah ee dooxada Baalade, kuna yaalla buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari. Wararka rasmiga ah ayaa xaqiijinaya in duqeymaha cirka oo ay fuliyeen US Africa Command (AFRICOM) ay beegsadeen kooxdan ISIS ah oo isku dayaysay inay ka baxsato goobaha dagaalka, kaddib weerarro joogto ah oo ay ciidamada amniga Puntland ku hayeen maalmahii la soo dhaafay. Shantii dagaalyahan ayaa lagu dilay goobta oo isla markiiba la qabtay dhaq-dhaqaaqyadoodii.

Ciidamada La-dagaallanka Argagaxisada ee Puntland ayaa sheegay in faahfaahinta dheeraadka ah ee howlgalka ay baahin doonaan AFRICOM, maadaama ay yihiin kuwa si toos ah u fuliyay duqeynta.

“Duqeyn cusub ayaa lagu dilay ugu yaraan shan dagaalyahan oo ISIS ah oo baxsad ahaa. Duqeyntu waxay ka dhacday Barakalah, dooxada Baalade, gudaha buuraha Calmiskaad, waxaana fuliyay saaxiibadeenna Mareykanka ee AFRICOM. Faahfaahin kale dib ayaa loo soo gudbin doonaa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidamada Puntland.

Maalmo ka hor, ciidamada amniga Puntland waxay soo qabteen mid ka mid ah xubnaha baxsadku ahaa, kaddib markii la hawlgeliyay nidaamka GPS-ka uu watay. Baaritaanno kaddib waxaa la ogaaday inuu yahay qof u dhashay Morocco, taasoo qayb ka noqotay tirada sii kordhaysa ee dagaalyahanada ajnebiga ah ee kusoo qulqulaya gudaha

“Ciidamadeennu waxay qabteen madaxa kooxda ISIS ee u qaabilsan nidaamka GPS-ka. Waxaana la qabtay isagoo isku dayaya inuu baxsado. Wuxuu isugu sheegay Abdirihiin Ibn Borosa, wuxuuna u dhashay dalka Morocco,” ayaa  lagu yiri war qoraal ah oo ciidamada kasoo baxay.

Dhowr maalmood ka hor, duqeyn kale oo ay fuliyeen saaxiibada Mareykanka ayaa beegsaday maleeshiyaad ISIS ah  oo ku dhuumaalaystay ceelka Maragade, oo sidoo kale ku yaalla dooxada Baalade. Duqeymahan ayaa qayb ka ah
howlgal ballaaran oo Puntland ka waddo buuraha Cal-Miskaad, halkaas oo kooxda ISIS ay ku lahayd fariisimo

DEG DEG:.Madaxweynihii hore ee Brazil oo xabsi la dhigay

0

Axad 23, Nov 2025 {HMC}  Madaxweynihii hore ee Dalka Brazil Jair Bolsonaro ayaa xabsi la dhigay kaddib markii lagu eedeeyay in uu isku dayay jebinta Xayiraaddii lagu saaray gurigiisa maadaama uu damcay in uu iska furo qalabka looga xiray awqawgiisa ee sheegaya haddii uu xeendaabka ka baxo.

Bolsanaro oo ah 70 jir ayaa lagu eedeeyay in uu sameeyay isku day afgambi Militari iyo kicinta Shacabka si uu uga horkeenno Dowladda haatan talada haysa balse waala xiray isaga oo lagu hayay goob gaar ah sida wararku sheegayaan.

27 sano oo xabsi ah ayaa lagu xukumay, xabsi guri ayaa lagu hayay ilaa markii dambe uu isku dayay in uu iska furo qalabka awqawga uga xiran ee sheegaya haddii uu sameeyo socod ka badan inta loogu talagalay.

Garsooraha Maxkamadda ugu sarreysa ee Dalka Brazil, Alexndre de moraes ayaa sheegay in tallaabada lagu xiray Jair Bolsonaro uu yahay mid ka dhalatay ficilka isku dayga ah uu sameeyay iyada oo arrintaas loo helay xaqiiqooyin.

Bolsonaro wuu beeniyay eeddaas, waxa uu sheegay in loogu marmarsiyoonayo sidii xabsi loo dhigi lahaa iyada oo laga wareejinayo guriga uu xayirnaa, waxa uu intaas ku daray in aanay suuragal noqon Karin sida la doonayo in loo ciqaabo.