Home Blog Page 2917

Maxuu yahay Sawirka hadalheynta dhaliyay ee Laga qaaday garsooraha Soomaaliga?

Arbaco jan-24 2024-{HMC}  Xulka Mauritania ayaa xalay cagta mariyay kooxda Algeria cayaartii Koobka Qaramada Afrika ee lagu qabtay Garoonka Stade de la Paix, magaalada Bouake ee dalka Ivory Coast.

Mauritania ayaa markii ugu horreysay guul ka gaartay inay u gudubto 16-ka kooxood ee ugu dambeeya isuguna soo haraya cayaarta.

Weeraryahanka qadka dhexe uga ciyaara xulka Mauritania, Yali Dellahi, ayaa goolkii guusha dhaliyay mar dambe qeybtii ugu horreysay ee cayaarta, iyagoo ka guuleystay Algeria oo labo jeer oo hore ku guuleysatay Afcon.

Cayaarta ayaa kusoo idlaatay Mauritania oo hal iyo eber uga badisay xulka Algeria.

Guuldarrada ayaa horyaalka Algeria ee 2019 uga dhigan inay isaga hareen tartanka.

Baraha bulshada dalka Algeria ayaa waxaa xalay laga hadal hayay garsooraha Soomaaliga ah ee cayaartaas dhexdhexaadinayay, Cumar Cabdulqaadir Cartan, waxaana la isla dhex marayay sawirka Cumar oo gacanta qoorta uga haya weeraryahanka Algeria Youcef Belaili.

Dadka ayaa siyaabo kala duwan u fasirtay sawirkaas, iyadoo qaar ay ku tilmaameen in dagaal dhex maray garsooraha iyo weeraryahanka.

Baraha bulshada dalkaas ayay dadku qaar ku sheegayeen in garsoore Cumar uu qoorta kasoo qabtay weeraryahanka xilli ay ciyaartu socotay. Balse waxaa la xaqiijiyay inuusan jirin wax dagaal ah.

Cumar Cabdiqaadir Cartan oo ah aabbe xaas iyo hal wiil leh waxaa sanadkii 1995-tii uu ku dhashay xaabada Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Heerkiisa waxbarashada hoose, dhexe iyo sare ayuu ku qaatay isla Muqdisho isagoo heerka kowaad ee jaamacada ku qaatay daraasaadka horumarinta.

Wuxuu BBC-da u sheegay inuu heerka uu gaaray arsoorka kubadda cagta ee Qaarada Afrika ay ugu suurto gashay dadaal shaqasi ahaaneed oo muujiyey iyo kordhinta aqoontisa.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu rajaynayo inuu qaban doono kulamo waaweyn oo ka tirsan koobka aduunka.

 

Xog: Daraasiin ka tirsan koox islaamiyiin ah oo la dilay

Arbaco jan-24 2024-{HMC} Dawladda Nigeria ayaa sheegtay in daraasiin ka tirsan koox jihaadiyiin ah ay dhinteen, halka kuwa kalana ay dhaawacmeen kadib dagaal ka dhacay koonfurta gobolka Diffa, ee u dhaw harada Chad sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP.

Sida ay sheegtay dawladda, Kooxda Boko Haram ayaa soo weeraray askar ku sugnaa meel garoon diyaaradeed oo u dhaw xadka Nigeria.

Waxa halkaas ka dhacay ayaan ahayn kuwo si madax banaan loo xaqiijin karo. Gobolka Diffa ee dalka Nigeria ayaa ah mid marti galiya kumanaan qaxooti ah oo ka soo cararay weerarada kooxda jiihadiyiinta.

XIGASHO AFP

Ciraaq oo u sheegtay Maraykanka in uu la baxo ciidamadiisa

Arbaco jan-24 2024-{HMC} Dawladda Ciraaq ayaa ku eedeysay Maraykanka in ay si aan ka fiirsi lahayn uga sii darayaan xaalka, kadib duqaymo kale oo ciidamada Maraykanku ku qaaday kooxaha ay Iran taageertu eek u sugan dalka.

Afhayeen u hadlay ra’iisul wasaaraha Ciraaq ayaa ku qeexay weeraradaan kuwa faragalin ah kuwaas oo wax u dhimaya madaxbanaanida waddanka.

Wasiirka difaaca ee Maraykanka, Lloyd Austin ayaa sheegay in duqaymahaas oo laga fuliyay saddex aag ay ahaayeen kuwa aan laga maarmi Karin, ayna ahaayeen jawaab aan toos ahayn oo ay ka bixinayeen weeraro is-xigxiga oo lagu qaaday ciidamads Maraykanka ee Ciraaq.

Dawladda Ciraaq ayaa marar kala duwan ugu baaqday Washington in ay la baxdo 2,500 ee askari ee ka jooga Ciraaq.

XIGASHO Reuters

Dibadbaxyo ballaaran oo ka billowday Tanzania

Arbaco jan-24 2024-{HMC} Dibadbaxyadan – oo ah kuwii ugu ballaarnaa ee la oggolaado tan iyo intii Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay xilka la wareegtay – ayaa billowday.

Dadka ka qeyb qaadanaya ayaa waddooyinka ku kaxeynaya mootooyin, halka qaar kalena ay lugeynayaan, lulayaan calamada leh midabka xisbiga mucaaradka ee Chadema.

Saraakiisha booliiska ayaa goobta jooga, iyagoo barbar socda dibadbaxayaasha.

Nigeria: Muran ka dhashay lo’ oo sababay in masaajiddo iyo kaniisado la iska gubo

Arbaco jan-24 2024-{HMC}  Masaajiddo iyo kaniisado ayaa lagu gubay gobolka bartamaha Nigeria ku yaalla ee Plateau kaddib muran ka billowday lo’ oo isu beddelay mid uu dhiig ku daato.

Siddeed qof ayaa ku dhintay isku dhacyadan oo ka dhacay deegaanka Mangu kaddib markii lo’ ay kusoo baxsatay waddo iyagoo xannibay isu socodka gaadiidka.

Barasaabka gobolka ayaa bandow 24 saacadood ah kusoo rogay halkaas si wax looga qabto rabshadda, inkastoo weli la oggol yahay in la aaso dadka dhintay.

Gobolkan bartamaha dalkaas ku yaalla ayaa wuxuu caan ku yahay isku dhacyada qowmiyadaha u dhaxeeya kuwaasoo aalaaba isu beddela kuwo diin iyo isir ku saleysan.

Plateau, dhanka waqooyi waxaa ku badan Muslimiin halka koofurtana ay ku badan yihiin Kirishtaan.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Kiis Dil Maxkmad ku Xukuntay oo Heshiis Laga Gaaray.

0

Arbaco jan-24 2024-{HMC} Kiis Dil Maxkmad ku Xukuntay oo Heshiis Laga Gaaray.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Galmudug oo dhaaftay Banaadir iskana xaadirisay Final-ka

0

Arbaco jan-24 2024-{HMC} Galmudug oo dhaaftay Banaadir iskana xaadirisay Final-ka

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Taliyaha howlgalka Atlanta ee Midowga Yurub oo soo gaaray Muqdisho ayaa kulamo ku aadan xoojinta am

0

Arbaco jan-24 2024-{HMC} Taliyaha howlgalka Atlanta ee Midowga Yurub oo soo gaaray Muqdisho ayaa kulamo ku aadan xoojinta am

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} WAR DEG DEG AH Khsaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay Qarax ka dhacay Garoonka ciyaaraha

0

Arbaco jan-24 2024-{HMC} Khsaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay Qarax ka dhacay Garoonka ciyaaraha

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

FAAH FAAHIN Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

0

Arbaco jan-24 2024-{HMC} Qaraxa oo ka dhacay isgoyska Cali Kamiin ayaa waxaa fuliyay ruux iskusoo xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo la sheegay in ciidamada amniga iney dhaawaceen ka hor inta uusan is qarxin.

 

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxa ay ku dhinteen laba ruux oo shacab ah islamarkaana uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidanka ku sugna Isgoyska.

 

warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu baahiyay qoraalkan oo u qornaa sidan”Qof naftii Halige ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ciidanka ammaanka ku joojiyeen inta u dhaxaysa isgoyska Cali Kamiin iyo Laba Dhagax. Shaqsigaan oo doonayay in uu dadka shacabka dhibaateeyo ayaa kaligiis ku haligmay qarixii ku xirnaa Ciidanka ammaanka oo dareemay dhaqdhaaqa Sharwadaha ayaa ka hor inta uusan Qarxin”.

 

Xaalada ay ah hada mid degan oo uu dib u soo laabtay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha Isgoyska Cali Kamiin oo mudo kooban hakad ku jiray.