Home Blog Page 2916

Waa Kuma Wasiirka qorsheynayey dilka Madaxweynihiisa ee xabsiga la dhigay?

Khamiis jan-25 2024-{HMC}  Mas’uuliyiinta Venezuela ayaa xiray 32 qof oo isugu jira wasiiro rayid iyo askar ka dib baaritaan muddo bilooyin ah socday oo ku saabsanaa inay qeyb ka ahaayeen “shirqool” uu Mareykanku taageerayo oo lagu dilayo madaxweyne Nicolas Maduro, sida uu sheegay xafiiska dacwad oogaha.

Wasiirka Gaashaandhigga Vladimir Padrino, dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda, saxafiyiinta iyo askar musaafuris ku maqan ayaa ka mid ah dadka loo haysto shirqoolka

Dhammaan tuhmanayaasha waxay qirteen oo daaha ka qaadeen macluumaadka ku saabsan qorshayaasha,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud Tarek William Saab u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan Caracas.

Saab oo daacad u ah Maduro ayaa sheegay in 11 qof oo kale la soo saaray amarro lagu soo xirayo, isagoo xusay in howlgal billowday sannadkii hore oo lagu doonayay in lagu soo bandhigo tafaasiisha la sheegay in la maleegay uu ahaa mid qarsoodi ah, maadaama uu ku soo beegmay wadahadallo dhexmaray Maduro iyo Mareykanka oo sababay in maxaabiis la is dhaafsado .

Waxa uu ku eedeeyay shirqoolka kooxda “midigta fog” oo Xukuumadda Maduro ay inta badan ula jeedo mucaaradka taageerada ka helaya Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA).

Saraakiisha ayaa sii daayay muuqaal la sheegay in ay ku lug leedahay hogaamiyaha mucaaradka Maria Corina.

Maduro ayaa la doortay sanadkii 2018 markii labaad, oo isku xigta, wuxuuna la kulmay cunaqabatayn aad u badan.

Arrimahan ayaa la fududeeyay tan iyo markii ay dowladdiisu ogolaatay in sanadka 2024-ka la qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo ay goobjoog ka yihiin goobjoogayaal.

Warbixin ay soo saartay sannadkii hore, guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay cabsigelinta, cadaadiska lagu hayo mucaaradka xarigga aan sharciga ahayn iyo xarigga suxufiyiinta, difaacayaasha xuquuqda aadanaha iyo dhaqdhaqaaqayaasha siyaasadda.”

Xanuun indhaha ah oo ka dillaacay Mombasa iyo deegaannada u dhow

Khamiis jan-25 2024-{HMC} Maamullada caafimaadka ee gobolka Xeebta Kenya ayaa baaraya caabuq faafa oo indhaha ah oo ka dillaacay gobolkaas.

Kiisaskan ayaa aad looga soo sheegay magaalooyinka Mombasa iyo Kilifi, sida ay tebisay warbaahinta gudaha.

Dadka deegaanka ayaa lagula taliyay inay ilaaliyaan nadaafadda sida gacmo-dhaqidda, inay ka fogaadaan inay alaabaha shakhsiga ah wadaagaan oo aysanna taaban indhahooda.

Toddobaadkii hore, dowladda Tanzania ayaa digniin kasoo saaray arrintan kaddib markii 869 kiis oo xanuunka ah laga soo sheegay magaala ganacsi ee Dar es Salaam.

Xanuunka Conjunctivitis, oo sidoo kale loo yaqaanno cudurka indhuhu qofka casaadaan.

Xanuunkan ayaa waxaa sababa xasaasiyad ama caabuq.

Calaamadihiisa waxaa ka mid ah guduud, barar, illin ka timaadda indhaha ama cuncun.

Dadka qaar indhahooda waxaa ka yimaada dheecaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Sidee Shacaba Caasimadda Galmudug ay ugu dabaal-dageen guushii ay ka gaareen dhiggooda G/Banaadir?

Arbaco jan-24 2024-{HMC}  Sidee Shacaba Caasimadda Galmudug ay ugu dabaal-dageen guushii ay ka gaareen dhiggooda G/Banaadir?

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Dood Ayaan ka qabnaa qaabkii ay u dhacday codbixinta habraacii waxkabadalka dastuurka.

Arbaco jan-24 2024-{HMC} Dood Ayaan ka qabnaa qaabkii ay u dhacday codbixinta habraacii waxkabadalka dastuurka.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

Arbaco -24 2024-{HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA 

{Dukumenti} Yaasir Carafaat: Israa’iil way i bahdishay, hadday doonayso inay i disho sidaa ha samayso

Arbaco jan-24 2024-{HMC} Dukumiintiyo ay hayso Britain ayaa muujinaya in Britain ay ku baaqday in la sameeyo khad cas oo loogu talagalay xaqa ay Israa’iil u leedahay in ay is difaacdo, iyo in la xakameeyo si looga hortago in ay sii kororto aargoosiga hawlgallada Falastiiniyiinta.

Dukumentiyadan oo uu dhawaan daaha ka qaaday Ra’iisal Wasaaraha Britain, ayaa sidoo kale muujinaya wada hadallo caro leh oo dhex maray mas’uuliyiin reer Yurub ah iyo hoggaamiyihii Falastiin Yaasir Carafaat, kaas oo uu ku muujiyay dareenkiisa “Niyad jabka ah” ee Israa’iil iyo inuu aaminsan yahay in aysan ku jirin cabsi ah in ay dilaan.

Dukumeentiyadu waxay ka sheekeynayaan bishii Diseembar 2001-dii, oo markhaati ka ahaa dhaqdhaqaaqyo xooggan oo ay sameeyeen Javier Solana, Wakiilka Sare ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Amniga ee Midowga Yurub, iyo ra’iisul wasaarihii dowladda Ingiriiska, Tony Blair, si loo xakameeyo qulqulka dhiigga ee u dhexeeya Israa’iil iyo kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta.

Kowdii bishaas, laba qof oo falastiiniyiin ah oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas ayaa isku qarxiyay xarun laga dukaameysto oo ku taal magaalada Quddus, halkaas oo ay ku dileen 10 qof 170 kalena ay ku dhaawacmeen. Maalintii xigtay, dhaqdhaqaaqyo kale oo ka tirsan xarakada ayaa qaaday weerar ismiidaamin ah. Bas ku socday magaalada Haifa, ayaa lagu dilay 15 qof, 40 kalana waa lagu dhaawacay, taasoo jawaab u ah dilka ciidammada Israa’iil ay u geysteen xubin ka tirsan Xamaas toddobaad ka hor xilligaas.

Xaalad ‘aad u khatar badan’

Lix bilood ka hor, bishii June, weerar ismiidaamin ah ayaa ka dhacay goob lagu caweeyo oo ku taal Tel Aviv, halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20 Israa’iiliyiin ah.

Israa’iil ayaa kordhisay howlgalkeeda aargoosiga ah ee ay ku haysay Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa iyo maamulka Falastiin ee uu hoggaaminayay Yaasir Carafaat.

3-dii bishii Disembar 2001-dii, Solana waxa uu ilaa saddex mar wadahadal taleefan ah la yeeshay hoggaamiyihii Falastiin.

Maalintii xigtay, Solana wuxuu u sheegay Blair in Abuu Cammaar uu “aad u niyad jabsan yahay.” Waxaa laga soo xigtay inuu yiri “ma sameyn karo wax ka badan wixii aan horey u sameeyay” kadibna wuxuu raaciyay “Haddii Israa’iiliyiintu ay rabaan inay dilaan isaga, sidaas uun ha ahaato.”

Qiimaynta sarkaalka reer Yurub ayaa ahayd in xaaladdu ay tahay “mid aad khatar u ah”, wuxuuna ku dhaleeceeyay “Maraykanka oo aan doonayn in uu si dhab ah u galo” dadaallada, wuxuuna ka digay inay weydo”qaab ay wax ku maareeyaan.”

Blair oo hadalkiisa sii wata ayaa ku tilmaamay xaaladda mid aad u xun. Waxa uu muujiyay sida uu u aaminsan yahay in Israa’iiliyiintu ay “si adag uga aargoosanayaan oo ay ku dambayn doonaan in ay dilaan dad badan”.

Ra’iisul Wasaaraha Britain wuxuu aaminsanaa in dariiqa kaliya ee loo mari karo ay tahay “in labada dhinac waa Israa’iil iyo Falastiin, ay qaadaan tillaabooyin amni oo horay loo sii qorsheeyay,” marka xaaladduna ay degto, geeddi socod wada xaajoodna uu bilaaban doono.

Dhanka Falastiin, Blair wuxuu ku baaqay baahida loo qabo in Carafaat uu “xiro xagjiriinta,” taa beddelkeeda, Israa’iiliyiintu ay qaadaan “tallaabooyin barbar socda,” isagoo ka digaya in arrintani la’aanteed “waxyaabo badan ay si dhakhso ah uga sii dari karaan.”

Sarkaalka Yurub ayaa ku wargeliyay Blair in uu kula taliyay Carafaat inuu qaado tallaabadan ” isla markiiba kadib dhacdooyinkii 11-kii Sebtembar ee Maraykanka, isagoo aaminsan in tani ay tahay “fursad dahabi ah” oo hortaalla hoggaamiyaha Falastiiniyiinta.

David Manning, oo ah lataliyaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Blair, horena u ahaan jiray safiirkii Ingiriiska ee Israa’iil, ayaa soo dhexgalay, isagoo muujiyay sida uu u aaminsan yahay in “maalmihii Carafaat ay ahaayeen kuwo tirsan.”

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qeexay in beddelka guusha lagu xoojinayo mowqifka Carafat, looga baahan yahay “inuu qaado tallaabooyin dhab ah oo ku saabsan ammaanka,” isaga oo tixraacaya baahida loo qabo in la xaqiijiyo joojinta dhaqdhaqaaqyada iska caabinta Falastiiniyiinta ee khatarta ku ah ammaanka Israa’iil.

Blair ayaa Carafaat Waxa uu u sheegay in aragtida Maraykanku ay tahay in hoggaamiyaha Falastiin “uusan qaban hawshii isaga looga baahnaa.” In Carafaat uusan “maamulin” xaaladda dhulka Falastiin. ” Waxa uu intaa ku daray in haddii Carafaat uu gacanta ku hayo maamulka, “Ay is waydiiyeen sababta uu wax uga qaban waayay xagjiriinta.”

Blair ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay: Waxaa loo baahan yahay in Carafaat lagu qasbo in uu qaado tallaabooyin adag oo dhinaca dhanka amniga ah, taasoo fariin cad diraysa iyo in uu isbedel ku sameeyo mowqifkiisa. Blair waxa uu filayey in qorshahan dhinaca Carafaat uu gaari doono saddex yool: jawaabta Maraykanka, xakamaynta Ariel Sharon si looga hortago aargoosi, iyo in uu gacan ka geysto in la abuuro qol wadahadal, iyada oo ujeedadu tahay in la xaliyo arrinta Falastiin.

Ariel Sharon

Xoghayihii arrimaha dibadda ee Maraykanka Colin Powell ayaa dhaleeceeyay jiritaanka xiriirka ka dhexeeya Carafaat iyo ururrada Falastiin, oo Washington ay u aragto argagixiso, isagoo sheegay in hoggaamiyaha Falastiin “uu muddo isku xirayay xarko dhaadheer.” Sida uu Solana u sheegay Ingiriiska, “Haddii Carafat uusan hadda tallaabo ka qaadin kaabayaasha kooxaha argagixisada, Mareykanku ma lumin doono waqtigiisa raadinta xal kale.”

Si kastaba ha ahaatee, sarkaalka reer Yurub ayaa dhaleeceeyay mowqifka Mareykanka.

Warbixin ku saabsan kulanka Blair iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain, Levy wuxuu ku sheegay in Solana uu dhaleeceyay “hadallada yaabka leh” ee uu soo saaray Aqalka Cad “oo lagu taageerayo xuquuqda Israa’iil ee is difaaca. Wuxuu leeyahay barakada Bush.” Solana ayaa ku tilmaamay habka Maraykanka mid “aan caddayn”, taas oo “ku adkaysay Midowga Yurub inuu qaado tallaabo kasta.”

Solana waxa uu Levy u gudbiyay qaar ka mid ah waxyaabihii dhex maray isaga iyo Carafaat intii ay ku wada hadleen khadka telefoonka. Wuxuu sheegay in Abuu Cammaar ” uu dareemay bahdilaad kadib burburka diyaarada uu la socday .”

Carafaat ayaa u sheegay Solana in uu aaminsan yahay in noloshiisu ay ku xiran tahay qaddar.

“Dhiirigelinta” maamulka Falastiin

Wadahadallada Levy iyo Solana waxay taabteen mawqifka Israa’iil ee maamulka Falastiin. Dowladda Sharon waxay u tixgelisay Maamulka “mid taageera argagixisada.” Solana waxa uu rumaysnaa in ku guuldaraysiga Israa’iil ee ah in ay u tixgeliso Hay’adda in ay tahay urur argagixiso “ay u ogolaatay in ay ilaaliso khadka soo laabashada si ay ugu soo noqoto wada xaajoodka, haddii Maamulka uu soo afjaro rabshadaha.

Lord wuxuu codsaday in Midowga Yurub ay soo diraan calaamad cad oo ah in maamulka Falastiiniyiinta uu yahay “sharci,” iyo in maamulka Falastiiniyiinta ee xooggan “ay cid walba dan u tahay.”

Ergeyga Ingiriiska ayaa si cad u dhaleeceeyay General Anthony Zinni, ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan nabada Bariga Dhexe, sababtoo ah “si sax ah uma muujinin in ay suuragal tahay wadahadal uu la yeesho Falastiiniyiinta.”

Wuxuu muujiyay sida uu u aaminsan yahay in maamulka Bush uu soo afjaro heerka ay gaari karto jawaabta Israa’iil ee howlgallada Falastiin.

Solana ayaa ku jawaabay in “la’aanta caddaynta ku saabsan habka Maraykanku ay si cad walaac ugu abuuri karto.”

Horraantii Febraayo 2005-tii, Sharon iyo Maxamuud Cabbaas, Madaxweynaha Maamulka Falastiin, waxay ku kulmeen dhexdhexaadinta Masar iyo joogitaanka Boqorka Urdun ee Sharm El-Sheikh si loo soo afjaro rabshadaha, taas oo keentay, sida lagu qiyaaso, dilka ilaa 4,400 iyo dhaawaca ku dhawaad 48,500 falastiiniyiin ah, iyo dilka ilaa 1,100 askari oo Isra’iil ah. Nin Yuhuudi ah oo la degay iyo 4,500 oo kale ayaa ku dhaawacmay. Ilaa 64 ajaanib ah ayaa sidoo kale la dilay.

Intii uu socday kacdoonka Israa’iiliyiintu waxa ay dileen Sheekh Axmed Yaasiin oo ahaa aasaasihii ururka Xamaas, dhaxal suge Cabdil Casiis Rantiisi iyo Abu Cali Mustafa oo ahaa xoghayihii guud ee Jabhadda caanka ah ee xoreynta Falastiin.

Ciidanka Israa’iil waxa ay sidoo kale xireen, welina u xiran, Marwan Barghouti, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha caanka ah ee dhaqdhaqaaqa Fatah, iyo Axmed Saadat. Jabhadda ayaa sidoo kale dishay Rehavam Zeevi, wasiirkii dalxiiska ee Israa’iil.

Maxuu ka yiri Hawlgalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya?

Arbaco jan-24 2024-{HMC} Taliye ku xigeenka Hawlgalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee Atalanta ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka ga hadlay xaaladaha ka soo kordhay Badda Cas ee weerarrada Xuutiyiinta iyo sidoo kale heshiiskii is afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland.

 

Admiral Ignacio Villanueva Taliye ku xigeenka Hawlgalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub oo ku sugnaa Magaalada Muqdisho tan iyo 22 kii bishaan ayaa kulamo la yeelanay mas’uulinta dowladda federaalka ee Soomaaliya, isaga oo kala hadlaya xaaladaha soo kordhay.

 

Howlgalka atlaanta oo soo bilaawday 2008 dii si looga hortago weerada burcad badeedka xiligaa oo xeebaha Soomaaliya lagu afduubanayay maraakiibta.

 

Admiral Ignacio Villa mar la weydiiyay sida uu howlgalkooda u sameynayo xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegay in arrimahaasi aysan qeyb ka ahayn howlgalkooda, balse uu rajeynayo in qaab wadaxaajood ah lagu dhammeeyo xiisaddani.

 

Mr Admiral Ignacio ayaa yiri “Waa su’aal wanaagsan, waana inaan halkan ka taxaddaraa sababta oo ah shakhsi ahaan, anigu waxaan ahay oo keliya Taliye Hawlgaleed, markaa taasi waxay la macno tahay in shaqadaydu ku kooban tahay hawlgallada, waanse la socdaa xiisaddaass aad sheegtay ee Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin waxaan rajeynayaa in wadahadal iyo wada-tashi lagu dhammeeyo xiisadahaas”.

 

Taliye ku xigeenka ayaa dhanka kale sheegay in xiisadda u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya aysan howlgalkooda saameyn ku yeelan doonin.

 

“Ma filayo in ay saamayn ku yeelato qorshahayaga, ma ahan, waxaan filayey inaysan saameyn ku yeelan doonin qorshahayga, waan sii wadi doonaa qorshahayga, aan ku celiyo mar kale wixii Midowga Yurub hore ugu sheegay in golayaasha kala duwan ee ah, in midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay muhiim noo tahay, kolkaa ma filayo in ay wax saameyn weyn ah nagu yeelato, waxaana rajeynayaa in xiisadahaas ay meesha ka bixi doonaan dhawaan iyada oo loo marayo wadahadal iyo gorgortan” ayuu intaa ku daray.

 

Dhanka kale, mar wax laga weydiiyay weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay ku hayaan maraakiibta marta Marinka Baabul Mandab waxa uga qorsheysay ayuu Ignacio sheegay in ay iyaga hadda xoogga saari doonaan un xeebaha Soomaaliya.

 

Waxa uu dhanka kale shegay in howgalkooda uu ku egyahay oo kali ah xeebaha Soomaaliya oo aysan qeyb ka ahyan howlgalka Badda Cas ee ka dhanka ah Xutiyiinta.

 

“Hadda, qorshahaygu waxa uu ku ek yahay wixii naloo tilmaamay oo keliya, markaa aniga waxaa la ii igmaday oo keliya Soomaaliya, waxaana jiri doona hawlgal kale oo Midowga Yurub ah oo dhowaan dhici doona kaas oo wax ka qaban doona Badda Cas iyo khatartaas ka taagan, markaa taasi waa mustaqbalka, aad ayaana ugu faraxsanahay, sababtoo ah hadda waxaan si dhab ah awoodda u saari karaa Soomaaliya iyo baahiyaheeda amniga badda.” Ayuu yiri Ignacio.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn { 24/ 01/2024}

Arbaco -24 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo : Abdirahmaan Muse

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

A armed group with pistols killed a businessman tonight in Bundoweyn neighborhood

0

Thursday 25 Jan 2024 {HMC} Men armed with pistols killed Hussein Sharif Amin, who is one of the well-known businessmen, in Firshida market in Baledweyne.

The deceased was at a Bibito place not far from his house when he was killed.

The security forces who arrived at the scene after the incident happened were able to shoot one of the assailants while the one who was with him escaped from the scene as confirmed by Hiiraaweyn media.

The police have also arrested some of the young people in the area, especially those near the scene of the murder.

According to media reports, the late businessman Hussein Sharif has been receiving threatening messages from the Al-Shabaab group for the last few days, but it is not clear what they were specifically targeting him for.