Home Blog Page 2915

Farmaajo oo Si Kulul U Dhaliilay Ansixinta Habraaca Wax Ka Beddelka Dastuurka Soomaaliya

0

Khamiis jan-25 2024-{HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u dhaliilay tallaabada uu Baarlamaanka Federaalka ku ansixiyay Qaraarka Habraaca wax ka beddelka Dastuurka, isaga oo ku tilmaamay inay tahay “nasiib darro weyn” oo ku timid midnimada dadka Soomaaliyeed. Farmaajo ayaa sheegay in tani ay muujineyso sida hoggaanka dowladda uu uga meermeersanayo inuu si wax ku ool ah uga hortago wax uu ugu yeeray “damaca ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya”.

Qoraalka Farmaajo ayaa yimid kadib markii Guddoonka Baarlamaanka lagu eedeeyay inay hareer mareen xeer hoosaadka aqalka, gaar ahaan qodobka 90-aad, kaas oo dhigaya in xeer kasta oo aqrinta saddexaad soo mara loo qaybiyo xildhibaannada, iyadoo la siiyo muddo saddex maalmood ah si ay u soo aqristaan. Eedeymahan ayaa kusoo
beegmaya xilli dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah.

Intii uu xilka hayey, Farmaajo ayaa lagu eedeeyey inuu sameeyay muddo kororsi sharci darro ah, taas oo muran badan dhalisay kuna xadgudubtay Dastuurka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya. Tani waxay abuurtay xiisado siyaasadeed iyo khilaafyo dastuuri ah oo saameyn weyn ku yeeshay xasiloonida dalka.

Farmaajo ayaa ku booriyay madaxda dowladda iyo Baarlamaanka inay dhegaystaan baaqyada kala duwan ee ka imaanaya Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Xildhibaannada dalka, hoggaamiyeyaasha bulshada rayidka ah iyo waxgaradka, si loo helo dib u eegis dastuur oo ku dhisan heshiis bulsho, wadatashi iyo is-qancin.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka digay in dalku uu xamili karin “kala qoqob hor leh” iyo “ku takri-fal awoodeed” oo ay sameeyaan kooxo gaar ah, taas oo uu tilmaamay inay tahay khatar ku soo fool leh midnimada iyo xasiloonida Soomaaliya.

Biixi oo ka qoomameeyay heshiis ay la galeen Dowladda……..

0

Khamiis jan-25 2024-{HMC} Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qoomameeyay
heshiis ay hore ula galeen dowladda Soomaaliya oo ku saabsanaa wareejinta maamulka hawada.

Hadalka Biixi ayaa imaanaya ka dib markii ay dowladda Soomaaliya u diiday in hawadeeda ay soo galaan diyaarado
ka diiwaan gashan Itoobiya iyo Thailand, kuwaasoo u socday Somaliland.

Biixi ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay ka gaabisay heshiiskaas iyo heshiisyada kale ee la xiriira qeybsiga deeqaha caalamiga ah iyo deeqaha waxbarasho, isagoo ku andacoonaya in Somaliland ay hesho qayb yar oo ka mid ah wixii loogu baahnaa.

Go’aanka ay dowlada Soomaaliya ku joojisay duulimaadyadii ka imaanayay dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa loo arkaa mid xoojinaya mowqifkeeda ah in Somaliland aysan ahayn dal madaxbannaan.

Mawqifkaasi waxa uu cawaaqib xumo ku keenayaa Itoobiya, oo dagaalkii madax-banaanida Ereteriya ka dib ugu baahatay in Somaliland la heshiiyo si ay u fursad ugu hesho isticmaalka badda cas.

Qoomada Biix iyo go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka dhashay heshiiskii muranka dhaliyay ee 1-dii January ay wada saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya.

Sida uu dhigayo heshiiskan, Somaliland waxa ay Itoobiya ka kiraynaysaa deked, si ay saami uga hesho diyaaradda Itoobiya iyo suurtogalnimada in Somaliland loo aqoonsado dal madaxbannaan.

Biixi waxa uu xusay in Somaliland ay Itoobiya ka kireynayso saldhig milatari, isla markaana ay isticmaali doontoDekedda Berbera ayna noqoneyso waddankii ugu horreeyey ee aqoonsada Somaliland.

“Nuxurka heshiisku waa in Itoobiya ay saldhig ciidan ka samaysato Somaliland iyo inay aqoonsato madaxbanaanideenna, waana qodobbada ugu muhiimsan ee dhinacyada kale oo dhan ay iska kaashanayaan,” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Dowladda Soomaaliya oo u aragta Somaliland qayb ka mid ah dhulkeeda, ayaa waxay si adag uga soo horjeeda heshiiskaas, waxayna ku tilmaantay mid gardaro ah oo meel ka dhac ku ah qaranimadeeda.

Ciidamada Amaanka Oo Soo Buuxdhaafiyay Magaalada Garowe

0

Wafuud isugu jira madax iyo siyaasiyiin waawayn ayaa gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, si ay uga qeyb galaan caleemo saarka madaxweyne Deni oo dhawaan mar kale dib loo doortay.

Sidoo kale, Waxaa Magaalada Garowe ku Madaxweynahayaasha Maamulada  Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qooe Qoor  Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen Hirshabeelle Cali CXabdulaahi Xuseen Guulaawe

Horey waxaa magaalada Garowe u joogay raysal wasaarayaal hore Cali Maxamed Geeddi iyo Cabdifaarax Faarax Shirdoon Maxamed Xuseen Rooble . Xasan Cali Kheyre iyo  Cabdiweli Gaas uu isagana mar Ra’iisal wasaare ka soo noqday dalka sidoo kalna ah Madaxweyne ka soo noqday Puntland .

Hoggaamiyaha SSC- Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye  ayaa kamid ah wafuudda tagay magaalada Garowe.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa dhawaan sheegay in madaxda ;agu casuumay Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha la doortay ee PuntlandSaciid Deni iyo ku  xigeenkiisa  u ka qayb geli doono Madaxweyne Xasan sheikh sida uu wasiirka sheegay islamarkaana uu aqbalay Casuumaada

Amniga Magaalada Garowe ayaa aad loo adkeeyay waxaana magaaladaas  maanta  ka dhici doonta Munaasabada Caleema Saarka Madaxweyne Saciid Deni

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan oo iska fogeeyay in Masar uu kala xaajooday arrimo milateri.

Khamiis jan-25 2024-{HMC}  Madaxweyne Xasan oo iska fogeeyay in Masar uu kala xaajooday arrimo milateri.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

Dawlada Ciraaq oo dalbaday in Ciidanka Maraykanka laga saaro dalkeeda

0

Khamiis jan-25 2024-{HMC} Dawladda Ciraaq ayaa ku eedeysay Maraykanka in ay si aan ka fiirsi lahayn uga sii darayaan xaalka, kadib duqaymo kale oo ciidamada Maraykanku ku qaaday kooxaha  ay Iran taageertu eek u sugan dalkaas.

Afhayeen u hadlay ra’iisul wasaaraha Ciraaq ayaa ku qeexay weeraradaan kuwa faragalin ah kuwaas oo wax u dhimaya madaxbanaanida waddanka.

Wasiirka difaaca ee Maraykanka, Lloyd Austin ayaa sheegay in duqaymahaas oo laga fuliyay saddex aag ay ahaayeen kuwa aan laga maarmi Karin, ayna ahaayeen jawaab aan toos ahayn oo ay ka bixinayeen weeraro is-xigxiga oo lagu qaaday ciidamads Maraykanka ee Ciraaq.

Dawladda Ciraaq ayaa marar kala duwan ugu baaqday Washington in ay la baxdo 2,500 ee askari ee ka jooga Ciraaq.

{DAAWO MUUQAALKA} Maxuu ka yiri Hawlgalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya?

Khamiis jan-25 2024-{HMC} Maxuu ka yiri Hawlgalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya?

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

Faahfaahino Dheeraad ah oo Kasoo Baxayo Howlgal Dhanka Cirka ah oo Ka dhacay Gobolka Galgaduud

Khamiis jan-25 2024-{HMC} – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka aroortii hore howlgal qorsheysan lagu qaaday magaalada Gal-hareeri oo ka titrsan gobolkaas, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda AS.

Howlgalkan oo iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay kooxda AS.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka warbixiyay in howlgalkaasi, isaga oo sheegay in lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen AS, laguna dilay xubno fara badan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in howlgalkan lagu burburiyay warshad lagu far-sameeyo qaraxyada oo ay lahayd kooxda iyo xarunta Idaacadda Andalus, sida uu hadalka u dhigay.

“Gal-hareeri waxaa ka dhacay hawlgal barakaysan, Khawaarij badan waa la laayay, xarumo ay ku jiraan Idaacad iyo Warshad lagu sameeyo qaraxyadana waa la burburiyay, alle ayaa ku mahadsan” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli howlgalka uu socdo, isla markaana ay faahfaahin ka bixin doonaan khasaaraha guud ee lagu gaarsiiyay kooxda AS.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda oo ku aadan howlalkaas iyo duqeynta isla socday ee guusha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada dhexe ka socday guluf culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.

{DAAWO MUUQAALKA} FAAH-FAAHIN: Qarax lala eegtay ciidamada Puntland oo ka dhacay Boosaaso.

Khamiis jan-25 2024-{HMC}  FAAH-FAAHIN: Qarax lala eegtay ciidamada Puntland oo ka dhacay Boosaaso.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

Muxuu ka yiri madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo marti-qaadka Puntland?

Khamiis jan-25 2024-{HMC} Garoowe waxaa ku sugan madax iyo siyaasiin kala duwan oo lagu mart-qaaday xafladda caleema saarka madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo sideeddii bishaan dib loo doortay.

Haddaba madaxda hore dalka u soo martay ee casuumaadda loo fidiyay waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hase-yeeshee wuu ka cudur daartay in uu munaasabdda uu ka soo qayb galo uu sheegay wasiirka warfaafinta mamaulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.

“Farmaajo wuu ka cudur daartay oo arrin qoys ayuu jadwalku kaga soo aaday,” ayuu yiri wasiir Caydiid.

Inkastoo muddo ay ka soo wareegtay, haddana xilligii uu xilka hayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa dad badan ogyihiin in isaga iyo Deni xiriirkoodu uu xumaa oo weliba madaxweynaha Puntland uu xilligaasi si cad u sheegai in xooggiisa isugu gaynayo in meesha uu ka saarayo Farmaajo maadama xilligaasi Farmaajo ahaa musharrax madaxweyne mar kale.

Wixii intaa ka dambeyay ma jirin hab shaacsan oo muujinayay in la xaliyay khilaafkii u dhaxeyay labada mas’uul maadaama uu markii horeba xoogganaa.

{DAAWO MUUQAALKA} Degmada Xawaadley, oo la sheegay in dad badan ugu dhinteen xanuunka Shuban biyoodka.

Khamiis jan-25 2024-{HMC} Degmada Xawaadley, oo la sheegay in dad badan ugu dhinteen xanuunka Shuban biyoodka.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA