Home Blog Page 2914

NISA oo shaacisay liiska magacyada hogaamiyeyaal AS looga dilay Howlgal ka dhacay Galhareeri.

0

Khamiis jan-25 2024-{HMC} Hawlgal qorsheysan oo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ay ka fuliyeen Gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Galhareeri oo ah xarunta ugu weyn ee Al shabaab ku leedahay Gobollada Dhexe ayaa lagu dilay 30 ka mid ah Dagaalyahanada Al shabaab  oo isugu jiray Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal ay ka mid ahaayeen xubno Ajaanib ah halka dhaawacu uu yahay ilaa 20 kale.

Goobaha lagu bartilmaameedsaday hawlgalkan waxaa ka mid ahaa xarunta Idaacadda Andulus, xarun lagu farsameyo Qaraxyada, xaruntaHowlgal Lagu dilay Saraakiil iyo Askar katirsan AS oo ka dhacday gobolka Galgaduud maaliyadda ee degmada Galhareeri, guri ay daganaayeen horjoogeyaal ka tirsan Al shabaab gaar ahaan kuwa sameeya Filimada ee lagu magacaabo Al-Kataa’ib, guri uu deganaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka gobolka Sh. Dhexe iyo guryo ay ku shiri jireen Jabhadaha Al shabaab.

Horjoogeyaasha Al shabaab ah ee lagu dilay weerarkan waxaa ka mid ahaa;

1. Qoor-Cadde oo ahaa horjoogaha xarunta Qurdubi, oo ah xarun ay ku faafiyaan fikradaha qaldan.

2. Macalim Maxamed oo ahaa ku-xigeenka xarunta Qurdubi.

3. C/kariin Shan-boqolle oo ka mid ahaa aasaasayaashii Al shabaab ee Galguduud.

4. Wareershe oo ahaa horjooge ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.

5. Yamiin oo ahaa horjooge ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al shabaab ee Mudug.

6. Cabdullaahi Macalim Bashiir oo ka mid ahaa horjoogeyaasha Maleeshiyaadka ee Galguduud.

7. Ismaaciil Abu-Ruqiya oo ka tirsanaa qeybta marin-habaabinta Al shabaab Galgaduud.

8. Ciise Maxamed Wehliye oo ahaa Horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka ee Gobolka Sh. Dhexe.

9. Ciise Ruush oo ahaa Horjoogihii farsamada Hubka.

10. Usaama oo ahaa Horjoogihii Isgaarsiinta.

11. Xasan Nuur ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.

Hawlgalkan oo jab xoog leh lagu gaarsiiyay Al shabaab ayaa xubnaha lagu khaarijiyay waxaa ka mid ahaa Ajaanib ka shaqeyn jirtay dhinaca Warbaahinta gaar ahaan qeybta ay ugu yeeraan Al-kataa’ib.

WARKAN WAXAA SO SAARTAY HAYADA NABAD SUGIDA SOOMAALIYA 

C/kariin Guleed”Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya waa lagu fashilinayay wada hadaladii ka dhacay Dalka Jabuuti

0

Khamiis 25-jan-2024-{HMC} Ergayga gaarka ah ee wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland Cabdikariin Xuseen Guleed ayaa sheegay heshiiskii dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi inuu ahaa mid lagu majo xaabinayay sii socoshada wada hadalada labada dhinac.

Mr Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay rajo wanaagsan ka qabtay wada hadalada mar kale dib u bilowday iyo qodobadii kasoo baxay shirka ka dhacay dalka Jabuuti.

Hase ahaatee, heshiiska Ethiopia ay la gashay Somaliland ayuu sheegay inuu Soomaaliya ku noqday arrin laga fajaco oo aysan dowladdu marna filayn inay ka suurtowdo Somaliland.

“Waxaan aaminsanahay in heshiiska dhacay uu ahaa mid ay dowladda Ethiopia ku fashilinaysay isfahamkii labada dhinac, waana ayaan darro in arrintaas dhacdo,” ayuu yiri ergayga dowladda Soomaaliya u qaabilsan wada hadalada Somaliland.

Cabdi kariin Guuleed wuxuu sheegay, dowladda Soomaaliya inay qadarin weyn u hayso Somaliland ayna diyaar u tahay in mar walba laga shaqeeyo sidii ay wada hadaladu usii socon lahaayeen.

Wuxuuse sheegay in dowladda Soomaaliya aysan raali ka ahaan doonin tallaabo kaste oo wax u dhimaysa qaranimada Soomaaliyeed.

United States AFRICOM combatant commander visits Defence Headquarters

0


Thursday January 25, 2024

The United States (US) Africa Command (AFRICOM) Combatant Commander General Michael Langley visited the Defence Headquarters, Nairobi. He was received by Chief of the Defence Forces (CDF) General Francis Ogolla.

The visiting General inspected a guard of honour mounted by Moi Air Base (MAB) before proceeding for separate closed-door meetings with the Cabinet Secretary (CS) for Defence Hon. Aden Duale and the CDF.

During the bilateral engagements with the CS, the two leaders discussed a wide range of issues of mutual interest between the two countries among them counter-terrorism, maritime security, and peace support operations as well as the need to foster the already existing cordial relations between the US and Kenya.

The CS noted that the US has been a critical partner in supporting Kenya’s quest in enhancing peace, security, and stability in the Horn of Africa and the Great Lakes Region.

Hon. Duale thanked the US Government for their steadfast support in the construction of the Kenya Defence Forces’ (KDF’s) Counter Insurgency, Terrorism and Stability Operations (CITSO) Centre and also for offering the KDF personnel training opportunities.

The Defence Principal Secretary Mr. Patrick Mariru, Vice Chief of the Defence Forces (VCDF) Lieutenant General Jonah Mwangi, Kenya Air Force Commander Major General John Omenda among other General and Senior officers from Kenya and the US were also present during the visit.

Al-Shabaab terrorist group attacks military base in Somalia

0


Thursday January 25, 2024

Casualties are feared in northern Somalia after al-Qaeda-affiliated terror group al-Shabaab launched predawn attacks Wednesday against an army base, local officials told Anadolu.

Heavy gunfire was exchanged during the multi-pronged strike on an army camp in northern Mudug province, a military official in the central state of Galmudug said on condition of anonymity due restrictions on speaking to the media.

The attack on the camp, located in the newly liberated village of Caad, was repelled, though “both sides” had suffered multiple casualties, the official said without elaborating on how many soldiers were killed.

Al-Shabaab claimed responsibility for the attack and said it had overrun five military bases in and around Caad district and seized military vehicles.

The group in a propaganda statement said after the attack that it attacked bases housing 1,350 army soldiers and killed over 191 soldiers.

The Somali National News Agency (SONNA) reported that the army, backed by locals, thwarted the al-Shabaab attack, inflicting “heavy losses on terrorists.”

Somalia has been plagued by insecurity for years, with the main threats emanating from al-Shabaab and the Daesh/ISIS terror groups.

Since 2007, al-Shabaab terror group has been fighting the Somali government and the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), a multidimensional mission authorized by the African Union and mandated by the United Nations Security Council.

The terror group has stepped up attacks since the Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud, who was elected for a second term in May 2022, declared an “all-out war” on al-Shabaab.

{DAAWO MUUQAALKA} Rooble oo si adag uga Hadlay in waqti lagu darsado Xiliga Doorashada

0

Khamiis jan-25 2024-{HMC} Rooble oo si adag uga Hadlay in waqti lagu darsado Xiliga Doorashada

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hay’adda Sodma oo Deeq daawo ah gaarsiiyay Isbitaalka Degmada Ceeldheer

0

Khamiis jan-25 2024-{HMC} Hay’adda Sodma oo Deeq daawo ah gaarsiiyay Isbitaalka Degmada Ceeldheer

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Cali Geedi: “Maanta meesha ay taagan tahay waa meel aan lagu kala hari karin madax iyo shacaba”

0

Khamiis jan-25 2024-{HMC} Hay’adda Sodma oo Deeq daawo ah gaarsiiyay Isbitaalka Degmada Ceeldheer

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 25 01 2024}

Khamiis jan-25 2024-{HMC}  Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Abdi Majiid  IYO Mustaf Ali

Farsamadii : Kaafi Cismaan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

 

{DAAWO SAWIRADA} Xasan Sheekh Maxamuud oo Gaaray Garawe

0

Khamiis jan-25 2024-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Garowe ee caasinadda maamulka Puntland.

Xasan Sheekh garoonka diyaaradaha Garawe waxaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha Puntlans iyo masuuliyiin kale, waxa uuna halkaasi u tagay ka qeyb galka Xaflada caleema saarka Madaxweynaha dib loo doortay Saciid C/llaahi Deni.

Qaar ka mid ah Madaxda dowlad Goboleedyada, Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa caleema saarka ka qeyb galaya, iyadoo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ka baaqsaday sababo la xiriira khilaafka isaga iyo Madaxweyne Deni oo wixii ka dambeeyay doorashadii Federaalka ee 15 May 2022 uu xiriirkooda xumaaday.

Madax hore iyo wafuud ka kala socda dowladda Kenya, Jabuuti iyo Dowlad deegaanka Soomaalida, xubno ka socda Safiirada dalalka Caalamka ayaa sidoo kale ka qeyb galaya xaflada caleema saarka.

Madaxweynaha Namibia oo laga helay cudurka kansarka

0

Khamiis jan-25 2024-{HMC} Madaxweynaha Namibia, Hage Geingob, oo 82 jir ah, ayaa u duulaya Maraykanka si uu u helo “daawayn gaar ah” oo dhanka kansarka, sidda uu sheegay xafiiskiisa

Tani waxay ku soo beegantay wax ka yar hal toddobaad ka dib markii uu xafiiskiisu sheegay in baaritaano caafimaad ay ku ogaadeen inuu qabo “unugyo kansar”

82-jirkan wuxuu ku qaadan doonaa “daaweyn cusub” gudaha Mareykanka muddo toddobaad ah, ka hor inta uusan ka soo laaban si uu ugu sii wato daweyntiisa Namibia, ayuu raaciyay xafiiskiisa.

Madaxweyne ku xigeenka, Nangolo Mumba, ayaa sii ahaan doona ku simaha madaxweynaha inta uu maqan yahay

Sikastaba ha ahaatee, walaaca laga qabo caafimaadka Mr Geingob ayaa waxa uu ahaa mid isa soo tarayay, iyadoo wararku ay sheegayaan in sanadkii hore uu qirtay inuu daciifay jirkiisa.