Home Blog Page 2913

Maxay tahay macdanta qaaliga ah ee laga helay Kenya?

Khamiis 25-jan-2024-{HMC}  Kenya ayaa heshay keydkii ugu horreeyay ee macdanta Coltan ee qaaliga ah, sida uu sheegay wasiirka macdanta.

Macdanta naadirka ah ayaa loo isticmaalaa in lagu sameeyo baytariyada baabuurta korontada ku shaqeeya, telefoonnada gacanta iyo qalabyada kale ee elegtarooniga ah.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo waxay haysataa in ka badan 70% kaydka korantada adduunka, kaas oo tobannaan sano hurinayey colaado rabshado wata oo ka dhacay bariga dalkaas.

Ma cadda inta ay le’eg tahay kaydadka Coltan ee laga helay Kenya.

Saraakiisha wasaaradda Macdanta ayaa hore uga dhawaajiyay in Kenya ay heli karto raadadka macdanta aadka u qaaliga ah, balse Wasiirka Macdanta, Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Arrimaha Badaha ee Kenya Salim Mvurya ayaa Arbacadii sheegay in ku dhawaaqistiisa ay la macno tahay “hadda in rajadaas ay rasmi noqotay” oo Kenya ay leedahay kaydka Coltan.

Kaydka macdantan ayaa laga helay lix gobol oo dalka Kenya kamid ah, balse ilaa hadda lama ogaan karo qiimaheeda inata uu la egyahay.

Macdanta dahabka ee Mali oo ay dad badan ku dhinteen

Khamiis 25-jan-2024-{HMC}  Ugu yaraan 40 qof ayaa dhimatay ka dib markii uu ku soo dumay god laga qodo dahabka dalka Mali, sida ay saraakiishu sheegeen.

“Waxay ku bilaabatay buuq, dhulku wuxuu bilaabay inuu gariiro,” Oumar Sidibe, oo ah sarkaal maxalli ah oo ka shaqeeya macdanta dahabka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP.

Tunnelka ayaa ku dumay goob ku taal koonfurta-galbeed ee gobolka Koulikoro Jimcihii laakiin tirada dhimashada lama soo sheegin ilaa hadda.

Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa saraakiil ayaa sheegtay in in ka badan 70 qof ay dhinteen.

Mr Sidibe ayaa yiri: “godka waxaa ku sugnaa in ka badan 200 oo dahab-qodoyaal ah, baaritaankii hadda wuu dhammaaday, waxaan helnay 73 qof oo meyd ah.”

Afhayeenka wasaaradda macdanta Baye Coulibaly ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in dhimashadu ay ka badan tahay 40 qof.

Dowladda Mali ayaa bulshooyinka ku nool agagaarka goobaha macdanta ka codsatay inay u hoggaansamaan shuruudaha badbaadada oo ay ka shaqeeyaan kaliya meelaha loo qoondeeyay in dahabka laga qodo.

Shilalka macdanta ayaa ku badan dalka Mali iyadoo inta badan macdan qodayaasha aan sharciyeysneyn ay adeegsadaan habab aan ammaan ahayn si ay u qodaan dahabka.

Dagaalkii Caad: ‘Indhayga ayaan ku arkay baabuur gubaneysa iyo dad dhintay’

Khamiis 25-jan-2024-{HMC}  Maalintii Arbacada ayaa ururka al Shabaab waxay weerar ku soo qaadeen xeerooyina ay deganaayeen ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo ku yaalay deegaanka Caad ee gobolka Mudug.

Weerarkaas ayaan faahfaahin sidaas u badan laga bixin tan iyo shalay. Warbaahinta iyo dawladda ayaan soo bandhigin xogo qeexaya sida ay wax u dhaceen.

Cali Axmed, waa askari ka tirsan kuwa dadka deegaanka – Macwislysa – isaga oo ku sugnaa mid kamid ah shan xero oo ay weerareen ciidamada al Shabaab.Waxa uu sheegay in xilli ay isku diyaarinayeen salaadda subax ay ka war heleen dhawaqa qarax xoogan ku bilowday halkii ay sugnaayeen.

“Waxay wateen qaraxyo aad u tiro badan, intii cabaar ah xabado ma aysan ridin ee qaraxyo ayay nimankaan ku dagaalamaayeen”, ayuu sheegay Cabdi.

Wuxuu intaas ku daray in isaga iyo saaxiibadiis ay bilaabeen in ay iska caabiyaan weerarka, maadaama mar walba ay filanayeen weerar uga yimaada dhinaca ururka ay la dagaalamayaan.

“Xaalkeenu wuxuu noqday inaan dagaalano oo iska caabino. Waan dagaalanay, waanan iska celinay inta aan iska celin karnay,”

Dagaalku markii uu socda dhawr saacadood, ayuu sheegay in ay goobta isaga ururka al Shabaab, dhankooduna ay dib uga gurteen goobta.

Caad oo ah tuulo yar oo sanado badan ay ku noolaayen dadka deegaankeeda ayaa dhawaan lagala wareegay al Shabaab, taas oo sababtay in dadkii deganaa intooda badan ay isag qaxeen waqtigaan ay socdaan dagaaladu.

Maxamed Cabdiraxmaan (ma ahan magaciisa dhabta ah), waxa uu kamid yahay dadka deegaanka ee horay uga qaxay tuulada Caad. waxa uu  sheegay in ay waabarigi Arbacadii ay ku baraarugeen dhawaq xoogan oo ka soo garay dhinac tuuladii ay ka soo qaxeen oo xaalkeedu daganaa maalmihii ugu dambeeyay.

“Salaad-tukadkii ayaan maqalnay rasaas gurdan ah. Annaga wax yar ayaan u jirnay, dad deegaanka ah oo magaalada ka sii qaxayay ayaa waxay noo sheegeen in ay meesha ku soo kalaheen ururka al Shabaab,” ayuu sheegay Maxamed.

Maxamed ayaa sheegay in markii ay rasaastu joogsatay kadib uu aaday dhinaca magaalada, si uu usoo arko waxa ay ku dambeyaan dadkii yaraa ee ku haray tuulada ee uu garanayay.

“Baarbuur gubaneysa indhaheyga ayaan ku arkay, dad mayd ah waan akay iyo magaaladii oo cidlo ah,” ayuu yiri Maxamed oo dib u xasuusanaya wixii uu ku arkay gudaha tuulada. “Afar baabuur oo gubaneysa oo mid B.G yahay, midna babauur Cabdibile ah yahayna waa arkay.”.

Dhinaca qorax u dhaca tuulada ayuu sidoo kale sheegay inuu ku arkay baabuur nuuca lagu daabulo ciidanka ah oo gubanaya. Si madax banaan uma xaqiijin karno, balse wuxuu sheegay in uu u maleynayo in gaarigaasi ahaa kuwa ay isticmaalaan ciidmada Gorgor.

Maxamed ayaa sheegay in dad qaraabadiisa ah oo qaxay aan ilaa iyo haatan meelna lagu sheegin, maadama ay wali isgaarsiintu ka maqan tahay qaybo kamid ah aagga ay wax ka dhaceen,

Waqtiga uu ila hadlayay ayuu ii sheegay in uu joogo deegaan kale si uu u helo is gaarsiin uu kal hadlo dadkiisa.

Dawladda Soomaaliya ayaan wax faafaahin dheeri ah ka bixin sida ay wax uga dhaceen xerooyinka ay weerareen al Shabaab. Isku day badan oo aan sameynay aynaan ku gulaysan inaan jawaab ka helno dhinac dawladda.

Balse war lagu soo daabacay warbaahinta dawladda ayaa lagu sheegay in 70 kamid ah dagaalamayaasha al Shabaab lagu dilay goobta.

Al Shababa ayaa war ay soo saareen dhankooda sheegtay in weerarkaas ay ku dileen daraasiin ka mid ah ciidmadii halkaas ku sugnaa.

Cali, ayaa sheegay in isaga iyo ciidamadii uu ka tirsabaa ay haatan ku sugan yihiin meel banaanka ka ah tuulada Caad.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 18 bil ka hor ku dhawaaqay inay dawladiisu bilaabeyso dagaal ka dhan ah al Shabaab, kaas oo ka dhaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Kadib guulo hordhac ah oo ay gaareen ciidamadu kuwaas oo ay kula wareegeen deegno badan, ayaa waxaa dadka qaar ay sheegayaan in ciidamada dawladda ay xajin la’yihiin gacan ku haynta meelaha ay qabsadeen.

Koox hubeysan oo nin ganaacsato ah ah caawa ku dilay Xaafada Bundoweyn

0

Khamiis 25 Jan 2024 {HMC} Rag bustoolado ku hubeysan ayaa fiidkii hore ee caawa oo Khamiis ah ku dilay allaha u naxariiste Marxuum Xuseen Shariif Amiin oo ka mid ah ganaacsatada sida weyn loga garanayay suuqa Firshida ee magaalada Baledweyne.

Marxuumka ayaa marka la dilayay ku sugnaa goob Biibito ah oo aan ka fogeyn gurigiisa.

Ciidamada Amniga oo goobta gaaray ka dib marka uu falku dhacay ayaa u suurta gashay in ay toogtaan mid ka mid ah ragii dilka geystay halka ruuxii la socdayna uu goobta ka baxsaday sida ay warbaahinta Hiiraaweyn media ay u xaqiijiyeen dad goob jog ahaa.

Ciidamada ayaa sidoo kale soo xiray qaar ka mid ah dhalinyarada xaafada gaar ahaan kuwii ka ag dhawaa goobta uu dilka ka dhacay.

Wararka ay warbaahinta heleyso ayaa sheegay in marxuum ganaacsade Xuseen Shariif uu maalmahii ugu dambeyay la kulmayay fariimo hanjabaado ah oo kaga imaanayay dhanka kooxda Alshabab laakin lama cadeyn karo waxa ay sida gaarka ah ugu beegsanayeen

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh “Marnaba Ma dhaceyso in dhul Soomaaliyeed ay Itoobiya Qaadato.

0

Khamiis 25-jan-2024-{HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud “Midnimo Ayaan u baahanahay si aan uga adkaano argagixisada gudaha iyo cadowga dibadada. Soomaaliya maanta midnimo ra’yiga ah maalin ay uga baahi badan tahay ma jirto.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Prime Minister sends written message to Somali Prime Minister

0

Thursday 25-Jan-2024-{HMC} HE Prime Minister and Minister of Interior Sheikh Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al-Thani sent a written message to HE Prime Minister of the sisterly Federal Republic of Somalia Hamza Abdi Barre, pertaining to bilateral relations and ways to enhance and develop them.

HE Ambassador of the State of Qatar to Somalia Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi handed over the message during a meeting on Wednesday with HE the Somali Prime Minister.

As Ethiopia seeks Red Sea access via Somaliland, why is Egypt supporting Somalia?

0

Thursday January 25, 2024 :Hosting Somali President Hassan Sheikh Mohamud on Sunday, President Abdel Fattah al-Sisi made a show of supporting Somalia against the independence of Somaliland, a breakaway region in northwest Somalia.

Somaliland’s long-held ambition for independence from Somalia gained political thrust this month. Its government penciled an agreement with Ethiopia to develop a naval base on Somaliland’s coast. In return, Ethiopia committed to acknowledging Somaliland’s independence.

Mogadishu has rejected the step, with states in East Africa and around the Red Sea basin, including Egypt, rallying around it in support.

“We in Egypt refuse interference in Somalia’s affairs and harm to its territorial integrity, and refuse this agreement [with Ethiopia],” Sisi said at a joint presser with President Mohamud.

The Egyptian president escalated his rhetoric to talk about security. As Somalia is a member state of the Arab League, he said, it is also protected by the body’s joint defense treaty. “We will not allow anyone to threaten or harm Somalia,” Sisi said.

Why is Egypt assuming such a defensive posture?

Mada Masr spoke to advisor to Al-Ahram Center for Political and Strategic Studies Amany al-Taweel and International Crisis Group’s Project Director for the Horn of Africa Alan Boswell to understand how Ethiopia’s move to augment its access to the Red Sea has set alarm bells ringing in Cairo and the region more broadly.

Ethiopia lost its connection to the Red Sea in the early 1990s, when Eritrea gained independence. Since then, it has been keen on regaining a foothold on the coastline.

“Ethiopians will point out it is the most populous country in the world to be landlocked, which poses developmental and security constraints on their government,” says Boswell. From the Ethiopian perspective, relying on another country’s ports, as Ethiopia currently does with Djibouti, also leaves the nation vulnerable, Boswell tells Mada Masr.

It is also Ethiopia’s ambition for Red Sea access that brings it face-to-face with Egypt. Somalia overlooks the Bab al-Mandab Strait, the entry point to the Red Sea and the Suez Canal, one of the major resources of the Egyptian economy, Taweel notes.

Sisi noted Ethiopia’s access to the Red Sea on Sunday, addressing Addis Ababa directly. “If you want facilitations from your friends in Somalia, Eritrea or Djibouti, you can get it via the traditional channels,” he said. “For there to be a chance, I mean, that you benefit from the ports in these countries, is something no one is denying you.”

But there is also a political dimension to Ethiopia’s current moves. “Prime Minister Abiy [Ahmed] wants to be the leader who restores Ethiopia’s access to the sea. He also has designs for an Ethiopian Navy, which would be difficult to do without their own port,” notes Boswell.

Abiy first publicly announced his intentions to pursue access to the Red Sea in October, saying it is “an existential matter for Ethiopia.” But the announcement quickly resparked tensions with Eritrea, with which Abiy ended a decades-long conflict in 2018. As Boswell notes, many in the region and in Eritrea took the announcement as an implicit threat to try to grab the port of Assab.

While Ethiopia’s pursuit of guaranteed sea access is understandable, Boswell says, a coercive demand for a port of its own, if none of its sovereign neighbors are eager to accommodate it, renders the country’s options problematic.

As such, Somalia has responded sharply. It described the Somaliland-Ethiopia deal as “the illegal infringement of Ethiopia into our national sovereignty and territorial integrity,” calling on the country to cancel the memorandum of understanding.

Mogadishu also called an emergency meeting of the Arab League at the level of foreign ministers last week, with the body issuing a statement rejecting the preliminary agreement and any legal, political, commercial or military consequences that may result from it.

The moment seems opportune for Egypt to build politically on its existing relationship with Somalia and longstanding resentment of Ethiopia.

Taweel notes that Egypt’s relationship with Somalia dates back to the 1970s. More recent cooperation has manifested in coordination against extremist groups, as Sisi mentioned in his speech this week.

Boswell also notes the longstanding ties, adding, “Egypt seeks to stand with countries against Ethiopia in the region, given the longstanding feud over [the Grand Ethiopian Renaissance Dam].”

Ethiopia, Egypt and Sudan have failed to reach an agreement on the filling and operation of the Renaissance Dam after nearly a decade of on-and-off talks. Egypt has repeatedly accused Ethiopia of obstructing the deal and unilaterally moving on with the dam’s operation. Speaking at the Arab League meeting on Wednesday, Foreign Minister Sameh Shoukry referred to Egypt’s earlier warning about “the potential consequences of Ethiopia’s unilateral policies that violate international law.”

Egypt’s interest in Somalia has increased due to the difficult relationship with neighboring Ethiopia, says Taweel. “Somalia is adjacent to Ethiopia, so having a strong Egyptian presence there can give us a pressure card on Ethiopia regarding the Renaissance Dam, in our quest for a binding legal agreement,” she says.

As for Sisi’s reference to the Arab League defense treaty, Taweel says it is important as the treaty provides the political, diplomatic and security basis Egypt requires to articulate its defense for Somalia against the Ethiopian deal.

According to the Joint Defense treaty, which includes Somalia alongside other Arab League member states, an aggression against any of the signatories is considered an aggression against all, and obligates the other states to provide all necessary measures to mount a defense, including by deploying armed forces.

The treaty has not been fully utilized in previous situations when Arab countries faced an invasion, though Sisi previously invoked it in 2015, calling for the formation of a joint Arab military force to confront terrorism. It received a preliminary approval from heads of state at the Arab League summit in March of that year, though the military force did not materialize.

Sisi’s comments did not go without a response from the government in Somaliland. In a statement on Monday, the region’s government vaguely acknowledged Egypt’s “fears and concerns regarding stability in the Horn of Africa,” but categorically rejected “any outside interference in our internal affairs.”

Somaliland, a former British colony that overlooks the Gulf of Aden, has been a part of Somalia since the latter declared independence from Italy in 1960.

It broke away in 1991 after the deposition of former Somali President Mohamed Siad Barre, declaring independence. Since then, the region has developed an autonomous political system, but remains unrecognized as an independent state by the international community.

Taweel notes that the Organization of African Unity and the African Union have recognized state borders according to old colonial lines — meaning that Somalia is recognized but not Somaliland — because of their view that the alternative would open the door to armed conflicts and political instability.

“The deal [with Ethiopia] recognizes Somaliland, which is an unprecedented step that violates international legitimacy. It does not preserve the unity of Somalia and opens the door for the assault [on] its sovereignty and fragmentation of its territory,” Taweel tells Mada Masr.

Other international actors, like the United States, have also rejected Ethiopia’s deal.

As for what happens next, it is less clear. Boswell notes that Somalia’s allies have rallied behind it diplomatically, but how these positions will be translated into practical steps remains to be seen.

 

Source Mada Masr
By Ahmed Bakr

Suicide bombing kills at least 2 in Somali capital

0


Thursday January 25, 2024

At least two civilians were killed and two wounded in a suicide attack Wednesday at a busy intersection in the Somali national capital of Mogadishu, according to police.

The attack involved a lone bomber who detonated explosives vests near a petrol station 1 kilometer from Mogadishu’s soccer stadium, police said in a statement.

The stadium was hosting a match where thousands of spectators were inside. The statement said the bomber exploded as the security personnel were chasing the attacker.

The al-Qaeda affiliated terror group, al-Shabaab. claimed responsibility for the attack — the second in the Horn of Africa nation in less than 24 hours.

Earlier Wednesday, the group launched predawn attacks on an army base.

Heavy gunfire was exchanged during the multi-pronged strike on the base in northern Mudug province, according to officials.

The group said it attacked bases housing 1,350 soldiers and killed more than 191.

Somalia has been plagued by insecurity for years, with the main threats emanating from al-Shabaab and the Daesh/ISIS terror groups.

Since 2007, al-Shabaab has been fighting the Somali government and the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) — a multidimensional mission authorized by the African Union and mandated by the UN Security Council.

The terror group has stepped up attacks since Somali President Hassan Sheikh Mohamud, who was elected for a second term in 2022, declared an “all-out war” on the terror group.

Madaxweynaha Soomaaliland oo Magacaabay wasiir cusub xili uu Buuq ka taagan yahay Doorashooyinka.

0

Khamiis 25-jan-2024-{HMC} Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Soomaaliland ayaa wasiir cusub u magacaabay wasaarada gaashaandhiga, kadib markii uu wasiirkii hore ee gaashaandhigu dhawaan is casilay.

Wareegto kasoo baxday madaxtooyada ayuu Madaxweynuhu ku magacaabay wasiirka cusub” Waxaan go’aamiyay in Dr. Rooble Muuse Cabdi Cilmi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yidhi wareegtada.

 

Cabdiqani Maxamuud Caateeye Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliland ayaa dhawaan is casilay, kadib markii uu ku qanci waayay heshiiska is afgarad ee ay yeesheen Soomaaliland iyo Itoobiya.

 

Wasiir Caateeye ayaa sheegay in heshiiska badu uu yahay mid mad madow ka muuqdo, isla markaana isaga iyo deegaankiisuba ay kasoo horjeedaan, sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay Horyaal TV.

 

dhinaca kale Madaxweyne Biixi ayaa xilkii ka qaaday Wasiir Ku Xigeenkii Waxbarashada Soomaaliland Cabdixakiin Siciid Bustaale isagoo ku badalay Maxamuud Yuusuf Cilmi.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheikh “Wax ka beddelka Dastuurka dood dambe noogama furna”

0

Khamiis 25-jan-2024-{HMC} Xasan Sheikh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya,  ayaa caddeeyay in aysan dood dambe ka furnayn dastuurka Soomaaliya, isagoo difaacay go’aankii ay shalay labada aqal ee baarlamaanku ku meel mariyeen habraaca wax ka beddelka dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu sheegay, wax ka beddel kaste oo lagu sameeyo dastuurka in ay dhaqan galayaan marka la gaaro dowladda soo soo socota. Wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in dalku yeesho dastuur rasmi ah.

 

waxa uu intaas raaciyay Madaxweynuhu waxa uu sheegay in wax ka beddelka dastuurka uu soc0nayo illaa laga gaarayo in loo qaado afti dadweyne. Wuxuu sheegay dowladdiisu inay diyaar u tahay in qaddiyadaha taabanaya masiirka dalka ay kala tashanayo cid kaste oo ay qusayso.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA.