Isniin jan-22 2024-{HMC} la kulanka kooxda Fardaha Gobalka Hiiraan iyo Shaqooyinka ay qabtaan.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Isniin jan-22 2024-{HMC} la kulanka kooxda Fardaha Gobalka Hiiraan iyo Shaqooyinka ay qabtaan.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Isniin-22-jan-2024-{HMC} Madaxweynaha dalka Iran Ebrahim Raisi ayaa si adag uga hadlay weerar dhinaca cirka ah oo Israa’iil ka fulisay gudaha dalka Syria, weerarkaasi waxaa lagu dilay saraakiil katirsan ciidamada kacaanka Iran iyo kuwa kale oo kasoo jeeda Syria
Ebrahim Raisi ayaa sheegay in Israa’il masuul ka tahay weerarkan oo lagu dilay shan sargaal oo katirsanaa ciidamada kacaanka Iran, waxa uuna tacsi u diray ehelada saraakiishan weerarka lagu dilay
Waxa uu ku hanjabay madaxweynaha Iran in jawaab adag ka bixin doonaan weerarkan lagu dilay saraakiishooda una aargudi doonaan, waxa uuna weerarkan ku tilmaamay mid fuleynimo iyo daan daansi ah
Israa’iil ayaa marar badan gudaha dalka Syria ka fulisay weeraro badan oo lagu dilay saraakiil iyo ciidamo katirsan kacaanka Iran iyo kuwa Syria, mana jiraan jawaabo adag ay arrintan horey uga bixisay Iran.
Isniin-22-jan-2024-{HMC} Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa booliska oo howlgal ka sameeyay magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu gowracay wiil uu adeer u yahay, dhacdadaas oo ka dhacday degmada Xamarjajab
Eedeysanaha oo hadda ku jira gacanta booliska Soomaaliya ayaa loo haystaa inuu gelinkii ee Axaddii uu degmada Xamarjajab ku gowracay wiilka oo siddeed sano jir ahaa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska booliska ee qaybta gobolka Banaadir
“Ciidanka Booliiska Saldhiga Degmada xmar-Jajab ayaa qabtay nin gowracay Wiil uu adeer u ahaa, falkaan ayaa dhacay Abaaro 5:40pm waxa uuna ka dhacay isla Degmada Xamar-jajab” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray taliska ciidamada booliska gobolka Banaadir
Sidoo kale eedeysanaha oo loo soo bandhigay warbaahinta iyo shacabka Soomaaliya ayaa booliska waxa uu sheegay in haatan ay ku hataan baaritaano dheeraad ah
“Wiilka ayaa da ahaan jiray 8 sanno, Eedeysanaha falka geystay ayaana hada ku jira gacanta Ciidanka Booliiska, waxaana socda baaritaan” ayaa lasii raaciyay bayaanka
Ugu dambeyn talisku waxa uu sheegay in eedeysanaha si deg-deg ah loo horgeyn doono maxkamad, si cadaaladda loo horgeeyo, loogana qaado tallaabo sharciga waafaqsan
“Waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda awooda u leh” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay booliska
Falkan argagaxa leh ayaa xanuun ku reebay ehellada ilmaha yar iyo dadka deegaanka, waxaana sidoo kale si aad ah looga hadal hayaa baraha bulshada ee Internet-ka.
Isniin jan-22 2024-{HMC} DEG DEG Ciidamada SSC Khaatumo oo gacanta ku dhigay wiil Basaas aay ku sheegeen
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Isniin jan-22 2024-{HMC} Wiil Soomaali ah oo Lagu qabtay Dagaalka u dhaxeeyo Ukraine iyo Ruushka oo lasoo bandhigay.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Isniin-22-jan-2024-{HMC} Magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland waxaa kusii qul qulaya madax hore iyo siyaasiyiin kala duwan, kuwaa oo ka qeyb galaya caleemo saarka madaxweynaha Puntland ee mar kale dib loo doortay
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay qasriga madaxtooyada ku qaabilay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon {Saacid} iyo Siyaasiyiin kale oo xilal dalka kasoo qabtay
Siciid Deni ayaana masuuliyiintan hore uga mahad-celiyay imaatinkooda Puntland iyo ka qeyb galka caleemo saarkiisa, waxa uuna warbixin ka siiyay xaalada Puntland iyo doorashadii uu mar kale guusha ka gaaray
Xaflada caleemo saarka madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in 25-ka bishan ka dhacdo magaalada Garawe, waxaana xaflada lagu casuumay oo ka qeyb galaya madax kala duwan uu ugu sareeyo madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud

Isniin jan-22 2024-{HMC} Soomaali lagu la’yahay xadka dalka Ruushka iyo Finland
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Isniin jan-22 2024-{HMC} Ethiopia maku guul dareysatay damacii guracanaa ee Dhulka Soomaaliya ?
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Isniin-22-jan-2024-{HMC} Shir madaxeedkii IGAD ee Khamiistii ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, wuxuu Soomaaliya siiyay tamar cusub oo ay ku difaacan karto biyaheeda
Shirka waxaa loo sameeyay maamuus ka xoog badan fadhiyadii hore. Daneeyayaasha reer galbeedka ayaa si weyn usoo buux dhaafiyay madasha, iyada oo Mareykanka qaateen kalmadii ugu xooganeyd ee lagu garab istaagay Soomaaliya
Midowga Afrika, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo Ururo waaweyn oo horey si aan leex-leexad laheyn ula saftay Soomaaliya ayaa sidoo kale fadhiyay meertada 42-aad ee madaxda IGAD
Dhamaan waxaa isha lagu wada hayay Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hagaajiyay safkiisa siyaasadda arrimaha dibadda ayaa jeediyay farriin digniin ah
Wuxuu sheegay in is-afgaradkii Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed inuu cawaaqib xumo usoo jiidi doono gobolka, si gaar ah inuu tabar cusub siin doono kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Geeska Afrika, taasi oo aan u wanaagsaneyn gobolka
Tani waa dharbaaxo weyn oo cariiri galinaysa heshiiskii 1-dii bishaan lagu gaaray Addis Ababa, kaasi oo ay saxiixeen Muuse Biixi Cabdi iyo Abiy Axmed
Ethiopia ayaa ka maqneyd shirka. Ethiopia waxay ku marmarsiyootay cariiri xagga jadwalka ah laakiin Abiy ayaa dorraad tegay Uganda, si uu uga qeyb-galo shir madaxeed kale oo ay lahaayeen dalalka dhex-dhexaadka ah. Waxaa halkaas laga fahmay in uusan jirin cariiri jadwal balse ay Ethiopia ku dhiiran weysay inay caalamka la timaado gefka ay kula kacday mid kamid ah dalalkii aas-aasay ururka Midowga Afrika oo ah Soomaaliya
Inay Ethiopia maqnaato faa’iido kale ayay u aheyd Soomaaliya, taasi oo cadeysay sida uu nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh ugu adkaaday siyaasadda arrimaha dibadda
Muqdisho taageerada ay ka heshay dalalka urur-goboleedka IGAD waxay u bedeli kartaa kuwo ficil ah haddii Addis Ababa ay isku deydo inay xoog ku meel-mariso heshiiskii ay la galeen Somaliland, oo kamid ah dhul weynaha Soomaaliya ayey leeyihiin dadka faalloonaya arrimaha Geeska Afrika
Dhibcaha uu madaxweyne Xasan Sheekh shalay kala tegay Kampala ayaa Itoobiyaanka siinaya quus kale oo ku saabsan dhaqan-galka is-afgaradkii Addis Ababa.
Isniin-22-jan-2024-{HMC} Sida ay sheegtay hay’adda socdaalka Finland, ilaa 160 qof oo sanadkii hore magangalyo ka codsaday dalka Finland ayaa la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen, iyadoo si lama filaan ah ay u soo badanayaan dadka muhaajiriinta ah ee kasoo gudbay dalka Ruushka ee galaya Finland
Finland waxay xirtay xudduudka bari ee ay la wadaagto Ruushka dabayaaqadii sannadkii hore, iyadoo ay sii kordhayaan tirada dadka ka imaanaya dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Suuriya ee doonaya in ay gaaran dalalka yurub
Dowladda Finland waxay ku eedaysay xukuumadda Moscow in ay dadka soo-galootiga ah u daabulayso xadduudka labada dal ay waadaagaan taas oo Kremlin-ka uu beeniyay
Hay’adda socdaalka ee Migri ayaa sheegtay in ay 1,323 codsi magangalyo ka heshay xudduudka bari intii u dhaxaysay bilaha Agoosto iyo Disembar ee sannadkii hore, qiyaastii 900 oo ka mid ah waxaa la qaabilay bishii November halka in ka badan 300 bishii Disembar
Hadda 160 qof oo ay ku jiraan kuwo kasoo jeeda Soomaaliya iyo Suuriya ayaa laga la’yahay xarumaha soo-dhowaynta, kuwaas oo intooda badan aan la garanayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay agaasimaha waaxda magangalyada ee Migri, Antti Lehtinen
Ilaa 18 qof ayaa la ogaaday in ay iska dhiibeen qaar ka mid ah dalalka kale ee Yurub, oo ay ku jiraan Netherlands, Belgium, Norway, Sweden, Faransiiska, Jarmalka iyo Switzerland, oo mar kale ay ka codsadeen magangalyo
Dabcan waa suurtogal in 160-kan intooda badan ay u sii socdeen waddamo kale, laakiin weli kama aysan codsan magangelyo wax waddan ah,” ayuu yiri Lehtinen
Waxaa uu sheegay in qof kasta oo Finland horey uga codsaday magangelyo looga qaaday faraha nidaamka Eurodac, oo ah kaydka xogta faraha ee Yurub oo dhan ay wadaagaan
Sida uu dhigayo xeerarka Midowga Yurub, waddanka koobaad ee qofka soogalootiga ahi uu iska dhiibo ama marka hore uu magangelyo ka codsado ayaa mas’uul ka ah socodsiinta codsigiisa
Horraantii bishaan Jannaayo, Finland waxay kordhisay muddada uu xirnaan doono xadka ay la wadaagto Ruushka illaa 11-ka Febraayo, iyadoo sheegtay inay u badan tahay in qulqulka muhaajiriinta magangelyo-doonka ay dib u billaaban doonto haddii xadka la furo
Madaxweynaha Finland Sauli Niinisto ayaa sannadkii hore ugu baaqay Midowga Yurub oo dhan in xal wada jir ah loo helo si loo joojiyo gelitaanka aan la xakamayn karin ee Yurub ee dadka muhaajiriinta ah
Khamiistii isbuucii hore, cutub ka tirsan ciidanka ilaalada xeebaha iyo xudduudaha Finland ayaa sheegay in ay baarayaan kiisas dhowr ah oo ku saabsan “caawinta socdaalka sharci darrada ah” ee la xiriira xudduudaha bari, iyaga oo looga shakisan yahay ururro dambiilayaal ah oo dadka tahriibiya
“Dhaqdhaqaaqyada sharci darada ah iyo socdaalka muhaajiriinta waxaa ay khalkhal gelinayan amniga xuduudka bari,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay ciidanka ilaalada xeebaha iyo xudduudaha Finland
“Waxaan ka shakisanahay inay jiraan ugu yaraan boqollaal qof oo weli isku dayaya inay safarkooda Finland uga sii gudbaan dalalka kale oo ka tirsan Midowga Yurub ayuu yiri madaxa kooxda baarista ee ilaalada xeebaha, Antti Raassina oo la hdadlay wakaalada wararka Reuters
Hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan xudduudda ayaa sheegtay in ay u diri doonto Finland saraakiil iyo qalab xoojin ah si ay uga caawiyaan booliska xuduudeeda ee dalkaasi qulqulka muhaajiriinta imaanaya dalka oo ay ku eedeeyeen in uu ka danbeeyo Ruushka.