Home Blog Page 2930

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn { 22 01 2024}

Isniin-22-jan-2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo Mustaf ali adoow

Farsamadii : Abdi maajid abdirxmaan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

 

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xassan Shiikh oo Qaahira kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta

Isniin-22-jan-2024-{HMC}Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Caadil Bin Cabdulraxman Al-Casoomi

 

Waxaa kulankaas goob ka ahaa xildhibaannada labada aqal ee dalkeenna ku matala Baarlamaanka Carabta

 

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ayaa ka wadahadlay sidii loo horumarin lahaa xiriirka qotada dheer ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta

 

Waxaa uu uga mahadceliyey Jaamacadda Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo garab istaagga xooggan ay ka muujiyeen ilaalinta qaranimada, midnimada, wadajirka iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya

 

{DAAWO SAWIRADA} Wiil Soomaali ah oo Lagu qabtay Dagaalka u dhaxeeyo Ukraine iyo Ruushka

Axad-21-jan-2024-{HMC} Dowladda Ukraine ayaa soo bandhigtay Caadil Cabdillaahi Maxamed oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo 28 jir ah, kaasoo ka tegay Muqdisho, laguna qabtay dagaalka Ukraine.

Ninkaan oo bixiyay wareysi kooban ayaa la sheegay inuu ka barbar dagaalamayey ciidamada Ruushka ee dagaalka kula jira Ukraine. Ukraine waxay horey u sheegtay inuu kamid ahaa calooshood u shaqeystayaal uu soo kiraystay dalka Ruushka.

Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay in uu Dowladda Ruushka u tagay si uu u helo shaqo milatari.

Wuxuu sheegay in loo ballanqaaday baasaboorka waddanka Ruushka iyo lacag ku dhow labo kun oo dollar.

Wuxuu sheegay in la qabtay todobadii January ee Sanadkan 2024.

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in ninkan Soomaaliga ah uu kamid ahaa 4 qof oo lagu qabtay dagaalka dalkeeda ka socda.

Waxay sheegtay in Ruushku uu soo kiraystay boqolaal askari oo calooshood u shaqeystayaal ah, si ay ula dagaalamaan ciidamada Ukraine.

ilaa hada Ma jirto macluumaad rasmi ah oo ka madax bannaan Ukraine oo xaqiijin kara in ninkan uu u dagaalamayay Ruushka.

Warar qaar ee laga helaayo Xaduudka Ukraine iyo Ruushka ayaa sheegaya inay jiraan dad muhaajiriin ah oo xoog lagu galiyay dagaalka ka socda Ukarine.

{DAAWO MUUQAALKA} Shiikh Mustafe Cabdi Cumar “Waa Wax lala yaabo Heshiiskii Soomaaliland iyo Itoobiya”

0

Axad-21-jan-2024-{HMC} Shiikh Mustafe Cabdi Cumar “Waa Wax lala yaabo Heshiiskii Soomaaliland iyo Itoobiya”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Al-sisi “indhaha ka fiirsan doonin xad gudubka Itoobiya ku hayso Soomaaliya”

0

Axad-21-jan-2024-{HMC} Madaxweyne Al-sisi “indhaha ka fiirsan doonin xad gudubka Itoobiya ku hayso Soomaaliya”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliland oo Lacag ka dhigtay Adeega kalyo dhaqista ee Isbitaalka Hargeysa oo Lacag la aan ahaa

0

Axad-21-jan-2024-{HMC} Soomaaliland oo Lacag ka dhigtay Adeega kalyo dhaqista ee Isbitaalka Hargeysa oo Lacag la aan ahaa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

0

Axad-21-jan-2024-{HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn { 21 01 2024}

Axad -21 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Abdi maajid abdirxman aadan

Farsamadii :Yaasin ali ahmed

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

 

Madaxweyne Al-sisi oo sheegay in uusan indhaha ka fiirsan doonin xadgudubka Itoobiya ku hayso Soomaaliya

0

Axad-21-jan-2024-{HMC} Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta qasriga madaxtooyada dalka Masar kulan kula qaatay dhigiisa madaxweynaha dalkaas Abdelfatah Al Sisi.

Kulanka oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa labada madaxweyne waxay kaga wada hadleen arrimo la xariira amniga iyo istaraatiijadda Carbeed ee Badda Cas, xaaladda gobolka, dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab iyo xoojinta iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya labada dal iyo shacabka walaalaha ah.

 

Labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Masar ayaa kulanka kadib si wadajir ah u qabtay shir saxaafadeed ay ku soo bandhigeen miro dhalka wada hadalkooda iyo aragtidooda ku aaddan xaaladaha ka taagan gobolka.

 

“Masar dowlad iyo shacab, waxaan nahay xulufo iyo walaalo soo jireen ah oo markasta ka wada shaqeeya sidii ay u abuuri lahaayeen mustaqbal ifiya iyo horumar waara.

 

Wadahadallada miro-dhalka ah ee aan maanta yeelannay waxay muujinayaan sida aan u doonayno in aan xoojinno xiriirka diblumaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed” ayaa lagu yiri war kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay iney ka kaashato xulafada, bahwadaagta iyo saaxiibbada caalamka sidii looga hortagi lahaa caqabad kasta oo ka dhan ah madax banaanida iyo midnimada Soomaaliya.

 

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyay dowladda Masar mowqifka walaalnimada ah ay ka istaageen damaca xukuumadda Addis-ababa ee la xiriira badda Soomaaliya ayaa soo bandhigay ahmiyadda dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee Badda Cas, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay saami weyn ku leedahay Baddan, taas oo aysan u aqbalayn dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in dal kale ay kusoo xadgudbaan taako ka mid ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

 

Madaxweynaha dalka Masar Abdelfatah Al Sisi ayaa dhankiisa tilmaamay saamaynta amni, dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad gudubka dowladda Itobiya ee ka dhanka ah midnimada iyo madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

 

Madaxweyne Siisi ayaa sidoo kale xusay ineysan indhaha ka fiirsan doonin xadgudubka Itobiya, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin labo dal oo qaan wadaag ah, kuna mideysan daladaha Carbeed iyo kuwa Afrika.

 

“Xeerka Jaamacadda Carabta waxa uu dhigayaa in aan wadajir u difaacno dalkii Carbeed oo ay soo food-saarto khatar jiritaan, sidaas awgeed Dowladda Masar ma aqbalayso in la faro-geliyo, laguna soo xadgudbo midnimada iyo amniga Soomaaliya.

 

Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalhood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno” ayaa lagu yiri qoraal ay shaacisay Villa Soomaaliya.

BREAKING NEWS President al-Sisi says Egypt will not allow any threat to Somalia or its security.

0


Sunday January 21, 2024

Egypt will not allow any threat to Somalia or its security, President Abdel Fattah al-Sisi said on Sunday, according to a statement from the presidency, after Ethiopia said it would consider recognising an independence claim by Somaliland.

Trying to “jump on a piece of land” to try to control it is something that no-one will agree to, Sisi said in a news conference with Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud in Cairo.

In a memorandum of understanding signed on Jan. 1, Ethiopia said it would consider recognising Somaliland’s independence in return for gaining access to the Red Sea. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but it has not won recognition from any country.

Reporting by Mohamed Hendawy, Writing by Clauda Tanios