Home Blog Page 2931

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo La kulmay Dhigiisa Dalka Masar

0

Axad-21-jan-2024-{HMC} Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo xaaladda Gobolka.

Afhayeenka madaxtooyada Masar ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay labada hoggaamiye ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xaaladda gobolka.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Soomaaliya iyo Masar ay labaduba ay kala saxiixanayaan heshiis dhinaca milateriga ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah El-Sisi, ayaa la filayaa inay maanta kasoo wada muuqdaan war murtiyeed ay jeedinayaan kulankooda kadib.

Wafuuda madaxweyne Xasan Sheikh waxaa kamid ah mas’uuliyiin dhowr ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga.

Dowladda Masar ayaa kamid ah waddamada ka hor yimid heshiiska Itoobiya iyo Somaliland, iyadoo sheegtay inay garab taagan tahay ilaalinta madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Masar iyo Itoobiya ayaa isku khilaafay isticmaalka wabiga Niil oo muddo haatan laga joogo.

Tartanka Ciyaaraha Maamula Oo Maanta Dib Uga Bilaabanayo Magalada Muqdisho

0

Axad-21-jan-2024-{HMC} Ciyaar la wada sugayo ayaa la filayaa in galabta garoonka ciyaarraha ee Muqdisho Istaadyam ku dhexmarto kooxaha kubadda cagta ee Banaadir iyo Jubaland.

Ciyaartan oo ah kulan ka tirsan tartanka maamul gobolleedyada ayaa tii badisa waxay u gudbi doontaa afar dhammaadka ciyaarraha.

Tartanka ayaa muddadii u socday xiiso badan dhaliyay iyadoo kumannaan taageerayaal ah ay u soo daawasho tageen, waxaase jira rabshado mararka qaar dhacay kuwaas oo boolisku sheegeen in dad loo xirxiray.

Kooxda kubadda cagta ee Koonfur Galbeed ayaa tartanka isaga baxday, iyadoo kulan u harsan yahay kaddib markii ay sheegeen in la weerarray markii ay dhammaatay ciyaar ay la lahaayeen Galmudug.

Dadaallo la doonayay in dib kooxda Koonfur Galbeed ciyaarraha loogu soo celiyo ayaa guuldareystay, taasina waxay keentay in kooxda Hirshabeele la siiyo dhibcaha kulankii u harsanaa Koonfur Galbeed.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Ilyaas Oo Sharaxad ka bixiyay Halka uu ku dambeeyn dono Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland

0

Axad jan-21 2024-{HMC} Xildhibaan Ilyaas Oo Sharaxad ka bixiyay Halka uu ku dambeeyn dono Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Sharciga Howlgabka shaqaalaha Rayidka ee Dowladda oo la meel mariyay.

0

Axad jan-21 2024-{HMC} Sharciga Howlgabka shaqaalaha Rayidka ee Dowladda oo la meel mariyay.

 

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

0

Axad jan-21 2024-{HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

 

{DAAWO MUUQAALKA} Janaraal Bariise Abaabul shacab ayaa loo baahan yahay ,guurkana halla badiyo si tiradeennu u korort

0

Axad jan-21 2024-{HMC} Janaraal Bariise Abaabul shacab ayaa loo baahan yahay ,guurkana halla badiyo si tiradeennu u korort

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Somaliland Oo War Cusub Kasoo Saartay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya

0

Axad jan-21 2024-{HMC} Somaliland Oo War Cusub Kasoo Saartay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 21 01 2024}

Axad-21-jan-2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Yasiin Ali iyo Cabdi Majiid 

Farsamadii : Kaafi Cismaan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

{DAAWO SAWIRADA} Booliiska Muqdisho oo qabtay burcad dhac geysaneysay.

0

Axad-21-jan-2024-{HMC} Ciidanka booliiska ee ka howlgala gobolka Banaadir ayaa ku guuleestay in ay gacanta ku dhigaan burcad hubeysan oo lagu eedeeyay in dad shacab ah dhac iyo dhibaatooyin kalaba xalay ugu geesteen degmada Wartanabadda.

Burcadan hubeysan oo mid kamid ah xirnaa dareeska ciidanka dowladda sidoo kale watay qoray AK-47, ayaa waxaa duubtay kaamirada qarsoon ee CCTV , xilli ay dhac ka geesanayeen xaafad katirsan degmada Wartanabada.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in xalay abaaro 11:30 Habeenimo gacanta ku dhigeen burcad hubeysan oo kamid ah kuwa dadka shacabka ah baarta, waxaana burcadan iyo mootadii ay wateen gacanta ku haya ciidamada booliiska.

Ciidamada booliiska ayaana burcadan ay qabteen ka qaaday dhowr moobeel oo ay kasoo dhaceen dad shacab ah, waxa ayna booliiska xuseen in burcadan la horgeyn doono caddaaladda si loogu qaado ciqaabta dambiyada ay galeen.

Kaamirooyika qarsoon ee loo yaqaan CCTV ayaa sahlay in la aqoonsado lana soo qabto burcada dhaca u geesata dadka shacabka ah iyo goobaha ganacsi, waxa ayna booliiska marar badan soo qabteen burcad dilal iyo dhibaatooyin kalaba u geestay shacabka.

 

Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa KGS oo howlgal ka fuliyay degaano dhowr ah

0

Axad-21-jan-2024-{HMC} Ciidanka xoogga Dalka, ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey Deegaano ka tirsan Goof-gaduud Buurey Ee Gobalka Baay, waxaana howlgalka hoggaaminayey Taliyaha Ururka 47-aad Ee Guutada 8aad Qeybta 60aad Ciidanka Dhulka Xoogga X/le Ahmed Maxamednuur {Ahmed Dhagey}.

Howlgalka ayaa si gaar ah looga fuliyey degaanada kala ah Misgaale warta Kormar’ Duurow ‘mintaanka ‘Qurunlow Asharaaf’ Gololow’ Goof Golol iyo Degaanka Hareera Jiifa Ee Dhaca Bariga iyo Koonfur Galbeed Ee Xiga Degaanka Goof-gaduud Buurey Haraaw Ee Gobalka Baay.

Goobahaasi ayaa waxaa la sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab u aheyd maktab ay ka diiwaan-galinta xubnaha iyo goobo ay lacago uga qaadaan dadka shacabka ah ee Isticmaala Wadooyinka Baay iyo Bokool.

Ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka ayaa maalmahaan howlgallo ka dhan Al-Shabaab kawaday degaanno katirstan gobolka Baay,halkaa oo khasaara xooggan lagu gaarsiiyay Shabaabka, sida ay sheegeen saraakiisha horkacayay ciidamada.