Home Blog Page 2932

Puntland oo ka Warbixisay Madaxda lagu casuumay caleema-saarka Deni

0

Axad-21-jan-2024-{HMC}  Wasiirka Warfaafinta dowlad Goboleedka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka Warbixiyay Madaxda lagu casuumay caleemo-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo 25-ka bishaan ka dhaceysa magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Wasiir Maxamuud Caydiid oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in caleemo-saarka Madaxweyne Deni lagu casuumay Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana uu aqbalay inuu kasoo qeyb galo Munaasabadda.

Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in Xukuumadda Puntland ay casuumaad u dirtay dhammaan Madaxda dowlad Goboleedyada dalka iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada Golle ee dowladda Federaalka oo socdaalka ku wehlin doona Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Madaxda Federaalka, madaxweynuhu waa ku casuman yahay caleema-saarka, waana uu aqbalay, maamul goboleedada dhammaantood waa la casumay, qof shaqadu u saamixi waydo oo hawl ka soo gasho mooyaane” ayuu yiri wasiir Caydiid.

Munaasabadda caleema-saarka oo sidoo kale ay ka qayb-galayaan siyaasiyiin madax-bannaan iyo wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto Khamiista Todobaadkan oo ku beegan 25 Jan.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa 8-dii bishaan Janaayo 2023 mar kale dib loogu doortay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland, halka Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaasi loo doortay Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Madaxweynaha Kenya oo ku guuleystay in loo meel mariyo sanduuq dhaqaale oo muran dhaliyey

Axad-21-jan-2024-{HMC}  Maxkamadda Racfaanka ee dalka Kenya ayaa fasaxday bixinta canshuuraha daryeelka caafimaadka ee muranka dhaliyay, taasoo meesha ka saartay mamnuucid hore

 

Sanduuqa Caymiska Caafimaadka Bulshada {SHIF}, oo ka mid ah siyaasadaha ugu muhiimsan ee Madaxweyne William Ruto, wuxuu raadinayaa inuu siiyo daryeel caafimaad oo jaban dhammaan dadka Kenyaanka ah

 

Laakiin waxay noqotay mid aysan jeclayn dad badani, kuwaas oo u arka canshuur cusub.

Dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in canshuurtani ay uga sii dari doonto maciishada haddaba qaaliga ah, taasoo sii hurisay mawjado mudaaharaadyo ah sanadkii hore

 

Hirgelinta SHIF waxaa joojisay Maxkamadda Sare bishii Nofembar ee la soo dhaafay ka dib codsi uu soo gudbiyay ganacsade Joseph Enock Aura, oo caqabad ku ah qaybaha nidaamka

 

Arrintan, ayaa waxaa barbar socday hakinta canshuuraha guryaha ee lagu muransan yahay, waxayna ka careysiisay madaxweyne Ruto, oo dhawaan si cad ugu eedeeyay musumaasuq qaar ka mid ah garsoorayaasha aan la magacaabin

 

Waxa uu sheegay in Hay’adaha Garsoorka ay kala shaqeynayaan Mucaaradka sidii loo hor istaagi lahaa Mashaariicda Dowladdiisa, taasi oo keentay in Qareenadu ay ka gadoodeen

 

SHIF waxa ay beddeshay Sanduuqa Caymiska Caafimaadka Qaranka ee tobannaanka sano jiray {NHIF}, kaas Balaayiin canshuurta dadka laga qaaday ah ku lumiyey musuqmaasuq.

{DAAWO MUUQAALKA} Sudan oo ka baxaysa IGAD kadib qalad ka dhacay shirkii ay codsatay Soomaaliya

0

Axad jan-21 2024-{HMC} Sudan oo ka baxaysa IGAD kadib qalad ka dhacay shirkii ay codsatay Soomaaliya

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Taliyaha Guutada 15aad “Cid kasto oo dambi geysato inagama baxsan doonto”.

0

Axad jan-21 2024-{HMC} Taliyaha Guutada 15aad “Cid kasto oo dambi geysato inagama baxsan doonto”.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

Weerar lagu qaaday Saldhig ciidanka Marekanka ku leeyihiin Ciraaq oo waxyeello kasoo gaartay asakar badan

Axad-21-jan-2024-{HMC}  Weerar duqayn ah ayaa lagu beegsaday Saldhig Ciidamada Maraykanka ay ku leeyihiin Galbeedka Dalka Ciraaq waxaana kasoo gaaray dhimasho, dhaawac iyo khasaara maaliyadeed sida ay xaqiijiyeen diblumaasiyiin ku dhow oo ka xog-warramay dhacdadaan

 

Duqaynta markii ay ku socotay ciidamada Maraykanka waxaa la maqlayay qayo-dhaan ka yeeraysay agagaarka xerada & askarta oo u kala cararaysa goobaha ay u arkaan in ay gabbaad u noqon karaan sidaasi waxaa laga soo xigtay ilo si dhow ula socday arrintaan

 

Taliska Dhexe ee Militariga Maraykanka ayaa sheegay in rag hubaysan ay ka dambeeyeen weerarkaas balse dhankooda ay bixin doonaan jawaab ka dhan ah Kooxahaas waa sida hadalka loo dhigay

 

Xubno badan oo qaarkood ah saraakiil katirsan ciidamada Maraykanka ee jooga Galbeedka Ciraaq ayaa lagu wadaa baaris caafimaad oo dhanka Maskaxda ah kaddib markii saamayn taban ku reebeen duqaymaha is-daba-joogga ah

 

Ciraaqiyiintu waxa ay Ameerikaanka ku cadaadinayaan in uu isaga baxo ciiddooda waana tan keentay in tallaabadaas duqaymaha ah loo arko in ay ku cadaadinayaan si Washington ay ciidamadeeda kala baxdo Ciraaq.

{DAAWO MUUQAALKA} Xog: DF oo ogolaatay inay Hargeysa ka degto diyaarad horey looga celiyey

0

Axad jan-21 2024-{HMC} Xog: DF oo ogolaatay inay Hargeysa ka degto diyaarad horey looga celiyey

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Saraakiisha Ciidanka Xooga dalka ee ku sugan Mudug oo ku dhawaaqay in ay u gudbayaan gal-gaduud.

0

Axad jan-21 2024-{HMC} Saraakiisha Ciidanka Xooga dalka ee ku sugan Mudug oo ku dhawaaqay in ay u gudbayaan gal-gaduud.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

DF oo ogolaatay inay Hargeysa ka degto diyaarad marka Hore laga celiye Hawada soomaaliya

Axad-21-jan-2024-{HMC}  Diyaarad nuuca xamuulka qaada ah oo ku diiwan gashan lambarka P4-JAG lagana leeyahay dalka Thailand, sida ay sheegtay Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya, taas oo khamiistii laga celiyay hawada Soomaaliya ayaa shalay ka soo degtay magaalada Hargeysa

 

Shalay subax, marka ay saacaddu ahayd 7:06 xilliga Soomaaliya, ayay diyaaradaasi ka soo degtay garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa, sida ay mujineyso xog ku daabacan bogga tixraaca dhaqdhaqaaqa duulimaadka ee caalamiga ah

 

Diyaaradaan ayay horay u sheegtay hay’addu in ay diiday bixinta xogta badeecada ay waddo

 

Sida ay muujinayaan dukumiintiyo aan aragnay, ogolaanshaha in diyaaradaan soo gasho hawada Soomaaliya ayaa waxaa siiyay Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya

 

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo ka tirsan hay’adaan, diyaaradda ayaa la siiyay ogolaanshaha kadib markii ay soo gudbisay xogaha ku saabsan badeecadda ay wadd

 

Dukumiintiyada ayaa muujinaya in diyaaradaan ay waday badeecooyin isugu jira waxyaalo electronic ah oo ah kuwa sida maalin laha ah loo isticmaalo, cuntooyin laga sameeyo caanaha iyo sidoo kale qalabka baabuurta

 

Muddo shan maalin ah ayuu socday wadahadal horay iyo gadaal isku dhaafayay oo ku saabsan in diyaaraddu cadeyso waxa ay waddo,” ayay noo sheegeen ilahaan

 

Ugu dambeyntii, afartii galabnimo xilliga Soomaaliya ee Jimcihi, ayay diyaaraddu go’aansatay in ay soo gudbiso faahfaahinta badeecada ay wado, ayay sheegaysaa xogta aan ka helnay ilaha ka tirsan hay’adda duulista. Waxaana loo diray ruqsada soo dagista xalay tobankii fiidnimo

 

Duulimaadkaan oo isaga kala gooshayay garoomada diyaaradaha ee Sharjaha iyo Hargeysa ayaa horay waxaa u hakiyay Hay’adda Dullista Rayidka ee Soomaaliya

 

Diyaaradda ayaa ku guul-darraysatay inay bixiso macluumaadka xamuulka ay waddo {cargo}, waxayna qaadatay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed go’aanka sharciga ah oo dhigaya inaysan hawada Soomaaliya soo geli karin diyaaraad aan la hayn maclumaadka, ujeedka safarka iyo waxa ay sido , waxaana dib looga celiyay diyaaradaas inay soo gasho hawada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya

 

Dhamaan diyaaradaha soo gelaya hawada Soomaaliya ayaa laga hubiyaa waxyaabaha ay sidaan iyo dokumentiyadooda la xiriira safarka sida ay noo sheegtay hay’addu

 

Diyaarada ayaa horay u isticmaali jirtay hawada Soomaaliya, iyada oo keeni jirtay xamuul ay u soo dejisay si bedqa

 

Celinta diyaaraddan ayaa kusoo beegantahay iyadoo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ay maalinnimadii talaadada hawada ka celisay diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines, noceeduna yahay Dash 8-Q400, kuna duuleysay lambarka duulimaad ee ET8372, taas oo ku socotay Hargeysa kanasoo duushay magaalada Addis Ababa, hay’adda ayaa sheegtay in diyaaraddu aysan heysan wax fasax ah oo ay kusoo gashay hawada Soomaaliya

 

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys, ayaa xaqiijiyay warkan, isagoo caddeeyay in diyaaradda ay la socdeen saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya

 

Dhacdooyinkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo maalmihii lasoo dhaafay ay jirtay xiisad u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii Dowladda Itoobiya ay heshiis is afgarad la gashay Somaliland arrintaas oo Soomaaliya ka careysiisay

 

Soomaaliya ayaa dooneysa in dowladda Itoobiya ay heshiiskan dib uga laabato, iyada oo Addis Ababa ay ku madax adeygtay go’aankeeda

 

Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee 1 dii January ay kala saxeexdeen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Itoobiya u ogolaanaya in ay Somaliland ka kirayso qayb kamid ah xeebaha Somaliland, kaas oo lagu sheegay in Itoobiya ay kiro ku dooneyso si ay uga sameyso saldhig ciidan iyo Deked

 

Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa si kulul uga carooday Soomaaliya oo u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay Itoobiya, waxayna xiriir diblomaasiyadeed oo dhow la bilowday Masar iyo Eritrea oo ah laba dal oo daneynaya in la xakameeyo damaca Itoobiya ee gobolka.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 21 01 2024}

Axad-21-jan-2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Yaasin ali ahmed

Farsamadii : Abdi maajid abdirxmaan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

 

Jordan oo arrin halis ah ku eedeysay milateriga Israel ee dagaalka ka wada Marinka Gaza

Axad-21-jan-2024-{HMC}  Milateriga Urdun ayaa ku eedeeyay ciidamada Israa’iil inay si ula kac ah u beegsadeen Isbitaalka ay ku leeyihiin Qaza, iyagoo sheegay in taangiyada Israa’iil ay duqeeyeen isbitaalka oo ay gabbaad ka dhiganayeen shaqaalaha iyo dad rayid ah

 

Ciidamada Israa’iil ayaa beeniyey sheegashadaas, iyagoo sheegay in aanay duqaymo ku garaacin cusbitaalka Urdun iyagoo xusay in Isbitaalku wax dhibaato ah aysan soo gaarin uuna si buuxda u shaqaynayo siina wado inuu daryeel caafimaad siiyo dadka u baahan

 

Ciidamada qalabka sida ee Urdun ayaa bayaan ay soo saareen ku yidhi: “Falkani ma ahayn mid ka dhashay iska horimaad ay la galeen kooxaha wax iska caabinta, waa mid si ula kac ah loo bartilmaameedsaday Isbitaalka Beerta ee Urdun kaasoo qeyb ka ah talaabooyinka Israel ay u beegsaneyso isbitaallada Gaza.

 

Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid aad u xoogan oo ay ka mid tahay rasaas toos ah oo loo adeegsaday Taangiyo iyo gaadiid, waxaana hal taangi uu xiray albaabka isbitaalka

 

Waxay sheegtay in hal sarkaal oo u dhashay Urdun iyo hal qof oo oo lagu daweynayay ay ku dhaawacmeen weerarka, kaasoo sidoo kale “khasaare la taaban karo u geystay sida lagu sheegay war saxaafadeedka Urdun

 

Ciidamada Urdun ayaa soo bandhigay muuqaal ay sheegeen in uu muujinayo burbur soo gaaray isbitaalka kadib weeraradii ka dhacay deegaanka Arbacadii. Muuqaalka ayaa muujinaya wax u eg qolof ama godadka rasaasta ee gidaarada isbitaalka, iyo sidoo kale burbur soo gaaray saqafka

 

Israel waxay qiratay in xubin ka mid ah shaqaalaha caafimaadka la dhaawacay, laakiin waxay sheegtay in meesha ay ka dhacday rasaastu aan la go’aamin.”