Home Blog Page 2933

Maamulka Hirshabelle oo Sameeyay Wacyigilin Xoogan oo ku saabsan Fatahaada Wabiga shabelle.

21 Janaayo 2024,{HMC}  Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Dowladda Hirshabelle waxay si guul leh u fulisay wacyigelin ballaaran oo ku saabsan fatahaadaha, abaaraha, iyo maareynta halista masiibooyinka, taasoo laga hirgeliyey ilaa Dhowr tuulo oo ka tirsan degmooyinka Beledweyne, Bulo Burte, iyo Jowhar.

Ujeeddada barnaamijkan ayaa ahayd in la xoojiyo diyaar garowga bulshada iyo adkeysiga iyada oo loo marayo kor u qaadidda fahamka ku saabsan nidaamyada digniinta hore, xeeladaha dhimista halista, iyo tallaabooyinka badbaadada inta lagu jiro masiibooyinka dabiiciga ah.

Si kor loogu qaado Xoojinta awoodda bulshada, Kordhinta diyaar garowga masiibooyinka iyo Dhiirrigelinta adkeysiga Hirshabelle

{DAAWO SAWIRADA} In kabadan 13 Caruur ah oo ku Geeriyooday dab ka kacay qol ay jiifeen

0

Sabti-20-jan-2024-{HMC} Saddex iyo toban caruur ah oo da’doodu kala tahay 9 iyo 10 jir ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen ka dib markii uu dab ka kacay guri ay seexdaan iskuul ku yaala bartamaha Shiinaha, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Xinhua.

Dabka khasaaraha badan dhaliyay ayaa habeenimadii Sabtida ka dhacay iskuulka Yingcai ee tuulada Yanshanpu ee gobolka Henan.

Maamulaha Iskuulka oo ku dhow magaalada Nanyang ayaa xabsiga la dhigay, waxaana socda baaritaan.

Hal qof oo kale ayaa lagu daweynayaa isbitaalka oo xaaladdiisu wanaagsan tahay.

Macalin wax ka dhiga iskuulka ayaa u sheegay warbaahinta Hebei Daily – oo ay maamusho dowlada – in dhamaan caruurta dhmatay ay isku fasal ahaayeen.

Ku dhawaad 30 arday ayaa ku sugnaa qolka jiifka markii uu dabku qabsaday, iyadoo ardaydii hartayna si nabad ah looga saaray. Dabka ayaa la damiyay wax ka yar hal saac kadib markii shaqaalaha dab damiska lagu wargaliyay, sida ay sheegtay Xinhua.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo cidda ay yihiin dadka dhintay iyo waxa sababay dabkan oo si rasmi ah loo baahiyay.

Laba markab oo ay Leeydahay Dowladda Ingiriiska oo isku dhacay.

Sabti-20-jan-2024-{HMC} Dowladda Ingiriiska ayaa socda ka dib markii ay isku dhaceen labo markab oo dagaal oo laga leeyahay dalka Ingiriiska xilli ay marayeen deked ku taalla Baxreyn, sida ay sheegeen ciidamada badda ee boqortooyada.

Muuqaalka sida weyn loogu wadaagay baraha bulshada ayaa u muuqday in uu muujinayo markabka HMS Chiddingfold oo gadaal ugusoo baxaya markabka kale ee HMS Bangor meel ka baxsan xeebta dekedda.

Ma jirto cid wax ku noqotay shilkan sida ay wasaaradda gaashaandhiggu sheegtay, iyada oo ka gaabsatay in ay ka hadasho qaabka uu shilkani u dhacay inta ay baaritaannada socdaan.

Labada markab ayaa qeyb ka ah joogitaanka Ingiriiska ee mudada dheer ee Khaliijka.

Labada markabba waa nooca miinada ka baara badaha, kuwaas oo ka caawinaya hubinta socodka nabdoon ee ganacsiga dhex mara biyaha, ayay yiraahdeen Ciidanka Badda Boqortooyadu.

 

Muhaajiriin badan‘la waayay’ ka dib markii ay Finland ka soo galeen dhinaca Dalka Ruushka

Sabti jan-20 2024-{HMC} Ilaa 160 qof oo sanadkii hore xadka bari ee dalka Finland iska dhiibay, magangalyana codsaday ayaa tan iyo markaasi laga waayay xarumaha lagu hayo muhaajiriinta xilli ay sii badanayaan dadka magangalyo doonka ah ee Finland ka soo galaya dhinaca Ruushka, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka Finland

 

Finland ayaa dhammaadkii sanadkii hore xirtay xuduudka bari ee ay la wadaagto Ruushka, iyadoo ay sii kordhayaan tirada dadka ka imaanaya dalal ay ka mid yihiin Suuriya iyo Soomaaliya. Waxa ay ku eedaysay Moscow in ay soo galootiga ku soo qufeyso xuduudka Finland, taasi oo Kremlin-ka Ruushka looga arrimiyo uu beeniyay

 

Hay’adda socdaalka ee Migri ayaa sheegtay in 1,323 qof ay codsi magangalyo ka dalbadeen xadka bari ee dalkaasi intii u dhaxaysay bilihii Agoosto iyo December ee sannadkii hore, qiyaastii 900 oo ka mid ahna ay soo galeen bishii November, halka ilaa 300 ay iyana yimaadeen bishii December

 

Ilaa 160 qof oo dadkaasi ka mid ah ayaa hadda laga waayay xarumaha soo-dhowaynta, iyadoo aan intooda badan la garanayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay agaasimaha waaxda magangalyada ee Migri, Antti Lehtinen

 

18 qof oo ka mid ah ayaa iska dhiibay dalalka kale ee Yurub, oo ay ka mid yihiin Netherlands, Belgium, Norway, Sweden, Faransiiska, Jarmalka, iyo Switzerland

 

“Dabcan, waa suuragal in 160 ka qofba ay waddan kale u gudbeen, laakin wali ma jirto dal kale oo ay magangalyo weydiisteen,” ayuu yiri Lehtinen

 

Qof kasta oo magangalya doon ah ee yimaada Finland ayaa faraha laga qaadaa iyadoo la geliyo Eurodac-system, oo ah meesha lagu keydiyo xogta faraha ee ay wadaagaan dalalka Yurub, sida uu sheegay Lehtinen

 

Sida ay qabaan xeerarka Midowga Yurub, dalka ka tirsan EU ee uu qofka soogalootiga ahi marka hore iska dhiibo ayaa mas’uul ka ah codsigaasi magangalyo

 

Horaantii bishan, Finland waxa ay kordhisay muddada ay xirayso xadka ay la wadaagto Ruushka oo hadda ku eg 11-ka Febraayo, iyadoo sheegtay in ay u badan tahay in qulqulka soo galootiga magangalya-doonka ah ay dib u billaaban doonaan haddii xadka la furo.

{DAAWO MUUQAALKA} Waa in la dadajinaa xukunka ragii dilay Wiilasheydda” Aabo Xasan CIsmaan”

0

Sabti jan-20 2024-{HMC} Waa in la dadajinaa xukunka ragii dilay Wiilasheydda” Aabo Xasan CIsmaan”

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

Midowga Yurub: “oo si cad u sheegatay in Israa’iil ayaa laheyd aasaaska & maalgelinta kooxda Xamaas”

Sabti jan-20 2024-{HMC} Israa’iil ayaa abuurtay oo maalgelisay” Xamaas” ayuu yiri dublamaasiga sare ee Midowga Yurub

 

Diblumaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa Jimcihii sheegay in Israel ay abuurtay oo ay maalgeliso Xamaas si ay u wiiqdo awoodda maamulka Falastiin ee uu hoggaamiyo xisbiga Fatax

 

“Xamaas waxaa maalgelisay dawladda Israa’iil si ay isugu daydo inay wiiqdo maamulka Falastiiniyiinta ee Fatah,” ayuu yiri Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga khudbad uu ka jeediyay Jaamacadda Valladolid ee Spain

 

“Waxaan aaminsanahay in laba dawladood oo ah [Israa’iil iyo Falastiin] ay tahay in xalka kaliya ee nabad lagu heli karo, xitaa haddii, oo aan ku adkaysanayo, Israa’iil waxay dib u xaqiijinaysaa diidmadeeda {xalkan}  si ay uga hortagtona sidaas ayay ku baxeen. ilaa iyo in la abuuro Xamaas lafteeda,” ayuu yiri Borrell

 

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dhaleeceyn kala kulmay dowladda Qatar oo ku aadan maalgelinta Gaza, heshiiskaas oo 2018 ay Israa’iil ansixisay, Netanyahu ayaa xilligaas difaacay

 

Netanyahu ayaa dhawaan beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah inuu Xamaas ku xoojiyay maalgelinta Qatar. Wareysi uu Nofambar siiyay majaladda wararka ee Jarmalka, BILD, Netanyahu wuxuu ku tilmaamay “been weyn” inuu doonayo “inuu dhiso Xamaas.

 

“Saddex jeer ayaan horey ula dagaalannay Xamaas. Ma rabno in aan joojino howlgalladaas militari si ay u weynaadaan,” Netanyahu ayaa u sheegay BILD

 

Khudbadiisa Jimcaha, Borrell wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la farageliyo dagaalka Gaza, isagoo leh: “Haddii aynaan si adag u faragelin, nacaybka iyo rabshadaha ayaa sii socon doona jiil ka ab, laga bilaabo aaska ilaa aaska.”

 

President Hassan Sheikh who met the Secretary General of the Arab League

0

Saturday -20-Jan-2024-{HMC} President Hassan Sheikh Mohamud met with Arab League Secretary General Ahmed Aboul-Gheit.

 

The President expressed his deep appreciation to the Arab League Members for reaffirming the sanctity of the preservation of Somalia’s sovereignty and territorial integrity.

 

The Arab League recently opposed the Ethiopia-Somaliland Agreement and supported the independence and territorial unity of the Republic of Somalia.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn{ 20 01 2024}

Sabti -20  2024-{HMC}  Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; maxamed ibrahim axmed

Farsamadii :Abdi maajid abdirxman aadan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

 

{DAAWO MUUQAALKA} “Anigu Hawada Somaliland maan iibsan.” Gudoomiye Maxamuud Xaashi

0

Sabdi jan-20 2024-{HMC} “Anigu Hawada Somaliland maan iibsan.” Gudoomiye Maxamuud Xaashi

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta

0

Sabti jan-20 2024-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Qaahiro ee Dalka masar kula kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Aboul-Gheit.

 

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa si weyn ugu mahadceliyey Xubnaha Jaamacadda Carabta sida ay u caddeeyeen in ay muqadas tahay dhowrista madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

 

Jaamacadda Carabta ayaa dhawaan waxa ay ka so horjeesatay Heshiiska itoobiya iyo soomaaliland waxana ay taageertay madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyada Soomaaliya.