Sabti 22 ,Nov 2025 {HMC} Gudoomiye Shuute ” Masuuliyiin xasaanad leh iyo odayaal dhaqan ayaa hurinayaa Dagaal beeleedyada”
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Sabti 22 ,Nov 2025 {HMC} Gudoomiye Shuute ” Masuuliyiin xasaanad leh iyo odayaal dhaqan ayaa hurinayaa Dagaal beeleedyada”
Sabti 22 ,Nov 2025 {HMC} Ukraine oo lumisay Xulafo Muhiim ah oo ka taageerayey Dagaalka Ruushka.
Sabti 22 ,Nov 2025 {HMC} Shirweeynaha 1aad ee Cadaalada Soomaaliya oo ka Furmaya Muqdisho.
Sabti 22 ,Nov 2025 {HMC} Trump oo joojiyey in la masaafuriyo Soomaalida Minnesota Kadib markii uu lumiyey Malaayiin Dollar.
Sabti 22 ,Nov 2025 {HMC} Waa kee Dalka Ugu badan ee ciidamadisa Nabad ilaalin ugu Diray wadamo kala Duwan.
Sabti 22 ,Nov 2025 {HMC} Madaxweyne Trum oo la kulmay Ninkii ugu horeeyey ee Muslim ah ee Maamula New York
Sabti 22, Nov 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah kaga gaybgalay magaalada Brussels Madasha Afaraad (4-aad) ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo wadamada ku teedsan labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig (EU Indo-Pacific).
Wasiirka oo ka mid ah madaxda iyo mas’uuliyiinta Yurub iyo dalalka labadaasi badweyn ku laala ee lagu casuumay shirka ayaa waxa ay uga wada hadleen amniga caalamiga, iskaashiga dhinacyada badan iyo xasiloonida gobolka.
Madashani waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka socda in ka badan 60 dal oo ka dooday xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya, hanjabaadaha amni ee soo ifbaxaya, iyo saameynta isbeddelka cimilada ee nidaamka caalamiga.
Wasiir Cabdisalaan oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa muujiyay taageeriddiisa iskaashiga dhinacyada badan, xal u helidda khilaafaadka si nabad ah, iyo xoojinta hay’adaha caalamiga. Waxa uu adkeeyay muhiimadda wadahadalka, xasiloonida gobolka, iyo horumarka sinnaanta ku dhisan ee wax looga qabanayo caqabadaha caalamiga.
Wasiir Cabdisalaan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga xilli ay jiraan hubanti la’aan siyaasadeed oo weyn. Wuxuu xusay in marka tartanka awoodaha waaweyn uu sii xoogeysto, silsiladaha sahayda caalamiga ah ay wajahaan cadaadis cusub, iyo in baduhu ay noqdaan kuwo si weyn loogu loolamo, isaga oo xusay baahida loo qabo iskaashi wadajir ah.
Sabti 22, Nov 2025 {HMC} Alle ha u naxariistee, Maxamuud Cabdi Cusmaan, oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika, ayaa xalay lagu dilay gudaha dukaankiisa ku yaalla xaafadda Philipi ee magaalada Cape Town.
Wararka ayaa sheegaya in dilku ka dhacay dukaanka uu ka shaqeynayay, iyadoo aan la sheegin wax dhac ah oo dukaanka lagu geystay.
Booliska Koofur Afrika ayaa tagay goobta lagu dilay Marxuumka, waxaana ay sheegeen inay wadaan baaritaanno la xiriira falkaas.
Sidoo kale, Safaaradda Soomaaliya ee Koofur Afrika looma arko inay qaaddo dadaalladii looga baahnaa ee lagu difaaci lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaa ku ganacsada una badan dad danyar ah oo nolol u raadsaday.
Ilaa hadda Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin dhacdadan foosha xun, mana jiraan qorshe muuqda oo ay Dowladda Federaalka ugu wajahdo ilaalinta nolosha iyo hantida shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Koofur Afrika.
Sanad walba Soomaalida badan ayaa lagu beegsadaa gudaha Koofur Afrika, waxaana loo geystaa dilal, dhaawacyo iyo dhac joogto ah, iyadoo aan la arkin wax tallaabo amni ah oo dhab ah oo dowladda dalkaasi qaaddo si loo yareeyo dhibaatada.
Sabti 22, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa laalay shuruucdii ilaalinaysay in la tarxiilo Soomaalida soogalootiga ah ee ku nool Gobolka Minnesota, waxa uu go’aan ku baahiyay bartiisa xiriirka Bulshada.
Trump ayaa sheegay in Kooxo Soomaali ah ay ‘Argagax’ kawadaa Gobolka Minnesota sidaas awgeed loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin muhiim ah si loo ogaado Balaayiin doollar oo maqan sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu si aan ka gambasho lahayn u sheegay in dadkaan dib loogu celin doonno halkii ay ka yimaadeen oo uu ula jeedo Soomaaliya balse ma sheegin waqtin waqtiga howlgalkaa la sameynayo iyo qaabka uu noqon doonno.
Go’aankaan waxa uu noqonayaa kii ugu adkaa ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka qaato Soomaalida soogalootiga ah ee Dalkiisa ku nool, waxaana uu ku dooday in lagu dhimayo halista kasoo kororotay Gobolka Minnesota.
Soomaalida ugu badan ee Maraykanka ku nool waxa ay degen yihiin Gobolka Minnesota waana tan keentay in dad badan welwel muujiyaan, dhaqangalka go’aankaan waxa uu Donald Trump u baahan doonnaa taageerro dheeraad ah oo dhinaca dhaqaalaha iyo sharciga ah.
Sabti 22, Nov 2025 {HMC} Donald Trump ayaa ugu baaqay Ukraine inay aqbasho qorshaha maamulkiisu soo jeediyay ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka, taasi oo ay ku jirto in Ukraine ay dhul ka tanaasusho. Wuxuu sheegay in madaxweyne Volodmyr Zelensky ‘’qasab ku noqon doonto inuu raali ka noqd.’’
Wuxuu intaasi ku daray in Khamiista soo socoto ay noqon doonto wakhti ku haboon oo lagu aqbalo soo jeedinta Maraykanka, ayna u muuqato soo jeedinadu ay taageerayaan dhowr kamd ah dalabaadka Moscow.
Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin ayaa taageeray qorshaha Maraykanka. Balse ra’iisul wasaaraha Britaine Keir Starmer ayaa sheegay in heshiis kasta uu khasab ku yahay inuu ilaaliyo madax-banaanida Kyiv.
Wuxuu sheegay in xulufada Yurub ee Ukraine ay ka wada hadli doonaan siyaabaha loo xoojin karo soo jeedinta intii lagu guda jiray shir madaxeedka G20 ee toddobaadkan ka dhacay Koonfur Afrika,