Home Blog Page 295

Faah Faahin Ganacsade Caan ah oo lagu dilay Koofur Afrika.

0

Sabti 22, Nov 2025 {HMC} Alle ha u naxariistee, Maxamuud Cabdi Cusmaan, oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika, ayaa xalay lagu dilay gudaha dukaankiisa ku yaalla xaafadda Philipi ee magaalada Cape Town.

Wararka ayaa sheegaya in dilku ka dhacay dukaanka uu ka shaqeynayay, iyadoo aan la sheegin wax dhac ah oo dukaanka lagu geystay.

Booliska Koofur Afrika ayaa tagay goobta lagu dilay Marxuumka, waxaana ay sheegeen inay wadaan baaritaanno la xiriira falkaas.

Sidoo kale, Safaaradda Soomaaliya ee Koofur Afrika looma arko inay qaaddo dadaalladii looga baahnaa ee lagu difaaci lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaa ku ganacsada una badan dad danyar ah oo nolol u raadsaday.

Ilaa hadda Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin dhacdadan foosha xun, mana jiraan qorshe muuqda oo ay Dowladda Federaalka ugu wajahdo ilaalinta nolosha iyo hantida shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Koofur Afrika.

Sanad walba Soomaalida badan ayaa lagu beegsadaa gudaha Koofur Afrika, waxaana loo geystaa dilal, dhaawacyo iyo dhac joogto ah, iyadoo aan la arkin wax tallaabo amni ah oo dhab ah oo dowladda dalkaasi qaaddo si loo yareeyo dhibaatada.

 

Madaxweyne Trump Oo ku dhawaaqay go’aan ka Farxiyay Soomaalida soogalootiga Ah.

0

Sabti 22, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa laalay shuruucdii ilaalinaysay in la tarxiilo Soomaalida soogalootiga ah ee ku nool Gobolka Minnesota, waxa uu go’aan ku baahiyay bartiisa xiriirka Bulshada.

Trump ayaa sheegay in Kooxo Soomaali ah ay ‘Argagax’ kawadaa Gobolka Minnesota sidaas awgeed loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin muhiim ah si loo ogaado Balaayiin doollar oo maqan sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu si aan ka gambasho lahayn u sheegay in dadkaan dib loogu celin doonno halkii ay ka yimaadeen oo uu ula jeedo Soomaaliya balse ma sheegin waqtin waqtiga howlgalkaa la sameynayo iyo qaabka uu noqon doonno.

Go’aankaan waxa uu noqonayaa kii ugu adkaa ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka qaato Soomaalida soogalootiga ah ee Dalkiisa ku nool, waxaana uu ku dooday in lagu dhimayo halista kasoo kororotay Gobolka Minnesota.

Soomaalida ugu badan ee Maraykanka ku nool waxa ay degen yihiin Gobolka Minnesota waana tan keentay in dad badan welwel muujiyaan, dhaqangalka go’aankaan waxa uu Donald Trump u baahan doonnaa taageerro dheeraad ah oo dhinaca dhaqaalaha iyo sharciga ah.

Madaxweyne Trump oo Amray in lasoo Afjaro Colaadda Ukraine.

0

Sabti 22, Nov 2025 {HMC} Donald Trump ayaa ugu baaqay Ukraine inay aqbasho qorshaha maamulkiisu soo jeediyay ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka, taasi oo ay ku jirto in Ukraine ay dhul ka tanaasusho. Wuxuu sheegay in madaxweyne Volodmyr Zelensky ‘’qasab ku noqon doonto inuu raali ka noqd.’’

Wuxuu intaasi ku daray in Khamiista soo socoto ay noqon doonto wakhti ku haboon oo lagu aqbalo soo jeedinta Maraykanka, ayna u muuqato soo jeedinadu ay taageerayaan dhowr kamd ah dalabaadka Moscow.

Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin ayaa taageeray qorshaha Maraykanka. Balse ra’iisul wasaaraha Britaine Keir Starmer ayaa sheegay in heshiis kasta uu khasab ku yahay inuu ilaaliyo madax-banaanida Kyiv.

Wuxuu sheegay in xulufada Yurub ee Ukraine ay ka wada hadli doonaan siyaabaha loo xoojin karo soo jeedinta intii lagu guda jiray shir madaxeedka G20 ee toddobaadkan ka dhacay Koonfur Afrika,

Madaxweynaha Ukraine oo muujiyay walwal ku saabsan marxaladda cusub ee Daliisa Galaayo.

0

Jimco 21, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa maanta hadal u jeediyay shacabka Ukraine , isagoo taagan bannaanka madaxtooyada Ukraine, muuqaal aad ugu eg khudbaddiisii maalintii uu Ruushku duullaanka billaabay ee 24-kiibishii Febraayo 2022.

Hadalkiisa maanta wuxuu ku muujiyay walwal ku saabsan marxaladda cusub ee Ukraine ay wajahayso.

Zelensky wuxuu sheegay in Ukraine ay ku jirto mid ka mid ah waqtiyadeeda ugu adag taariikhda, isaga oo tilmaamay in dalku hadda wajahayo go’aan aad u culus oo ah labada daran mid dooro; luminta sharafta Ukraine ama halista in Ukraine ay lumiso xulufada ugu muhiimsan dagaalka oo ah Mareykanka.

•Ukraine lagu qasbay inay aqbasho 28 qodob oo aad u culus, ama ay gasho dagaal ay keligeed ku tahay.

•Halista sii kordheysa inay noqon karto mid khatar gelisa xornimo iyo sharafka Ukraine.

Wuxuu markaa caddeeyay inan mar kale lagu kalsoonaan karin dammaanad kasta , maaddama horey Ukraine loo siiyay dammaanad ah in Ruushka uusan soo weerarri doonin, taa oo dhacday.

Khudbaddiisa ayaa u muuqatay digniin ku wajahan shacabka, xulafada reer galbeedka, iyo ciddii shaki ka qabta adkeysiga Ukraine, xilli taageerada Maraykanka ay mugdi gashay, kana dhalatay dood siyaasadeed oo gudaha Washington ah.

Hadallada Zelensky waxay muujinayaan cabsi ah in go’aannada la qaadan doono maalmaha soo socda ay go’aamin doonaan mustaqbalka dagaalka, awoodda ay Ukraine ugu adkeysan karto duullaanka Ruushka, iyo heerka taageerada caalamiga ah ee sii jiri doonta jiilaalka soo socda.

Mareykanka iyo Ruushka , waxaa ay wada diyaariyeen heshiis lagu joojinayo dagaalka Ukraine oo aan dookh kale la siin Zelensky, oo xataa loogu hanjabay in haddii uu diiddo si toos ah loo beegsan karo isaga , lana siin doonin fursad uu uga baxsado Ukraine . Heshiiska wuxuu dhigaya in Ruushka uu helo dhul, ciidanka Ukraine tiradooda hoos loo dhigo iyo in hubka casriga ah laga saaro gudaha Ukraine.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kaga qaybgalay Shir ka Madasha Afaraad Brussels.

0

Jimco 21, Nov 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kaga qaybgalay Brussels Madasha Afaraad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo dalalka ku teedsan labada badweyn ee Indo-Pacific

Brussels, 21-ka Nofembar 2025 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah kaga gaybgalay magaalada Brussels Madasha Afaraad (4-aad) ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo wadamada ku teedsan labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig (EU Indo-Pacific).

Wasiirka oo ka mid ah madaxda iyo mas’uuliyiinta Yurub iyo dalalka labadaasi badweyn ku laala ee lagu casuumay shirka ayaa waxa ay uga wada hadleen amniga caalamiga, iskaashiga dhinacyada badan iyo xasiloonida gobolka.

Madashani waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka socda in ka badan 60 dal oo ka dooday xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya, hanjabaadaha amni ee soo ifbaxaya, iyo saameynta isbeddelka cimilada ee nidaamka caalamiga.

Wasiir Cabdisalaan oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa muujiyay taageeriddiisa iskaashiga dhinacyada badan, xal u helidda khilaafaadka si nabad ah, iyo xoojinta hay’adaha caalamiga. Waxa uu adkeeyay muhiimadda wadahadalka, xasiloonida gobolka, iyo horumarka sinnaanta ku dhisan ee wax looga qabanayo caqabadaha caalamiga.

Wasiir Cabdisalaan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga xilli ay jiraan hubanti la’aan siyaasadeed oo weyn. Wuxuu xusay in marka tartanka awoodaha waaweyn uu sii xoogeysto, silsiladaha sahayda caalamiga ah ay wajahaan cadaadis cusub, iyo in baduhu ay noqdaan kuwo si weyn loogu loolamo, isaga oo xusay baahida loo qabo iskaashi wadajir ah.

Wasiirku wuxuu iftiimiyay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig, isaga oo tilmaamay in ay yihiin xudunta xasilloonida caalamiga. Waxa uu sheegay in marinnada labada bad ay xoojiyaan ganacsiga caalamiga iyo shabakadaha dhijitaalka, weyninka bedka ay ku fadhiyaanna ay taageero u tahay nolosha malaayiin qof. Waxa uu intaa ku daray in caqabadaha ka jira gobolka, oo ay ka mid yihiin dhaq-dhaqaayada badeed ee sharci-darrada ah, nuglaanta cimilada, iyo horumarka degdega ah ee hanjabaadaha internet-ka, ay weli yihiin kuwo isku xiran oo adag.

Wasiir Cabdisalaan ayaa caddeeyay in aan dal keli ahi waxba ka qaban karin caqabadahani. Waxa uu sheegay in amnigu uu isku xiran yahay, barwaaqaduna la wadaago, isaga oo ku baaqay in la sameeyo fal-celin iswaafaqsan oo ku dhisan xushmad-is-dhaafsi, mas’uuliyad wadaag, iyo iskaashi wax ku ool ah.

Wuxuu ku booriyay in wadahadalka loo beddelo tallaabooyin waxtar leh iyada oo la xoojinayo amniga badda, lana horumarinayo qaab-dhismeedyo dhaqaale oo la saadaalin karo, iyada oo la kordhinayo adkeysiga dhijitaalka iyo teknoolojiyadda, iyo in la horumariyo habab iskaashi oo wax looga qabanayo hanjabaadaha soo ban-baxaya.

Wasiirka oo ka hadlay arrinka Soomaaliya, ayaa waxa uu sharaxay in xeebaha dalka ay ka mid yihiin xuduudaha badda ee ugu istiraatiijiyadda badan gobolka, isaga oo yiri “Soomaaliya waxa ay dib u dhisaysaa awooddeeda badeed, xoojineysaa maamulidda biyaheeda, qoto-dheeraynaysaa iskaashiga ay la leedahay gobolka si loo ilaaliyo waddooyinka ganacsi ee muhiimka ah.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku soo xiray muhiimadda ah in la hubiyo in wadamada ku teedsan labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig midkoodba kan kale uu xurmeeyo madax-bannaanidiis, qarannimadiisa iyo midnimadiisa, lana qiimeeyo iskaashiga, dal kastaba yeesho cod la siman kan kale oo qaabaynaya mustaqbal wadaagga .

Waxa uu mar kale xaqiijiyay diyaar-garowga Soomaaliya ee la shaqeynta dhammaan bah-wadaagta si loo gaaro hiigsiga wadajirka ah.

Maxeey ka wada Hadleen Gudoomiye Adan madoobe Xildhibaan Mursal iyo Madaxweyne Lafta Gareen.?

0

Jimco 21, Nov 2025 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka hadana ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana kulanka goobjoog ahaa Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Saransoor).

Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa dhameystirka heshiis ay Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya todobaadkii hore kusoo gaareen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, waxaana lagu balamay in laga wada shaqeeyo horumarka, midnimada iyo wadajirka deegaanadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale sidii shacabka deegaanadaasi u heli lahaayeen adeegyada dowladeed ee ay xaqa u leeyihiin.

Sidoo kale kulanka ayaa guud ahaan inta uu socday waxa ay dhinacyada isla falanqeeyeen xaaladda guud ee dalka gaar ahaan tan deegaanadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray uu dhinacyada uga mahadceliyey xilkasnimadooda iyo in ay u midoobaan ka shaqeynta danaha guud ee deegaanadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

.

Itoobiya oo si qasab ah ugu qoreyso dhalinyarada ciidamada.

0

Jimco 21, Nov 2025 {HMC} Mudooyinkii u dambeeyay waxaa soo baxayay cabashooyin badan oo ku aadan in dhalinyarada si qasab ah looga qabto wadooyinka iyo boostaajooyiinka gaadiidka, loona qaado tababar ciidan.

BBC-da ayaa ka ogaatay qoysaska maxaabiista iyo dadka arrintan la socda in dhalinyaro ay ku jiraan shaqaale dowladeed oo si qasab ah looga soo qab-qabtay waddooyinka, lana geeyo goobo kala duwan, si loo geeyo goobo lagu tababaro ciidamada.

Dowladda Mareykanka ayaa warbixin ay soo saartay ugu baaqday Itoobiya in aan si qasab ah lagu askareyn carruurta aan qaan-gaarin islmarkana laga dhigin ciidan.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa warbixintiisa 2025, ugu baaqay dawladda Itoobiya inay joojiso sida sharci-darrada ah carruurta ay ugu tababarto militariga.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa warbixintiisa 2025 ee Itoobiya, ugu baaqay dawladda Itoobiya inay joojiso sida sharci-darrada ah carruurta ay ugu qasbayso inay ciidamada ku biiraan.

Waxaa jira dhalinyaro badan oo si qasab ah looga soo uruuriyay meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka Oromia, kuna biiray ciidanka difaaca qaranka.

Badhaasaan oo [magaciisa aan beddelnay] waa shaqaale dawladeed oo ku sugan Galbeedka Arsi – islmarkana ah dhakhtar xanaanada xoolaha.

March 14, 2025, ayay ciidamada ammaanku xireen xilli uu subaxnimadii ka soo baxay qoyskiisa oo uu shaqo u aaday magaalada Adaama, kana soo shaqo tagay.

Waxa uu ku qeyliyay in uu yahay shaqaale dowladeed iyo dhaqtar xoolaha ah,balse ciidamada amaanka dhag jalaq uma siin codsigiisa.

Waa la xiray oo la geeyey goob ku taala magaalada Adaama oo ay isugu yimaadeen dhalinyaro ka kala timid qaybaha kala duwan ee Oromia.

Badhaasan ayaa ka dib markii ay xireen maleeshiyada iyo booliska, waxa uu fariin qoraal ah u diray qaraabadiisa oo degan Shaashamanne ka hor inta aan laga qaadin telefoonkiisa. Ciidamada ammaanka ayaa igu xiray magaalada Cadama,” ayuu yiri.

Mid ka mid ah dadka deegaanka Shaashamannee oo ay qaraabo yihiin Badhaasaa oo codsaday in aan magaciisa la xigan sbabo aman darteed ayaa BBC-da uga warramay sida Badhaasaa loogu xiray Adaama iyo wixii uu la kulmay oo uu u kuur galay markii ay tageen magaalada Adaama oo ay baadigoobayeen.

“Ninkan Shaashamannee ayuu iska joogay, subaxnimadiina waxa uu shaqo u aaday Adaama, isla markii uu gaariga ka degay ayay qabteen.” Ayuu yiri.

Xigasho BBC

Haweeney Soomaali ah oo lagu eedeeyay Taageeridda Argagixisada ayaa lagu xiray Nairobi.

0

Jimco 21, Nov 2025 {HMC} Booliska Kenya ee ka hortagga argagixisada ayaa xabsiga dhigay Caasho Qaasim Xasan, oo ah haweeney Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay inay taageero siinaysay koox argagixiso ah, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Caasho ayaa lagu qabtay howlgal ka dhacay goob ay ku dhuumaneysay oo ku taalla xaafadda Eastleigh ee Nairobi.

Markii la xiray, baarayaashu waxay ka heleen baasaboorka iyo telefoonkeeda gacanta, oo haatan lagu hayo baaris, si loo ogaado shabakadaha ay xiriir la leedahay.

Caasho Qaasim, oo 30 jir ah, ayaa haatan ku jirta xabsiga, iyadoo la marsiinayo habka sharciga ee la marsiiyo kuwa tuhunka loo soo qabto, iyadoo la sugayo maxkamadeynteeda, oo aan wali la shaacin goorta ay dhici doonta.

DCI-da Kenya ayaa sheegtay in Caasho la shaqeynaysay koox argagaxiso, oo aysan magaceeda shaacin, balse waxaa loo malaynayaa inay AS gacan-saar la lahayd, waxaana kiiskeeda dowladda Kenya ay sheegtay inuusan wax saameyn ah ku yeelanayn muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka.

Tan iyo markii ay Kenya Ciidankeeda usoo dirtay Soomaaliya 2011, AS ayaa weeraro ka fulinaysay dalkaasi, iyadoo beegsatay Westgate Mall, Hotel DusitD2 hotel oo Nairobi ku yaalla iyo Jaamacadda Garissa, oo in ka badan 100 ku dishay.

FESOJ oo Baydhabo ku qabtay Kulanka lagu falanqeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha wacyigalinta waxbarshada loo dhan.

0

Jimco 21, Nov 2025 {HMC} Kulanka lagu falanqeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha wacyigalinta waxbarshada loo dhan yahay, gaar ahaan xalinta caqabadaha haysta in la helo waxbarsho loo siman yahay ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Faarax Cumar, Xogahaya Guud ee ururka saxfiyiinta Soomaliyeed ee FESOJ oo Falanqaynta daadihinayay ayaa sheegay in FESOJ iyo EFASOM ay iska kaashanayaan ololahan kor loogu qaadayo wacyigalinta waxbarshada caruurta soomaaliyeed, lana doonayo in lagu xaliyo caqabadaha hortaagan in la helo waxbarsho ay u siman yihiin wiilka iyo gabdha, waxbarsho ay u siman yihiin, caruurta naafada, kuwa saboolka iyo dhamaan bulshada daruufaha gaar ahaaneed ay haystaan.

Wasiiraka Warfaafinta Dawlad goboleedka Konfur galbeed Maxamed Ibrahim Bilaal oo kulanka furay ayaa soo dhoweeyay doodan kuna tilmaamay mid wax ku kordhinaysa wacyigalinta inay caruurta helaan waxbarsho loo dhan yahay, siiba gabdhaha iyo dadka nugul ee Naafadu ka mid yihiin.

Wasiirka ayaa balan qaaday in warbaahinta dawlada koonfur Galbeed ay qayb wayn ka qaadan doonto ololahan.

Falanqayntan oo ay ka qaybgaleen waalidiin, macalimin, masuuliyiinta waxbrashada Konfur Galbeed, dadka laga badan yahay, ururo bulsho, warbaahinta iyo dhamaan qaybaha ay aad u khuseeyaan caqabadahan taagan ayaa si furfuran uga hadlay, su’aalana iska waydiiyay hawshan ololahan wacyigalinta waxbarashada la xariirta.

Gabagabdii ayaa Balanqaadyo micna wayn leh laga soo jeediyay, ayada oo Falanqaynta ay noqon doonto mid dadwaynaha loo baahiyo.

Ustaad Faarax Cumar ayaa uga mahadceliyay dhamaan qaybaha ka soo qaybgaley falanqaynta, asagoo sheegay in talooyinka ay u soo jeediyeen warbaahinta la qaadan doono.

Hindiya oo faseexad kala kulantay bandhigga diyaaradaha ee Dubai,

0

Jimco 21, Nov 2025 {HMC} Hindiya ayaa faseexad kala kulantay bandhigga diyaaradaha ee Dubai, kaddib markii diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidanka cirka Hindiya oo ah nooca jiilka 4.5 ee Hall Tejas ay ku burburtay inta ay ku jirtay duulimaad ay dadweynaha ka qeybgalay bandhigga ugu soo muujinaysay awoodeeda duulimaadka, weerar iyo difaac, waxaana diyaaradahan ku geeriyoodey duuliyihii waday oo aan awoodin inuu ka baxay inta ay sida xooggan dhulka ugu soo dhacaysay.

Intii lagu jiray dagaalkii Hindiya iyo Pakistan ee bartamihii sannadkan, waxay Hindiya la kulantay fadeexad weyn markii diyaaradaha casriga ah ee Rafael ay soo direen Pakistan, balse markaa shirkadda diyaaradan Faransiiska ah soo saartay waxay eedo oo dhan dusha u saartay inay duuliyeyaasha Hindiya ay yihiin kuwa aan khibrad lahayn, isla eedeyntan ayaa maanta mar kale soo noqotay markii goob ay boqollaal qof ku sugnaayeen ay ku burburtay mid ka mid ah diyaaradaha ugu casrisan ee Hindiya.