Home Blog Page 296

Haweeney Soomaali ah oo lagu eedeeyay Taageeridda Argagixisada ayaa lagu xiray Nairobi.

0

Jimco 21, Nov 2025 {HMC} Booliska Kenya ee ka hortagga argagixisada ayaa xabsiga dhigay Caasho Qaasim Xasan, oo ah haweeney Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay inay taageero siinaysay koox argagixiso ah, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Caasho ayaa lagu qabtay howlgal ka dhacay goob ay ku dhuumaneysay oo ku taalla xaafadda Eastleigh ee Nairobi.

Markii la xiray, baarayaashu waxay ka heleen baasaboorka iyo telefoonkeeda gacanta, oo haatan lagu hayo baaris, si loo ogaado shabakadaha ay xiriir la leedahay.

Caasho Qaasim, oo 30 jir ah, ayaa haatan ku jirta xabsiga, iyadoo la marsiinayo habka sharciga ee la marsiiyo kuwa tuhunka loo soo qabto, iyadoo la sugayo maxkamadeynteeda, oo aan wali la shaacin goorta ay dhici doonta.

DCI-da Kenya ayaa sheegtay in Caasho la shaqeynaysay koox argagaxiso, oo aysan magaceeda shaacin, balse waxaa loo malaynayaa inay AS gacan-saar la lahayd, waxaana kiiskeeda dowladda Kenya ay sheegtay inuusan wax saameyn ah ku yeelanayn muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka.

Tan iyo markii ay Kenya Ciidankeeda usoo dirtay Soomaaliya 2011, AS ayaa weeraro ka fulinaysay dalkaasi, iyadoo beegsatay Westgate Mall, Hotel DusitD2 hotel oo Nairobi ku yaalla iyo Jaamacadda Garissa, oo in ka badan 100 ku dishay.

FESOJ oo Baydhabo ku qabtay Kulanka lagu falanqeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha wacyigalinta waxbarshada loo dhan.

0

Jimco 21, Nov 2025 {HMC} Kulanka lagu falanqeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa ololaha wacyigalinta waxbarshada loo dhan yahay, gaar ahaan xalinta caqabadaha haysta in la helo waxbarsho loo siman yahay ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Faarax Cumar, Xogahaya Guud ee ururka saxfiyiinta Soomaliyeed ee FESOJ oo Falanqaynta daadihinayay ayaa sheegay in FESOJ iyo EFASOM ay iska kaashanayaan ololahan kor loogu qaadayo wacyigalinta waxbarshada caruurta soomaaliyeed, lana doonayo in lagu xaliyo caqabadaha hortaagan in la helo waxbarsho ay u siman yihiin wiilka iyo gabdha, waxbarsho ay u siman yihiin, caruurta naafada, kuwa saboolka iyo dhamaan bulshada daruufaha gaar ahaaneed ay haystaan.

Wasiiraka Warfaafinta Dawlad goboleedka Konfur galbeed Maxamed Ibrahim Bilaal oo kulanka furay ayaa soo dhoweeyay doodan kuna tilmaamay mid wax ku kordhinaysa wacyigalinta inay caruurta helaan waxbarsho loo dhan yahay, siiba gabdhaha iyo dadka nugul ee Naafadu ka mid yihiin.

Wasiirka ayaa balan qaaday in warbaahinta dawlada koonfur Galbeed ay qayb wayn ka qaadan doonto ololahan.

Falanqayntan oo ay ka qaybgaleen waalidiin, macalimin, masuuliyiinta waxbrashada Konfur Galbeed, dadka laga badan yahay, ururo bulsho, warbaahinta iyo dhamaan qaybaha ay aad u khuseeyaan caqabadahan taagan ayaa si furfuran uga hadlay, su’aalana iska waydiiyay hawshan ololahan wacyigalinta waxbarashada la xariirta.

Gabagabdii ayaa Balanqaadyo micna wayn leh laga soo jeediyay, ayada oo Falanqaynta ay noqon doonto mid dadwaynaha loo baahiyo.

Ustaad Faarax Cumar ayaa uga mahadceliyay dhamaan qaybaha ka soo qaybgaley falanqaynta, asagoo sheegay in talooyinka ay u soo jeediyeen warbaahinta la qaadan doono.

Hindiya oo faseexad kala kulantay bandhigga diyaaradaha ee Dubai,

0

Jimco 21, Nov 2025 {HMC} Hindiya ayaa faseexad kala kulantay bandhigga diyaaradaha ee Dubai, kaddib markii diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidanka cirka Hindiya oo ah nooca jiilka 4.5 ee Hall Tejas ay ku burburtay inta ay ku jirtay duulimaad ay dadweynaha ka qeybgalay bandhigga ugu soo muujinaysay awoodeeda duulimaadka, weerar iyo difaac, waxaana diyaaradahan ku geeriyoodey duuliyihii waday oo aan awoodin inuu ka baxay inta ay sida xooggan dhulka ugu soo dhacaysay.

Intii lagu jiray dagaalkii Hindiya iyo Pakistan ee bartamihii sannadkan, waxay Hindiya la kulantay fadeexad weyn markii diyaaradaha casriga ah ee Rafael ay soo direen Pakistan, balse markaa shirkadda diyaaradan Faransiiska ah soo saartay waxay eedo oo dhan dusha u saartay inay duuliyeyaasha Hindiya ay yihiin kuwa aan khibrad lahayn, isla eedeyntan ayaa maanta mar kale soo noqotay markii goob ay boqollaal qof ku sugnaayeen ay ku burburtay mid ka mid ah diyaaradaha ugu casrisan ee Hindiya.

Somali FM Participates in 4th EU Indo-Pacific Forum in Brussels.

0

Jimco 21, Nov 2025 {HMC} The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, participated on Friday in Brussels in the 4th EU Indo-Pacific Ministerial Forum, joining counterparts and senior officials from Europe and the Indo-Pacific to discuss global security, multilateral cooperation, and regional stability.

The forum gathered representatives from more than 60 countries to address rising geopolitical tensions, emerging security threats, and the growing impact of climate change on global systems.

Minister Abdisalam delivered remarks during the discussions, highlighting support for multilateral cooperation, peaceful dispute resolution, and the strengthening of international institutions.

He emphasized the importance of dialogue, regional stability, and equitable development in addressing shared global challenges.

During his remarks, Minister Abdisalam emphasized the importance of cooperation in a time of profound geopolitical uncertainty.

He noted that as major power rivalries intensify, global supply chains face new pressures, and maritime spaces become increasingly contested, the need for collective engagement has never been greater.

The Minister highlighted the strategic significance of the Indo-Pacific region, stating that it lies at the core of global stability.

Its sea lanes sustain international trade, its digital networks connect economies, and its vast maritime spaces support the livelihoods of millions.

He added that the challenges facing the region, including illicit maritime activities, climate vulnerabilities, and the rapid evolution of cyber threats, remain complex and interconnected.

Minister Abdisalam underscored that no nation can address these challenges alone. He said that security is intertwined and prosperity is shared, calling for coordinated responses based on mutual respect, shared responsibility, and practical cooperation.

He encouraged translating dialogue into concrete actions by strengthening maritime security, developing predictable economic frameworks, enhancing digital and technological resilience, and advancing collaborative mechanisms to address emerging threats.

Focusing on Somalia, the Minister explained that the country’s coastline forms one of the most strategic maritime frontiers in the region.

Somalia is rebuilding its maritime capacities, reinforcing governance of its waters, and deepening regional cooperation to secure vital trade routes.

Concluding his remarks, Minister Abdisalam emphasized the importance of ensuring that the Indo-Pacific remains a region where sovereignty is respected, cooperation is valued, and every country has an equitable voice in shaping the collective future.

He reaffirmed Somalia’s readiness to work closely with all partners to achieve these shared objectives.

The 4th EU Indo-Pacific Ministerial Forum served as a platform for exchanging perspectives, strengthening partnerships, and promoting collaborative solutions to challenges in the region.

Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac galay 3-3 ah La galay.

0

Jimco 21, Nov 2025 {HMC} Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17-jirrada oo ka qeybgalaya Tartanka CECAFA ee ka socda magaalada Addis Ababa ayaa barbar dhac 3-3 ah la galay martigeliyeyaasha tartanka, Itoobiya.

Ciyaartoyda Qaranka ayaa soo bandhigay ciyaar aad loo jecleystay, iyadoo laba ka mid ah saddexda gool uu dhaliyay ciyaaryahan Sheekha, halka goolka saddexaad uu dhaliyay Anas, kaas oo aan hal kulan oo tartankan ah gool la’aan ka bixin garoonka.

Soomaaliya ayaa haatan leh saddex dhibcood, saddexdii kulan ee ay ciyaartay, iyadoo weli aan wax guuldarro aysan la kulmin xidigaha Qaranka.

Maxaa ka run ah in Soomaaliya lagu soo celiyay xildhibaannadii ay u dirtay EAC?

0

Jimco 21, Nov 2025 {HMC} Warbaahinta maxalliga ah iyo baraha bulshada , waxaa maanta si weyn loogu baahiyay in Soomaaliya lagu soo celiyay 9 Xildhibaan oo dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida ay siiyeen , si ay Soomaaliya ugu matalaan Baarlamaanka ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), balse habka ay ku soo baxeen ayaa dood ka dhalatay illaa xubno ka soo horjeeday Xildhibaannada EAC ay Soomaaliya u dirtay dacwad rasmi ah ka gudbiyeen, iyagoo markaa dhaliilay habka ay ku yimaadeen inay tahay doorasho aan caddaalad ku dhisnayn, kuwa kalena waxay sheegeen in laga reebay inay u tartamaan kuraastan.

Warsaxaafadeed ay baahisay maxkamadda ayaa lagu caddeeyay inan la gaarin wax go’aan kama dambeys ah oo dacwada laga soo gudbiyay 9 Xildhibaan laga dhigay mid deg deg ay tahay in loo dhageysto , taa oo ka duwan warbixinnada la baahiyay ee lagu sheegay in Soomaaliya lagu soo celiyay Xildhibaannada ay dirsatay .

Sidoo kale maxkamadda waxay sheegtay in la hakiyay dhaarinta iyo aqoonsi siinta 9 Xildhibaan ee Soomaaliya usoo dirsatay inay ka mid noqdaan Baarlamanka EAC, sabab la xiriirta hab-raaca lagu soo doortay oo ay dooddi ka taagantahay.

Labo maalin kaddib ayaa la filayaa in dib loo dhageysto dacwada laga gudbiyay xubnahan, xilligaa oo fadhiga maxkamadda uu furmayo.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tansaaniya iyo ururka bulshada bariga Afrika , Ilyaas Cali ayaa dhankiisa baahiyay qoraal uu ku xaqiijiyay in keliya go’aanka kama dambeysta dib loo dhigay oo aysan jirin go’aan maxkamadeed oo maanta soo baxay oo dib loogu celiyay Xildhibaannada Soomaaliya ay usoo dirtay Baarlamaanka EAC. Maxay ka dhigantahay?

Soomaaliya oo dabayaaqadii sannadkii 2023 ku biirtay ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), ayaa la kulmaysa cadaadis sharci , taa oo siinaysa Soomaaliya muhiimada ay leedahay inay fahanto waajibaadka sharci iyo sida go’aamada gudaha lugu gaarayo lagu burin karo meel ka baxsan dalka, sida kiiska hadda taagan, kaa oo diiwaanka EAC laga helay in horey looga soo gudbiyay Uganda iyo Koonfur Suudaan , labadan dal waxaa looga guuleystay dacwadii laga soo gudbiyay , taa oo ay hadda sidoo kale qarka u saarantahay Soomaaliya inay wajahdo.

Wasiir Daahir Shire Oo Kahadlay Arimaha shidaal Qodista”

Jimco 21, Nov 2025 {HMC}   Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa shaaca ka qaaday iney jiraan shirkado aan ahayn kuwa dowladda Turkiga oo Soomaaliya daneynaya iney shidaal ka baaraan.

Wasiirka Daahir Shire ayaa sheegay inuusan wax shaki ah ku jirin in Soomaaliya laga helay shidaal, islamarkaana haatan ay soo kordhayaan shirkadaha kale ee doonaya in Soomaaliya ka baaraan Shidaal.

Wuxuu xusay Wasiirka in shirkado laga leeyahay dalka Mareykanka ay haatan si weyn u danaynayaan iney shidaal ka baaraan Soomaaliya.

“Waxaa jira shirkado waa weyn oo doonaya iney dalkeena ka baaraan shidaal, waa bilaa shaki in dalkeenu leeyahay shidaal, dhamaadka sanadkan ayaana ku dhawaaqi doonaa natiijada sahankii shidaal baarista ee dhawaan laga sameeyay Badeena.” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed.

Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa mar kale si adag uga hadlay xaalufin lagu haayo Macdanta Soomaaliya.

“Waxaa jira shaqsiyaad iyo shirkado si sharci-darro ah xaalufin dhanka macdanta ah uga wada qeybo kamid ah gobollada dalka, Dadka ku howlan arrimahaas tallaabo sharci ah ayaan ka qaadi doonaa.” ayuu yiri Wssiir Daahir Shire Maxamed.

Ugu dambeyntii hadalka Wasiir Daahire Shire ayaa kusoo aadaya, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay si weyn uga war sugayaan natiijada rasmiga ah ee ku qaadan qodista Shidaalka Soomaaliya oo ay haatan ku howlan shirkado Turkish ah.

Kenyan lake flood displaces thousands, ruins homes and schools

Friday  21, Nov 2025 {HMC}The tourist boats that typically navigate Kenya’s renowned Lake Naivasha have recently taken on a new role: rescuing hundreds from inundated homes.

Though the lake’s water level has been increasing for more than a decade with repeated flooding, residents of the modest Kihoto district are stunned by this year’s unprecedented scale.

“It hasn’t happened like this before,” said resident Rose Alero.

According to local officials, the Rift Valley lake has advanced an unprecedented 1.5km (about 1 mile) inland.

“People are suffering,” said Alero, a 51-year-old grandmother, noting that many neighbours have fallen ill.

In her home, water reaches waist height, while throughout the district, toilets are overflowing.

“People are stuck … they have nowhere to go.”

The devastation is widespread: hundreds of homes are completely underwater, churches are destroyed, and police stations are submerged, surrounded by floating vegetation.

During one sudden water surge, children evacuated a school on improvised rafts.

Joyce Cheche, Nakuru County’s disaster risk management head, estimates 7,000 people have been displaced by the rising waters, which also impact wildlife and threaten tourism and commerce.

The county has provided transport assistance and implemented health measures, Cheche said, though financial compensation has not been offered yet.

Workers in the crucial flower export sector are avoiding work, fearing cholera and landslides.

She also highlighted the danger of encounters with the lake’s numerous hippos.

“We didn’t see it coming,” Cheche admitted.

At the lake’s edge, bare acacia trunks that were once lush now stand submerged in waters advancing about 1 metre (3.3 feet) daily.

This phenomenon affects other Rift Valley lakes and has displaced hundreds of thousands.

Numerous studies primarily attribute this to increased rainfall driven by climate change.

However, Kenyan geologist John Lagat, regional manager at the state-owned Geothermal Development Corporation, points to tectonics as the main cause, noting the lakes’ position along a major geological fault.

When English settlers arrived in the late 19th century, the lake was even larger before shifting tectonic plates reduced it to just 1km (0.6 miles) in diameter by 1921.

Subsequent tectonic movements increasingly sealed underground outflows, trapping water, Lagat explained, though he acknowledged that increased rainfall and land degradation from population growth also play a “substantial” role in flooding.

“We are very worried,” said Alero from her flooded home, dreading the upcoming rainy season.

“We can’t tell what will happen.”

Source Hiiraqan Online

Nearly a quarter of Somalia’s population face acute hunger: WFP

Friday  21, Nov 2025 {HMC}  The WFP said in a statement that the Horn of Africa nation’s climate outlook remains bleak, with La Nina and a negative Indian Ocean Dipole expected to prolong erratic rainfall and drought in the country.

The “conditions are expected to intensify drought in the north, hinder recovery efforts in the south, and heighten the risk of crop failure, livestock losses, and water scarcity,” the statement said.

The UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (UNOCHA) also said that the drought conditions have worsened in northern regions and are spreading to central and southern Somalia.

It said the situation is particularly serious in Nugaal, Mudug, Bari, and Sanaag regions, which are experiencing the fourth consecutive season of poor rains. “Millions of people are at risk of worsening hunger and malnutrition due to funding shortfalls,” the UN office warned.

In November, the number of people receiving food assistance will reduce to 350,000, down from 1.1 million in August, according to OCHA.

The UN, citing authorities, said water prices have risen from $12 to $15 for a 200-litre barrel and are expected to climb further, putting additional pressure on the town’s nearly 35,000 displaced people in parts of Puntland state.

Somalia endured five consecutive seasons of failed rains in late 2020 and late 2022, the longest in recent decades, leading to a severe drought in 2023 that has left 5 million people in acute food insecurity.

The East African country witnessed one of the worst famines in 2011 that killed over 26,000 people, according to the UN.

Source Hiiraan Online

Maxamuud Caydiid Dirir. ayaa sheegay Ineysan Jirin cid si gaar Uleh caasimadda Soomaaliya .

Jimco 21, Nov 2025 {HMC}   Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in maqaamka rasmiga ah ee caasimadda Soomaaliya uu ku cad yahay qodobka 9-aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ah, kaas oo dhigaya in go’aan kama dambays ah laga gaari doono kaddib dib-u-eegis lagu sameeyo dastuurka, isla markaana sharci gaar ah ay ka soo saari doonaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dirir ayaa xusay in aysan jirin cid maanta sheegan karta caasimadda, maadaama dastuurku si cad u qeexayo in arrintaas ay go’aankeeda leeyihiin hay’adaha sharci-dejinta qaranka.

Wuxuu tilmaamay in doodda ku saabsan in caasimaddu noqoto mid ku taalla degaan federaal ah (federal territory) ama ay noqoto caasimad maamul-goboleed, ay tahay arrin u baahan in lagu caddeeyo sharciga lagu wado in Baarlamaanka ansixiyo.

Wasiirku wuxuu iftiimiyay in haddii la tixraaco taariikhda Gobolka Banaadir, aanu jirin “cid sheegan karta” magaalada, maadaama dad kala duwan oo Soomaali ah ay magaalada deganaayeen ka hor intaan dowladnimada casriga ah la helin.

Wuxuu sheegay in dadka lagu magacaabo Banaadiri ay yihiin bulshada ugu xuquuqda badan magaalada, isla markaana ay muddo dheer qeyb muhiim ah ka ahaayeen taariikhda iyo dhaqanka Muqdisho.

Ugu dambayn, Wasiirka Warfaafintu wuxuu carrabka ku adkeeyay in arrinta maqaamka caasimadda aan lagu xallin karin sheegasho qabiil ama taariikh dhinac loo jiidayo, balse loo baahan yahay go’aan sharci oo mideeya shacabka Soomaaliyeed oo dhan.