Home Blog Page 297

Maxamuud Caydiid Dirir. ayaa sheegay Ineysan Jirin cid si gaar Uleh caasimadda Soomaaliya .

Jimco 21, Nov 2025 {HMC}   Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in maqaamka rasmiga ah ee caasimadda Soomaaliya uu ku cad yahay qodobka 9-aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ah, kaas oo dhigaya in go’aan kama dambays ah laga gaari doono kaddib dib-u-eegis lagu sameeyo dastuurka, isla markaana sharci gaar ah ay ka soo saari doonaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dirir ayaa xusay in aysan jirin cid maanta sheegan karta caasimadda, maadaama dastuurku si cad u qeexayo in arrintaas ay go’aankeeda leeyihiin hay’adaha sharci-dejinta qaranka.

Wuxuu tilmaamay in doodda ku saabsan in caasimaddu noqoto mid ku taalla degaan federaal ah (federal territory) ama ay noqoto caasimad maamul-goboleed, ay tahay arrin u baahan in lagu caddeeyo sharciga lagu wado in Baarlamaanka ansixiyo.

Wasiirku wuxuu iftiimiyay in haddii la tixraaco taariikhda Gobolka Banaadir, aanu jirin “cid sheegan karta” magaalada, maadaama dad kala duwan oo Soomaali ah ay magaalada deganaayeen ka hor intaan dowladnimada casriga ah la helin.

Wuxuu sheegay in dadka lagu magacaabo Banaadiri ay yihiin bulshada ugu xuquuqda badan magaalada, isla markaana ay muddo dheer qeyb muhiim ah ka ahaayeen taariikhda iyo dhaqanka Muqdisho.

Ugu dambayn, Wasiirka Warfaafintu wuxuu carrabka ku adkeeyay in arrinta maqaamka caasimadda aan lagu xallin karin sheegasho qabiil ama taariikh dhinac loo jiidayo, balse loo baahan yahay go’aan sharci oo mideeya shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

{DAAWO MUQAALKA} Eedeysane Shalay ay amartay in lasoo qabto Maxkamadda Ciidamada Walaweyn oo gacanta lagu soo dhigay

0
JIMAC  21 ,Nov 2025 {HMC}  Eedeysane Shalay ay amartay in lasoo qabto Maxkamadda Ciidamada Walaweyn oo gacanta lagu soo dhigay

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Dagaalka Ukraine oo lasoo Afjarayo.

0
JIMAC  21 ,Nov 2025 {HMC} Dagaalka Ukraine oo lasoo Afjarayo.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Tubsan Director Highlights Critical Role of Women in National Security Strategy at Mogadishu Leadership Workshop

Friday  21, Nov 2025 {HMC} The National Center for Preventing and Countering Violent Extremism (Tubsan) has launched a significant new initiative aimed at fortifying the country’s security framework by empowering women within the armed forces. In a high-level training workshop held today in Mogadishu, the agency gathered female officers from various branches of the security sector to discuss peacebuilding and leadership.

The workshop, titled “Building Peace and Women’s Leadership in the Armed Forces,” served as a platform to address the often-overlooked potential of women in conflict resolution and intelligence gathering.

Mr. Ali Yasin Gurbe, the Director of Tubsan, delivered a keynote address that placed the inclusion of women at the center of Somalia’s strategy to defeat violent extremism. He argued that a security apparatus devoid of female leadership is inherently flawed and unable to fully penetrate the societal layers where extremist ideologies often take root.

“If women are not part of ensuring security, a large role is missing,” Director Gurbe stated during his address to the officers. “We want you to cooperate on security, as your involvement closes a critical gap in our national defense.”

The Director’s remarks reflect a growing recognition within the Federal Government of Somalia that military force alone is insufficient to eradicate extremism. The Tubsan agency is tasked with the ideological and social dimensions of this struggle, and they view women as essential gatekeepers of community stability. The training session focused on equipping these officers with the skills necessary to lead operations, mediate community disputes, and act as a bridge between the public and the security forces.

Participants at the event included uniformed female officers from the Somali Police Force, the National Army, and the Custodial Corps. The sessions covered strategies for effective communication, identifying early warning signs of radicalization, and the specific leadership challenges women face in male-dominated security environments.

By investing in the capacity of these officers, Tubsan aims to create a more holistic security approach—one that leverages the unique insights and community access that women provide. This initiative is part of a broader government effort to ensure that the fight against terror groups like As is inclusive, utilizing every available asset to restore lasting peace to the nation.

Source Sonna

Soomaaliya Oo lagu casuumay shirka meertada 34aad ee hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO)

Jimco 21, Nov 2025 {HMC}  Soomaaliya ayaa lagu casuumay shirka meertada 34aad ee Golaha Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha loona soo gaabiyo IMO oo ka dhacay Boqortooyada Ingiriiska, wafdi ka socda Dowladda Federaalka ayaa u safray dalkaas.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa hoggaaminayo wafdigaan, waxaana uu sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur waxa uu ku sheegay in rajo fiican ay ka muujinayaan miradhalka kulankaan isla markaana doorkooda ka qaadan doonnaan doodaha & aragti is dhaafsiga.

“Waxaan maanta hoggaaminayaa wafdi u ambabaxay Boqortooyada Ingiriiska, halkaas oo aan kaga qeyb galeyno meertada 34-aad ee Golaha Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO). Safarkan wuxuu fursad u yahay in aan ku matalno dalka, korna ugu qaadno danaha iyo aragtida Soomaaliya ee ku saabsan nabadgelyada, badbaadada iyo horumarinta howlaha badda caalamiga ah,” Ayuu yiri Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

“Waxaan rajeynayaa in kulankani uu noqdo mid miro-dhal ah oo kor u qaada kaalinta Soomaaliya ee howlaha IMO.” Ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Muxuu yahay dhoola tuska badda Cas ee aysan ka qayb galidoonin Ereteriya iyo Soomaaliya.?

0

Jimco 21, Nov 2025 {HMC} Dhoolastuska wadajirka ee lagu magacaabay mowjada 8-aad ee Badda Cas ayaa waxaa hoggaaminaya oo isku dabbariday Masar iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, sida ay sheegeen ciidanka Masar. Ciidamo badda labada dal iyo sidoo kale ciidamo ka kala socday Jabuuti, Urdun, Suudaan iyo Yemen ayaa ka qayb galay layliskaasi ciidan.

Ereteriya oo mar walba ku doodda in Masar iyo Sucuudiga ay door weyn ka ciyaaraan sugidda ammaanka badda cas ayaan haddana ka qayb gelin layliska ciidan. Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo toddobaad kahor booqasho ku joogay Qaahira ayaa sheegay in doorka Masar ee dalkiisa uu yahay mid muhiim ah.

”Dalalkeena xeebaha leh waa in aynu boos cad ka istaagno arrintan”

”Mid kamid ah ayaa doonaysa in badda cas dalalka mar ay xoojiyaan hay’adahooda ammaanka si loo hubiyo badbaadada marin-biyoodka.”

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Isaias uu doonayo inuu saamayn weyn ku yeesho gobolka, uusana doonayn ka qayb qaadashada howlgallo milatari oo ay maamulaan quwadaha waaweyn sida Masar iyo Sucuudi Carabiya.

Cabdiraxmaan Sayid oo si dhow ula socda arrimaha geeska Afrika iyo badda cas ayaa ku doodaya in ay ahayd ”doorasho istaraatiiji ah oo ula kac ah.”

”Natiijadu waxa ay tahay in inkasta oo Ereteriya ay ka madax banaanaan doonto xayiraad, haddana ay halis ugu jirto in ay lumiso faa’iidooyinka ka imaan kara isku-dhafka ammaanka badda” ayuu yiri.

Si uu u guulaysto iskaashi badda oo dalalka gobolka waa la tix galiyaa ”meesha gaarka ah ee Ereteriya ka taagan tahay,” ayuu ku daray.

Xiriirka Ereteriya la leedahay dhammaan dalalka kale ee ka qayb galaya marka laga reebo Jabuuti uu yahay mid dhow oo wanaagsan.

Waxaa uu go’ay xiriirkooda diblomaasiyadeed ee iyaga iyo Jabuuti sannadkii 2009, sababtuna waxey ahayd khilaafka xuduudda ee labada dal.

Wax guul ah kama dhalan dadaalada sanadihii u dambeeyay lagu raadinayay in lagu soo celiyo xiriirka labada dal.

Jabuuti oo martigalisa saldhigyo ay leeyihiin dalal Bariga iyo Galbeedka ka socda ayaa ka xumaatay dhaliisha hoggaamiyaha Ereteriya ee joogitaanka saldhigyada ciidan.

Wareysi uu siiyay warbaahinta Masar iyo Eritrea ayaa madaxweyne Isaias uu ku sheegay in ”door caalami ah uu imaan karo haddii ay jirto hab. Sharci ah.”

”Eretrea waxa sugi kartaa ammaanka xeebaheeda,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray”Soomaaliya, Yemen, Jabuuti, Suudaan iyo Sucuudi Carabiya waa ay awooddaan sugida ammaaka xeebahoooda.

Soomaaliya waxa ay horay u ahayd kor joogto laylisyadii hore ee ”Mowjada Cas”

Horraantii Janaayo 2020, ayaa kulan wasiirada badda cas iyo gacanka cadmeed ayaa lagu qabtay Riyaad. Shirkan oo Ereteriya ay ka qayb gashay ayaa dalalku ay ku dhawaaqeen inay dhisayaan dastuur golaha ka qayb galay shirka.

Isbahaysiga oo ay ku jiraan Ereteriya, Suudaan, Jabuuti, Soomaaliya, Sacuudi Carabiya, Masar, Yemen iyo Urdun ayaa la sheegay inay ka shaqaynayaan kor u qaadida ammaanka iyo iskaashiga gobolka ee xubnaha dowladaha qaybta ka ah.

Hase ahaatee ilaa iyo hadda wax muuqda oo la ogyahay ma jiraan.

 

Haweeney caawa ninkeeda ku dishay Magaalada Muqdisho.

0

Khamiis 20. Nov 2025 {HMC} Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay haweeney caawa fiidkii ninkeeda ku dishay Dagmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Marxuum la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Nuur, Waxana ay Dilka waxay u adeegsatay toorey.

Eedeysanadda waxaa lagu magacaabaa Faadumo Maxamed Cusmaan, gacanta Booliska ayay ku jirtaa, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh.

 

Trump oo Aqalka Cad ku qaabbili doono duqa dhawaan la doortay ee New York.

0

Khamiis 11, Nov 2025 {HMC} Trump ayaa xaqiijiyay inuu berri Aqalka Cad ku qaabbili doono duqa dhawaan la doortay ee New York , Zohran Mamdani , iyadoo kulankan uu soo jiitay saxaafadda , sabab la xiriirta Trump iyo xisbigiisa ayaa wax walba u sameeyay inta uu ololaha ku jiray Mamdani sidii ay ugu hortagi lahaayeen inuu ku guuleysto duqa New York , balse isku day kasta ayaa guul-darreystay.

Ma aha keliya qaabbilaad, Trump iyo kooxdiisa waxay doonayaan inay wax ka bartaan ololaha uu sameeyay ninkan dhallinyarada ah oo dhul-gariir ku ridey jeeb weynta Mareykanka , loobbiga Israa’iil iyo xisbiyada Jamhuuriga.

Tan iyo guushiisa uu cododka aqlabiyada ah uu ku gaaray, ay ku qasabtay kooxda ololaha xisbiga Jamhuuriga inay Trump kala hadlaan wax ka beddel uu ku sameeyo siyaasadiisa illaa hadallada uu jeedinayo,

waxayna qorsheynayaan laga billaabo Jannaayo,2026 in Trump hadalladiisa illaa ballanqaadyada maamulkiisa uu u weeciyo wax ka qabashada arrimaha taabanaya bulshada ,

maaddama Mamdani uu dhinacaa diiradda saaray, taa oo keentay dadweynaha inay si aan nus qarni ka dhicin ay isugu soo baxeen goobaha codeynta New York oo ah xarunta diblomaasiyadda, tiknoolajiyada iyo dhaqaalaha adduunka.

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil oo ku dhawaaday Xuduudda Hawada Dalka Turkiga.

0

Khamiis 11, Nov 2025 {HMC} Telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Kanaal 12 , ayaa maanta ku warramay diyaaradaha dagaalka Israa’iil in ay ku duuleen meel ku dhow xuduudda hawada Wadanka Turkiga ee waqooyiga Suuriya.

Sida wararka ay sheegayaan Israa’iil ayaa ka bilowday inay la socota dhaqdhaqaaqa hawada sidoo kalena ay xog ka aruuriso.

Somalia Brings 165 Citizens Home from Libya

0

Thusday 11, Nov 2025 {HMC} The Federal Government of Somalia successfully evacuated 165 Somali citizens from Libya on Thursday, rescuing them from challenging and dangerous circumstances. Of these, 152 were brought to the capital, Mogadishu, while 13 arrived in Hargeisa.

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of Somalia, H.E. Abdisalam Abdi Ali, has been actively involved in monitoring and advocating for Somali citizens detained or affected abroad.

This follows a similar operation on October 27, when 160 citizens were repatriated from Yemen.

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation has consistently worked to safeguard Somali citizens abroad.

On November 13, through diplomatic negotiations with the government of Togo, the ministry secured the release of 16 Somali nationals who had been imprisoned for one year and nine months.

The Federal Government of Somalia remains committed to protecting its citizens and facilitating their safe return from overseas hardships.