Arbaco jan-17 2024-{HMC} Dowlada Itoobiya oo Diiday ineey ka qeeyb gasho Shirka Urur Goboleedka Igad.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Arbaco jan-17 2024-{HMC} Dowlada Itoobiya oo Diiday ineey ka qeeyb gasho Shirka Urur Goboleedka Igad.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Arbaco jan-17 2024-{HMC} Gudoomiye Yabooh “Ninkii isku qarxiyey Xamarweyne Shacabkii soo gudbiyey waan Abaal marineynaa”
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Arbaco jan-17 2024-{HMC} Diyaarada Ethiopia Airline oo laga celiyay hawada Soomaaliya
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Arbaco jan-17 2024-{HMC} Xildhibaano ku Baaqay Dowlada Keny ineey Cadeeyso halka uu ku maqan yahay wasiir Janan
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Arbaco jan-17 2024-{HMC} Senator Fartaag “Dowladda kenya waa in ay si Deg-deg kusoo sii deysaa C/rashiid janan ,
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Arbaco, January, 17, 2024 (HMC) – Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay kasoo horjeedo heshiiskii dhawaan dhex maray dowladda Itoobiya iyo Somaliland.
War kasoo baxay aqalka Cad ayaa walaac looga muujiyay in heshiiskaas uu horseedi karo xasillooni darro iyo in la carqaladeeyo dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo argagixisada.
John Kirby, isuduwaha xidhiidhka golaha amniga qaranka Maraykanka, ayaa u sheegay warfidiyeenka in aqoonsiga Itoobiya ay siiso Somaliland uu halis gelinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
“Waxaan taageereynaa madax banaanida Soomaaliya iyo madaxbanaanidooda dhuleed, waana in la ixtiraamo.”ayuu yiri John Kirby.
Itoobiya iyo Somaliland waxa ay kala saxeexdeen heshiis is-afgarad ah 1-dii Jannaayo, kaas oo Itoobiya u oggolaanaya in ay samaysato saldhig ciidan oo ku yaalla xeebaha Somaliland.
Taas beddelkeedna, Itoobiya ayaa Somaliland u ballanqaaday inay siinayso aqoonsi caalami ah.
“Ma aaminsanin in gobolku uu awoodi karo colaad kale, “Uma maleynayno in heshiiska isa-fgaradka ah uu u socdo jihada saxda ah.” Kirby ayaa sidaas mar kale yiri.
Si kastaba ha ahaatee, IGAD ayaa iclaamisay shir looga hadlayo xiisadaha labada dal, kaas oo 28-ka bishaan ay ku qabanaysa dalka Uganda.
Hase ahaatee, Itoobiya ayaa ka meer meeraysa inay shirkaas ka qeyb gasho.
Arbaco jan-17 2024-{HMC} Halgankii aan kasoo bilawnay Hiiraan ayaa Xarardheere kujoognaa oo xur Ah “Taliye cali cagey.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Arbaco jan-17 2024-{HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa Hawada ka celisay diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo sida la sheegay si amar la’aan ah u soo gashay Hawada Soomaaliya.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ay diyaaradda Ethiopia Airline oo Hargeisa wafdi uso waday ay ka celisay hawada, waxaana tani ay noqonaysaa tallaabadii ugu adkeyd ee Dowladda Soomaaliya qaadday tan iyo markii Itoobiya ay heshiiska la gashay Muuse Biixi.
Sida Hiiraanweyn ka heshay ilo Xog-Ogaal ah oo aviation ka ka tirsan diyaarada ayaa ku laabatay Adisababa oo marki hore ay ka so kacday.
Arbaco jan-17 2024-{HMC} Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin ayaa manta Shir gaar ah kula qaadanayo Masuuliyiinta Maamulka Degmada Matabaan iyo qeeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Degmadaasi,
Shirkan waxaa diirada lagu saarayaa sidii ay u wada-shaqeeyn lahaayeen Masuuliyiinta Maamulka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyo khilaaf dhaxdooda yaalla sidii xal waaro looga gaari lahaa. Dhamaan Madaxda Maamulka degmada Matabaan ayaa shirkan goob joog ah.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi axmed Maalin Sufuroow ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhameeyo waxii khilaaf ah oo madaxda dhax yaalla, intaasi kadibna usoo gudbi doono xalinta qaar kamid ah Beelaha dago degmada matabaan oo iyaga Cabasho qabo.
Sidoo kale Gudoomiye Sufuroow ayaa sheegay in isaga oo aanan xalin dhamaan Tabashada ka jirto Degmada Mataban uusan ka bixi doonin Magaaladaasi, Qorshaha ugu weyn ee Gudoomiyaha iyo Masuuliyiinta Kale ayaa ah in xal waaro laga gaaro Culeeysyo farabadan oo ka jiro Wadada Xariiriso Baladweyne iyo degmada Matabaan oo gaadiidleyda dhibaato weyn ay ku qabaan.

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Cudurka shuban-biyoodka oo ka dilaacay degmada jalalaqsi iyo tuulooyinka hoos yimaado todobaadkii hore ilaa hada waxaa xarumaha Caafmaad lasoo gaarsiiyay 272 Bukaan sida ay sheegeyn howl-wadeenada labo xarumood oo gaar ah oo shubanka loogu tala-galay kuwaas oo laga sameeyey Degmada.
67 qof oo Caruur ubadan ayaa ugu geeriyootay Shubanka degmada Jalalaqsi iyo tuulooyinka, Sida uu sheegay Dr Asad Cabdullaahi Maxamed, Gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxaana hada labada xarun jiifto ku dhawaad 50 Bukaan.
Dhaqaatiirta degmada iyo maamulka ayaa u istaagay wacyigalin dadka deegaanka la siinayo, si loo yareeyo khataraha kiisaska shubanka ah. Dhaqaatiirta ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo 24 saac lagu xakameeynayo Cudurka Shubanka. taasi oo sabab u noqotay in ay yaradaan kiisaskii shubanka dadka u dhimanayay.
