Home Blog Page 2950

{DAAWO MUUQAALKA} Siyaasi Siidow”Deni waxaan ka codsanaynaa in uu Puntland naga nasiiyo Matalaada”

0

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Siyaasi Siidow”Deni waxaan ka codsanaynaa in uu Puntland naga nasiiyo Matalaada”

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka somaliland oo taageeray heshiiska soomaliland iyo itoobiyo.

0

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka somaliland oo taageeray heshiiska soomaliland iyo itoobiyo.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

Dowlada Iran oo lagu eedeeyay in duqeymo Culus ay ka fulisay dalka Pakistan

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Pakistan ayaa si caro leh ugu eedaysay Iran inay fulisay weerar ka dhacay gobolka Baluchistan oo ee dalkaasi Pakistan. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Islamabad ayaa ka digtay suurtagalnimada cawaaqib xumo ka dhalan karta wax ay ugu yeertay xadgudub aan gabi ahaanba la aqbali karin oo lagu sameeyay hawadeeda

 

Pakistan ayaa sheegtay in labo caruur ah ay ku dhinteen halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo ay geysatay dalkan ay deriska yihiin

 

Iran ayaa dhankeeda sheegtay in ay bartilmaameedsatay laba saldhig oo lala xiriirinayo kooxda xagjirka ah ee Jaish al-Cadl, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee xiriirka la leh militariga dalkaas

 

Balse Pakistan ayaa gaashaanka u daruurtay arrintan, waxayna ku tilmaantay “fal sharci darro ah” oo horseedi kara “cawaaqib xumo”

 

Pakistan waa waddankii saddexaad, marka laga reebo Ciraaq iyo Suuriya, oo ay weerarto dhawrkii maalmood ee u dambeeyay.

 

Ururka Jamacadda Carabta oo maanta ka Shiray Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Axadi shaaciyay shir deg deg ah oo dhanka fogaan aragga ah, kaas oo looga hadlayo khilaafka u dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ,kadib heshiiskii is-afgarad ee Addis Ababa ku dhex maray Itoobiya iyo Somaliland

 

Ku xiigeenka xoghayaha guud ee jaamacadda carabta, Hossam Zaki, ayaa sheegay in ururka Jaamacadda Carabta shirkaas qaban doono maanta, 17-da bishan Janaayo, sida ay ku soo warrantay wakaaladda wararka dalka Masar ee MENA

 

Hossam Zaki ayaa sheegay in shirka diiradda lagu saari doono cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska ‘sharci darrada ah’ ah ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya

 

Waxaa uu sheegay in Morocco ay shir gudoomin doonto shirkaasi, isagoo intaa ku daray in go’aanka qabsoomidda shirka uu ku yimid codsi ka yimid Soomaaliya oo ay taageereen ilaa 12 dal oo Carbeed

 

Waxaa uu sidoo kale xoojiyay taageerada uu ururka hore ugu muujiyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib heshiiskii is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya

 

Qoraal hore uga soo baxay ururka Jaamacada Carabta ayaa lagu yiri “ma aqbali doonno” heshiis kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida Soomaaliya

 

Kamal Rushdi, oo ah afhayeenka Jaamacadda Carabta, ayaa yidhi, “Jaamacadda Carabta waxay si buuxda u taageersan tahay qaraarkii kasoo baxay golaha wasiirrada Soomaaliya ee lagu caddeeyay mowqifka Soomaaliya ee heshiiska is-afgaradka ah ee ay wada gareen Itoobiya iyo Somaliland”.

{DAAWO MUUQAALKA} Dr. Baadiyow: Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi waxaa sugaya weji gabax iyo mustaqbal mugdi ah

0

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Dr. Baadiyow: Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi waxaa sugaya weji gabax iyo mustaqbal mugdi ah

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

Galmudug oo Taliye Ciidan ku dhintay Dagaalka ka socda halkaas ugu magac-dartay Iskuul weyn

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa dugsiga Hoose/Dhexe & Sare ee degmada Xarardheere ugu magac dartay Shahiid Abdi Mohamed Sheekh Hassan {SuulNuug}, kaddib soo jeedin ka timid Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor

 

Taliyahan dugsiga kuyaalla degmada Xarardheere loogu magac-daray ayaa dhawwaan lagu dilay dagaal ka dhacay Koonur gobolka Mudug, kaddib dagaal xooggan oo dhax maray kooxda A.s iyo ciidamada kumaanooska Gorgor

 

Suulnuuge ayaa kamid ahaa saraakiishii hoggaamineysay howlgalkii A.s looga saaray degmada Xarardheere sannad kohor, waxa uu sidoo kale qeyb ka ahaa howlgalo badan oo kooxdaasi lagu jabiyay oo ka dhacay deegaannada Galmudug

 

 

Dowlada Turkiga oo markii 14aad laga sugayo in uu sanad u kordhiso Ciidanka Dalkaas ka jooga Biyaha Soomaaliya.

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Waxaa sii dhammaanaya muddo sharciyeedka sanadka ah ee Ciidamada Ilaalida Xeebaha Turkiga eek u sugan Gacanka Cadmeed, Biyaha Soomaaliya & Badda Cas oo ku siman 10ka Bisha soo socota Febaraayo ee sanadka 2024

 

Baarlamaanka Turkiga ayay Ciidamadaan ka sugayaan muddo kordhin sanad ah sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Ankara oo la hadlay Warbaahinta ka howlgasha Dalkaas oo arrintaan ka xog-warrantay

 

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Baarlamaanka u gudbiyay mooshinka waqti kordhinta waxaana lagu wadaa in Fadhi gaar ah uu ka yeesho si loogu codeeyo soo jeedinta Madaxweynaha ee waqtiga dheeraad ah la siinayo ciidamada Badda

 

Haddii Baarlamaanka Turkiga uu Ansixiyo soo jeedintaan waxa ay ka dhigaysaa in markii 14aad oo muddo kordhin ah uu u sameeyay ciidamadaan ku sugan Gacanka Cadmeed, Biyaha Soomaaliya iyo Badda Cas

 

Sanadkaan waxa ay ciidamada Turkiga uga duwan tahay iyada oo sii kordhisay xiisadda ka taagan Badda Cas gaar ahaan weerarrada Iiraan ay ku beegsanayso Maraakiibta u socota dhinaca Israaiil & Maraykanka oo dagaal la galay Kooxdaas.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo gantaalo ku weeraray Markab ku sii jeeday dekedaha Israel

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday markab laga leeyahay dalka Giriiga oo ay sheegeen inuu ku sii jeeday Israa’iil

 

Afhayeenka militariga Xuutiyiinta, Brig. Gen. Yahya Sareec ayaa sheegay in kooxdu ay soo weerareen markabka, “Zogravia” oo ku sii jeeday Israa’iil tiro gantaallo ahna ay la beegsadeen

 

Farriin muuqaal ah oo toos ah, Saree wuxuu ku sheegay in garaaca markabka uu ahaa “toos ah.

 

“Weerarka ayaa yimid ka dib markii shaqaalihii markabka ay diideen baaqyo digniin ah oo ay ku jiraan fariimo loo diray,” ayuu Sarreeye hadalkiisa raaciyay

 

Sida laga soo xigtay Ambrey, oo ah shirkad fadhigeedu yahay UK, markabkan oo ka babanayay calanka Malta, lagana leeyahay Giriiga ayaa la beegsaday xilli ay ku sii jeeday dhanka waqooyi ee badda cas, oo 76 nautical miles waqooyi-galbeed ka xigta magaalada dekedda ah ee Saleef ee Yemen

 

Tani waxay ku soo beegantay hal maalin ka dib markii fallaagada Xuutiyiinta ay weerar ku qaadeen markab uu Maraykanku leeyahay oo marayey gacanka Cadmeed. Xuuthiyiinta ayaa ballan qaaday in weerar kasta oo mustaqbalka Yemen ka dhaca aanu jawaab la’aan ahaan doonin.

{DAAWO MUUQAALKA} WAR DEG_DEG AH: Maamulka jubaland oo war kale kasoo saaray Maqnaanshaha cabdi rashiid janan.

0

Arbaco jan-17 2024-{HMC} WAR DEG_DEG AH: Maamulka jubaland oo war kale kasoo saaray Maqnaanshaha cabdi rashiid janan.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

Dowlada Itoobiya oo diiday ka qayb galka Shirka Urur goboleedka IGAD

Arbaco jan-17 2024-{HMC} Wasaarada Arimaha dibada Itoobiya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ka cdur daaratay in ay dawlada Ioobiya ay ka qayb galayso shirka Urur Goboleedka IGAD ee ka beri ri qabsoomaya Magaalada Kambaala ee Caasimadda dalka Uganda islamarkaana looga hadlayo Xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya ee Arimaha badda .

 

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arimaha dibada Itoobiya loona diray Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa lagu sheegay in Dawlada Itoobiya aysan ka so qayb gali karin shirka arimo u gaar ah oo ay ku mashquulsan tahay darteed

 

Shir Madaxeedka Urur goboleedka IGAD ayaa la filayay in 18 bishan oo beri ku aadan uu ka furmo dalka Uganda balse Dawlada Itoobiya ay diiday ka qayb galka shirkaas

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle islamarkaana ah madaxa Urur goboleedka IGAD ayaa kulan deg deg ah isgu yeeray madaxda IGAD kaas oo loogarinsanayo khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya

 

Halkaan ka Akhriso warka ka soo baxay Wasaarada Arimaha dibadda Itoobiya ay ka cudurdaaraday in Itoobiya ay ka qayb gasho shirka IGAD.