Arbaco jan-17 2024-{HMC} Kulan loogu ducaynaayey Taliyihii Nabad Sugida Degmada Qoryooleey ayaa lagu qabtay Muqdisho .
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Arbaco jan-17 2024-{HMC} Kulan loogu ducaynaayey Taliyihii Nabad Sugida Degmada Qoryooleey ayaa lagu qabtay Muqdisho .
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Arbaco jan-17 2024-{HMC} Munaasabad si heer sare ay u soo agaasintay Waaxda Maaliyadda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen Wasiirka maaliyadda Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige, Xildhibaano mas’uuliyiinta Hay’adaha Dowladda, Runta Ganacsiga, Bangiyada gaarka loo leeyahay culimo iyo qeybaha bulshada ayaa lagu soo bandhigay Miisaaniyadda dowladda ee 2024
Agaasimaha Miisaaniyadda wasaaradda Maaliyadda Axmed Cabdi Aadam { Iraadi} oo soo dhoweeyay ka qeyb galayaasha ayaa si kooban u sharxay Miisaaniyadda dowladda ee 2024
Sh Cali Maxamuud {Sh. Cali Wajiis } Prof Ciise Maxamuud Xalane agaasime ku xigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Axmed Nuur Cabdi oo ku hadlay Afka Bangiyadda gaarka ah ayaa bogaadiyay horumarka dowladda ee Miisaaniyadda oo ka badan 1 Bilyan iyo koror dakhliga dowladda oo sanadkii tagay kordhay 25%
Dr Cali Yaasiin Guddoomiye ku xigeenka Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in horumarka maaliyadda ku yimid dib habeynta iyo wadashaqaynta hay’adaha Maaliyadda Qaranka oo ay udub dhexaad u tahay wasaaradda Maaliyadda
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Biixi Iimaan Cige oo daah furay Miisaaniyadda dowladda oo ah Hal Bilyan iyo 79 milyan oo doolar ayaa dul istaagay horumaraada la taaban karo sida guusha Dayn Cafinta ee la gaaray, kororka Miisaaniyadda iyo dakhliga dowladda
Wasiir Biixi ayaa tilmaamay Iinkastoo dowladdu horumaro waa weyn ka gaartay haddane ay soo kordheen caqabada Dibadda oo ay ka mid tahay faragalinta iyo damaca qaawan ee dowladda Itoobiya ku doonayso badderna oo ay tahay in wadajir looga hortago
Sanadkan Miisaaniyadda dowladda ayaa korortay 13%, Halka daqliguna kordhay sanadkii tagay ee 2023 25%, waxaana ay ku timid ka go’naanta hoggaanka dowladda ee dib u habeynta Maaliyadda.
Arbaco jan-17 2024-{HMC} Qatar ayaa ku dhawaaqday inay heshiis dhex dhigtay Israa’iil iyo Xamaas kaasoo dhigaya in dawooyin la gaarsiiyo dadka Israa’iiliyiinta ah ee lagu haysto Qaza
Xamaas ayaa ku bedelatay arrintan in sidoo kale la ogolaado dawooyin iyo gargaar bini’aadminimo in la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee ku nool meelaha ugu daran ee go’doonsan, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar
“Daawo ay weheliso gar-gaar bini’aadantinimo ee kale waa in la gaadhsiiyo dadka rayidka ah ee ku sugan Marinka Gaza, meelaha ay dhibaatadu ka jirto iyo meelaha nugul, si loogu beddelo dawada au u baahan yihiin maxaabiista Israa’iil ee ku xiran Gaza,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Qatar
Heshiiska ayaa waxaa lala kaashaday Faransiiska, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka oo intaas ku daray in dawooyinka iyo gargaarka ay ka dhoofi doonaan magaalada Doha berrito, iyadoo la geynayo magaalada Al-Arish ee dalka Masar gaadiid ayaana gelin doona marinka Gaza,
Arbaco jan-17 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ;Yaasin ali ahmed
Farsamadii : Abdi maajid abdirxman aadan
Arbaco jan-17 2024-{HMC} Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay kulan looga hadlayay heshiiskii is-fagaradka ahaa ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya, wuxuuna u dhaxeeyay wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo qaar ka mid ah wax garadka kasoo jeeda gobolka Awdal ee ku sugan Muqdisho
Kulanka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen labo senator oo iyagana kasoo jeeda gobolkaas, ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee ka dhanka ah heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee Badda Cas
Deeqa Xasan Xuseen oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee Aqalka sare iyo Senator Bilaal Idiris Cabdullaahi ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay kulanka
Shirkaan ayaa waxaa ay labada dhinac ku soo bandhigeen xaaladda gobolka iyo dareenka shacabka ee kadib heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, sida uu BBC-da u sheegay wasiir Axmed Macallin Fiqi
Wasiirka ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid looga hadlayay “dhibaato iyo cadaadis uu sheegay in lagu hayo bulshada reer Awdal iyo kaalinta kaga aaddan dadka deeganka go’aannada iyo tallaabooyinka ay dowladda qaadayso.
Wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ayaa sidoo kale soo dhoweeyay sida dadka reer Awdal ay heshiiska u diideen, waxaan uu sheegay in wax walba ay ku garab istaagi doonaan bulshada gobolka
Dhowaan bannaan-baxyo ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Awdal, kuwaasoo looga soo horjeeda heshiiskaas
Gobolka Awdal, gaar ahaan magaalooyinka Boorama iyo Lughaya ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dibad-baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo heshiiska.
Talaado jan-16 2024-{HMC} Booliska Soomaaliya oo faah-faahin ka bixiyey qarax maanta ka dhacay Muqdisho
Talaado jan-16 2024-{HMC}Â Isagoo ka hadlayay Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Gaza.
Faisal bin Farxaan ayaa sidoo kale sheegay in Sacuudiga uu aqoonsan karo Israa’iil haddii ay dhacdo xabad joojin iyo abuurista dowlad ay leedahay Falastiin.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo aaday iyadoo dagaalka dagaalka Israa’iil iyo Xamaas uusan u muuqan mid qaboobaya.
“Waxaan isku raacsannahay in nabadda gobolka ay ku jirto nabad ay hesho Israa’iil, balse taasi waxay keliya dhici kartaa nabad iyo dal ay helaan Falastiiniyiinta” ayuu yiri Amiir Faisal bin Farhan.
Amiir Faisal ayaa sheegay in helidda heshiis goboleed iyadoo loo marayo sameynta dal ay Falastiiniyiintu leeyihiin ay tahay “wax aan kala shaqeyneynay maamulka Mareykanka”.
Talaado jan-16 2024-{HMC} Itoobiya oo diiday ka qeybgalka shirka IGAD iyo Dowlaada Jabuuti oo Soomaaliya,,,
Talaado jan-16 2024-{HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn
Talaado jan-16 2024-{HMC} Fatahaadda Wabiga Shabeelle oo saameyn Xooggan ku yeeshay deegaano hoosyimaada degmaad Wanla weyn