{DAAWO SAWIRADA} DFS Oo kulan Wada-tashi ah la qaadatay Odoyaasha gobolka Awdal
Talaado jan-16 2024-{HMC} Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaatay Salaadiin, Cuqalo, Nabaddoonno, Ugaasyo iyo odeyaal kale ka tirsan 135 iyo qaar kale oo kasoo jeedo gobolka Awdal.
Kulankan oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen Senator Deeqa Xasan Xuseen, guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka sare iyo Senator Bilaal Idiris C/laahi ayay odeyaasha beelaha Samaroon iyo Ciise kusoo bandhigeen xaaladda gobolka iyo dareenka shacabka ee kadib go’aankii Muuse Biixi uu Itoobiya kusiiyay badda Zeylac.


{DAAWO MUUQAALKA} odayaasha Gobollada Waqooyi ayaa si adag uga soo horjeestay damaca itoobiya ee Badda Soomaaliya.
Talaado jan-16 2024-{HMC} odayaasha Gobollada Waqooyi ayaa si adag uga soo horjeestay damaca itoobiya ee Badda Soomaaliya.
{DAAWO MUUQAALKA} Sidee ku bilowday Dagaalkii 77 ee Soomaaliya ku jabisay Ethiopia
Talaado jan-16 2024-{HMC} Taliyihii Hore ee Ciidanka xoogga dalka General Indho qarshe ayaa dib u celiyey xasuustiisa.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Qarax ismiidaamin oo lagu weeraray xarunta gobolka Banaadir.
Talaado jan-16 2024-{HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay agagaarka xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo jugtiisa aad loo maqlay ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay wadada marta dhabarka dambe ee xarumaha waaweyn ee ka soo horjeeda degmada Xamarweyne.
Lama caddeyn karo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac. Hase ahaatee, waxaa la sheegayaa inuu jirto waxyeelo badan.
Laamaha ammaanka ayaan wali war kasoo saarin falkan.
Fahfaahinta kula soco wararkeena dambe
Shir kale oo deg deg ah oo loogana hadlayo xaalada Soomaaliya iyo Itoobiya oo la qabanayo
Talaado jan-16 2024-{HMC} Xiisad siyaasadeed oo meel xun gaartay ayaa soo kala dhax gashay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kaddib markii Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ku xad-gudbay Qarannimada Soomaaliya heshiis sharci-darro ahna la galay Somaliland
Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ku dhawaaqay in shir deg deg ah oo looga hadlayo xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya la qabanayo, shirkan oo qaab fogaan arag ah ku qabsoomaya ayaa waxaa hoggaamineysa dowladda Morocco
Ku xiigeenka xoghayaha guud ee ururka jaamacadda carabta, Hossam Zaki, ayaa sheegay in ururku shirkaasi qaban doono 17-da bishan Janaayo, sida ay ku soo warrantay wakaaladda wararka dalka Masar ee MENA
Hossam Zaki, ayaa sheegay in shirkan diirada lagu saari doono xiisada ka dhalatay xad-gudubka dowladda Itoobiya , waxa uuna xusay in shirka diiradda lagu saari doono cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya la gashay Somaliland.
Shirkan deg deg ah ay yeelanayaan ururka Jaamacadda Carabta ayaa imaanaya kaddib codsi Soomaaliya ka yimid, waxaa sidoo kale iyana la filayaa in magaalada Kampala iyana ka furmo shir ay yeelanayaan madaxda IGAD oo iyana xiisadan looga hadlayo.
Madaxda DFS oo looga digay in aan lagu maaweelin shirka ay leeyihiin Madaxda Dalalka IGAD
Talaado jan-16 2024-{HMC} Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan madaxda dalalka ku mideysan IGAD, shirkan ayaana diirada lagu saari doonaa xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaana si weyn uga carrootay heshiis wax u dhimaya madax-bannaanida iyo midnimada umadda Soomaaliyeed, kaa oo Adis Ababa ku kala saxiixdeen madaxweynaha maamulka Somaliland iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa ku booriyay madaxda dowladda Soomaaliya in aan lagu maaweelin shirka ay leeyihiin Madaxda IGAD ee ka dhacaya Kampala
Qoraal uu soo saaray Cumar Cabdirashiid ayuu ku sheegay in ereyada ay adeegsadaan qaar kamid ah madaxda IGAD ee ah is-dhax-galka iyo is-afgaradka dalalka gobolka uu halis ku yahay midnimada Soomaaliya
Waxa uu xusay Cumar Cabdirashiid Cali in adeegsiga erayadaasi ay muujin karaan in Madaxbanaanideena iyo Midnimada dhuleed ee dalkeenna Soomaaliya ay u furan tahay in laga hadlo
Dowladda Itoobiya ayaana damac weyn kasoo galay in ay xoog iyo xeyladba ku qaadato qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, waxaana damacaasi iyo dulmiga Itoobiya si weyn uga carrootay dowladda Federaalka oo si kulul u naqdisay gardarada Itoobiya.
{DAAWO SAWIRADA} Saraakiil ka tirsan Militeriga soomaaliya oo gaaray gobolka Mudug iyo abaabul dagaal oo halkaas ka socda
Taliyaha qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle sare Cabdi Salad Cali iyo saraakiil kale ayaa kormeeray ciidamo ka tirsan guutada 27-ad ee ciidanka xooga dalka soomaaliyeed oo lu sugan Farumaha dagaalka ee gobolka Mudug .
Taliyaha ayaa faray ciidamada in ay laba jibaaraan waa jibaadkooda qaran si loo soo gaba gabeeyo Wejiga koowaad Hawlgallada ka dhan ah A.s ee ka socda Koofurta Gobolka Mudug.
Ciidamadan ayaa qayb ka ah Ciidanka xoogga dalka ee furmaha koofurta Gobolka Mudug kula dagaalamaya A,s kua dagaalamaya halkaas
Taliyaha ayaa Ugu dambeeyntii lu aamanay Ciidankaan Sida Ugu diyaarsanyihiin howlgallada guud ahaan dalka looga saarayo A,s




