Home Blog Page 2955

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn {16 01 2024}

Talaado jan-16 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Mustaf Cali Caddow

Farsamadii : Abdi maajid abdirxman aadan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

 

Madaxweynahii hore soomaaliya Farmaajo oo war culus ka soo saaray xiisadda NISA iyo shirkadda HORMUUD

Talaado jan-16 2024-{HMC}  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex taagan Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo shirkadda Hormuud

 

NISA ayaa shalay xirtay xarunta ugu weyn ee Hormuud iyo Salaam Bank ee Muqdisho, saacado kadib markii labada dhinac ay is-weydaarsadeen eedo ka dhashay markii NISA ay xirtay shaqaale ka tirsan Hormuud, Axaddii

 

Hormuud ayaa sheegtay in xariggaasi ka dambeeyey markii ciidamada NISA ay ka codsadeen in loo daabaco dhaqdhaqaaqa adeegga lagu diro lacagaha telefoonnada ee EVC Plus, taas oo shirkaddu sheegtay inay ka horimanayso shuruucda dalka. Shirkadda ayaa sheegtay inaysan xogta macaamiisha la wadaagi karin hay’adda nabadsugidda

 

Dhinaca kale, Hay’adda NISA ayaa war saxaafadeedka ay soo saartay ku eedaysay shirkadda Hormuud in qaar ka mid ah shaqaalahadeedu ay xiriir iyo wada shaqayan la leeyihiin argagixisada, eeddaasi oo ay NISA sheegtay inay ku ogaatay baaritaan ay samaysay inkatsoo aysan soo bandhigin

 

Xanibaadda xarumaha iyo joojinta shaqada Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Bangiga Salaam Soomaali, waa mid dhaawac ku ah sumcadda dhaqaale ee dalka, walwalna ku abuuraysa ganacsatada Soomaaliyeed

 

Dalkeennu waxa uu ka soo kabanayaa duruufo naafeeyey dhaqaalaheenna, sidaas awgeed waxaa muhiim ah in la dhiirri-geliyo ganacsatada u soo dhabar adaygay xaaladihii adkaa ee dalkeenna soo maray, lagana fogaado in la wiiqo ganacsiga xorta ah ama la dhaawaco kalsoonidooda

 

Dowladda waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta amniga maalgashadeyaasha, ganacsatada iyo goobaha ganacsiga, kuwaas oo door weyn ku leh shaqo abuurka dhallinyarada, horumarka iyo dhaqaalaha dalka, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in degdeg loo xalliyo tacaddiga iyo dhibaatada ay shirkadaha Hormuud iyo Salaam Soomaali Bank ay ka tabanayaan Dowladda

 

Shuruucda iyo xeerarka dalka ayaa hagaya ganacsiga xorta ah iyo shirkadaha waddaniga ah, wuxuuna siinaya xuquuq iyo dhiirrigalin buuxda si ay qayb uga noqdaan horumarka dalka guud ahaan

 

Majirto waqti uu waddanku uga baahi badan yahay wadajir iyo isku duubnaan, si aan uga hortagno khataraha ummadeed ee nagu wajahan.

Dowlada Jabuuti oo ciidamo hor leh u soo dirtay Soomaaliya

Talaado jan-16 2024-{HMC}Dowladda Jabuuti ayaa ciidamo hor leh u dirtay Soomaaliya, cidamdaas aya ah dufcadii 11-aad oo gurmad u tago soomaaliya

 

Taliyaha Ciidamda qalabka sida ee dalka Jabuuti, Jeneraal Sakariye Sheekh Ibraahim aya khudbad sagootin ah oo uu u jeediay ciidamadaas ku sheegay in Jabuuti ay ‘dhiigeeda u hureyso Somalaaliya’. Tallaabada Jabuuti ayaa imaaneysa xili bisha December ee sanadkan 2024 ayaa loo asteeyay waqtiga ugu dambeeya ee ay Soomaaliya ka baxayaan guud ahaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika. Halkan ka dhageyso hadalada taliyaha

{DAAWO SAWIRADA} Haweeney da’ ah ayaa ku dhimatay Weeraro gaadiid loo adeegsaday oo ka dhacay magaalo ku taalla Israel

Talaado jan-16 2024-{HMC}  Haweeney da’ ah ayaa ku dhimatay 17 kalena way ku dhaawacmeen weeraradii mataanaha ahaa ee Isniintii ka dhacay magaalada Raanana ee bartamaha Israa’iil, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen isbitaallada lagu daweynayo dadkii ku waxyeeloobay weerarka

 

Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in laba qof oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen labadii weerar oo isku mar ahaa ay ahaayeen dad ka timid magaalada Hebron oo ku taalla Daanta Galbeed ee la haysto. Booliiska ayaa sheegay inay si sharci darro ah ku galeen Israa’iil ayna hadda ku jiraan gacanta booliska

 

Eedeysanayaasha ayaa la sheegay inay gawaari jiirsiyeen tiro dad ah dhowr goobood, sida ay booliisku sheegeen, waxaana uu intaa ku daray in weli ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo lagu xaqiijinayo inaysan khatar kale dhicin

 

Xamaas ayaa soo saartay bayaan ay ku ammaantay labadii weerar ee ka dhacay magaalada Raanana ee bartamaha Israa’iil

 

Xamaas ayaa sheegtay in weerarradu ay jawaab dabiici ah u ahaayeen gumaadka gumeysiga iyo gardarrada joogtada ah ee ay ku hayaan dadkeenna Falastiiniyiinta

 

Olole ka dhan ah damaca Itoobiya ee badda soomaliya oo ka billowday dalalka Yurub

Talaado jan-16 2024-{HMC} Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Yurub ayaa ka wada hadlay sidii dalalka Yurub looga dhiga lahaa banaanbax looga soo horjeedo damaca gurracan ee Ethiopia

 

Ethiopia ayaa isku dayeysa inay qaadato qeyb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya ayada oo adeegsaneysa heshiis sharci-darro ah oo ay la gashay maamulka Somaliland

 

Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Benelux iyo Midowga Yurub ayaa kulan isugu yeeray xubno ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg ee la isku yirahdo Benelux, iyadoo laga jawaabayo baaqii uu madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uga dalbaday qurbajoogta Soomaaliyeed in ay gutaan doorka kaga aadan xadgudubka ay Ethiopia kula kacday haybadda dawladannimo iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya

 

Ujeeddada kulanka ayaa ahaa in qurbajoogta ku nool wadamada Benelux iyo dhammaan Midowga Yurub in ay is abaabulaan si ay banaanbaxyo waa weyn oo ka dhan ah Ethiopia uga dhigaan wadamada Benelux iyo Yurub, islamarkaana si nabad ah ugu muujiyaan in ay ka soo horjeedaan daandaansiga Dowladda Ethiopia

 

Qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaal dhan walba ah oo dowladda Soomaaliya ay isaga caabineyso damaca Ethiopia ay ku dooneyso inay ku boobto dhulka iy badda Soomaaliya

 

 

Antonio Guterres: “Ma ogolaan karno in waxa Gaza ka socda ay sii socdaan”

Talaado jan-16 2024-{HMC}  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa jeediyay khudbad uu ku xusayo 100 maalmood moo ka soo waeegtay weerarradii 7-dii Oktoobar iyo dagaalkii Israa’iil iyo Xamaas ee xigay

 

Guterres ayaa diirada saaray khasaaraha rayidka ah ee aan horay loo arag iyo xaaladaha bini’aadantinimo ee Gaza tan iyo markii Israa’iil ay billowday dagaalka ay ku hayso Xamaas, la wareegidda iyo masiirka la haystayaashii Gaza iyo xiisadaha ka taagan gobolka oo dhan

 

Waxa uu sheegay in xalka kaliya uu yahay xabbad joojin bini’aadantinimo oo degdeg ah, wuxuuna dalbaday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha Gaza

 

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan eedeymaha ku saabsan tacaddiyada galmada iyo kuwa kale 7-dii Oktoobar in si adag loo baaro oo maxkamad loo soo taago

 

Waxa uu intaa ku daray “Weerarka ay ciidamada Israa’iil ku hayaan Gaza 100-kan maalmood uu sababay burbur jumlo ah iyo heerar dilal rayid ah oo aan hore loo arag sannadihii aan ahaa Xoghayaha Guud”. Waxa uu intaa ku daray, “Ma jirto wax sabab u noqon kara ciqaabta wadajirka ah ee dadka Falastiiniyiinta.

 

“Inuu sii dheeraado iska horimaadka Gaza, waxaa sii kordhaysa khatarta ah in ay sii xumaato xaalada. Mana ogolaan karno in waxa Gaza ka socda ay sii socdaan,” ayuu Guterres hadalkiisa ku soo gabagabeeyay

 

Ugu yaraan 132 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israel ee Marinka Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, 252 kalena waa lagu dhaawacay sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin tirada dadka lagu dilay halkaas tan iyo 7-dii October ayaa gaaraya in ka badan 24,000

 

“Tiro dhibanayaal ah ayaa weli ku hoos jira burburka iyo waddooyinka, shaqaalaha difaaca madaniga ah ma gaari karaan,” ayay tiri wasaaraddu. Khasaaraha la diiwaan geliyey Isniintii ayaa wadarta guud ee dhimashada Gaza ka dhigaysa 7-dii Oktoobar ilaa 24,100, iyo 60,834 dhaawac ah, ayay wasaaraddu sheegtay.

Xuutiyiinta Dalka Yemen oo gantaal la helay mid ka mid ah maraakiibta Mareykanka ee Maraya bada cas

Isniin jan-15 2024-{HMC}  Xuutiyiinta Yemen ayaa ayaa gantaal ku garaacay markab xamuul oo laga leeyahay dalka Mareykanka, sida ay bayaan ku sheegeen taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka

 

M/V Gibraltar Eagle, oo ah markab sitay calanka Jasiiradaha Marshall ayna maamusho shirkadda Eagle Bulk oo fadhigeedu yahay Maraykanka, ayaa waxaa soo gaaray burbur yar lamana sheegin wax dhaawac ah oo gaaray dadkii saarnaa

 

Bayaan ka soo baxay shirkadda Eagle Bulk Shipping ayaa lagu xaqiijiyay in Gibraltar Eagle, oo siday shixnad alaab bir ah, uu ku dhacay gantaal aan la aqoonsan xili uu marayey meel qiyaastii 100 mayl ka baxsan xeebta Gacanka Cadmeed

 

“Saamayntaas awgeed markabka waxaa soo gaaray burbur kooban oo soo gaaray shixnadaha laakiin wuu xasiloon yahay wuxuuna ka baxayaa aagga,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Dhammaan badmaaxiintii saarneyd markabka ayaa la xaqiijiyay in aysan dhaawacmin.” ayaa lagu yiri bayaanka

 

Hay’adda ammaanka badaha ee UK {UKMTO} ayaa sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan dhacdadan

 

“Maraakiibta waxaa lagula talinayaa inay si taxaddar leh u gudbaan oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo” ayey yiri UKMTO

 

Horaantii maalintaas, Xuuthiyiintu waxay isku dayeen in ay ridaan gantaalka lidka maraakiibta kaas oo ku fashilmay duulista, kuna burburay Yemen, sida ay sheegeen taliska dhexe

 

Khamiistii, Mareykanka iyo UK waxay garaaceen 28 goobood oo kala duwan oo Xuutiyiin ah iyagoo isku dayaya inay carqaladeeyaan awoodda kooxda inay ku rasaaseeyaan marinnada maraakiibta caalamiga ah ee Badda Cas.

 

Maraykanka ayaa qaaday weeraro dheeraad ah habeenimadii jimcaha kuwaasoo aad uga yaraa baaxada waxaana lala beegsaday goob raadaar ah oo ay isticmaalaan Xuutiyiinta,sida uu sheegay sarkaal Maraykan ah.

Kooxda Xamaas oo soo bandhigtay Video muujinaya saddex la heyste oo Israel u dhashay

Isniin jan-15 2024-{HMC}  Xamaas ayaa soo bandhigtay muuqaal muujinaya saddex qof oo Israa’iili ah oo la haysto oo la haysto

Cajaladdan ayaa waxa ka muuqda Noa Argamani oo 26 jir ah, Yossi Sharabi, 53 jir ah iyo Itai Svirsky oo 38 jir ah, kuwaasoo mid kastaaba sheegayo magaciisa, da’da iyo goobta uu deggan yahay isagoo si toos ah u eegaya kamaradda.

Argamani, Sharabi iyo Svirsky waxay ka codsadeen Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu inuu joojiyo dagaalka, lagana shaqeeyo sidii loo sii deyn lahaa

Fiidiyowgu wuxuu dhererkiisu yahay ilaa 30 ilbiriqsi ayaan la ogeyn in dadka ka hadlaya la qasbay iyo iney iyagu dalbadeen, lamana xaqiijin karo goorta iyo meesha cajaladaha lagu duubay.

Qoraal ay ku qoran tahay, Berri ayaan ku wargelin doonnaa aayahooda” oo ku qoran Carabi, Cibraani iyo Ingiriisi ayaa lagu soo bandhigay shaashadda dhammaadka muuqaallada.

Dowlada Israel ayaan ka hadlin muuqaalkan. inkastoo ay horey ugu yeertay dhaqanka sii deynta fiidiyowyada dadka la haysto “dagaal nafsi ah.”

Muuqaalkan ayaa la sii daayay maalintii 100-aad ee dagaalka, taasoo ah mid si weyn looga xusay guud ahaan Israa’iil. Xamaas iyo kooxo kale ayaa Qaza ku qafaashay 240 qof intii lagu jiray weeraradii 7-dii Oktoobar. In ka badan 100 la haystayaal ah oo u kala dhashay Israa’iil iyo ajaanib ayaa lagu sii daayay xabbad joojin dabayaaqadii bishii November, iyadoo lagu bedeshay falastiiniyiin ku xirnaa xabsiyada Israa’iil

Israa’iil ayaa aaminsan in 132 weli lagu haysto Gaza. Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in 25 ka mid ah la haystayaashaasi ay dhinteen, iyadoo weli meydadkooda lagu hayo Gaza. Taasoo ka dhigan in 107 oo la haystayaal ah inay wali nool yihiin.

Cajaladdan ayaa waxa ka muuqda Noa Argamani oo 26 jir ah, Yossi Sharabi, 53 jir ah iyo Itai Svirsky oo 38 jir ah, kuwaasoo mid kastaaba sheegayo magaciisa, da’da iyo goobta uu deggan yahay isagoo si toos ah u eegaya kamaradda.

Argamani, Sharabi iyo Svirsky waxay ka codsadeen Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu inuu joojiyo dagaalka, lagana shaqeeyo sidii loo sii deyn lahaa

Fiidiyowgu wuxuu dhererkiisu yahay ilaa 30 ilbiriqsi ayaan la ogeyn in dadka ka hadlaya la qasbay iyo iney iyagu dalbadeen, lamana xaqiijin karo goorta iyo meesha cajaladaha lagu duubay.

Qoraal ay ku qoran tahay, Berri ayaan ku wargelin doonnaa aayahooda” oo ku qoran Carabi, Cibraani iyo Ingiriisi ayaa lagu soo bandhigay shaashadda dhammaadka muuqaallada.

Dowlada Israel ayaan ka hadlin muuqaalkan. inkastoo ay horey ugu yeertay dhaqanka sii deynta fiidiyowyada dadka la haysto “dagaal nafsi ah.

Muuqaalkan ayaa la sii daayay maalintii 100-aad ee dagaalka, taasoo ah mid si weyn looga xusay guud ahaan Israa’iil. Xamaas iyo kooxo kale ayaa Qaza ku qafaashay 240 qof intii lagu jiray weeraradii 7-dii Oktoobar. In ka badan 100 la haystayaal ah oo u kala dhashay Israa’iil iyo ajaanib ayaa lagu sii daayay xabbad joojin dabayaaqadii bishii November, iyadoo lagu bedeshay falastiiniyiin ku xirnaa xabsiyada Israa’iil

Israa’iil ayaa aaminsan in 132 weli lagu haysto Gaza. Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in 25 ka mid ah la haystayaashaasi ay dhinteen, iyadoo weli meydadkooda lagu hayo Gaza. Taasoo ka dhigan in 107 oo la haystayaal ah inay wali nool yihiin.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn{ 15 01 2024}

Isniin jan-15 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Yaasin ali ahmed

Farsamadii : abdi maajid abdirxman aadan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

 

{DAAWO MUUQAALKA} Heshiiskii wasiirka gaashaandhiga Somalia iyo Itoobiya oo wax laga weydii wasiir…see more

0

Isniin jan-15 2024-{HMC} Heshiiskii wasiirka gaashaandhiga Somalia iyo Itoobiya oo wax laga weydii wasiir…see more

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA