Home Blog Page 2966

{Daawo muuqaalka} ‘File-ka Puntland ee SSC aniga gacanta ku qabanaya Cid i dhafi karta Deni ma jirto”MD ku xigenka PL

0

Sabti jan-13 2024-{HMC} ‘File-ka Puntland ee SSC aniga gacanta ku qabanaya Cid i dhafi karta Deni ma jirto”MD ku xigenka PL

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

Wiilka Madaxweyne XASAN SHEEKH oo la soo taagay maxkamadda magaalada Istanbul

0

Sabti jan-13 2024-{HMC} Wiilka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hor marqaati furay maxkamad ku taalla magaalada Istanbul, taasi oo la xiriirta shil dhimasho leh oo magaalada ka dhacay bishii November 2023.

Amar soo xiritaan ayaa loo jaray Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii gaarigiisa uu gadaal kaga dhacay mooto uu waday Yunus Emre Gocer oo 38 jir ahaa 30-kii November. Yunus ayaa isbitaalka ku geeriyooday 6 maalin kadib, xilligaas oo Maxamed uu kahor ka tegay Turkey.

Wasiirka cadaaladda Turkey Yilmaz Tunc ayaa bishii tagtay sheegay inuu kiiska kala hadlay dhiggiisa Soomaaliya, si loo qorsheeyo soo laabashada Maxamed.

Warbaahinta Turkey ayaa ku warantay in amarkii soo xiritaan iyo mamnuucistii safar ee ka dhanka ahaa Maxamed la baabi’iyey kadib markii uu hortagay oo uu hadal siiyey maxkamadda Caglayan ee Istanbul. Waxaa kadib sii daayey maxkamadda.

Maxamed ayaan qiran dambi, wuxuuna mar kale ku celiyey hadalkii uu sheegay waxyar kadib shilka, oo ahaa in Yunus uu lahaa khaladka shilka.

Xafiiska dacwad oogaha guud ee Istanbul ayaa horey u dalbaday xarig laba illaa lix sano ah. Dhageysiga dacwadda ayaa dib loo dhigay illaa 16-ka Janaayo.

Shilkan ayaa halis geliyey xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Turkey. Duqa Istanbul Ekrem İmamoğlu oo ka tirsan xisbiyada mucaaradka ayaa horey ugu eedeeyey dowladda “inay daciif tahay oo aysan difaaci karin shacabkeeda.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wakaaladda wararka AP horey ugu sheegay in wiilkiisa oo 40 jir ah aanu ka cararin Turkiga. Waxa uu sheegay inuu kula taliyey inuu ku laabto, oo uu maxkamadda hortago.

Turkey ayaa xiriir dhow la laheyd Soomaaliya tan iyo 2011, markii madaxweyne Recep Tayyip Erdogan – oo markaas ahaa ra’iisul wasaare – uu dalka booqday, isaga oo taageero u muujinaya Soomaaliya oo xilligaas ay ka jirtay abaar darran.

Turkiga waxa ay bixisay gargaar bini’aadannimo, waxa ay dhistay kaabayaal dhaqaale, waxayna saldhig milatari ka furtay Soomaaliya, halkaasi oo ay ku tababartay saraakiil militari iyo boolis.

“Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo si aan u xaqiijiyo in wiilkaygu uu ixtiraamo sharciga iyo kala dambeynta Turkiga, una hortago maxkamadaha Turkiga,” ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku yiri wareysiga.

 

“Turkiga waa dal aan walaalo nahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. “Waxaan ixtiraameynaa shuruucda iyo cadaaladda iyo nidaamka garsoorka. Ka madaxweyne ahaan, marnaba ma oggolaan doono in qofna uu ku xad-gudbo nidaamka garsoorka dalkan.”

Askar ka tirsan ciidamada badda Mareykanka oo lagu la’yahay badda Soomaaliya

0

Sabti jan-13 2024-{HMC} Laba askari oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa lagu la’yahay badda Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska dhexe ee Mareykanka Jimcihii shalay.

Hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta ayaa hadda socda, sida lagu sheegay bayaankan.

Faahfaahin dheeraad ah weli lama shaacin, oo ay ku jiraan markabka ay saarnaayeen askartan iyo magacyadooda.

Mareykanka ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay maraakiib badan ka howlgaliyay badda cas iyo gacanka cadmeed kadib weerarada joogtada ah ee ciidamada Xuutiyiinta Yemen ay ka wadaan dalka Yemen oo bilowday 17-kii October.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 13/01/2024

0

Sabti jan-13 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Cabdimaajid Cabdiraxmaan Aadan

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys Isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Abiya Waa nin Waalan anaga Damciisa Badda Jab ayuu nagala Kulmayaa”

0

Sabti jan-13 2024-{HMC}  Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudaha “Abiya Waa nin Waalan oo Ethiopia meelkasta ku Dhufanaya anaga Damciisa Badda Jab ayuu nagala Kulmayaa”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} General Biixi oo ka sheekeeyey dagaaladii uu la galay iyo magaaloyinkii uu la qabtay Suul-nuuge.

0

Sabti jan-13 2024-{HMC} General Biixi oo ka sheekeeyey dagaaladii uu la galay iyo magaaloyinkii uu la qabtay AUN Taliye Suul-nuuge.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Koofur Galbeed oo ku dhawaaqay in ay iskaga baxeen tartanka Ciyaaraha ee Ka socday Muqdisho

Jimco jan-12 2024-{HMC} Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Koofur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in ay iskaga baxeen tartanka ciyaaraha Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in aysan mar danbe kasoo qaybgeli doonin tartankaan, sababa la xariira in markii labaad gaari ay saarnaayeen ciyaartooyda maamulkaas weerar lala beegsaday.

Koofur Galbeed waa maamul goboleedkii ugu hooseeyay ee tartanka, waxaana u harsanaa hal kulan oo ay la ciyaari lahaayeen maamulka Hirshabelle.

Rajada kooxda kubada cagta Maamulka Koofur Galbeed ee in ay sii ciyaarto tartankaan ayaa awalba ahayd 10% marka loo fiiriyo dhibcaha ay heysatay iyo in ay waajaheyso Hirshabelle oo hal dhibic ka sarreysa.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 12/01/2024

0

Jimco jan-12 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Abdirahman muse

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys Isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Press Statement: ATMIS condemns mortar attacks at Halane Base Camp in Mogadishu

0

Friday jan-12 2024-{HMC} The African Union Mission in Somalia (ATMIS) strongly condemns the mortar attacks launched at the Halane Base Camp last night by the terrorist group, Al-Shabaab.

{DAAWO MUQAALKA} Nin Xaaskiisa ku Dilay Dagmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Kadib Karkii uu ku arkay,,.

0

Jimco jan-12 2024-{HMC} Fal argagax leh ayaa maanta ka dhacay Degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan kadib markii nin dhalinyaro ah uu dilay xaaskiisa sideey ay Hiiraanweyn u sheegeen dad goob joogayaal oo ku sugan xaafada uu falka ka dhacay.

 

Allaha u naxariisteen Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maryamo Nuur Meeyle waxaana ninka dilay lagu magacaabo Maxamed Cabdulaahi Cismaan kaas oo ahaa seygeeda.

 

si rasmi ah looma oga sababta dhabta ah ee ka danbeyso dilka Allaha u naxariisteen Maryan Nuur Meeyle oo maanta seygeeda ku dilay Jalalaqsi.

 

Dadka xaafada oo ku soo baxay falkan argagaxa leh ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Maxamed Cabdulaahi Cismaan oo loo haysta dilka xaaskiisa, waxaana loo gudbiyay ciidamada amaanka degmada Jalalaqsi.

Waxii warar ah ee kasoo kordha dhacadada aragagaxa leh ee ka dhacay Degmada Jalalaqsi halkan ayaa idiin kugula wadaagi doonaa.