Home Blog Page 2968

Ilaalo ka tirsan Qaramada Midoobay oo lagu dilay weerar hoobiye oo ka dhacay Muqdisho

0

Jimco jan-12 2024-{HMC}  Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey weerar hoobiye oo lagu soo qaaday xalay, kaasi oo uu ku dhintay mid ka mid ah ilaalada Qaramada Midoobe.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in tiro hoobiyeyaal ah ay xalay kusoo dhaceen aagga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, oo dhismaha xafiiska Qaramada Midoobe uu ku dhex-yaallo.

“Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan xaqiijinta ammaanka iyo nabad-galyada shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeynaya taageerada nabadda iyo dowlad-dhisika Soomaaliya. Waxaan cambaareyneynaa falkan rabshadda ah, waxaana dareenkeena uu la jiraa qoyska iyo saaxiibada dhibbanaha inta lagu jiro waqtigan adag,” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

Ka sokow dhimashada weerarka ayaa sidoo kale gaystay waxyeello soo gaartay kaabayaasha Qaramada Midoobe. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sheegatay in kooxda ay fulisay weerarka.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku baaqday in dadka mas’uulka ka ah weerarkan la horkeeno sharciga, waxayna sheegtay inay weli ka go’an tahay inay shacabka iyo dowladda Soomaaliya ka taageerto dadaallada lagu dhisayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

UN condemns deadly mortar attack on Aden Adde International Airport area

0

Mogadishu, 12 December 2023 – The United Nations in Somalia strongly condemns a mortar attack which killed a member of the UN Guard Unit on Thursday.

“The UN Guard Unit plays an integral role in ensuring the safety and security of UN staff working in support of Somali peace- and state-building. We condemn this act of violence, and our thoughts are with the family and colleagues of the victim during this difficult time,” said the UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, Catriona Laing.

A number of mortar rounds landed inside the Aden Adde International Airport area, in which the UN Compound is located, on Thursday night. In addition to the death of a UN Guard Unit member, the mortar rounds damaged infrastructure. Al-Shabaab has reportedly claimed responsibility for the attack.

The UN in Somalia calls for those responsible to be brought to justice, and remains committed to supporting the people and government of Somalia in their efforts to build peace and stability in the country.

Maraykanka iyo Britian ayooa bilaabay weerarro ballaaran oo ka dhan ah Xuutiyiinta

Jimco jan-12 2024-{HMC} — Maraykanka iyo Britian ayaa bilaabay weerarro ballaaran oo ka dhan ah, kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran, iyaga oo uga aargudanaya, in ka badan labaatan weerar oo dhowaan uu ururkaasi la beegsaday maraakiibta isaga kala gooshta marinka caalamiga ah ee Badda Cas.

Saraakiil Maraykan ah, oo ka gaabsaday inay magacooda sheegaan, maadaama oo aan loo ogolayn inay warbaahinta la hadlaan, ayaa sheegay in ciidamada milateriga ee Maraykanka iyo Ingiriisku, inay weerar ku qaadeen, in ka badan toban bartilmaameed oo ay leeyihiin kooxaha Xuutiyiintu, kuwaas oo isugu jira, goobo tababar, iyo meelo lagu kaydiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Waa markii ugu horraysay ee la duqeeyo, xarumaha xuutiyiinta ee ku yaalla gudaha Yemen, tan iyo markii ay bilaabeen weerarada ka dhanka ah, maraakiibta maraysa badda cas, iyaga oo sheegay inay garab-istaag u muujinayaan shacabka Falastiiniyiinta.

Waxaa jiray illaa 27 weerar oo laga soo abaabulay goobaha ay Xuutiyiintu ka maamulaan dalka Yemen, tan iyo wixii ka dambeeyey bishii November ee sannadkii hore.

Salaasadii, taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka, oo dusha kala socda hawlgallada ciidamada Maraykanka ee bariga dhexe iyo koonfurta Aasiya, ayaa sheegay, in kooxda Xuutiyiintu ay qaadeen weerar adag oo ay adeegsadeen illaa 18 diyaaradood oo ah, nooca aan duuliyaha lahayn, iyo illaa saddex gantaal , kuwaas oo lala beegsaday gaadiidka badda ee maraya biyaha badda cas.

Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka, oo ay wehelinayaan, Maraakiibta dagaalka ee Ingiriiska iyo Maraykanka, ayaa dhacdadaas ka jawaabay, iyaga oo soo riday diyaaradahaas iyo gantaaladaba, kana hortagay khasaarihii ay geysan lahaayeen.

Ka hor intii aan Maraykanka iyo Ingiriisku aanay weerarka qaadeen, waxaa jiray, saraakiil Maraykan ah oo u digay Xuutiyiinta iyo Iranba, inaanay ku kicin falal jar iska xoornimo ah oo sharci darro ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Beesha Coldoon oo ku Hanjabtay in ay Afduuban Doonaan Caruurta Muuse Biixi

0

Jimco jan-12 2024-{HMC} Besha uu ka so jeedo wariye ahne Samafale Cabdi maalik muuse Coldoon oo shir ku qabatay deegaanada Soomaaliland ayaa ku han jabay hadii 24 saac lagu siideyn waayo wiilkooda in ay Afduubanayaan Caruurta Muuse Biixi.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUUQAALKA} Hooyadda dhashay Wariye Cabdi-Maalik Muuse Col-Doon oo ka hadashay xaalada wiilkeeda.

0

Jimco jan-12 2024-{HMC} Hooyadda dhashay Wariye Cabdi-Maalik Muuse Col-Doon oo ka hadashay xaalada wiilkeeda.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA.

{DAAWO MUUQAALKA} DF oo si Adag uga jawaabtay war kasoo baxay Soomaaliland oo la xiriirka kiiska badda.

0

Jimco jan-12 2024-{HMC} DF oo si Adag uga jawaabtay war kasoo baxay Soomaaliland oo la xiriirka kiiska badda.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 12/01/2024

Jimco jan-12 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdirahman Mo,alim muse

Farsamadii : Cabdimajiid Aweeys Isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Itoobiya oo markale Soo saartay hanjabaad ku aadan qaadashada badda Somalia

Jimco jan-12 2024-{HMC} – Dowladda Itoobiya ayaa soo saartay hanjabaad ku wajahan qaadashada badda Soomaaliya, xilli mucaarado xooggan uu la kulmayo heshiiska uu Abiy Ahmed la saxiixday madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

La-taliyaha amniga qaranka ra’iisul wasaraaha Itoobiya Redwan Hussein ayaa sheegay in markii Itoobiya ay sameynaysay biyo-xireenka webiga Nile ee GERD, ay sidoo kale la kulantay hajnabaado iyo cabsi gelin, oo aysan dhag jalaq u siin, sidaas oo kalena ay ku qaadan doonto badda.

“Kuma aynan guuleysan biyo-xireenka dib-u-curashada, ayada oo naloo sacab tumayo, balse ayadoo meelo dhow iyo fog na looga soo dirayo hanjabaado iyo cabsi gelin cir iyo dhul ah, iyo annaga oo iska caabinay dhammaan cadaadisyo noocyo kala duwan ah. Albaabka badda na sidaas oo kale ayuu noqon doonaa,” ayuu yiri.

Balse Redwan ayaa hilmaamsan farqiga u dhaxeeya webiga Nile iyo badda Soomaaliya, oo ah in Nile uu dhex maro dhulka Itoobiya, badda Soomaaliya ay tahay mid dal madax-banaan.

Si kastaba, hadalka Redwan Hussein ayaa caddeyn buuxda u ah in tallaabada uu qaaday Abiy Ahmed ay tahay mid aan kaftan iyo cayaar aheyn, oo ay ka go’an tahay inuu xoog ku qaato badda Soomaaliya, isaga oo aqoonsi been ah ku maaweelinaya Somaliland.

Is-afgaradka dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, ayey Somaliland sheegtay in ay aqoonsi uga heleyso Itoobiya, taas beddelkeedana ay dhul dhan 20km oo bad ah ka kirayso Itoobiya.

Balse Itoobiya ayaan weli xaqiijin inay aqoonsan doonto Somaliland, balse waxay sheegtay in marka ay badda hesho kadib ay dersi doonto arrinta aqoonsiga, taasi oo caddeyn u ah in Muuse Biixi uu macno la’aan ku saxiixay badda.

Itoobiya ayaan raadineyn kaliya bad ay dekad iyo saldhig ciidan ka sameysato, balse waxay dooneysaa dhul Soomaaliya ka mid ah oo kasoo baxa xuduudda Itoobiya oo ku xiran illaa badda oo ay qaadato, si ay uga baxdo bad la’aanta.

Dowladda iyo shacabka Soomaaliya ayaa sheegay inaysan aqbali doonin in taako ka mid ah dhulka Soomaaliya ay qaadato Itoobiya oo ay ka xigaan dagaal iyo dhimasho.

Sacuudiga oo ka Horyimid damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya

Jimco jan-12 2024-{HMC} – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa bayaan ka soo saartay damaca dowladda Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, kaas oo gilgilay Geeska Afrika.

Sacuudiga ayaa si buuxda u garab istaagay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana bayaanka ka soo baxay Sacuudiga lagu sheegay muhiimadda ay leedahay ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bayaanka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in loo hoggaansamo mabaadi’da deris-wanaagga, lagana fogaado wax kasta oo xiisadda iyo colaadaha gobolka sii kordhinaya.

Sacuudiga ayaa dalbaday in laga wada shaqeeyo nabad-gelyada iyo xasilloonida gobolka, taas oo muhiim u ah horumarinta iskaashiga iyo isdhexgalka dalalka gobolka.

Madaxweynaha dalka Jabuuti oo ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD ayaa caawa ku baaqay in shir deg deg ah oo looga hadlayo damaca guracan ee Itoobiya iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya.

Shirkaan oo ka dhici doona 18-ka bishaan dalka Udanda ayaa looga jawaabayaa baaqii Soomaaliya ee ahaa in wadamada IGAD kulan ay ka yeeshaan damaca Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya waxaa doodeeda ka mid ahaa in tallaabada ay qaaday Itoobiya ay ka soo horjeedo shuruucda IGAD iyo dhammaan shuruucda kale ee caalamka.

Dowladda Jabuuti ayaa u muuqata inay door firfircoon ka qaadaneyso sidii loo dejin lahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo xubno muhiima ka ah ururkaan IGAD.

Dowladda Soomaaliya ayaa diblomaasiyadda uga adkaatay Itoobiya, waxayna dalalka ugu muhiimsan caalamka uga digeen Itoobiya damacaan guracan ee badda Soomaaliya ay ku dooneyso.

 

Shiinaha iyo Sacuudiga oo taageeray madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Jimco jan-12 2024-{HMC} WASHINGTON — Dawladaha Shiinaha iyo Sucuudiga ayaa sheegay inay taageeryaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Shiinaha ayaa sheegay inay rajaynayaan in waddamada gobolku ay xallin doonaan arrimaha gobolka iyaga oo u maraya hab diblomaasiyadeed.

Dawladda Sucuudiga ayaa iyaduna sheegtay inay muhiim tahay degganaanshaha gobolka, waxayna carrabka ku adkaystay sida loogu baahan yahay in la ilaaliyo mabaadii’da deris wanaagga.

Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa bilaabatay 1-dii bishan kadib markii ay is-afgarad kala saxiideen Itoobiya iyo Somaliland kaasi oo mas’uuliyiinta Somaliland sheegeen inuu u horseedayo inay Itoobiya aqoonsato iyadoo taas beddelkeedana Somaliland ay dhul 20km oo bad ah ka kiraynayso Itoobiya.

Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay is-afgaradkaasi oo ay sheegtay inuu xadgudub ku yahay madaxbannaanida iyo midnimadeeda dhuleed, waxayna Soomaaliya u tixgelisa Somaliland qayb ka mid ah Soomaaliya.

Laakiin dhinaca kale Itoobiya iyo Somaliland labaduba waxay difaaceen is-afgaradka. Somaliland waxay ku sheegtay war saxaafeed ay toddobaadkan soo saartay in dawladda Soomaaliya ay turjumaad qalad ah ka bixinayso is-afgaradkaasi, Somaliland-na aysan ka mid ahayn Soomaaliya, sida war saxaafadeedkaas lagu sheegay.

Itoobiya waxay dhinaceeda sheegtay in is-afgaradkaasi uusan cidna dhibaagto ku ahayn.