Home Blog Page 2969

{DAAWO SAWIRADA} Shiinaha oo ka so horjeestay Heshiiskii Somaliland Iyo Itoobiya ee Badda Soomaaliya

0

Khamiis -Jan-11-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miradhal ah la qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Fei Shengchao.

Safiirka ayaa la wadaagay madaxweynaha taageerada Shiinaha ee ku aaddan gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahadceliyay mowqifka adag ee dowlada Shiinaha ay ku garab istaageen qaranimada iyo madaxbaaninda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo muujiyay muhiimadda ay u leedahay ilaalinta sharuucda caalamiga ah, xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka.

Safiir Shiinaha Mudane Fei Shengchao ayaa tilmaamay in Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ay u aqoonsan tahay Somaliland in ay tahay qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay adkeynayso ilaalinta Axdiga Qaramada Midoobay.

Soomaaliland oo sheegtay in Soomaaliya ay heshiis qarsoodi ah la gashay Dowladda Itoobiya.

0

Khamiis -Jan-11-{HMC} Soomaaliland ayaa maanta sheegtay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay si qarsoodi ah Dowladda Itoobiya ula gashay heshiis qarsoodi ah oo dhinaca badda ah.

Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka Arrimaha Guddaha Soomaaliland, oo ka jawaabayay diidmada ay dowlada Soomaaliya ka muujisay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, ayaa sheegay in Soomaaliyaba ay heshiis la gashay Itoobiya.

 

Mr Kaahin ayaa yiri:”Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo heshiis lasoo galay dalka Itoobiya, oo ula soo galay in ay iska kaashanayaan arrimaha badda iyo dhulkaba, heshiiskan oo qarsoodi ahaa, inaga heshiiska madaxweynuhu markuu madaarka kasoo dagay ayuu dadka uga waramay”.

 

Wasiirka ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay dagaal kula jirto Soomaaliland iyo in ay been abuur ka samaynayso heshiiska labada dhinac, isaga oo sheegay in ay is difaaci doonaan markasta.

 

Wasiirku waxa uu dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay Al Shabaab iska kaashanayaan burburinta Soomaaliland, iyada oo dowlada federaalku ay sheegtay in kaniisada Itoobiya ay imanayso Somaliland, taasi oo uu wasiirku ku sifeeyay qorshe la doonayo in dadka lagu kiciyo.

 

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa aad uga soo horjeedsatay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo mudaharaado ay dowladu soo abaabushay ay maalintii labaad ka dhaceen gobolka Banaadir.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 11/01/2024

Khamiis jan-11 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdi Majid Aweys

Farsamadii :Cabdiraxmaan Macalin muse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

 

Iran oo la wareegtay markab shidaal oo lagu magacaabo St Nikolas

Khamiis -Jan-11-{HMC}  Iran ayaa gacanta ku dhigtay Markab shidaal siday oo marayay Jaziirada Marshal sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Kooxo hubeysan oo wajiyada soo xirtay ayaa lagu soo waramayaa in ay fuuleen markabka St Nikolas oo ku dhow dekedda Sohar ee dalka Cumaan, waxayna ku amreen in uu u soo shiraacdo deked ku taalla dalka Iiraan.

Ma cadda sababta loo beegsaday Markabka. Doonta St Nikolas waxa uu mareysay inta u dhaxaysa dekedda Basra ee dalka Ciraaq iyo halkii loogu talo galay ee uu usocotay markii hore oo ah Turkiga.

Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Midowday (UK) ayaa sheegay Khamiista inay heleen warbixin sheegaya in afar ilaa shan “qof aan la ogolayn”, oo lagu soo waramayo inay xireen dad dhar madow ku labisan oo wejiga xiran kadib markii ay fuuleen markabka 03:30 GMT.

Waxa ay intaa ku dareen in isgaarsiinta Markabka ay luntay, islamarkaana maamulka uu baarayo.

Warbaahinta dowladda Iran oo soo xiganeysa ciidamada ayaa markabka ku tilmaamay mid Mareykan laga leeyahay.Macadda sababta ay Iiraan ugu tiilmaamatay in Mareykanka laga leeyahay.

MarkabKA waxaa laga leeyahay Giriiga.

Shiinaha oo ka hor yimid damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya

Khamiis -Jan-11-{HMC}  Dowladda Shiinaha oo markii ugu horreysay ka hadashay damaca dowladda Itoobiya ee Badda Cas, ayaa waxa ay taageero u muujisay dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in ay ilaalinayso mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay.

Afhayeen Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Mao Ning oo warbaahinta la hadashay ayaa tiri, “Shiinuhu wuxuu u taagan yahay ilaalinta ujeedooyinka iyo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay wuxuuna ka taageeraa wadamada ilaalinta madax banaanida iyo midnimada dhuleed.”

Afhayeenka ayaa sheegtay in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya, muhiimna ay tahay in la wada ilaaliyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. “Shiinuhu waxa uu dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ka taageeraa ilaalinta midnimada qaranka, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed.”

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ugu baaqday dalalka geeska Afrika in ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha gobolka ka taagan,

“Dhanka kale, waxaan rajaynaynaa in dalalka gobolku ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha gobolka si ay wadahadal diblumaasiyadeed ku gaaraan horumar guud iyagoo yeelanaya iskaashi saaxiibtinimo.” ayey hadalkeeda ku soo xirtay Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda

January 1, 2024-ka magaalada Addis ayaa is-afgarad waxaa ku dhexmaray Ra’iisull Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixi, tallaabadaan ayaa ah mid ku xadgudbaysa qarannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

0

Khamiis -Janaury-11-{HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dadkii La socday Diyaaradii Shalay ku degtay Xiindheere oo Qaarkood la dilay iyo kuwa ka baxsaday AS

0

Khamiis -Jan-11-{HMC} Wali waxaan xog dhameystiran laga helin diyaaradda nuuca qumaatiga u kacda ee shalay u gacan gashay Al Shabaab, taas oo sida la sheegay cillad ku timid darteed caga dhigatay goob ay maamulaan Ururka al Shabaab.

 

Diyaarada Helicopterka ah ayaa waxaa ay ka so kicitantay magaalada Beledweyen ee Gobolka Hiiraan, waxaana ay ku sii jeedday Fariisimo Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug.

 

Balse xogo hoose oo ay ka helayso Warbaahinta Hiiraanweyn Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in guud ahaan tirada dadka saarnaa diyaaradda ay ahaayeen sagaal ruux.

 

Xogtan ayaa sheegeeyso in dadka diyaaradda saarnaa ay kala ahaayeen Askari Soomaali ah, kalkaaliso Yuugaaandhays ah, dhaqtar Masaari ah, laba ruux oo u dhashay dalka Kenya iyo afar ruux oo ahaa shaqaalaha diyaaradda oo u dhashay dalka Ukraine.

 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in Al Shabaab ay dishay dhaqtarka masaarida ah, halka askariga Soomaaliga ah iyo kalkaalisada Yugaandhayska ah ay ka baxsadeen goobta.

 

Lixda qof ee ay gacanta ku dhigeen al Shabaab ayaa lagu sheegay laba ruux oo u dhashay Dalka Kenya oo kala ah rag iyo haween iyo afarta ruux ee u dhashay Ukraine.

 

Xiriir aan la sameynayay dawlad goboladkeeda Galmudug waxa ay sheegeen in ilaa iyo haatan aan wax war ah laga hayn labada qof ee baxsaday oo aysan soo gaarin deegaannada ay ka arrimayaan.

 

Dhinaca kalae Wasiirka warfaafinta ee dawladda federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa wakaaladda Reuetrs u sheegay in dhinacooda ay wadaan dadaal lagu soo furanayo dadka gacanta ugu jira Al Shabaab.

 

Diyaaradda oo la sheegay in ay ku diiwaan gashaneyd lambarka UNSOW RW 667 ayaa xogtaan lagu sheegay in ay si deg deg ah ugu degtay meel u dhaw deegaanka Xiin dheere Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug kadib markii ay Cilad ku dhacay mid kamid ah baalasha diyaaradda helicopter ka ah.

 

Arbacadii Shalay qayaasta markii ay saacaddu ahayd 01:30 pm ama duhurnimo ee xilliga Soomaaliya ayaa la sheegay in diyaaradaan ay ku dagtay duleedka Deegaanka Xiindheere oo ah goob ay Maamulaa Al shabaab.

 

Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in guud ahaan dadkii saarnaa diyaaradda aysan ahayn shaqaale iyaga u shaqeeya.

 

Warar aana la xaqiijin oo aan ka helayno aagga ay diyaaradaan Helicopterka ah ee ku dagtay ayaa sheegaya in Al Shabaab ay jareen guud ahaan isagaarsiintii gudaha, ka hor inta aysan wadanin dadkii saarnaa diyaaradda.

 

xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay joojiyeen guud ahaan duulimaadyadii ay ka sameyn lahaayeen gobolka Galgaduud, sida aan ka helnay ilo ka tirsan Qaramada Midoobay. Sidoo kale muddo 48 saacadood ah oo ka bilaabaneysa markii diyaaradaas la afduubtay ayay sheegeen in ay ay joojiyeen guud ahaan duulimaadyadooda diyaaradaha sida qumaatiga u kaca ah.

 

Waxaa la sheegay in diyaaradaan ay waday daawo iyo sidoo kale shaqaale caafimaad oo doonayay inay gargaar u fidiyaan ciidamada furimaha ku sugan.

Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee lagu magacaabo ATMIS ayaa la sheegay  in heegan laga galiyay goobaha ay diyaaraduhu isticmaalaan oo dhan.

Iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Magaalada Baladweyne.

0

Khamiis -Janaury-11-{HMC} Taliyaha Nabad-sugida Magaalada Baladweyne, Aweeys Maxamed Cali ayaa Goordhow ku dhawacmay Shaqaaqo ka dhacday Xaafada Howl-wadaag.

Howlgalka Taliyaha ku dhawacmay waxaa Sidoo.Kale ku dhintay hal askari oo ka tirsan Ciidamada Nabad-Sugida Magaalada Baladweyne, waxaana rasaas ku furay Qof kamid dadka Deegaanka oo Ciidamada ay doonayaan in ay Xiraan.

Ciidamada Nabadsugida Magaalada ayaa buux dhaafiyay Goobta Shaqaaqada ka dhacday, kuwaas oo doonayaan in ay gacanta kusoo dhigaan, nin la sheegay in uu ka dambeeyay Dhawaca Taliyaha iyo Dilka Askariga Kale.

WIXII KASOO KORDHA HALKAAN KALA SOCO @Hiiraanweyn.net

Eritrea ‘voices support for Somalia’ amid Ethiopia row

0


Thursday January 11, 2024

Somalia’s president says his Eritrean counterpart has declared support “for Somalia’s sovereignty” amid tensions with Ethiopia over a controversial sea access deal.

Eritrean leader Isaias Afwerki voiced this stance in a meeting with Somali President Hassan Sheikh Mohamud yesterday, state-run Somali National News Agency reported.

The Somali leader also made comments to the same effect to the Eritrean press, but there was no official statement on the issue by Mr Afwerki’s government.

Mr Mohamud, who was on a two-day visit to the Eritrean capital Asmara, said he had briefed Mr Afwerki on the current sea access row.

Tensions were sparked at the beginning of last week after Ethiopia signed a deal with the self-declared republic of Somaliland.

The agreement would give Ethiopia commercial and military access to a port in the breakaway region.

Somalia called the deal an act of aggression – it considers Somaliland a part of its territory and has vowed to defend its sovereignty.

Somaliland is not recognised as an independent nation by any other country or major global organisation.

Before travelling to Asmara, President Mohamud said his government “will seek the support of any ally willing to help us”.

Somali state media reported that Mr Mohamud will also travel to Cairo “soon” after receiving an invite from his Egyptian counterpart, Abddul Fattah al-Sisi.

Milatariga dalka Nageria oo qaaday tallaabo deg deg ah kaddib muuqaal carro dhaliyay oo la baahiyay

Khamiis -Janaury-11-{HMC} Baraha bulshada waxaa si weyn loogu baahiyay muuqaal carro badan ka abuuray gudaha dalka Nageria, kaddib markii ciidamo katirsan milatariga dalkaasi qof shacab ah kula kaceen fal ka baxsan anshaxa ciidanka

 

Muuqaalka baraha bulshada lagu baahiyay ayaa laga dhax arkayay labo askari oo mid kamid ah dareeska ciidanka xirnaa , kuwaa oo si naxariis darro ah u garaacayay una laadayay qof shacab ah oon shaar xirneyn

 

Baraha bulshada ayaana laga arkayay muuqaalka lagu baahiyay ninka la jirdilayay oo qeylinaya kana codsanaya askarta in ay u naxariistaan, balse askarta ayaa dhagaha ka fureestay ninkan kuna sii waday garaacsista

 

Muuqaalkan ayaana carro badan ka abuuray gudaha dalka Nageria, waxa ayna dadkii daawaday ka codsadeen ciidanka in tallaabo deg deg ah laga qaado askartii ku kacday falkaasi aadka looga naxay

 

War kasoo baxay milatariga Nageria ayaa lagu sheegay in la xiray lana aqoonsaday labada askari ee ku kacay falka naxariis darada ah, waxa ayna milatariga sheegeen in askartaasi wax u dhimeen sgarafta ciidanka lagana qaadi doono tallaanada ku habboon

 

Jir-dilkan ciidanka milatariga Nageria u geesteen qofka shacabka ah ayaa ka dhacay gobolka Rivers ee Nigeria, balse si dhab ah looma oga taariikhda rasniga ah uu falkan dhacay iyo sababta ciidabka falkaasi u geesteen.