Home Blog Page 2970

Xukun adag oo lagu riday wasiirkii hore ee dalka Liberia

Khamiis -Janaury-11-{HMC} Maxkamad kutaalla dalka Liberia ayaa xukun adag oo xabsi daa’in ah ku riday wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaaladda dalka Liberia Gloria Maya Musu-Scott , oo lagu helay in ay si ula kac ah u dishay qof ehelkeeda ah

 

Gloria Maya Musu-Scott oo sidoo kale horey usoo noqotay xaakim ayaa maxkamadda ku heshay in ay ku lug laheyd dil bareer ah oo loo geestay shaqsi lagu magacaabo Carlo Musu oo 29 jir ahaa

 

Siyaasiyadan caan ku aheyd u halgamidda xuquuqda haweenka dalka Liberia ayaa hadda ku jirta xabsi kuyaalla dalkaasi, waxaana la filayaa in xukunkan adag ee lagu riday ka qaadato racfaan

 

Gloria Maya Musu-Scott oo 70-sanno jir ah iyo saddex dumar oo kale ayaa maxkamadda ku heshay in ay si ula kac ah dhaawac halis ugu geesteen Carlo Musa, oo markii dambe dhaawacaasi u dhintay bishii June ee sannadkii hore.

 

Bananbixii ugu ballaarnaa oo ka socda Muqdisho iyo waddooyinka oo saakay xiran

Khamiis -Janaury-11-{HMC}  magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka socda dibadbax weyn oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, kadib heshiiskii ay wada galeen maamulka Somaliland iyo Itoobiya

 

Banaanbaxa oo ay ka qayb-galayaan kumanaan shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa haatan ka bilowday isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho

 

Dibad-baxayaasha ayaa ku qaylinaya erayo ka dhan ah Itoobiya oo ku kacday xadgudub ka dhan ah madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya

 

Sidoo kale waxaa xiran waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo lasoo dhoobay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya

 

Goobaha waxbarashada iyo ganacsiyada ayaa sidoo kale la xiray, kadib markii ay amartay dowladda Soomaaliya oo iyadu soo qaban-qaabisay dibadbaxaan

 

Horay reer Muqdisho ayaa u dhigay dibad-bax ay ku diideen heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo uu soo qaban qaabiyay maamulk gobolka Banaadir

 

Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiska Muuse Biixi Cabdi iyo Abiy Axmed, kaas oo Itoobiya loogu saxiixay 20 KM oo kamid ah badda Soomaaliyeed.

Faah faahino laga helayo Dil argagax leh oo ka dhacay Dhuusamareeb

Khamiis -Janaury-11-{HMC}  Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, kadib markii lagu gowracay gabar Itoobiyaan ah oo kasoo jeedo qowmiyadda Oromada

 

Nin mindi ku hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inuu gabadha ku dilay xaafadda Waxar-cadde ee magaaladaasi, kaas oo la sheegay inuu qabay xanuun dhanka dhimirka ah

 

Guddoomiyaha xaafadda ay dhacdadu ka dhacday ayaa ka warbixiyay falkaasi, wuxuuna u sheegay in gabadho ay shaqaale ahayd, isla markaana uu dilay ninka xanuunsan

 

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay in si arxan darran uu ninka u dilay gabadha oo Muslimad ahayd, isla markaana uu dhowr jeer la dhacay tooreyda ama mindida

 

Guddoomiyaha xaafadda Waxar-cadde oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhacdan ay tahay wax ku cusub Dhuusamareeb, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay si dajiyaan

 

“Waxaa ka rabaa bulshada inay is dajiso wuxu way dhaceen xag Ilaahey ayaa ka qornaayeen ka maamul ahaan iyo ka shacab ahaan aad ayaan uga xunahay falkaasi, waa arrin ugub nagu ah” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha xaafadda Waxar-cadde.

{DAAWO MUUQAALKA} Masuuliyiin hor leh oo kusoo biiray banaanbaxa ka socda Muqdisho.

0

Khamiis -Janaury-11-{HMC} Masuuliyiin hor leh oo kusoo biiray banaanbaxa ka socda Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ra’isul wasaare xamse oo kusoo biiray banaanbaxa weyn ee ka socda Magaaladda Muqdisho.

0

Khamiis -Janaury-11-{HMC} Ra’isul wasaare xamse oo kusoo biiray banaanbaxa weyn ee ka socda Magaaladda Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Jawaair ” Dowlada itoobiya waaynu la Dagaalameeyna hadii aysan joojinin Damaceeda”

0

Khamiis -Janaury-11-{HMC} Gudoomiye Jawaair ” Dowlada itoobiya waaynu la Dagaalameeyna hadii aysan joojinin Damaceeda”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Muuse Biixi haddii uusan ka joogin damaciisa badda Hargeysa ayaan calanka Buluuga ka taageynaa.

0

Khamiis -Janaury-11-{HMC} Muuse Biixi haddii uusan ka joogin damaciisa badda Hargeysa ayaan calanka Buluuga ka taageynaa.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Shaqaaqadii dagaalka Askarta waxaa kasoo shaqeeyay saraakiil Ciidan” Cabdiqaadir Aw-Cali Firdhiye.

Khamiis -Janaury-11-{HMC} Shaqaaqadii dagaalka Askarta waxaa kasoo shaqeeyay saraakiil Ciidan” Cabdiqaadir Aw-Cali Firdhiye.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 11/01/2024

Khamiis jan-11 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdirahman Mo,alim muse

Farsamadii : Cabdimajiid Aweeys Isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Mid ka mid ah beelaha dega gobalka Hiiraan oo nabadoon caleema saartay.

Khamiis -Janaury-11-{HMC} Munaasabad Lagu Caleema saarayo mid kamid ah Nabadoonada beelaha Dego Gobolka Hiiraan ayaa lagu Qabtay Duleedka Degamada Matabaan ee Gobolka Hiiraan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA