Home Blog Page 2971

Wararkii ugu dambeeyay ee diyaaraddii u gacan gashay AS

Khamiis -Janaury-11-{HMC} NEW YORK — Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay shilka diyaarad Helicopter ah oo u kireysneyd, isla markaana ‘wadday daadgureyn caafimaad’ taas oo ku dhacay deegaan ka tirsan Galmudug, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska UNSOM.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay waddo dadaallo looga jawaabayo shilkan, isla markaana ay ‘ku howlan tahay ururinta macluumaad dhammeystiran’ oo la xiriira shilka diyaaraddan.

Diyaaraddan ayaa ku degtay degaan u dhow Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Degaanka ay ku degtay ayaa waxaa ka taliya ururka al-Shabaab, waxaana dhowr ilo-wareed oo degaanka iyo saraakiil kaleba ay sheegeen  in diyaaradda iyo shaqaalaha la socday ay u gacan galeen ururka Al-Shabaab.

Illaa hadda ma cadda tirada saxda ah ee shaqaalaha iyo rakaabka saarnaa diyaaradda. Mid ka mid ah mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay la socdeen lix qof, halka ilo wareed kale uu sheegay inay saarnaayeen sagaal qof.

Diyaaraddan ayaa mas’uuliyiintu sheegeen inay ka kacday magaalada Beledweyne ayna u socotay Wisil oo ka tirsan Mudug.

Maxkamadda ICJ oo maanta billaabeysa dhageysiga dacwad ka dhan ah Israa’iil

Khamiis -Janaury-11-{HMC} Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee loo soo gaabiyo ICJ ay billowdo, dhageysiga dacwad ka dhan ah Isra’il kaas oo ay maxkamadda geysay dowladda South Africa.

Koofur Africa ayaa ku eedeysay Isra’il, in ay Gaza ka geysatay danbiyo dagaal oo ka dhan ah Falastiiniyiinta ku nool Gaza isla markaana ay jebisay heshiiskii caalamiga ahaa ee xasuuqa ee sannadki 1948-dii.

South Africa ayaa sidoo kale ugu baaqday garsoorayaasha in ay Israa’iil ku amraan, in ay si deg deg ah u joojiso howlgallada millatari ee Gaza. Dhammaan eedaha ay South Africa soo jeedisay ayaa waxaa beenisay Isra’iil, iyada oo sheegtay in ay koox qareenno ah oo iyada matalaya ay u dirtay, xarunta Maxkamadda ICJ ee magaalada Hague ee dalka Holland.

Afhayeenka Dowladda Israaiil Eylon Levy ayaa Arbacadi sheegay, in Israa’iil ay maanta kasoo hor muuqa doonto Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, si ay isaga difaacdo buu yiri aflagaaddo dhiig leh oo uga timid South Africa.

Dacwaddaan oo la filayo in qaadato muddo sannado ah, ayaa qeybteeda hore socon doonta maanta iyo berri, waxaana lagu furi doonaa dhageysiga eedaha ay soo jeedisay South Africa.

Brazil iyo Colombiya ayaa goor danbe oo Arbacadi shalay ah taageeray kiiska dacwadda ka dhanka ah Israa’iil.

Wararkii Ugu Danbeeyay ee Helikobtarkii u gacan galay AS oo ay ajnabi la socdeen

Khamiis -Janaury-11-{HMC}  Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dayaarad ay Qaramada Midoobay leedahay oo ka soo duushay Beledweyne, kuna sii jeedday Wisil, ay ku degtay deegaan ka tirsan gobolkaas oo ay gacanta ku hayaan kooxda AS.

Dayaaradda oo nooceedu uu ahaa Helikobtar, kuna duulaysay magaca UNSOS, uu  xaqiijiyey wasiirka amniga ee Galmudug Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) in cillad ay qabsatay, ayna degdeg u fariisatay deegaan hoos yimaada Xiindheere oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Wararku waxay intaa ku darayaan in AS ay gacanta ku dhigeen dayaaradda iyo 7 qof oo saarnaa, waxaana dayaaradda oo wasiirku sheegay inay dawo sidday dadka saarnaa ku jiray dad ajnabi ah.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Galmudug  isagoo codsaday in aan magaciisa la soo xigan, ayaa sheegay in cilladda ku timid dayaaradda darteed ay khasab ku noqotay in ay dedgeg u fariisato.

“Meesha ay ku degtay waa meel baadiye ah , ciladda ayaana ku kalliftay inay halkaa ku degto” ayuu yiri mas’uulkaas.

“Dadki reer miyiga ahaa ee deegaankaas ayaa ku soo xoomay dayaaradda oo ku degtay meel u dhaxaysa Xiindheere iyo Xagarrey, ka dibna ayagii (dadka deegaanka) oo ku dheggan dadkii dayaaradda saarnaa ayaa waxaa yimid AS oo sidaas ku soo fara geliyey” ayuu yiri.

Wuxuu xaqiijiyey in mid ka mid ah raggii dayaaradaas saarnaa la dilay. “Waxaa la dilay mid ka mid ah dadkii dayaaradda saarnaa, waana muwaadin Masar u dhashay” ayuu sii raaciyey.

Wuxuu intaa ku daray ay jiraan inay jiraan qaar ka mid ah dadkii Helikobtarka saarnaa oo baxsaday. “Laba ka mid dadkii dayaaradda la socday ayaa baxsaday isla markii ay degtay, waana duuliyihii dayaaradda iyo dhakhtar Soomaali ah” ayuu sii raaciyey.

Mas’uulkaas wuxu kaloo sheegay in afartii qof ee kale ay Al Shabaab u kaxaysteen dhinaca Xiindheere.

Dayaaradda helikobtarka ah ayaa meesha ay ku degtay waxay qiyaastii dhinaca bari ka xigtaa magaalada Dhuusamareeb 76 Kiloomitir.

Wuxuu meesha ka saaray in dayaaraddu ay hub sidday, wuxuuna sheegay in ay iminka doonayaan inay helaan raggii fakaday.

“Waxaan hadda abaabulaynaa ciidan iyo in aan helno raggii Al Shabaab ka badbaaday” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in deegaanka ugu sokeeya ee raggaas ay tagi karaan (oo uu codsaday in aynaan magaca deegaankaas sheegin sababo amni dartood) uu ka socdo abaabul la doonayo in lagu soo hago si aysan duurka ugu sii amban oo ay halka gaaraan.

Wuxuu kaloo intaa ku daray in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa halka ay dayaaraddu fariisatay ayadoo la adeegsanayo xogta dadka deegaanka iyo dayaaradaha duuliye la’aanta ah.

Waragayska Washington Post oo asagana wax ka qoray dayaaradda u gacan gashay Al Shabaab ayaa 3 il-wareed oo magacyadooda qariyey sababo la xiriira xasaasiyadda akhbaarta wuxuu soo qoray in “Al Shabaab ay dayaaradda dab qabadsiiyeen, ayna kaxaysteen tiro shaqaalihii dayaaradda saarnaa ah oo aan la ogayn”.

Wuxuu wargaysku intaa ku daray in gabar afhayeen ah oo ka tirsan hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caawinta hawlgalka ay sheegtay in dhawaan ay war ka soo saari doonaan.

Deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyey wuxuu dagaal kharaar ku dhex maray dawladda Soomaaliya iyo ciidanka deegaanka oo dhinac ah iyo AS.

Xuutiyiinta Yemen oo weerar ka fuliyey Badda cas

Khamiis -Janaury-11-{HMC}  Britain ayaa sheegtay in maraakiibteeda dagaalka iyo kuwa Mareykanku ay iska caabiyeen weerarkii ugu ballaarnaa oo ay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen marinnada maraakiibta caalamiga ah ee badda cas.

In ka badan labaatan gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa la soo riday. Wax dhaawac ah ama burbur ah lama soo sheegin.

Shirkadaha xamuulka qaada ee ugu waaweyn caalamka ayaa aagga ka wareejiyey maraakiibtooda si ay uga fogaadaan badda cas.

Falaagada ay Iran taageerto ayaa sheegaty in ay sii wadi doonaan illaa iyo inta ay Israa’iil ogolaanayso in sahayda gargaarka bini’aadantinimo si buuxda loo geeyo marinka Qasa.

Xuutiyiinta oo ay taageerto Iran ayaa sheegay in gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu garaacay badda cas ay jawaab u tahay weerar Maraykanku ku qaaday kooxdaas todobaadkii hore.

Maraykanka ayaa saddex doonyood oo Xuutiyiin ah ku dejiyey badda cas, halkaasoo ay ku dhinteen dhammaan dadkii la socday, 31-kii December ka dib markii ay rasaas la dhaceen.

Waxay ahayd markii ugu horreysay oo Maraykanku uu bartilmaameedsado xubnaha fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto tan iyo markii ay xiisadda sii korortay bishii Oktoobar.

War qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka milatariga Xuutiyiinta Yahya Sarec ayaa ku sheegay in weerarka Talaadadii uu ahaa “weerar la isku duba riday” oo lagu beegsaday markab Mareykan ah oo “caawinayey” Israa’iil oo ku sugan badda cas.

“Ciidanka Qalabka Sida ee Yemen waxa ay xaqiijinayaan in aysan ka waaban doonin in ay si ku habboon wax uga qabtaan dhammaan khataraha cadowga ah ee ku jira xaqa ay u leeyihiin in ay si sharci ah u difaacaan dalkeenna, dadkeenna iyo qarankeenna,” ayuu Sarreeye ku daray hadalkiisa.

Maxeey Kadawa Hadleen Madaxweyne Xasan Shekh iyo António Guterres?

Khamiis -Janaury-11-{HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres.

Xasan Sheekh iyo Gutarres ayaa kala hadlay xaaladda gobolka Geeska Afrika iyo xasillooni darrada ay abuurayso damaca iyo xadgudubka Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida iyo gobanimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la weadaagay aragtida iyo siyaasada dowlada federal Soomaaliya oo ku dhisan daris-wanaag, iskaashi iyo is-ixtiraam, taas oo ay barbar socoto in dadka iyo dowladda Soomaaliya aysan aqbalayn in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda.

Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa dhankiisa garab istaag u muujiyay madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna cadeeyay in muhiim tahay ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Afhayeenka xoghayaha guud ee QM oo ka hadlay is-afgaradka Somaliland iyo Itoobiya

Abraco Janaury 10 {HMC}  Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe ayaa ka hadlay is-afgaradka ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, kaasi oo ay si aad ah ay uga hortimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Is-afgaradkan ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.” Itoobiya weli ma xaqiijin inay aqoonsaneyso Somaliland, balse waxay sheegtay inay darsi doonto sidii ay arrintaas mowqif uga qaadan laheyd.

Stephane Dujarric, afhayeenka xoghayaha guud ee QM, oo weriyayaasha ay maanta wax ka qeydiiyeen arrintan, ayaa sheegay in xoghayaha guud ee QM António Guterres uu khadka taleefonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxax uu tixgeliyey walaaca Soomaaliya ee ku aaddan Is-afgaradkii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya iyo “Somaliland” ee lagu dhawaaqay 1-dii Janaayo. Xoghayaha Guud waxa uu dib u xusay in Golaha Ammaanku uu si joogto ah u caddeeyay ixtiraamka uu u hayo madax-bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka QM Stephane Dujarric.

“Xoghayaha guud waxa uu rajaynayaa in dhammaan dhinacyadu ay yeeshaan wadahadal nabadeed oo wax ku ool ah si ay uga fogaadaan fal kasta oo xaaladda uga sii dari kara,” ayuu yiri.

Toban qof oo isku qoys ah oo lagu dilay Pakistan

Abraco Janaury 10 {HMC} ISLAMABAD — Toban qof oo isku qoys ah, oo uu ku jiro laba jir, ayaa lagu dilay weerar arxan darro ah oo xilli dambe oo habeen ah ka dhacay waqooyiga-galbeed ee dalka Pakistan, waxaa sidaas Arbacadii sheegay booliska.

Laba nin oo walaalo ah, xaasaskooda iyo lix caruur ah oo da’doodu tahay 12 iyo ka yar, iyo qof marti u ahaa ayaa lagu dilay degmada Lakki Marwat ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa habeenkii Talaadada.

“Baaritaanka hourhdac ah ma soo jeedinayo inuu la xiriiro argagixisanimo,” ayuu taliyaha booliiska degmada Tariq Habib u sheegay AFP.

Khilaafaadka qoysaska ayaa ku badan Pakistan, laakiin gobolka waqooyi-galbeed — halkaas oo bulshooyinku u hoggaansamaan xeerarka sharafta dhaqanka – waxay noqon karaan kuwa rabshado leh, oo sii jira qarniyaal.

“Meesha kama saari karno suurta-galnimada naceyb shaqsiyeed, anaga oo weli wadna baaritaan dheeraad ah oo ku aadan dhacdada,” ayuu sarkaal boolis Mamoor Shah u sheegay AFP.

“Waxaa lagu dilay hub seef ah, qaarkoodna waxaa ku yaallay dhaawacyo xabbad,” ayuu yiri.

Dhacdada ayaa waxaa booliska kusoo wargeliyey deriska qoyska.
Bishii March ee sanadkii tagtay, isla gobolkaas, 11 qof oo uu ku jiro siyaasi caan ka ah deegaanka, ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo lagu eedeeyey khilaaf ka dhaxeeyey laba qoys.

Sidoo kale, 16 qof ayaa daqiiqado gudahood lagu dilay isla gobolkaas bishii May ee tagtay markii laba qoys uu ka qarxay dagaal salka ku haya muran dhuleed soo jiray tobanaan sano.

QM oo War Kasoo Saartay Diyaarad gacanta Ugashay AS

Arbaco jan-10 2024-{HMC} Sida ay sheegtay QM Diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa gacanta ku dhigay Al-Shabaab kadib markii ay ku degtay dhul ay gacanta ku hayaan kooxda hubeysan.

Dhowr qof oo la socotay ayaa lagu soo warramayaa inay qaadeen kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida oo sanado badan dagaalo ka waday Geeska Afrika.

Diyaarada ayaa ku degtay meel u dhow degaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud markii ay soo wajahday cilad farsamo oo deg deg ah, sida lagu sheegay qoraalka. Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku sugan Muqdisho ayaa sidoo kale dhacdadan u xaqiijiyay Aljazeera.

Sida ku cad qoraalka, waxaa diyaaradda saarnaa sagaal rakaab ah oo ay ku jiraan shaqaale militari iyo qandaraasle dhinac saddexaad ah. Lix ka mid ah ayaa la sheegay in kooxda ay kaxeysteen halka 2 ay baxsadeen.

“Dhammaan duullimaadyadii Qaramada Midoobay ayaa si ku meel gaar ah ayaa loo hakiyay ilaa amar dambe,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Diyaaradan ayaa cilad la kulantay wax yar kadib markii ay ka soo duushay magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Gaashaanle Xasan Cali.

“Laba nin oo Soomaali ah iyo dhowr ajaanib ah ayaa saarnaa. Sidoo kale waxa ay siday dawooyin, waxaana la rabay in laga soo daabulo ciidamo dhaawac ah oo laga keenay gobolka Galguduud,” ayuu yiri.

WAR DEG DEG AH:Dowladda Soomaaliya oo War ka so Saartay Diyaaradii ku dhacday Deegaanada Galmudug

0

Arbaco jan-10 2024-{HMC} Diyaarad kuwa qumaatiga u kaca (helicopter) oo ay leedahay Qaramada Midoobay, loona adeegsado dhanka gurmadka degdegga ah oo caawineysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhacdey goob ku taalla Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay ka taliyaan Khawaarijta.

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in diyaaradda ay la soo gudboonaatey cillad farsamo, kadibna ay halkaasi ku dhacdey.

Waxaa diyaaradda saarnaa 8 shaqaale ah oo isugu jiray ajnabi iyo Soomaali. Iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ay ku guda jiraan badbaadinta shaqaalihii saarnaa diyaaradda, ayaa waxan idin idin la soo wadaagi doonnaa hadba waxa ku soo kordha dhacdadan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 10/01/2024

Arbaco jan-10 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Cabdiraxmaan Macalin muse

Farsamadii :Yasiin Ali Ahmed

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO