Arbaco jan-10 2024-{HMC} Sheikh Bashiir Axmed Salaad oo si adag uga hadlay damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco jan-10 2024-{HMC} Sheikh Bashiir Axmed Salaad oo si adag uga hadlay damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco jan-10 2024-{HMC} Dadka nool Degaanka Boon oo hoostaga dagmada Saylac oo isku Dhaarsaday Difaaca Badda Soomaaliya.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco jan-10 2024-{HMC} Maamul gal-Mudug oo war kasoo saaray diyaaradii maanta u gacan gashay AS iyo dadkii saarnaa.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco jan-10 2024-{HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn 1/10/2024
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco jan-10 2024-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa kulamo ku saabsan xoojinta amniga iyo xoreynta dalka kula qaatay qeybaha kala duwan ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo hogaanka Ciidanka Dıfaaca Dadweynaha ee Macawisleey.
Madaxweynaha ayaa Warbixin ka dhageystay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Saraakiisha hoggaaminaya qeybaha kala duwan ee Talisyada Ciidamada oo guullo waxtar leh ka soo hooyay howlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada naf lacaariga ah ee Al Shabaab.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr Xasan Sheekh ayaa la kulmay u Qaabilsanaha Arrimaha Ciidanka Dıfaaca Dadweynaha ee Macawisleey Mudane Cali Jeyte, waxaa uuna kala hadlay sidii loo mideyn lahaa howlgalada Ciidamada Xoogga dalka iyo Ciidamada Difaaca Dadweynaha, si loo dardargelin dagaalka dalka looga ciribtirayo Argagixisada Al shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya xaqiijinta ahmiyadda loo mideeyay Ciidamada Difaaca Dadweynaha iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku bogaadiyey U qaabilsanaha ka miro-dhalinta ujeedkii dowladda Federaalka ee ahaa in la gaaro hadaf mid ah si looga adkaado AL shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyey hoggaanka Talisk Ciidanka Xoogga Dalka iyo u qaabilsanaha Macaawisleeyda in ay xoojiyaan daddaallada naf hurnimada leh ee ay ku beegsanayaan cadowga ummadda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD
Wednesday jan-10 2024-{HMC} A helicopter belonging to the United Nations mission in Somalia has been captured by al-Shabab after accidentally landing on Wednesday afternoon in territory held by the armed group, according to multiple local reports.
At least six aid workers who were on the plane are now being held by the al-Qaeda-linked armed group which has wreaked violence in the Horn of Africa for decades.
The helicopter landed close to Gadoon village in the Galgaduud region due to a technical glitch, according to a UN memo seen by Al Jazeera. A UN official in Mogadishu also confirmed the incident to LAl Jazeera.
According to the memo, there were nine passengers on the plane including military personnel and a third-party contractor. Six of them were reportedly taken by the group while 2 passengers escaped and remain at large.
“All UN flights have been temporarily suspended in the vicinity until further notice,” part of the memo read.
Other details including the nationality of those on board, remain unclear. The Somali government is also yet to comment on the reports.
Arbaco jan-10 2024-{HMC} 10 qof ayaa isku qoys ah, oo uu ku jiro wiil laba jir ah, ayaa lagu dilay weerar arxan darro ah oo xilli dambe oo habeen ah ka dhacay waqooyiga-galbeed ee dalka Pakistan sida ay warbaahinta u sheegeen Booliska wadankaasi maanta oo Arbaco ah.
Laba nin oo walaalo ah, xaasaskooda iyo lix caruur ah oo da’doodu tahay 12 iyo ka yar, iyo qof marti u ahaa ayaa lagu dilay degmada Lakki Marwat ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa habeenkii Talaadada.
“Baaritaanka hor hdac ah ma soo jeedinayo inuu la xiriiro argagixisanimo,” ayuu taliyaha booliiska degmada Tariq Habib u sheegay wakaalada Wararka ee AFP.
Khilaafaadka qoysaska ayaa ku badan Dalka Pakistan, laakiin gobolka waqooyi-galbeed — halkaas oo bulshooyinku u hoggaansamaan xeerarka sharafta dhaqanka – waxay noqon karaan kuwa rabshado leh, oo sii jira qarniyaal.
“Meesha kama saari karno suurta-galnimada naceyb shaqsiyeed, anaga oo weli wadna baaritaan dheeraad ah oo ku aadan dhacdada,” ayuu sarkaal boolis Mamoor Shah u sheegay AFP.
“Waxaa lagu dilay hub seef ah, qaarkoodna waxaa ku yaallay dhaawacyo xabbad,” ayuu yiri.
Dhacdada ayaa waxaa booliska kusoo wargeliyey deriska qoyska.
Bishii March ee sanadkii tagtay, isla gobolkaas, 11 qof oo uu ku jiro siyaasi caan ka ah deegaanka, ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo lagu eedeeyey khilaaf ka dhaxeeyey laba qoys.
Dhawaan ayeey aheyd markii 16 qof ayaa daqiiqado gudahood lagu dilay isla gobolkaas bishii May ee tagtay markii laba qoys uu ka qarxay dagaal salka ku haya muran dhuleed soo jiray tobanaan sano.

SOURCE VOA AND AFP Agency’s
Arbaco jan-10 2024-{HMC} Diyaarad helicopter ah oo sida la sheegay ay leedahay QM kana kacday garoonka diyaaradaha Magaalada Baladwayne kuna sii jeeday degmada Wasil ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay ku dhacday baadiyaha Deegaanka Xiindheere ee Gobolka Galgaduud oo ay maamulaan Al shabaab sida ay Hiiraanweyn u sheegeen saraakiil ka holwgasho garoonka Ugaas khaliif ee Baladweyne .
Diyaaradda ayaa waxaa saarnaa hal qof oo soomaali ah iyo 6 ajaanid ah sida ay saraakiisha garoonka Baladweyne u sheegeen Hiiraanweyn.
Arbaco jan-10 2024-{HMC} Janaayo 10, 2024: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khadka teleefonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Kuwait, Shiikh Dr. Maxamed Sabaax Al-Salem Al-Sabaax, ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhiggiisa dalka Kuwait ugu hambalyeeyay masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoo u rajeeyay in Allaah uu ku guuleeyo xilka. Waxaana uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kuwait.
Arbaco jan-10 2024-{HMC} Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa ka socda kulan dhexmaraya Madaxweynaha la doortey Siciid Cabdulahi Dani, Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole, Cabdiweli Gaas iyo RW hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.
Kulankaan ayaa imanaaya xilli Madaxweyne Siciid Dani dib xilka loogu doortey 8 January, 2024.
Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweynihii Dani la tashiyo kala sameynayo madaxdii hore arimaha Federaalka, arimaha siyaasada Puntland kadib khilaafyo siyaasadeed iyo arimo kale,