Home Blog Page 2990

WAR DEG DEG AH: Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharci burinaya damaca badda ee Itoobiya

0

Sabti jan-6 2024-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland.

Sharcigaan waxaa ansixiyey Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii maalmo ka hor uu khudbad xasaasi ah ka hor jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wakiilada shacabka Soomaaliyeed ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed iyo madaxbannaanida dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sharcigaan uu farriin adag u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in xoojiyaan midnimadooda marxaladdan taariikhiga ah.

Xasan Sheekh ayaa dalbaday in la kala saaro arrimaha siyaasadeed ee laga heshiin karo iyo arrimaha masiiriga ah ee taabanaya mustaqbalka ubadkeenna iyo jiritaankeenna.

ATMIS Police mentor SPF officers on crime prevention

0

Dhobley, 6 January 2024–{HMC} The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) has kickstarted a mentorship programme on crime prevention strategies for Somali Police Force officers in Dhobley.

The initiative, spearheaded by ATMIS Individual Police Officers (IPOs) and personnel from the Reform, Restructuring and Development Unit (RRD), aims to enhance the knowledge and skills of the officers in addressing and preventing violent crimes while maintaining law and order in communities.

“Our core mandate is to mentor Somali Police Force officers. We are carrying out this programme to equip them before the end of the Mission’s mandate in December 2024,” said the ATMIS Police Team Site Leader in Dhobley, Assistant Superintendent of Police (ASP) French Sylvester.

He emphasized that equipping SPF officers with skills in law and order and crime prevention would be one of the main tasks for IPOs this year ahead of the Mission’s exit.

“We want them to be equipped to conduct policing activities professionally when ATMIS departs,” he added.

The Dhobley Police Station Commander, Lieutenant Colonel Mohamed Abdi Omar, expressed gratitude to ATMIS for implementing the mentorship programme.

He acknowledged the programme’s significant role in enhancing professionalism and building the capacity of the SPF in the region.

“The mentorship program is a brilliant idea, as it contributes to the plan of Somali Security Forces taking control of the country’s security after ATMIS exits,” explained Lt. Col. Mohamed.

Topics covered during the mentorship session included neighborhood watch, the use of Closed-Circuit Television (CCTV) and surveillance, community patrols and beat operations among others.

Similar training sessions will be conducted at other team sites as part of an ongoing initiative by ATMIS Police component to enhance service delivery of the SPF.

During the session, the IPOs conducted a thorough inspection of the Dhobley Police Station, documenting daily operations and ensuring adherence to established protocols. The approach aims to promote best practices among the local police officers.

Part of the ATMIS Police mandate includes supporting the SPF through specialised training, advising and mentoring as well as providing operational support such as joint patrols and protection of vital installations.

{DAAWO MUQAALKA} Sidee Ayuu U dhacay Dilka Taliye Suulnuug oo Maanta Lagu dilay Koofurta Gobalka Mudug?

Sabti jan-6 2024-{HMC} Abaanduulihii guutada 18-aad ee Gorgor Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug ayaa maanta u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaal ciidamada dowladda ay kula galeen Al-Shabaab deegaanka Caad ee koofurta Gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa ka dhashay weerar ay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku qaadeen fariismo ay al shabaab ku lahayd duuleedka deegaanka Caad ee Gobolka Mudug.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Shacabka Burco oo ka soo horjeestay heshiis beenaadkii Itoobiya iyo Soomaaliland

Sabti jan-6 2024-{HMC}  Kumannaan shacab ah oo ka careysan heshiis beenaadkii dowladda Itoobiya ay la saxiixatay maamulka Somaliland ayaa màanta isugu soo baxay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

 

Shacabka Magaalada Burco ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada  kuwaas oo si weyn uga soo horjeystay damac gurracan ee Dowladda Itoobiya ku dooneeyso badda soomaaliya.

 

Dadkii ka qeyb galay banaanbaxa ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan isku daygaasi, iyagoo sheegay in aysan aqbali doonin in taako ka mid ah dhulka iyo badda soomaaliya midnaba aan la siin karin.

 

Maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay guud ahaan dalka dibad baxyo waa-weyn oo looga soo horjeeda heshiis benaadka Dowladda Itoobiya ay la gashay Soomaaliland.

 

intabadan Shacabka Soomaaliyeed ayaa si isku mid ah u mujiyeen sida aan marnaba loo aqbali karin ku xadgudubka ay Dowladda Itoobiya ku sameeysay qarannimada ummadda Soomaaliyeed.

Indian navy rescues sailors on board a ship attacked by pirates off Somali coast

0


By Gloria Aradi
Saturday January 6, 2024

Indian navy commandos have rescued sailors on a ship hijacked by pirates off Somalia’s coast on Thursday.

A navy statement said all 21 crew members had been evacuated from the citadel – the vessel’s fortified area.

No pirates were found on the MV Lila Norfolk, it said. A warning had been issued to the pirates before commandos boarded the vessel.

Recent attacks on vessels off Somalia’s coast have triggered concerns that piracy could be making a resurgence.

The ship, named as the MV Lila Norfolk and which bears the Liberian flag, was en route to Bahrain before it was reported as being hijacked east of the Somali port town of Eyl.

Crew members – 15 of whom were Indian – sent a distress signal to a UK marine agency (UKMTO) saying five to six armed people had seized the ship on Thursday evening.

An Indian patrol aircraft was sent to establish contact with them, followed by the guided-missile destroyer INS Chennai.

Somali pirate attacks, often launched from Eyl, were a huge problem for international shipping from 2008 to 2011, prompting countries from around the world to send warships to patrol the area.

One expert told Reuters news agency the recent attacks off Somalia could have been prompted by the relocation of navy ships from the US and other countries from the Indian Ocean to the Red Sea to safeguard shipping from Houthi rebels based in Yemen.

WAR DEG-DEG AH: Taliye Suulnuug oo lagu dilay dagaal ka dhacay Gobalka Mudug.

0

Sabti jan-6 2024-{HMC} Allaha u Naxariisto Abaan duulihii Guutada 18-aad ee ciidamada Gorgor, gaashaanle Cabdi Suulnuug, ayaa la xaqiijiyay in uu ku geriyooday Dagaal culus oo maanta ka dhacay Mudug.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in taliyaha uu markii hore soo gaaray dhaawac, kadibna uu u geeriyooday mar dambe rasaastii haleeshay.

Suulnuug ayaa muddo ku sugnaa furimaha dagaalka, wuxuuna wax ka xoreeyay deegaano badan, sida degmada Aadan Yabaal iyo magaalooyink kale oo ku yaalla gobollada dhexe.

{DAAWO SAWIRADA} Diyaarad iyada oo hawada ku jirtay ay daaqad ka go’day

Sabti jan-6 2024-{HMC} Diyaarad rakaab ah ayaa hawada ku lumisay mid ka mid ah daaqadaheeda, taasoo ku khasabtay in ay si degdeg ah ugu degto gobolka Oregon ee dalka Maraykanka Jimcihii.

Diyaaradda Alaska Airlines oo ah noocay ay samayso shirkadda Boeing ee 737 Max 9 ayaa ku soo laabatay Portland, 35 daqiiqo markay socotay duulimaadkeedii Kalifornia ka dib markii qaybta bannaanka, oo ay ku jirto daaqad, ay soo dhacday.

Alaska waxay sheegtay in diyaaradda oo ay saarnaayeen 177 rakaab ah iyo shaqaalihii diyaaradda “ay si nabad ah u degtay”.

Shirkaddu waxay sheegtay in ay si ku meel gaar ah u joojin doonto dhammaan 65 ka mid ah diyaaradaheeda 737 Max 9 si ay baaritaanno ugu sameyso.

Boeing waxay sheegtay inay ka warhayso dhacdadan ayna “ka shaqaynayso sidii ay xog dheeraad ah u ururin lahayd”.

{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Sucuudi Carabiya oo balanqaad horleh u sameysay Soomaaliya

Sabti jan-6 2024-{HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo fursadaha maalgashi ee jira maadaama dalkeena laga cafiyey deyntii

 

Dhankiisa, Danjire Axmed Al-Mawlid ayaa muujiyey in ay Dowladda Sacuudigu ay diyaar u tahay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyo taageeridda dowladda Soomaaliya ee dhinacyada mashaariicda kala duwan ee horumarineed oo dalka laga hirgeliyo, isagoo si gaar ah u ballanqaaday ay ka qaybqaadan doonaan xasillinta

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay taageerada dowladda Sacuudiga iyo garab istaagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

 

Dowlada Somalia ayaa wada dedaalo diblomaasiyadeed oo oo caalami ah kuwaasoo ay kaga hortagayso gardarada Itoobiya ka wado Somalia iyo heshiiskii guracnaa ee ay la gashay Somaliland

Gudoomiye Aadan Madoobe: 275 Xildhibaan in aan ka wayno 140 Xildhibaan waxa ay natusaysaa in aan shaqo u socon

Sabti jan-6 2024-{HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo maanta ka hadlay fadhiga Golahaas ayaa sheegay in lala xisaabtamayo Xildhibaannada maqan fasax la’aanta

 

Aadan Madoobe ayaa sheegay in si ay u gutaan shaqadooda loogana kaaftoomo kooram la’aanta la billaabayo dabagalka Xildhibaannada si caddaaladda ay ugu sinnaadaan Mudaneyaasha joogtada usoo xaadira iyo kuwa maqan

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Waxa uu amaanay Xildhibaanno uusan shaacin Magacyadooda balse maalin weliba fadhiga xaadira si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee saaran

 

Tiro Xildhibaanno ah ayaa ka maqan fadhiyada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo guddoonkoodu sheegay in aanay jirin cudur-daar rasmi ah ay ku maqan yihiin.

Faah -faahino Laga helayo Dagaal iyo duqeymo ka socda gobolka Mudug

Sabti jan-6 2024-{HMC}  Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta dagaal xoogan uu ka socdo koonfurta gobolkaasi, kadib markii ay weerar culus A,s ku qaadeen ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka

 

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka dhacay deegaanka Jeex-Jeexa oo hoostaga magaalada Caad ee koonfurta gobolkaasi, halkaas oo ay ku xoogan yihiin A,s

 

Weerarkan waxaa si wadajir ah u qaaday ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo Macawiisleyda ka howlgasha deegaanka

 

Sidoo kale waxaa dagaalka oo saaka hore ay qaadeen ciidamada huwanta, soona gaaray illaa duhurkii ayaa waxaa barbar socday duqeymo ay fulinayaan diyaarado dagaal

 

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, maadaama weli uu socda, isla markaana ay xaaladdu tahay mid aad u kacsan

 

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay cagta mariyeen difaacyadii A,s, uuna weli dagaalka ka socdo aagga deegaanka Jeex-Jeexa

 

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay A,s oo ku aadan weerarkaasi dhulka iyo cirka ee maanta lagu qaaday

 

Mudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday howlgallo ballaaran oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka.