Home Blog Page 2991

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 06 01 2024}

Sabti jan-6 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Shugri Baryare maxamuud iyo mustaf ali adow

Farsamadii : Abdi maajid abdirxmaan aadan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

 

{DAAWO MUUQAALKA} Gaadiidley Cabasho ka ah lacago baad ah oo looga qaado Kontoroolada Muqdisho.

0

Sabti jan-6 2024-{HMC} Gaadiidley Cabasho ka ah lacago baad ah oo looga qaado Kontoroolada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} DEG DEG Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay Muqdisho & Askariga dilay oo la qabtay

0

Sabti jan-6 2024-{HMC} DEG DEG Wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay Muqdisho & Askariga dilay oo la qabtay

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Itoobiya oo sheegtay xiliga ay Somaliland aqoonsanayso iyo meesha saldhiga ciidan laga siinayo

Sabti jan-6 2024-{HMC} Itoobiya oo sheegtay xiliga ay Somaliland aqoonsanayso iyo meesha saldhiga ciidan laga siinayo

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Cabdiraxmaan Odaaa oo Markii ugu horeysay ka hadlay Kiiska badda Muxuu ka yiri?

Sabti jan-6 2024-{HMC} Xildhibaan Cabdiraxmaan Odaaa oo Markii ugu horeysay ka hadlay Kiiska badda Muxuu ka yiri?

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Banaanbaxyo looga soo horjeedo Oromadda iyo Muuse biixi oo ka socda Magaaladda Burco.

Sabti jan-6 2024-{HMC} Banaanbaxyo looga soo horjeedo Oromadda iyo Muuse biixi oo ka socda Magaaladda Burco.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO SAWIRADA }Maxaa ka soo kordhay dagaalka milateriga Israa’iil iyo Xoogaga Xamaas?

Sabti jan-6 2024-{HMC} Weerar dhanka cirka ah oo ay Israa’iil qaaday ayaa lagu dilay ugu yaraan 18 qof oo Falastiiniyiin ah ka dib markii ay duqeyn la beegsatay guri ku yaal magaalada Khan Younis ee koonfurta Qaza

Saddex qof ayaa lagu dilay dhowr kalena waa lagu dhaawacay weerar kale ay Israa’iil ku qaadday guri ku yaalla magaalada Deir el-Balah ee Qaza bartamaha dhulka Falastiin

Iska horimaadyo ba’an ayaa laga soo sheegay magaalada Nablus ee daanta galbeed ee la heysto iyo xerada qaxootiga Shu’fat ee la heysto ee Bariga Quddus iyadoo ay socdaan duullaanno ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay duqaymo xagga cirka ah, taangiyada iyo madaafiicda ku garaaceen bartilmaameedyada Xisbullah ee koonfurta Lubnaan Jimcihii.
Ugu yaraan 22,600 oo qof ayaa lagu dilay 57,910 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar

Xerada qaxootiga ee Jabalia ee waqooyiga Gaza ayaa waxaa buux dhaafiyay daadad ka dib markii roobab mahiigaan ah ay ka da’een, sidoo kalena ay xiran yihiin adeegyadii dowladda hoose. Biyaha wasaqda ah ayaa ku qulqulaya xerada, oo hoy u ah kumannaan qof, taasoo keentay cabsi laga qabo cudurrada faafa

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Gaza ay noqotay mid aan la degi karin ka dib saddex bilood oo dagaal ah

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku sugan dalka Turkiga halkaasoo la filayo inuu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan kala hadlo dagaalka Gaza. Blinken waxa kale oo uu booqan doonaa dhawr wadan oo kale oo Bariga Dhexe ka hor inta aanu aadin Israel iyo Daanta Galbeed ee la haysto toddobaadka soo socda

Qoysaska lix qof oo lagu qabtay weerarkii Xamaas ee 7-dii October ayaa gaaray dalka Qatar si ay ra’iisul wasaaraha dalkaas ugala hadlaan dadaallada lagu sii daayo maxaabiista harsan

Rwanda, Chad iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo {DRC} waxay si cad u beeniyeen inay wax wada xaajood ah la galeen Israa’iil oo ku saabsan barakicinta Falastiiniyiinta ee Gaza ee dalalkooda

 

Dowlada Turkiga oo saddex arrin u ballan qaaday Somaliya kadib xadgudubkii Itoobiya

Sabti jan-6 2024-{HMC} Maaxtooyada dalka Turkiga ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay wada-hadal khadka taleefanka ah oo ay Jimcihii yeesheen madaxweyne Rajab Dayib Ordogan iyo madaxweynaha dowlada Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud

 

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in Ordogan uu Xasan Sheekh u ballan qaaday inuu ku garab istaagayo dagaalka ay dowladdiisa kula jirto kooxda Al-Shabaab, ilaalinta madax bannaanida Soomaaliya iyo ka hortegga damaca Itoobiya

 

Sidoo kale Erdogan iyo Xasan Sheekh ayaa isku raacay inay xoojiyaan doorka walaalaha Turkigu ay ka qaadanayaan dib u dhiska iyo dowladnimada Soomaaliya

 

Labada Madaxweyne ayaa tilmaamay muhiimadda ay caalamka u leedahay xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan wada xiriiro caalami ah si uu taageero ugu helo khilaaf culus ee Soomaaliya kala dhaxeeya Itoobiya

 

Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiskii xadgudubka ahaa ee madaxweynaha Somaliland uu la galay dowladda Itoobiya, waxaana socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xasaasi ah

 

Madaxweynayaasha Masar, Turkiga, Qatar iyo madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub ayuu taleefoonka kula xiriiray madaxweyne Xasan Shekh saacadihii lasoo dhaafay, dhamaantood waxay Soomaaliya ku taageereen mowqifka adag oo ay ka istaagtay xadgudubka Itoobiya

 

Si kastaba, heshiiska magaalada Addis Ababa ku dhex-maray maamulka Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhaliyay caro xoogan iyo cambaareyn caalami ah, maadaama uu xadgudub ku yahay qaranimada iyo madax bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

I{DAAWO MUUQAALKA} skuulka Al-biri oo lagu qabtay Munaasabad loogu mahadcelinayay Maamulka & Macalimiinta.

0

Sabti jan-6 2024-{HMC} Iskuulka Al-biri oo lagu qabtay Munaasabad loogu mahadcelinayay Maamulka & Macalimiinta.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xarun lagu dhaqan celiyo dadka oo laga furay Magaaladda Baladweyne.

0

Sabti jan-6 2024-{HMC} Xarun lagu dhaqan celiyo dadka oo laga furay Magaaladda Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA