Home Blog Page 2992

Odayaasha Somaliland oo go’aan lama filaan ah ku dhowaaqay kadib heshiiskii Addis Ababa

0

Sabti jan-6 2024-{HMC}  Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa si weyn uga horyimid heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Odayaasha ku nool magaalada Saylac oo ah halka xudunta u ah heshiiska badda lagu siiyay Itoobiya oo soo hadlay ayaa nasiib darro ku tilmaamay heshiiskaasi.

“Waxaan nasiib darro ah iyadoo isku keeni kari la’yahay in dalka gudihiisa joogtay ee wax wada lahayn in maanta Xabashi baan is dul keeneyna la yiraahdo” ayuu yiraahdeen reer Saylac

Sidoo kale waxa ay odayaasha reer Saylac baaq cod dheer ah u direen shacabka Somaliland iyo guud ahaan Soomaali weyn oo ay ka dalbadeen inay diidaan heshiiskaasi.

“Waxaan ugu baaqeynaa cid kasta oo Somalilander ah ama Soomaali weyn ah halka ay doonto ha joogto oo aqoon leh oo lix jeclo ka qabta dalkeeda iyo baddeeda inay ka hadlaan oo arrintaasi foosha xun ay is hortaagaan” ayuu yiri oday ka mid ah dadka reer Saylac.

Dhinaca kale waxaa sidaan oo kale heshiiska Addis Ababa uga horyimid Beesha Ciise ee degta Somaliland, taas oo shir deg-deg ah ka yeelatay in badda lagu wareejiyo Itoobiya.

“Baddan waa bad Soomaaliyeed waa badan ay Soomaali meel kasta oo ay joogto ilaashaneyso weeye tu dheel-dheel lagu bixin karo oo cid kale lagu siin karo Muuse Biixiyow ma’aha” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha Beesha Ciise oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Haddii aad waxaas ka laabmi weydid Beesha Ciise talo ayay ka gaareysaa si deg-deg ah”.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday arrinta aqoonsiga ee ay Somaliland ku bedalatay badda ay ku wareejisay Itoobiya, taas oo uu ku tilmaamay arrin la yaabkeeda leh.

“Aqoonsiga ku doon laguma oran inaad bad iibiso ama barri, badda iyo barriga Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto iyada iska leh cid kale looma daba fariisanayo shaqsi qurana ma iibin karo, mana bixin karo” ayuu mar kale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Somaliland ay dhaleeceyn gudaha iyo dibadda kala kulantay heshiiska Addiis Ababa oo 20 KM oo kamid ah baddeenna ku siisay Itoobiya.

Dalal ka tirsan Midowga Yurub oo si gooni gooni ah uga hadlay Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Sabti jan-6 2024-{HMC}  Midowga Yurub ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu ixtiraamayo “midnimada dhuleed iyo madax-banaanida Soomaaliya”, hase yeeshee waxaa jira dalal xubno ka ah ururkan oo si gooni ah uga hadlay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku salaysan heshiiska is-afgarad ee Muuse Biixi iyo Abey Axmed 1-dii Janaayo ku dhex maray Addis Ababa.

Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya oo barteed X (Twitter-kii hore) ku tixraacday baaqii Midowga Yurub ee ku aadanaa khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa tiri: “Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho waxay la wadaagtaa baaqa Midowga Yurub ee taageerada buuxda ee midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”.

Boqortooyada Denmark ee woqooyiga Yurub ayaa iyaduna si gaar ah uga hadashay arrinkan iyada oo ku biirtay waxa ay ku tilmaantay “xulafada caalamiga ah ee sida qotoda dheer uga walaacsan xiisadda Geeska Afrika ee sii xumaanaysa”.

Safaaradda Dalkan ee Soomaaliya oo sidoo kale barteeda X ku daabacday qoraal ayaa tiri: “Waxaan carrabka ku adkeyneynaa ixtiraamka buuxa ee aan u hayno midnimada dhuleed iyo madax-banaanida Soomaaliya, waxaana ku boorineynaa dhinacyada in ay ilaaliyaan nabadda, raadiyaanna wadahadal xal nabadeed oo waara looga gaaro khilaafka”.

Dalka Holand/Netherland ayaa sidaas si la mid ah bartiisa X ku muujiyey mowqifkiisa dal ahaaneed ee ku aaddan arrinkan.

“Netherland waxay ku biiraysaa Saaxiibada caalamiga ah si aan u xaqiijino in aan si buuxda u taageersannahay midnimada, madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”.

Dhammaan dalalkan ayaa ku baaqay in la ilaaliyo nabadda Geeska Afrika, wadahadalna lagu dhameeyo arrimaha jira.

{DAAWO MUUQAALKA} Odoyaasha Gobalada Waqooyi oo si adag uga horyimid damaca Muuse Biixi

0

Sabti jan-6 2024-{HMC} Odoyaasha Gobalada Waqooyi oo si adag uga horyimid damaca Muuse Biixi

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheekh “Dhulka Soomaaliyeed ee horay nooga maqnaa, talo xumaatay ayuu ku baxay,

0

Sabti jan-6 2024-{HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh “Dhulka Soomaaliyeed ee horay nooga maqnaa, talo xumaatay ayuu ku baxay,

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

Jabuuti oo si aan la fileyn uga hadashay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee BADDA

0

Sabti jan-6 2024-{HMC}  Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay ka hadashay heshiiskii qar iska tuurka ahaa ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu la saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee Itoobiya ay ku qaadaneyso qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Heshiiskaas is-afgaradka ayaa Muuse Biixi uu sheegay inuu dhul-badeed 20 km ah kaga kireynayo Itoobiya, taas beddelkeedna Itoobiya ay si rasmi ah u aqoonsaneyso Somaliland.

Si kastaba, Itoobiya weli dhankeeda kama xaqiijin inay ogolaatay inay aqoonsato Somaliland, balse waxay sheegtay inay dersi doonto sidii ay mowqif uga qaadan laheyd arrintaas.

Hadda Daa’uud Hummad oo ah afhayeenka aqlabiyadda ee madaxtooyada Jabuuti oo la hadlay warbaahinta RFI ee laga leeyahay Faransiiska ayaa sheegay inay doonayaan inay doorkooda diblomaasiyadeed ay ka cayaaraan.

“Marka hore, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay ka xun tahay xiisad dheeraadda ah gaar ahaan mandaqada Geeska Afrika oo horay u soo martay xiisado soo noq-noqday, mushkiladda Soomaalida iyo tan Soomaaliyeedna waxay qusaysaa Soomaalida oo keliya. Annagu kuma faragelin arrimahooda gudaha,” ayuu u Daa’uud Humma u sheegay warbaahinta RFI.

“Waxa aan daacad ka nahay ballanqaadkeena diblomaasiyadeed ee mabaadii’da aasaasiga ah ee quseeya caddaaladda iyo nabadda gobolka geeska afrika.”

“Jamhuuriyadda Jabuuti waxay soo jeedinaysaa in si Soomalinimo oo qoysnimo loo dhameeyo mushkilada, waa taladayada,” ayuu yiri Daa’uud.

“Hadda waxa aan hayna madaxnimada meertada ee uruur goboleedka Igad gaar ahaan Jabuuti oo khibrad u leh arrinta. Dalka Jabuuti waxaa uu horey dhex dhexaadin ka sameeyay oo uu u kala dab qaaday dhibaatada Suudaan ka dibna Somaliya iyo Somaliland. Dalka Jabuuti waxa uu diyaar u yahay inuu khibradiisa u soo bandhigo cidda ay khusayso,” ayuu intaas ku daray Daa’uud Humma.

Dhanka kale waxaan la xirirnay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si ay uga falceliyaan qaabka ay Jabuuti uga hadashay arrintan bale waa ay ka gaabsadeen.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 06/01/2024

0

Sabti jan-6 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Cabdimaajid Cabdiraxmaan Aadan 

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys Isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Dowladda Itoobiya oo mar kale difaacday Is-afgaradka ay la gashay Soomaaliland

0

Jimco jan-5 2024-{HMC} Dowladda Itoobiya ayaa mar kale maanta difaacday Is-fagaradka ay la gashay Somaliland ee sida xooggan ay uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Is-afgaradkan ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.”

Redwan Hussain, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, ayaa wareysi gaar ah oo uu maanta siiyey warbaahinta dowladda ee Ethiopian Broadcasting Corporation (EBC) waxa uu ku sheegay in falcelinta [caalamiga ah] ee ka dhalatay is-afagaradka “aysan aheyn wax aysan fileyn.”

Redwan ayaa difaacay go’aanka ay Itoobiya is-afgaradka kula saxiixatay Somaliland.

Waxa uu ku dooday in “inkasta oo Somaliland aysan helin aqoonsi buuxa, ay horey heshiisyo ula saxiixatay dalal kala duwan, oo ay ku jiraan heshiisyo horumarin dekado.”

Waxa uu tixraacay heshiiskii la saxiixay 2017, ee Itoobiya, Shirkadda dekadaha Dubai ee DP World iyo Maamulka Dekadaha Somaliland ee la xiriiray Dekadda Berbera.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilmaamtay “daan-daansi” ay Itoobiya ugu xadgudbeyso madax-banaanida Soomaaliya, waxayna ka codsatay Qaramada Midoobe iyo Midowga Afrika inay kulamo deg deg ah ka yeeshaan arrintan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta salaaddii Jimcaha kadib khubad ka jeediyey Masaajidka Madaxtooyada, ayaa sheegey in dhulka Soomaaliya “aanan lagu bedelan karin dano gaaban.”

Xigasho VOA

{DAAWO MUUQAALKA} Taliyaha Guutada 22aad ee ciidanka Boliisiyo Milataari oo ka mahadceliyey dhiira galinta ciidamada.

0

Jimco jan-5 2024-{HMC} Taliyaha Guutada 22aad ee ciidanka Boliisiyo Milataari oo ka mahadceliyey dhiira galinta ciidamada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiiro Dhiirigilin u sameeyay Ciidamada sida weyn u sugay Amaanka Magaalada Muqdisho

0

Jimco jan-5 2024-{HMC} Wasiiro Dhiirigilin u sameeyay Ciidamada sida weyn u sugay Amaanka Magaalada Muqdisho

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Koonfur galbeed oo rajadeeda soo ceshatay iyo Gobolka Banaadir oo Diiday ganaaxii lagu so rogay

0

Jimco jan-5 2024-{HMC} Koonfur galbeed oo rajadeeda soo ceshatay iyo Gobolka Banaadir oo Diiday ganaaxii lagu so rogay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA