Home Blog Page 3011

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Cagaweyne La dagaallanka A.S ee ka socda dalka ayaa qeyb weyn ka qaatay amniga caasimadda

0

Axad Dec:-31-2023-{HMC} Xildhibaan Cagaweyne La dagaallanka A.S ee ka socda dalka ayaa qeyb weyn ka qaatay amniga caasimadda

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Ciidan ka tirsan ATMIS oo laga saaray Soomaaliya iyo dalka ay u dhasheen.

0

Axad Dec:-31-2023-{HMC} Ciidan ka tirsan ATMIS oo laga saaray Soomaaliya iyo dalka ay u dhasheen

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Taliyaha Guutada 22 aad ee Boliis Milatari “Ciidamada ayaa isku dhiga Qaraxyadii A,S

0

Sabdi Dec:-31-2023-{HMC} Taliyaha Guutada 22 aad ee Boliis Milatari “Ciidamada ayaa isku dhiga Qaraxyadii A,S

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Musharax Madaxweyne oo ka bad baaday isku day dil xilli uu ka dagay magaalada garawe

Axad December-31-2023-{HMC} Waxaa shalay magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland lagu weeraray musharax madaxweyne Mudane Cabdifitaax Fafdhaal , kaa oo soo gaaray caasimadda Puntland si uu uga bilaabo ololihiisa doorashada.

Musharaxa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la weeraray oo rasaas xooggan lagu furay gaadiidkii galbinayay, xilli uu kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Garawe kuna soo jeeday gudaha magaalada.

Waxa uu sheegay musharaxa in jidka loo galay xilli uu jidka kusoo jiray kuna soo socday magaalada Garawe , waxa uuna xusay in si gaar ah loo beegsaday gaarigii uu saarnaa oo ahaa nuuca aan xabadaha karin.

Musharax Fandhaal ayaa ku eedeeyay maamulka Deni in ay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday, waxa uuna sheegay in Deni iyo kooxdiisa aysan rabin in doorasho xor iyo xalaal ah dhacdo, waxa kale uu tilmaamay in amniga Puntland lagu aamini karin xilligan kooxda talada heysa.

” Waxaa la weeraray gaarigeyga qaaska ah aan xabadu karin, waxaana weeraray ciidamo laga keenay gobolo kale, ujeedka la ii weeraray ayaa aheyd in la caburiyo musharaxiinta ,gaariga aan saarnaa haddii uusan ahaan laheyn nuuca xabada karin ,hubaal inta saaran waa ay ku dhiman lahaayeen ‘ waxaana jira dhaawacyo soo gaaray shacab isoo dhaweenayay ” ayuu yiri musharax Fandhaal.

Musharaxa ayaa sidoo kale sheegay in ujeedka loo weeraray uu ahaa in lakala dhantaalo ololihiisa doorashada, waxa uuna cadeeyay in ammarka lagu weeraray in uu kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Weerarkan lagu qaaday musharaxa ayaa imaanaya xilli doorashada madaxweynaha Puntland iyo xulista xildhibaanada uu khilaaf xooggan ka jiro, kaddib markii isimada Puntland amreen in golaha wakiillada laga reebo xildhibaannada Khaatumo matali jiray.

Kim Jong Un oo heegan geliyay milatariga Dalkiisa Hanjabaadna diray

Axad December-31-2023-{HMC} Dowladda mayalka adag ee Kuuriyada Waqooyi ayaa diyaar garow adag ugu jirta sameysashada hub culus oo nukliyeer ah, si ay isaga difaacdo weeraro ay ka cabsi qabto in Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed kaga yimaado.

Shir xisbiga talada haya ee Kuuriyada Waqooyi muddo shan maalmood ah u socday ayaa gabogabadiisa hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ka jeediyay hadalo u muuqday hanjabaad iyo u diyaar garow dagaal.

Kim ayaa sheegay in ay hawada sare u diri doonaan saddex dayax-gacmeed oo cusub oo basaas ah, isla markaana ay dhisi doonaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka, sidoo kale sare u qaadidoonaan hubka Nukliyeerka sanadka 2024-ka.

Waxa uu sheegay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi in siyaasada Mareykanka horseedeyso dagaal lama huraan ah, waxa uuna ciidamada dalkiisa ku amray in ay u diyaar garoobaan dagaal nukliyeer loo adeegsado ay isku difaacayaan kuna bur burinayaan cadowgooda.

“Sababtu waxay tahay dhaq-dhaqaaqyo aan ka fiirsasho lahayn oo cadowgu nagu soo qaaday, waa guul-darro in dagaal uu xilli kasta ka dhici karo gacanka Kuuriya,” ayuu yiri hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Farriintan hanjabaada ah ay kasoo yeertay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa kusoo aadeysa xilli labada dal ee cadawga koobaad u ah ee Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka doorashooyin muhiim ah ka dhici doonaan sannadka cusub.

Shir muhiim ah oo laga yeeshay amniga Muqdisho

Axad December-31-2023-{HMC} Saraakiisha laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay isugu yimid shir ballaaran oo ku saabsan amniga Muqdisho.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya mudane Maxamed Cali Xagaa, kaas oo ka qabsoomay xarunta taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa shirka ka soo qeyb-galay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir, taliyeyaasha qeybta guud ee booliska iyo NISA, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, taliyeyaasha guutooyinka ciidanka Polizia Militare, taliyeyaasha qeybaha iyo saldhigyada caasimada ee Boliiska iyo Nisa.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa in wax la iska weydiiyo xaaladaha ammaan ee caasimada sanadkan 2023 ee sii dhamaanaya iyo qorshaha sugida iyo adkeynta amniga iyo xasiloonida ee sannadka soo socda ee 2024.

Inta uu shirka socday waxaa sidoo kale saraakiisha laga dhageystay caqabadahii iyo casharadii laga bartay sanadkan iyo sidii loo hagaajin lahaa amniga guud ee dalka gaar ahaan kan caasimada.

Sidoo kale saraakiisha iyo madaxda shirka ka qayb-gashay ayaa ku ballamay in lasii laba jibaaro dadaallada lagu sugayo amniga caasimada oo haatan ah mid deggan.

ulankan ayaa daba socday shir kale oo shalay ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, kaas oo uu ka qayb-galay ra’iisul wasaare Xamza, loogana hadlayay isbeddelka amni ee haatan laga dareemayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Amniga Muqdisho ayaa waxaa haatan iska kaashanayaa Ciidamada Booliska, kuwa NISA iyo Polizia Militare oo inta bada la geeyay xaafadaha caasimada iyo duleedkeeda.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Siciid Deni oo ku gacan sayray go’aankii Isimada iyo guddiga xalinta oo kala jabay

0

Sabdi Dec:-31-2023-{HMC} Madaxweyne Siciid Deni oo ku gacan sayray go’aankii Isimada iyo guddiga xalinta oo kala jabay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Jadwalka cusub ee Ciyaaraha dowlad goboleedyada & Gobolka Banaadir oo la shaaciye

0

Sabdi Dec:-31-2023-{HMC} Jadwalka cusub ee Ciyaaraha dowlad goboleedyada & Gobolka Banaadir oo la shaaciye

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Danjire Ahmed Isse Awad oo shacabka Puntland ugu baaqay in ay qaataan doorkooda ku aadan doorashada

0

Sabdi Dec:-31-2023-{HMC} Danjire Ahmed Isse Awad oo shacabka Puntland ugu baaqay in ay qaataan doorkooda ku aadan doorashada

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} SCC khatumo oo mar kle war ka soo Saartay Dooroshoyinka Puntland

0

Sabdi Dec:-31-2023-{HMC} SCC khatumo oo mar kle war ka soo Saartay Dooroshoyinka Puntland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA