Home Blog Page 3012

Weriye ka mid noqday dadka maanta lagu laayay Gaza

Suxufiga warbaahinta Al-Quds Jabd Abu Hadros iyo lix ka mid ah xubnaha qoyskiisa ayaa lagu dilay duqeyn ay geysteen ciidamada Israel oo lagu beegsaday gurigiisa oo ku yaalla xerada Qaxootiga Nuntarat ee Gaza.

Duqeyntaas ayaa waxaa sidoo kale ku naf waayey dad kale oo fara badan

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Israel ay ku duqeeyeen xerada qaxootiga Jabalia ee waqooyiga Gaza.

Ciidamada Israel ayaa isku dayay inay la wareegaan Jabalia, laakiin waxay wajahayaan iska caabin adag oo kaga imaenysa dagaalyahanada Falastiin.

Weriye ka tirsan al Jazeera ayaa xaqiijiyay in ciidamada Israel ay rasaas culus ka ridayaan koonfurta Gaza.

Sida laga soo xigtay Xafiiska Warbaahinta Dowlada ee Gaza, wadarta 106 suxufi ayaa lagu dilay Gaza ilaa bilowgii dagaalka.

Sidoo kale illaa 100 qof ayaa la soo sheegaya iney ku dhinteen duqeyma Israel 24kii saac ee la soo dhaafay.

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegay in weerarada Israel ay dileen 21,672 Falastiin, halka 56,165 qof ay ku dhaawacmeen Gaza ilaa October 7.

Dhinaca kale, Wasaaradda arrimaha dibedda ee Falastiin ayaa soo dhaweysay kiiska dacwada ee Koonfur Afrika geysay maxkamada dembiyada dagaalka kaasoo ka dhan ah Israa’iil, kuna eedeynaya iney xasuuq ka wado Gaza.

Wasiir is-casilay kadib markii laga duubay muuqaal sir ah

Sabdi Dec:-30-2023-{HMC} Wasiirkii arrimaha dibadda ee Zambia, Stanley Kakubo, ayaa shaqada ka tagay ka dib markii lagu eedeeyay in laga duubay muuqaal isagoo helaya tiro lacag ah oo uu ka helay ganacsade Shiinees ah.

 

Taa baddalkeeda, Mr Kakubo ayaa sheegay in uu la kulmayo “dacwooyin xaasidnimo ah oo ku saabsan wax kala beddelasho ganacsi” iskuna casilay si aysan dowladdu “ku mashquulin” muranka.

 

Muqaalka ayaa muujinaya labo nin oo miis ag fadhiya oo tirinaya lacagta sida wanaagsan loo soo ururiyay, oo isugu jirta Doolarka Maraykanka iyo Kwacha Zambian.

 

Wajiyadooda ma muuqdo, balse waxay keentay hadal heyn waali ah oo baraha bulshada lagu baahiyay oo ku saabsan in ragga la qabtay ay kala yihiin Mr Kakubo iyo ganacsade Shiinees ah.

 

Dadka qaar ayaa su’aal ka keenay sababta bankiga loo wareejin waayay lacagtan cadaanka ah ee tiradda badan iyo in canshuur la bixiyay kadib wax kala iibsiga.

 

Sawirro aan la xaqiijin oo ah qoraallo gacan-ku-qoran isla markaana ay ku saxiixan yihiin labadda dhinac magacyadooda ayaa sidoo kale ka soo muuqday baraha bulshada.

 

Mid ka mid ah wuxuu sheegay in $100,000 ay “kala badasheen” shirkad Zambian ah iyo shirkad Shiinaha ah oo macdanta ka shaqeysa. Mid kale, oo ku taariikhaysan 8 Luulyo 2022, ayaa sheegay wadarta guud ee $200,000.

FAAH-FAAHIN: Dil iyo dhaawac ka dhacay madaalada muqdisho.

Waxaa galabta degmada Dayniile, gaar ahaan halka loo yaqaan Masaajidka Xaawo Ganey ka dhacay dil iyo dhaawac ay isku geesteen labo nin oo dhallinyaro ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada nin isla dhaceyn toorey, waxaana la sheegay in raggan oo saaxiibo ahaa uu soo kala dhax galay khilaaf sababay in ay istooreeyaan.

Labada nin ayaa la soo sheegayaa inuu midkood geeriyooday, kan kalena dhaawacmay.

Ninka geeriyooday ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi, halka kan dhaawaca ah oo goobta ka baxsaday magaciisa lagu sheegay Shiine Abow, booliiska ayaana baadi-goob ugu jira gacanku dhiiglaha..

Laamaha amniga degaanka ayaan weli ka hadlin dhacdadan oo illaa caawa si weyn looga hadal hayo magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada dayniile.

Waxaa dib loo jadwaleeyay tartanka Ciyaaraha dowlad goboleedyada & Gobolka Banaadir

Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Cayaaraha XJFS iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa soo saaray jadwalka cusub ee tartanka ciyaaraha dowlad goboleesdyada iyo gobolka Banaadir

Tartankan oo shalay uu furay Raisul wasaaraha dalka ayaa waxaa dib u dhac uu ku yimid dhowr maalmood oo ka mid ah jadwalkii markii hore la qorsheeyey sababo an la shaacin awgood

JADWALKA CUSUB

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 30/12/2023

Sabti December-30-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Mohamed ibraahim Ahmed

Farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Waqtiga la qaadayo dhagaxaanta ku xirin wadooyinka Magaalada Muqdisho oo La shaaciyay

0

Sabdi Dec:-30-2023-{HMC} Ra iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkaan kaga dhawaaqay kulan lagu soo bandhigayay horumarka iyo guulaha laga gaaray amniga guud ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kaasoo ay soo qabanqaabiyeen maamulka gobolka Banaadir, islamarkaana ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, saraakiil ciidan, madaxda gobolka Banaadir, culimada, odayaasha dhaqanka iyo haween.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada As kula dagaalamaya koofurta gobolka Mudug oo manta la gaarsiiyey taakulo dhiirri galin ah

0

Sabdi Dec:-30-2023-{HMC} Ciidamada As kula dagaalamaya koofurta gobolka Mudug oo manta la gaarsiiyey taakulo dhiirri galin ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka.

0

Sabdi Dec:-30-2023-{HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka SSC Khaatumo oo Qoroneyso Ciidamo Cusub

0

Sabdi Dec:-30-2023-{HMC} Maamulka Cusub ee SSC Khaatumo oo Qoroneyso Ciidamo Cusub sida uu Shaaciyay Hogaamiyaha Maamulkaas Cabdulqaadir Ow cali Firdhiye.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Xukuumadda danqaran oo ku dhawaaqday arrin farxad leh oo la sameynayo sanadka cusub.

0

Sabti Dec:-30-2023-{HMC} Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo maanta ka qayb-galay kulan looga hadlayay amniga caasimada ayaa ku dhowaaqay war farxad geliyey dhammaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday in bilowga sanadka cusub ee 2024-ka la qaadi doono dhagxaanta lagu jaray waddooyinka muhiimka ee ku yaalla waddooyinka caasimada, maadaama uu isbeddel weyn oo amni uu haatan ka jiro magaalada Muqdisho.

“Waxaan sugeynaa sidaan ku heshiinay, haddii ay bishaan dhammaato in la qaado dhagxaanta lagu gooyay waddooyinka caasimada” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.
Sidoo kale wuxuu sheegay in marka hore dhagxaanta laga qaadi doono degmooyinka hadda lagu guuleystay in la sugo amnigooda, kuwa kale lagu sii xijin doono.

“Inta la sugay amnigooda oo la’isku halleyn karo dhammaantood waa in lagaa qaadaa dhagxaanta, waana in wayn” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Foolxumo ayay ku yihiin magaalada shacabka waa ka sheegteen, annaga xittaa waan ka sheeganay shido waayay”.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladnimadu aysan horumar sameyn karin haddii aan amniga la xaqiijin, wuxuuna farriin u diray ciidamada ammaanka.

Sidoo kale wuxuu kusii daray in Xukuumadda DanQaran ay sameysay shuruuc muhiim u ah amniga caasimadda, taas oo qeyb weyn ka qaadatay isbeddelka amniga ee Muqdisho.
Ugu dambeyn wuxuu ku ammaanay hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir dadaalka iyo wada-shaqeynta dhexdooda ah, maadaama uu keenay guul weyn.